SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


DENMARK IYO DURISTA RASUULKA S.C.W.

MAXAA MUSLINOW KULA GUDBOON?

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Isniin:  Feb 13, 2006




Waxaa maanta horyaalla Muslimiinta dunida oo idil imitixaan adag, kadib markii si anshax darro ah loo aflagaadeeyey Nabi Maxamed C.S.W.  Danbigaas waxaa madaxa u ritay Jornaallo dhawr ah oo R/Galbeed ah, waxaana fitnada bilaabay mid kasoo baxa dalkaas Denmark, markii hore waxay xaaladu ku bilaabatay sawir gacmeed aad u fool-xun oo Rasuulka lagu caayayo, taasi waxay ka caraysiisay Muslimiinta ku nool Denmark, kuwaasoo u istaagay iney safarro dhawr ah u galaan dunida islaamka, si’ay Culimada Muslimiinta ugu sharxaan xaalada dhabta ah ee jirta.

Hadaanu nahay umada ku abtirsata Islaamka, waxaa nala gaarsiiyey heerkii ugu liitay oo qof noola ah loola dhaqmo. Waxaan soo marnay in la dumiyo khilaafadii Islaamiga ahayd ee dunida u talin-jirtay. Waxaa la gumaystay dunida Islaamka oo idil, iyadoo si fooshaxun loogumaystay. Taariikhdaas dheer hadaanba ka soo tago, hadeer oo aan joogno waxaa lagumaystaa Ciraaq iyo Afgaanistaa, waxaa nolol aduunyo looga dhaartay Shacabka R/Falastiin. Intaas waxaa dheer hagar-daamooyinka aan kala joogsi lahayn ee ay R/Galbeedku la damacsanyihiin Muslimiinta oo idil.

Musxafka Quraanka ayey ahayd markii Xabsiga Goontanaama lagu wasakheeyey, oo qaar kamid ahi askarta Maraykanka ay isaga tireen saxarada. SUBXAANALLAAH. Waxaad lasocotaan in koox Yahooda Maraykanka ah ay qoreen buug ay dhaheen waa Kitaab Quraan ah, iyagoo Aayadaha Quraanka ah intay soo qaateen ku ag alifay wax ay u ekeysiinayaan ayadahaas, nasiib darro Buugaas oo daabacan waxaa lagu arkay wadanka Kuwayd. Jenan kamid ah Ciidamada Maraykanka waa kii sanad sii horeeyey ku khudbeeyey in Muslimiintu ay Shaydaan caabudaan, taasoo uu Wasiirkii Gaashin-dhigga Maraykanka ku andocooday inay tahay arin ninkaas kaliya ku gaar ah.

Hadaan damco inaan tusaalooyin bixiyo waxay gaari kartaa in buug laga qoro, laakiin intaas aan soo sheegnay iyo kuwa lamid ah, waxaad ka fahmi kartaa qaabka ay u dhaqmayaan R/Galbeedka, dowlad ahaan iyo shacab ahaanba.

Markii nala sahansaday ayaa loo soo gudbay Muqadasaadkii Muslimiinta oo dhan, hadeer waxay maraysaa in warbaahinta Yurub ay isugu hiilinayaan sidii ay u qab-jabin lahaayeen Muslimiinta, waxay ku talageen iney kiciyaan damiirka shucuub tiro badan oo dunida ku nool

Haddii aan rabno inaan u gargaaro Nabi Maxamed S.C.W. waa inaan ku dhaqaaqnaa talaabo kasto oo aan ku muujin karno inaan u hiilineyno Rasuulkeenna Suuban S.C.W.  hadday tahay in la mudaaharaado, haday tahay in la joojiyo iibsiga badeecadaha ay soo saaraan wadamaas ku kacay falkaas foosha xun.

Qofkasta oo Muslim ah waxaa maanta saaran waajib shakhsi ah, oo ah, inaad muujiso sidii aad u difaaci lahayd Rasuulka S.C.W. taasoo ay ugu horeyso inaad adigu si fiican u barato siiradii Rasuulka S.C.W. aadna u diyaar garowdi sidii aad naftaada ugu huri-lahay ilaalinta iyo dhawrista sharafta Nabiga S.C.W. waana waajib muqadas ah oo qofkasta saaran.

Waxaad ogaataa difaaca Nabiga S.C.W iyo jacaylkiisa inay ka horeyso naftaada, tan ehelkaada, iyo wax kasta oo kale. Muslimiinta ku nool wadamada gaalada waxaa iyagana saaran waajibaad kasii badan inta saaran kuwa dalalka islaamka jooga, waayo meesha dhibta ka dhacday ninkii jooga isaga ayaa la rabaa inuu si wacan u muujiyo qiimaha ay Muslimiintu leeyihiin.

Tanoo kale hadal badan u baaahna, waxay u baahantahay ficil muuqda oo u noqda kuwa falkaas ku kacay cashar lama ilaawaan ah, culayska ay hada dareemayaan, iyo kicitaanka shucuubta Islaamka, waa in lasii wadaa, lana qaadaa ficillo wax tar leh oo intaas kasii badan, si ay R/Galbeedku u dareemaan in Muslimiintu ay umad ahaan u noolyihiin, ayna ogaadaan hadii Madaxda Muslimku ay daba-dhilif noqdeen, in umadu aysan ahayn kuwo danaha gaalada u nugul.

Adiga ayey kuu taal falkii aad ku dhaqaaqi lahayd si aad Rasuulka u daafaco, dabcan adigoo la tashanayo dadka wax garadka ah ee kula jooga, iyo culimada Muslimiinta ee aad lanooshahay. 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@gmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Feb 13, 2006

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD