SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
Dr. DHAAN-WADE
MAXKAMADAHA ISLAAMIGU ..MA ISLAAM BAA???- Qaybtii 2aad-
SOMALIDA IYO ISLAAMKA.

Bismi-llaahi.

Si uu u la socdo qofkii ay dhaaftay, Qaybtii hore ee cunwaankan xambaarsanayd, waxaan ku iftiimiyay Nidaamka islaamka ee Eebe u dejiyay Maamulka arladan aynno ku noolahay, innaga oo Banii- Aadam ah iyo khalqi kale oo badan, oo qaarna aynnu naqaan, qaarna aynaan aqoonin, oo iyaguna nala askuma ama nala deggen dunida.

Waxaan soo sheegnay in Nidaamkaasi ka tarjamayo hanaanka KHILAAFADDA Arlada, ee Alle u xilsaaray Nabi Aadan scs iyo duriyaddiisa.

Waxaan qeexay in uu Nidaamkaas mmaamulku ku caddyihiin sidii loo gudan lahaa muhimadda ( amaanada ) loo xilsaaray Aadamaha oo saamaynaysa seddex waji oo waa-wayn oo kala ah:

  • 1-   Caabudidaa Allaha waaxidka ah.
  • 2-   Cammiraadda dhulka iyo hormarinta kaabayaasha nolosha.
  • 3-   Ka dhawridda arlada Fasahaadka iyo kharibaadda.

Waxaan soo xusay in khilaafadddaas  ama hab-maamulkaa Qawaaniinta iyo shuruucda xaqiijinnaysa maslaxadda makhluuqaatka uu Alle u soo dhiibo Nabiyo laga soo xulay dadka, oo  is-daba jooga laga soo billaabo Nabi Aadan scs  ilaa laga soo gaaray suubane Nabi  Moxamed SCS.

Diinta Nabigeenna loo soo dhiibay waxay  kaga timaamantahay kuwii ka horeeyay:

1-   Waa mid caalami ah oo daboolaysa makhlooqaadka Arlada oo dhan , dadka,  Jinniga iyo Xayawaanka .( wa maa Arsalnaaka illa raxmatan lil-caalamiin).

2-   Waa mid daboolaysa Arlada oo dhaan. Oo kuma eka mandiqadd gaar ah. Haddan si kale u dhigo, waxay ku wajahantahay Jograafi ahaan Arlada gabi ahaanteed, Bari, Galbeed, Koonfur, Waqooyi, Badd iyo bare.

3-   Waa mid daboolaysa Waqtida ( Zaman )  oo dhan. Tan oo loo la  jeedo in ay u suubato waqti kasta. Laga soo billaabo Casrigii Nabiga SCS ilaa maanlinta dhulka la duubayo oo ah Qiyaamaha.

4-    Waa mid xambaarsan, Nuxurkii diinihii ka horeeyay oo dhan. Oo qawaaniintii iyo akhlaaqdii kuwaa ku jiray ayay wadataa. Oo waxaa la oran kara waa KHULAASADII diiimihii oo dhan,

5-   Waa mid daboolaysa bahida QOFKA iyo MUJTAMACABA. Maa daama ay ku xaqiijinhayso Qawaaniinta iyo sharciyada Eebe ee sugaya Maslxadda khaaska ah iyo tan caamka ah. Ama diin iyo dawladd. 

Waxaan si faah-faahsan ugu hadlay macnaha khilfdda arlada oo u dhiganta waxa hadda loo yaqaan DAWLADD. Waxaan soo sharxay in Risaalada diinta Islaamka oo ah tii ugu danbaysay Nidaam Eebe u soo dejiyo arlada ay Xambaarsan tahay Qawaaniintta ( shreeco) lagu maamulayo Dawladda Islaamka . Qawaaniintaas oo u kala baxa:

  • 1-   Cibaadaat.( qof-qof )
  • 2-   Mucaamalaat.( Macaamulka bulshada ).
  • 3-   Xuduud. ( Ilaalinta Dadka iyo Dalka).

