SOOMAALIDA IYO GUDASHADA
XAJKA.
![](fahad2.jpg)
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Isniin:
Jan 30, 2006
Waxaa ilaahay mahadiis ah
inaan dhamaysanay gudashadii Xajka, waxaana ilaahay ka tuugayaa inuu naga aqbalo
Xajkan annaga iyo Muslimiintii soo aadayba.
Qoraalkan waxaan qoray aniga
oo haya jidka dheer ee u dhaxeeya Makka iyo Madiina, waa socdaal saamayn ku leh
qof kasta oo Muslim ah oo jidkaan soo qaaday, hadeer dooni maayo inaan taas ka
warramo, waayo waa sheeko qurxan, macaan badan, cibro weyn ku fadhida, sidaas
awgeed aan kuugu dib dhigo qoraalada soo socda, aanse kaaga sheekeeyo, umada aan
ku abtirsano iyo sida ay Xajkan ku ahayeen.
Waxaan faalladan u kala
saaraynaa sheegista tilmaamaha wanaagsan ee aan dhihi karo, wey kaga duwanyihiin
dadyowga kale, kadibna waxaan taxaynaa eedaha aan usoo jeedineyno Soomaalida,
anagoo ku magacaabi-doona toos-toosin.
AMMAAN.
1. TIRO BADNI.
Waxaa la qiyaasay tirada guud
ee ka soo xajisay Soomaaliya iney ku dhawdahay ilaa 6000.( lix kun) oo ruux,
intaasi waa kuwa Soomaaliya sida tooska ah uga soo duulay.
Dunida oo dhan waayarayd
inaad aragto wadan uusan qof Soomaali ahi ka soo aadin xajka. Dalka Kenya
Muslimiinta ka soo aaday waxaa tirada ugu badan ahaa Soomaalida. Yurub, Maraykan,
Ustaraaliya, iyo wadamada badan oo Carab ah. Inkastoo aanan lahaynin tiro guud
oo ku dhisan tirakoob sax ah, hadana waxaa lagu qiyaasi karaa Soomaalida dunida
oo dhan ka timid ineysan kayarayn ilaa 15000. ( Shan iyo toban kun) oo qof.
1.
DHALINYARO
MIIRAN.
Muuqaallada ay Soomaalidu la
gaarka-tahay waxaa ugu muhimsan da’da soo xajineysa oo dhalinyaro u badan, marka
la is barbar dhigo odayaasha ama dhalinyarada waxaa ku badan da’da yar-yar,
waliba tilmaan-taas waxay aad uga muuqaneysa kuwooda ka soo xajiyey wadamada R/Galbeedka.
Muslimiinta kale ee soo xajisay kolka aad eegto, waxaa ku badan waayeelka iyo
dadka da’da ah, waa yartahay inay kuu muuqato tiro soo jiidasho leh sida
Soomaalida oo dhalinyaro ah.
2.
CULIMO
BADNI.
Waxaa aad kuu soo jiidanaya
sida Culimada Soomaaliyeed ay uga soo qayb-galeen xajka, iyagoo waliba sanad
walba ay yimaadaan qaarkood, waxaa yar magaalo Soomaaliyeed oo uusan sheekh
magac lihi ka socon. Waxaad kaloo arkaysaa Soomaalida dibadaha jooga oo koox
waliba uu lasocdo sheekh hogaaminaya, ha’ahaado mid wadankoodii kala yimid, ama
sheekh ay Soomaaliya uga yeerteen, taasi waxay qayb ka qaadatay in laga
faa’iidaysto culimadaas, oo ay muxaadarooyin iyo kulamo muhim ah ay ka dhacaan
halkaas. Arintan waxay kamid tahay muuqaalada wanaagsan ee aan dhihi karo
Soomaalida waa u gaar.
TOOS TOOSIN.
Sida ay Soomaalidu meelaha
qaar ugu ammaanan-yihiin ayey hadnaa arimo kale ku liitaan, waxaana kamid ah.
1.
DUMAR
YARAAN.
Waxaa aad kuugu muuqanaya
Xujayda Soomaalida iney ku yaryihiin dumarka, oo ay u badan-yihiin ragga, halka
umadaha kale aad ka’arkayso in dumarku ay aad ugu badan-yihiin Xujayda.
Waxaa si gooni ah loogu
eedeyn-karaa ragga Soomaalida iney xoogga saaraan sidii ay kaligood usoo
xajin-lahaayeen, iyagoo ka soo tagaya dumarka ay hogaanka u hayaan, waliba
waxaad arkaysaa nin dhawr jeer soo xajiyay oo aan marnaba keenin xaaskiisa,
hooyadiis, walaalihiis. Waxaa gooni in loo xuso mudan, umadaha kale waxaa ku
badan in nin waliba uu xaaskiiska gacanta haysto, laakiin Soomaalida unbaad ku
arki nin kaligiis soconaya, oo aan xaaskiisii gacanta wadin, taas waa astaan aan
qurxanayn, ayna haboon-tahay in raggu ay hablaha u dhaxaa ay usoo wadaan Xajka,
waxayna culimada sheegaan qoyskii soo wada xajiya, ineysan inta badan kala tagin.
2.
CIBAADO
YARAAN.
Taas waxaan ula jeedaa, kolka
aad gasho teen-dheeyinka ay dadyowga kale dagan-yihiin, waxaad arkaysaa raad
cibaado oo aad u xoog badan, sida quraan akhriska, salaad sunno ah oo tira badan,
is khushuucin xad dhaaf ah, laakiin kolka aad booqato goobaha Soomaalida waxaa
arkaysaa nolol taas ka duwan, malaha waxaa u sabab ah qalbi adayga loogu xanto
bulsho ahaan.
Taasi waxaa lagama-maarmaan
ah in lagu baraarujiyo, lana xusuusiyo in kolka lasoo aado Gurga ilaahay iney ka
duwantahay noloshii hore oo idil.
3.
FADHI-KU-DIRIR.
Waan ka xumahay inaan
cinwaankaas siiyo xujayda Soomaalida, laakiin waa dhacdo run ah, oo ay khasab
tahay in laga waaniyo.
Goorta aad booqato goobaha ay
daganyihiin, waxaad isleedahay waxaad joogtaa suuq, qaylada, muranka, hadalada
kaftan siyaasadeedka, iyo wax lamid ah. Waxaa ceeb weyn ah in qofkii oo cibaado
usoo safray in uusan misana dhawrkan maalmood ka nasanin dhaqankiisii uu sanadka
oo dhan waday.
Sidaas awgeed waxaad arkaysaa
Xujayda Soomaalida qaarkood oo guryo gaar ah dagaya, kolka teen-dhooyinka
latagana ka fogaanaya halka ay Soomaalida dagan-tahay, iyagoo ka cararaya
sheekada aan macnaha lahayn ee ay caadaysteen. Hadaba hadii aad go’aan-sato
inaad soo Xajido, ku soo talagal inaad ka go’do wixii aan cibaadada xiriir
lalahayn, aadna ku koobnaato xuska ilaahay, iyo isu dullaynta rabigaa.
|