Waxaan Qeexaay in nidaamka  Islaanku uu leeyahay laba dhinac oo haddana isku hal ah, oo is-buuxiya lana kala saari karin, labadaas dhinac oo kala ah DIIN iyo DAWLADD. Waxaan  soo dul-maray              dawladdii Islaamka ee ugu horaysay ee Nabigeennii SCS ka dhisay Madiina Al-Munawara maalintii uu galay magaaladaas, isaga oo ka soo haajiray Makka, maalintaas oo ku aaddanayd 22 Sep. 622 kii tirsiga Miilaadiga.

Waxaan soo sheegay sida ay KHLAFADII raashidiinta ahaa Halkii ugu sii amba-qaadeen Dawladdii Islaamka iyo kuwii ka banbeeyay ee Amawiyiintii, Cabbaasiyiintii, Faddimiyiintii iyo Cusmaaniyiintii. Markii dagaal-waynihii kawaad ee Adduunka. La baabi’iyay khilafaddii Islamka, kaddibna  Caalamka Islaamku badidiis uu galay gacanta GUMAYSIGA reer Galbeedka, Halgan ka bacdina ay dhashayn dawladu casri ah oo ah kuwa  hadda ka jira meelaha DADKA MUSLINKA ah ka degganyiihii arlada, 

Qormada maanta waxaay ku eegayaa Somali iyo Islaamka, halka ay jograafi ahaan iyo taariikh ahaan kaga jirto dunida muslinka ah iyo saamiga ay ku biirisay ama ay ka qaadatay Xaddaaradda hudanka ah ee Islaamka.   Waana tan : 

SOMALIDA IYO ISLAAMKA. 

Dad badani Waxay qabaan in maadaa ay Daka Somalidu yihiin Gabi-ahaantoodba Muslimiin, in ay arinto halkaa ku af-jarantay, oo aysan jirin wax laga hadlo oo dhankaas ah. Laakiin haddan aragtidaas gaaban dhinac isaga riixno , waxaan oran karnaa: Inkasta oo Dadku wada muslim yihiin, misna mandiqadd walba, gobol waliba iyo shacbi waliba, wuxuu Leeyahay waxa lagu magacaabo KHUSUUSIYAAD u gaarah.

 Khusuusiyaadkaas waxaa abuura duruufaha Jograafiga iyo taariikhiga ah ee Mandiqadda iyo dadkeeda khaas ahaan u leeyihiin.

Somali  (Waxaan uga jeedaa jinsi ahaan) iyo Islaam haddan soo qaadno, waxaa innoo muuqanaysa khusuusiyaadka u gaar ah, oo ay kaga duwantahay dalalka iyo shucuubta muslimka ah ee kale, waxaan ka mid ah kuwa ugu muuqaal wayn:  

1- JOGRAAFI AHAAN:

Dhulka Somalidu degto wuxuu dhacaa Geeska Africa, oo ah jogaraafi ahaan meel CIRIF ah oo Guloc ah oo  ka leexsan obucda Caalamka Islaamka iyo jidadka haloosiga ah ee isku xiraa xurumahiisa  iyo Caasimadihiisa waa-wayn. 

Dawladdii Islaamka ee Nabigeenii  SCS ka asaasay Madiina Al-Munawara Waxay ku fidday Calamkii xadaaradda lahaa ee waagaas la yiqiinay. Waxay ku fidday xagga BARI waddamadii hoos  imaanayay Impiraaddooriyaddii FAARIS, Xagga Waqooyi iyo Galbeedna waxay ku fidday waddamadii hoos imaanayay Impraddooriyaddii ROOMAANKA. 

Labadaas Impiraaddooryadd ayaa ahaa labadii quwadood ee ugu xoog wayna (Supper Pawers) Addunka berigaas.

Dawladda Islaamku waxay –waqtiyo is-daba jooga- ku fidday Ciraaq, Shaam, Masar, iyo Ifriiqiyah ( waana Asalka erayga Afrika) oo loo yiqiin waagaas dalalka Hadda loo yaqaan Waqooyiga Africa ama Al-Maqrib, halkaas oo looga sii tallaabay  Europ ama ANDALUS (Spain)

Xagga bari waxay ku fidday Iraan, Asia-dhexe, India iyo Kufurta Shiinaha, ama sida lagu magacaabi jiray labada Webe gadaashooda. Waa webiyada kala ah SIIXUUN iyo JIIXUUN oo hadda xuduuda u ah Shiina iyo Jamhuuriyadaha Asia-dhexe ee Sofyeetka ahaan jiray ( Centraral Asia). 

Dawladaa Islaamku waxay hantiday Caalamkii waagaa macruufka ahaa iyo xarumihii ganacsiga ee waa-wayna sida; DIMISHQI, Al-QUDDUS, ISKANDARIA, FAAS, QAYRAWAAN IYO QURDUBA.iwm. Xagga kale Waxay hantiday KHURAASAAN, SHIIRAAZ, TIBRIIS, BUKHAARA, SAMAR-QAND, DASHQAND, KAABUL, KARACHI, BOMBAY, DALHI,  iyo ILAA JAZIIRADAHA AL-MALAAYO  IYO  JAAWA iyo kuwo kala oo badan.. 

 Ciidanka, ganacsiga, aqoonta iyo Farsamada ayaa isaga gooshayay xarumahaas oo dhiddibada u Aasay Xaddaarad iyo Ilbaxmio aad u saraysa, oo gaarsiisay Aadamaha hor’umar dhinac walba leh. Kaas oo  saldhigg u noqday Xaddaaradda Casrig ah ee dunidu maanta ku naalloonayso.

Haddaba waxay is-waydiin leh, xaggee bay kaga jirtay Somalidu, geeddi-socodkaa Dawladdaas Islaamka ee soo taxnayd muddo 15 qarni ah? Jawaabto waa MEELLA. Sababtona waa mesha ay jograafi ahaan dhacdo oo ah CIRIFKA Caalamka Islaamka, oo ka fog xarumaha xukunka , cilmiga, Ganacsiga. iyo Jidadka Is-gaarsiinta ee xarumahaas. 

2-   WAA DAD BIDAA’I AH: 

Dadka Somaliyeed, waa dad u badnaa -welina u badan-  reer guuraa xoolo-dhaqata ah. Reer-guuraagana waxaa lagu sifeeyaa in ay yihiin dad bidaa’i ah ( primitive) oo ah marxaladda ku xigta Uggarsiga, waxayna ku nool yihiin caanaha xoolaha iyo hilibkooda. 

Dawladdii Islaamku, marka diyaar uma ahayn in ay Ciidamo ay ka soo abaabusho JAZIIRADDA-CARABTA - oo dadkeedo XOOla dhaqato ahaayeen- oo ay u soo dirto Xoolo-dhaqato kale oo meel cirif ah ku nool. Sababta oo ah waxay higsanhaysay RAAD dawladu hore oo lahaa quwadd iyo xadaaradd saamayn ku leh dunida. Waxaan u jeedaa Dawladdii Islaamku waxay xambaarsanayd Mabaadi’i, xaddaarad, iyo risaaladd ay ku hormariso Il-baxnimo caalami ah. Sidaas ayayna u soo daymoonin dhanican Baadiyaha Geeska.

Way jirtaa in qarniyadii 16-19kii ay Dawladdii Cumaaniyeento (Masqat) ku fidiyeen Salddanodooda Xeebaha Bariga Africa oo ay jasiiradda Zinzibaar Xarun u ahayd, laakiin Xataa taas Somalida ma gaarin oo Waxay ku ekayd Magaalooyinka  xeebaha sida Caddale, War-sheekh, Muqdisku, Marka, Baraawe iyo Kismaayo.

Waxaayna ahaayeen Magaalooyin dayd ku xiran, oo aan loo ogolayn Somalida Badiyaha ka timaadda. 

3- WAA MEEL FAQIIR AH:

Mar hadday bulshadu tahay mid reer Guuraa ( Nomad) ah, laga ma  filo hanti ballaaran, oo Dawladi u soo xilato. Siddaas baysan u helin Somalidu fursaddii  ay helayn Reer baadiyihii Carabta ahaa, ee la kawsaday Dawladdii Islaamka. kuwaas oo ku milmay badankood, Shucuubtii Islaamku Dalalkooda  furay. Carbtaas oon dib-danbe aan u soo jalleecin baadiyahoodii Jiziiradda Carabta iyo Saxradii ay ka soo bilaabeen fiddinta Risaalada Islaamka. Balse waxay degayn dalalkii barwaaqada ahaa ee la furtay ee Ciraaq, Shaam,Masar...iwm. 

4-WAA DAD CAJAM AH:

 Cajamka waxaa loo yaqaanaa wixii aan Carab ahayn asla ahaan ama aan  Islaamku carabaynin inkasta oo ay Cajam u dhashayn markoodii hore.

Dalalkii Islaamku furay shucuubtoodii si dhakhsa ah ayay ula qabsadeen Islaanimadii, Waxay ka waaraabeen diintii iyo dhaqankii, waxay barteen Af-Carabigii kaddibna ka badiyeen kuwii u dhashay.

Waxaa la xusuusan yahay, Imaamyadii xaddiiska ee BUKHAARI, MUSLIM, TIRMIDI, NISAA’I....IWM inay ahaaeen Cajamkii caraboobay.

Waxaa taas ka sii cajab badan in hormuudyadii luqada Carabiga iyo kuwii  QAWAACIDKA u dajiyay sida SIIBA-WAYHI, IBNU JINNI IYO ZAMAKH-SHARI in iyaguna ka soo jeedeen asal ahaan dadkii Cajamka ahaa.

Somalidu ma helin fursadd ay ku caraboobaan, oo waxay ilaa hadda baaqi ku yihiin Cajamnimadoodii.

Tanna waa arin nuqsaan wayn ku ah fahamkooda Nidaanka Islaamiga, oo Usuul iyo Furuucba  ku qoran Afka Caribiga. 

      Cawaamilkaas (factors) aan kur ku soo taxay ayaa ka dhigay mandiqaddan mid ka gaabisay dunida Islaamka inteeda badan, marka laga fiiriyo dhinacyada kala geddisan ee dhaqn-dhaqaalahaa nolosha bulshada , taas oo ka dhigtay mid ka qadday dhaxalkii xaddaradda Islaamka ama ugu yaraan qaybo muhim ah oo dhaxalkaas ah.

Waxaan si kooban u dulmarayaa kuwa ugu muhimsan ee si caadi ah loo wada fahmi karo, ama si caddaan ah ugu muuqan kara qof kasta oo u dhabba-galaha arimaha Somalida .Waa kuwaan: 

1- NIDAAM DAWLADEED MA SOO GAARIN:

Dawladihii Islaamka ee kala danbeeyay midina indhaheeda kuma soo Jalleecin dhinacan. Sababihii aan kur ku soo xusay awgood. Taarikhdaas taxan ee gaarraysa 1500 sano marna la iskuma hawlin in la soo gaarsiiyo awood Dawladeed Caradan

Taasi Waxay Nattijadeedii noqotay in dadkani ka qadaan Xukunka Islaamiga iyo caaddaladdiisii dunida camimtay. 

Waxay ka qadday Nidaamkii Ismaaka ee isugu jiray DIIN iyo DAWLADD, oo qaybtii Dawladdnimada aysan dha-dhamin.

Sida aan maqaallo hore ku xusay, waxaa jiray xeebaha Dawladu yaryar, oo aan awoodoodu marna gaarin gudaha (inland). .Kuwaasna waxaa dhisay Dad ka yimid Arabia iyo Faaris. 

Waxaa xiiqiiqo  sugan ah in Dadkaani aysan waliguudba soo marin XUKUN IYO MAXKAMADD ISLAAMI AH, maa daama Dawladdii Islaamkuba cagba soo dhigin .Waxaan dhihi karna  waxaa  maqan fikirka iyo dhaqanka nidaamkii Islaamka ee Eebe u soo dejiyay khilaafada arlada qayb muhim ah oo laga-ma maarmaan u ah nolosha makhluuqaadka ku nool dhulka. 

Annugu ma arag mana maqal qof Somali ah oo u soo taagnaa goob lagu fulinayo xadd ka mida xuduudda Eebe, Sababtona waa mid iska cad. Oo Xuduudku ( Xeerka Ciqaabta Islaamiga ah ) waxay ka mid tahay qaybaha Shareecadda ee khaaska u ah awladda. Hadday Dawladdiiba maqan tahay iyaduna waa in ay maqnaataa. 

2- CADAAWAD DAWLADEED: 

  Geeskaan waxaa ugu soo horeeyay awood Dawladeed oo si buuxda u hanata dhulka Dawladihii Isticmaarka ee Ingriiska, Talyaaniga. Faransiiska iyo Xabashida

Dawladahaas Isticmaarku Dalka xoog bay ku qabsadeen, cadaadisna way ku xukumeen. Halkaana waxaa ka dhalatay CADAAWADD aan xad lahayn oo u dhaxaysa Somalida guud ahaan iyo shayga Dawladd lagu magacaabo. Waxaan shaki lahayn in dareenkaasi qayb ka qaadanayo wadciga maanta jira. Waase mawduuc kale oo aynaan hadda ku sii dheeraan karin. 

3-   AQOON- YARE: 

   Diinta Islaamku waxay soo gaartay madiqaddan abbaartii 150-200kii Hjriyada, waana waqtigii Khilaafaddii Amawiyiinta. Inkasta uu waqtigaasi yahay mid hore, haddana Waxaa la hubaa inSomali  natiijooyinka ka dhashay Cawaamilka aan soo taxnay awgeed- ay ka qadeen, soona marin agtooda, Daadadkii  aqoonta, afkaarta iyo cilmiga, ee sida WABIYADA U QULQULAYAY caasimadihii Islaamka,

 Waxaa Af-carabi  lagu  tarjamay  Aqoontii Xadaaradihii Giriigga,   Faaris, Hindiga iyo Shiinaha  

Xadaaradahaas oo ahaa kuwo Watani ah ( Caabuda wax Alle ka baxsan) waxaa la huwiyay Afkaartii iyo Aqoontii IIMAANIGA ee Islaamku la yimidd. Asaaskaas ayay Aqoonyahannadii Muslinkuna ka sii amba-qaadeen . 

  Dadka mandiqaddan Macrifadaasi way gees-martay oo fursadd u ma helin in ay ka waraabaan aqoontaa ballaaran ee kulmisay Culuumta Diiniga iyo tan Dunyawiga ee  ka burqanaysay Casimadiha Islaamka, kuna faaftay Caalamka .

Aqoonyahannadii Islaamku, waxaay heer sare ka gaareen qaybaha cilmiga, sida Falsafadda, Falagaa, ( Astranimia) Kiimikada, Dabeecadda, Maattamaticada ( Xisaab- Handasa- al-jabraha),jografiyad, tobograafiga..iwm. Waa  aqoon sare oo haddana balaaran, waase mid aan Somali weel qaada tolanin.

5- ARAGTI KOOBAN:

Qoddabkii hore, wuxuu Sababay in Afkartii kula duwanayd ee MADAAHIBTA, MADAARISTA IYO KOOXAHA Islaamku aysan badidood soo gaarin mandiqaddaan.

Tusaale ahaan Mad-habka SHIICADA oo ah kuwa ugu qaddiimsan madaahibta Islaamka, marar badanna xukumay qaar ka mid ah Casimadaha Islaamka ilaa haddana xukuma qaarkood, kuma laha wax raad ah halkaan.

 Xataa Mad-habka ZAYDIGA oo ah midka ugu dhaw madaahibta Shiicda, Mad-habka  Ahlu-sunna , oo ahaan jiray welina ah Mad-habka Dawladda  ee YAMAN oo deriskeenna ah, ma saamaynin dalkan. Annugu ma ahi nin xagga Shiicada u xaglinayaa, waase iga tusaale kaliya. 

Haddan soo qaadanno Mad-habka Ahlo-Sunna oo looga dhaqmo mandiqaddaan, waxaad arkaysaa in uu ku qabbiranyahay Mad-habka  imaam SHAAFICI, oo ah mid oon ka mid Afarta Imaam ee ugu taabiciin badan Ahlu-sunnaha. 

Waxay ka qatanyihii dadkeenno oo CULIMADU ku jiraan  xataa GARASHADII Al Imaam-Al-Acdam ee Abuu-Xaniifa, iyo Imaamu-Daaro-Hijra ee Imaam Maalik, oo ahaa Imaamki ugu horeeyay, ee Billaabay Allifaadda Kutubta, markii uu qoray Kitaabkiisa Al-Mudda’a, isaga oo ahaa Sheekhii Imaam Shaafici, oo aan ka faaruqin ilaa Maalik Alle oofsaday. 

Halkaas waxaad ka qiyaasi karaysaa xajmiga iyo baaxadda ay leedahay Afkaarta, falsafadda, fiqiga iyo hanrtida ( Wealth) Islaamiga ah ee ka maqan dadka Somalida.

Tani waxay dhaxalsiisay ciriiri iyo xirxirnaan xagaa maskaxda ah, taas oo sababtay TACASUB iyo garawsho la’aan ra’yiga kale. 

Waan ka wada dheragsannahay, in Culimada Somalidu aysan ku lahayn sad la tilmaami karo xagga allifaadda kutubta diiniga ah iyo tan culuumta kale midna, sababihii aan soo tirinay awgeed. Maktabadaha waa-wayn markaad gasho, malaayiinta kitaab ee rasaysan, ka heli maysid kuwo Somali qurtay.

Dawrka culimadu waxuu ku koobnaa, welina ku koobanyahay, in ay waxa kuttubtaas ku qoran, ee waliba khaaska u ah Mad-habka Shaaficiga ku laqmeeyaan ( tarjamaan) Afka Somaliga.

 Run ahaan waa dawr muhim ah marka la tix-geliyo duruufaha mandiqadda, laakiin ma aha mid gaarsiisan heerarka macrifadda guud ee hanti-cilmiyeedka Ummadaha kale ee Islaamka. 

Dadka heerkaas TARJAMAADDA ka jooga Aqoonta iyo xaddaaradda Islaamiga ah,  ayaa qaar ka mid ah sheeganayaan in ay Somalia oo ku sugan bur-bur iyo Dawladd la’aan muddu ka badan 14 sano, ka hir-geliyeen MAXKAMADU ISLAAMI AH.

Sheegashadaas iyo aragtida Islaamku ka qabo, ayaa noqon doona qormadeenna danbe. Haddii Alle yiri. 

 Waa: Sheekh, Dr. Abdi Dhaan-wade. Sweden.
Email:
dhaan_wade@hotmail.com
LINK: http://www.somalitalk.com/dhaanwade/

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 5, 2005


.. Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD