SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
Dr. DHAAN-WADE

BARLMAANKA QAXOOTIGA AH  IYO ASTAAMIHIISA.

TILMAAMAHA IYO HAB-DHAQANKA GUDDOOMIYE 

Labadii qormo ee hore, waxaan ku soo qaadannay, barlamaanadii soo maray dalka. Tii kawaad waxaan ku soo dulmaray, taariikhdii uu soo maray nidaamka barlamaan ee Soomaaliya intii u dhxaysay, 1951-1969kii, Muddadaas oo uu taabo-galay nidaam barlamaan oo casri ah, oo la jaanqaaday Nidaamkii Diimoqraddiga ahaa ee ka hirgalay dalalkii ka xoroobay gumaysiga dagaal-waynihii labaad ee adduunka kaddib. Waxaan soo sheegay in nidaamkaasi saldhigyadiisa asaasiga ah ahaa  kuwii looga dhaqmayay waddamadii reer galbeedka ee ku guulaystay dagaakaas,

Waxaana tiirar u ahaa nidaankaas axsaabta tira badan oo ku tartama xukunka dalka, iyada oo loo marayo doorashooyin guug, taas oo xaqiijinaysa ku KALTANKA awoodda dalka. Oo macnaheedo yahay in aan hal qof ama hal xisbi iska haysan karin awoodda dalka muddo dheer, sida  caadada u ah nidaamyada Kali-taliska ku dhisan. 

Qormadii labaad waxaan kaga hadlay nidaamki sharci-dajinta muddadii uu kacaanku dalka maamulayay 1969-1991kii. Oo aan ku iftiimiyay habkii Golihii Sare ee Kacaanka, Xisbigii Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Golihii Shacbiga qaranka ee kuwaas ka dhashay habkii sharici-dajinta dalka marka la eego qaabka ay hay’adahaas u shaqayn jireen iyo sida Awoodihii saddexda ahaa  ugu ururayn hal Qof iyo hal Xisbi.

 Qormadaa saddexaad waxaan jeclahay inaan ku soo bandhigo, barlamaanka lagu soo dhisay Nairobi dabayaaqadii sannadkii tegay. Waxaan u qaybinnaya sidaan :

  • 1-   Astaamaha Barlamaankan.
  • 2-    Astaamaha xubnihiisa.
  • 3-   Astaamaha Guddoomiye Barlmaan.

Qormadaani waxay u badnaan doontaa IS-GARAB-DHIGG Gulaha maanta innooo dhisan iyo Golayaashii sharci-dajineed ee dalka soo maray, Qasadka aan ugu danleeyahay, i-barbar-dhigaan waa in aan akhristayaasha u iftiimiyo dabeecadda Barlamaanka noo dhisan maanta, iyo wax-yaalaha uu kaga duwan-yahay kuwii aynno u soo baranay, si aysan innoogu adkaanin fahamka, iyo liqidda arimo noogu muuqan kara marmarka qaarkood in aysan caadi ahayn.

A- ASTAAMAHA BARLAMAANKAN. 

Si aynno u fahamno xaqiida barlamankan, kaddibna u samayn karo qiimayn dhab ah, oo ka fog caaddifad iyo laab-lakan, waan in aan garanaa marxaladda iyo duruufaha uu ku dhismay  golahani, kuwaas oo si toos ah ugu leh saamayn aan ku ekayn dhismihiisii oo kaliya, balse waa mid hadda taagan, mustaqbalkana la socon doonta.

Astaamahaan u gaarka ah Barlamaankaan, ayaa ka dhigiya mid  dabeecad gaar aha leh,  una baahan in si gaar ah loogu kuur-galo inta aan lagu la degdeggin xukun la is-kaga rido. Waana kuwaan astaamihiiso: 

1-   QARAN DHINTAY BARLAMMAANKI:

Somaalidii hore waxau oran-jirtay RUNI Ragga kama nixiso, laakiin soomaalida maanta Runto way ka nixisaa, dadkuna wixii ka nixiya ma jecla. Somalida maanta way ka dhragsanyihiin xaqiiqada kharaar ee ah in Qarankii somaaliyeed dhintay, markii madaxa looga jaray halkii ay barkinto u taalay  ee ..MOQDISHO 15 sano ka hor, kaddibna uuna helay GARGAAR DEGDEG ah iyo mid daahsan toona, si loo badbaadiyo nalushiisa.

 Iyaga oo xaqiiqadaas wada hayaa, ayay iska indha-tiraan, oo ay ku hadaaqaan waxyaalo aan dhulkaba oollin. 

Aqooyahannada wax ka qora culuumta Aadamiga, waxay ku matalaan QARAN, QOF banii aadan ah, oo waxaa ku yimaadda  Qaranka, waxyaalaha qofka ku dhaca oo dhan , caafimaad , cudur, faqri, hodanti, quwad iyo xoog, tabar-yari iyo taag-daro iyo waliba geeri iyo DHIMASHO.

Marka baarlamaankani waa  Qaran dhintaybarlamaankiis.  Waana arin culus oo saamayteeda leh.

2-   WAA BARLAMAAN QAXOOTI AH:

Waxaynu ognahay, in barlamaanadii kan ka horeeyay, ha ahaadeen, kuwii Diimoqraddiga ahaa ee Kacaanka ka hor, ama kuwii danbe ee ku dhisnaa xukunka Askarta iyo  xisbiga kaliya, waxaay wada ahaayeen Ha’addu sharci dijin, oo leh Dal iyo  dawladd, oo muuqaal ahaan iyo sharci ahaanba la mid ah Nidaamka caalamka ka jira, oo ah in ay matalaan Dal madax-banaan iyo dadkiisa, kana soo dhashay kana haw-gala gudaha dalkooda.

Marka Barlamaan lagu abuuray laguna asaasay waddan kale, daris iyo saaxiib kasta uu yahay, waan arin aan caadi ahayn oo khilaafsan habka iyo nidaamka DABIICIGA ah ee ay ku dhashaan kuna gutaan waajibkooda hay’add Barlamaan.  

Haddan tusaale u soo qaadanno, qof banii Aadam ah habka uu ku dhasho waa in lab iyo dhiddig ay iska dhalaan dabiici ahaan, Golahnise wuxuu la mid yahay Caruurta lagu abuuro, meelaha ka baxsan Raximka hooyo, sida dhalooyinka shay-baryada iyo meeha la midk ah. Waa arin Culayskeeda aan la dhayalsan karin. 

3-   ADDUUNKAA  NOOGU DEEQAY:  

12 sano kaddib burburkii Qaran-somali, adduunka iyo Somaliduba waxay soo taabteen xaqiiqada ah in, aan rajo laga qabin 100 sano ee soo socota,  in Somaalidu dib u soo noolayso qarankii dhintay ama burburay sida dadkeenno jecelyihiin in ay ku macaabaan.

Xaqiiqadan waa mid la ogaa bilawgii burbrka, laankiin waxaa 12 sano loo sugayay in Somalidu ay ku qanacdo. Oo aysan ugu doodin wax baan soo wadnay iyo waxbaa noo socday.

Hadaad ay waydiiso sidee wax-garadka adduunku ku garteen in Somali waxba soo noolayn karin? 

Jawaabto waa mid fudud, oo ah : hadday taa awoodaan,  marka horaba iskama dilayn Qarankii taagnaa, haddii dhaawac gaarana gargaar degdeg ah ayay u  fidin lahaayeen, waana dawaynsan lahaayeen. Oo waxaa la ogyahay, in ilaalinta Qaran nool, ay ka sahlan tahay soo noolaynta mid dhintay ama burburay. 

Marka barlamaankani sida aad la-la wada socdo, wuxuu ku yimid DADAAL, Maskax, Maaliyad Caalamku la yimid.  Waad xusuusataan labada sano iyo barka Nairobi la fadhiyo inta jeer ay kooxa soomaliyeed ku kala dudeen shirka, oo guruuba mar ka baxayay ooy ka tegayeen Nairobi, markii kuwaa la soo sasabana kuwa kalaa caroonayay, sidaas ayaa lagu soo gaaray  muddadaas dheer ee la fadhiyo meesha , loogana mira dhaliyay shirka Barlamaanka iyo Xukuumaddaba..

Marka waa barlamaan ku yimid rabitaan bulshada Caalamka ee ma aha mid ku yimid rabitaan dhab ah oo, nidaamsan, oo uu leeyahay dadka Soomaaliyeed. Waana arin culaskeeda leh. 

4-    KUMA IMAAN TARTAN DOORASHO:

Barlamaankaani ma aha mid ka dhashay tartan doorasho oo shacabka soomaaliyeed. Barlamaannadii ka horeeyay, waxay ku imaan jireen Doorasha guuud, oo laga qabanqaabiyo dalka, oo lagu soo doorto xubnihiisa ama loogu ansixiyo sidii kuwii kacaanka.

 Halkaana waxa ka dhiman qoddob muhim ah , oo ah matilaadda iyo wakiilnimada shacbiga, inkasta ooy keentay duruufihii aan horay u soo tilmaamay, misna waxaa dhab ah in dhinaca matalaaddu ay tahay mid shaki la gelin karo sharci ahaan. Waana arin culayskeeda leh. 

5-   QABIIL BAA LAGU QAYBSADAY:

  Waa Barlamaan lagu saleeyaay qaybinta xubnihiisa hab qabiil, oo  4,5 ka loogu magac-daray. Golayaashii hore waxaa loo qaybin jiray jograafi ku salaysan, oo ah degmooyinka Dalku ka koobanyahay, waana habka Caalamka looga dhaqmo, waana kii laga dhaxlay maamulladii Gumaystaha. Inkasta oo nidaamka Jograafigo naftiiso aanu ka marnayn qabiil, misna waa mid addunka oo dhan looga dhaqmo, oo lama hayo wax dhaama oo lugu bedelo.

Ma aha  mid dhib-yar in Barlamaan lagu dhisay hab-qabiil, uu si sahlan ugu xoob-siibto mid qaran. Waana arin iyana culayskeeda leh.

Astaamamahaas ama factorskaas  aan kur ku soo taxay, ayaa ka dhigaysa hawl aad iyo aad u adag in uu barlamaankani si caadi u guto waajibaadka iyo xilka la saaray. 

B- TILMAAMAH XUBNAHA GOLAHA

Haddaan si qoddo-dheer ugu fiirsanno xubnaha barlamaankan ku jira, waxaa markiiba inno muuqanayaa in ay aad uga duwan-yihiin, xubnihii barmaannadii aan horay uga soo waramay ee kan horti soo maray Dalka. Waxba kuma jabna in aan samaynno is-barbar-dhigg, nooca Naroobi iyo noocyadii ka horeeyay. Waana tan: 

1-   GOLAHOODA BAY LA MIDAB YIHIIN:

Tilmaamihii iyo astaamihii aan ku soo xusnay Balamaanka , ayaa dhamaantood ku dabaqmaya xubnihiisa guud ahaan. Waana arin caadi ah oo waxay ka soo wada baxeen, caloosha cahdiga burburka. Iyo qaxa iyo karaamo la’aan. 

1-   WAA KUWII DALKA BURBURIYAY DALKA: 

Badankood waxay ku yimaadeen in ay madax u yihii kooxihii iyo Jabhadihii dagaalka ahliga ka riday Somalia kuna burburiyay, Dawladdii iyo dadkiiba.

 Hoggaamiyaashii safka hore ee kooxahaas, kuwo badan baa geeriyooday, kuwo kale oo badanna waxay ka dhaceen faraskii hogaaminta. laakiin waxaa bedelkoodii soo fuulay kuwo iyaga kaddaran oo safkii labaad ama kii saddexaad ah oo ka soo dhex-baxay habaaskii kuwii horeeyay kiciyeen. 

 Kuwii safkii hore hadday u badnaayeen Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin qadiim ah, kuwaan danbe badankood waxay ka yimaadeen  xoogasato hoose, Suuq-joog meherad laawe ah iyo baadiyaha, oo qaran iyo Dawlaadd waa u maqal oo kaliya. 

3-LA MA SOO DOORAN:

 Barlmaanadii ka horeeyay Kacaanka, Murashaxiinto waxay ku tartami jireen : Aqoon, maaliyadd, iyo meeqaanka uu ka joogo reerka iyo degaanka uu ka tartamayo. Waxaana intaas oo idil ka sii muhim sanaa Dawrkii uu Murashaxo ka soo qaatay HALGANKII GOBANIMA-DOONKA. Waxaan  qofna dafiri karin in xubnihii barlaamaank ku soo guulaystay doorashooyinkii la qabtay 1956-1969kii, ay ahaayeen halgamayaashii SYL 90 boqolkiiba. 

Gulayashii M.S. Bare, waxaa lagu soo xuli jiray, sida ay daacadd ugu yihiin nidaamkiisa, waxaana lagu magcaabi jiray qudhooda Halgamayaal.

Kuwa Nairobi waxa ay ku soo bexeen ma ah qori tuur iyo bakhtiyaa-nasiib, ee waa mid kasta inta uu dhibaato u gaystay dadkiisa iyo dalkiisa, iyo waliba inta uu mustaqblka uu sii wadi karo dhibkaas. 

2-   AQOON HOOSAYSO:

 badankood, waa dad aan u helin fursadd, aqoon wax abarasho madani ah iyo mid diineed tooona. Aqoontaas oo ahaan jirtay waxyaalaha la isku dhaafo tan ugu wayn.

 Qodobkaani waa mid lagu sii kala daranyahay, oo wuxuu aad uga muuqdaa xubnaha ka soo galay beelaha USCda. Oo Aqooyahanadoodii waa hore looga saaray BANNAANKA majaalka siyaasadda. Waxayna calaamo u tahay heerka uu burburku ka gaaray Gobollada iyo Beelah.

    Barlamaankan oo ah hay’dda ugu calus, hay’adaha dawladdda , balse ah oddob-dhexaadkeeda, haddii ay u bataan xubno aan tacliin lahay ama ay tacaliintodo hoosayso, waa arin culayskeeda leh. 

3-   WAXAY KU SOO BAXAYN BURBURKA:

Xubnaha golahaani Badankoodo, waxay ku soo baxeen dagaalladii ahliga, waa dad burburka qaran ku helay magac ama maal, ama labadaba. Waxayna ku dadaalayaan in aan wadciga hadda jira waxba iska beddelin, si aysan nuqsaan u soo gaarin danahooda khaask ah. 

Inkasta oo si fikraddaas looga daaweeyo, laga dhigay iyaga Mas’uuliinta ugu saraysa qaranka- barlamaan, xukuumad-  misna kuma qabaan kalsooni buuxda, in ay waligood sii haysanayaan magaca iyo maalka ay ku heleen, dhiigga Dadkooda iyo lafaha-jajabsiga Qarankooda. 

Waxay ogyihiin in jagooyinkaan sar-sare loo siiyay LAALUUSH ahaan, si aysan isu hortaagin isku-day’ga dib u soo celinta  qaranka. Haadday taasi rumawdo, shaki wayn bay ka qabaan, in laga la noqdo Laaluushka, haddaanba aan dib loo raacin raadkoodii. 

4-   MAGAC-BEELEED LA RASMIYEEYAY:

Xubnahan waxay ku yimaadeen magac beeleed ama qabiil oo si rasmi ah oo bareer ah loo aqoonsaday. Qabiilku waa xaqiiqa ka jirta Somaaliya iyo meelaha kale ee uu ka jiro dib-u-dhaca dhinacayada dhaqan-dhaqaale siiba Africa. Misna waxaa iyana xaqqiiqo aan doodi ka jirin ah, in marka qabiilka looga hadlayo si Cilmi ah, in  Somali uu yahay hal qabiil oo u sii kala baxa Beelo iyo Gilibyo. 

Wax-garadka Soomaaliyeed, waxay ku qaadeen dagaal hagar-la’aaneed  ku maxaabsiga qabiilka, laga soo bilaabo assaskii SYL 1943dii. Taas oo  abuurtay dareen reer magaaleed oo ah in qabyaaladdu tahay wax fuulxun oo qofka sharafta leh uu ka xishoodo, kan kalena qarsado.                                                 Qabiilkii Soomaalia ka jiray wuxuu ahaa mid badiyaha deggan, oo aan ka soo tallaabin daaqa iyo biyaha. 

Dagaalladii ahliga waxaay la yamaadeen Qabyaaladd cusub oo siyaasadeed, oo joogta shirarka Qaranka iyo magaalooyinka.

Haddaba xubnahaani waxay ku yimaadeen Nidaamkaa Qabyaaladda siyaasadda huwan ee cusub ee ka mid ah ASTAAMAHA burburka. Iyana waa arin culayskeeda leh. 

C- MAQAAMKA GUDDOOMIYE BARLAMAAN. 

Mansabka Guddoomiye Barlamaan caalamka, wuxuu ka mid yahay kuwa ugu culus uguna xisaasisan jagooyinka Qaraan leeyahay.Waa mansab golaha uu goddominayaa ka turjumayo afkaarta iyo danaha kala gaddisan ee qaybaha bulshada ee kala nooca ah ee dadka uu barlamaanku wakiilka ka yahay.  

Markii saas loo eego kuma jiro jagooyinka Qaranka mid u dhigma ama ka muhimsan ama ka dhibaato badan.

Wuxuu hor-jooge u yahay dad xul ah oo la soo doortay, loona baahanyahay dhamaantood in ay ka muuqdaan masraxa siyaasadeed ee dalka. 

Mansabka Madax-wayne-nidaamka barlamaaniga ah- waa Astaan Qaran, oo u dhexeeya saddexda awoodood ee Qaranka hay’adihiisa ugu sareeya, ee ah : shari-dejinta, Fulinta ama Xukuumadda iyo garsoorka. 

 Madaxwayne wuxuu leeyahay isku xirka saddexdaa hay’adood, oo waxaa u yimaadda arin midkood soo gorfeeyay, go’aanna ka soo gaaray, oo isagu kama bilaabmaan arimuho. Haddaan si kale u dhahno, hawshiiso waa isku-duba-ridka, hawlu soo maray Hay’adahaas qaranka, oo midkastaa ka soo gudatay mas’uuliyaddeeda dastuuriga ah. 

Ra’iiska wasiiradu wuxuu horjooge u yahay, wasiiro uu soo xushay, oo isaga aysan ku kala fogayn afkaarta siyaasadda, isaguna mas’uul ka yahay hawshooda. 

Guddoomiye Barlamaan wuxuu madax u yahay xildhibaanno kala aragti iyo siyaasad kala fog qaba, wuxuuna qabanayaa hawlo ka bilaabma hay’adda uu madaxda u yahay, xubnahuna ma aha kuwo uu soo xushay, iyo kuwo hortiisa uu mas’uul ka yahay midna, sidaas buu ku noqday Mansabka ugu xasaasisan uguna hawl-adag. 

Dabeecaddas uu leyahay Masabkaani, ayaa Addunku waxay u dajiyeen maqaamka qofka loo dooranayo jagadaas, tilmaamo iyo sifooyin adag, si uu uga soo dhalaalo Waajibkaas aan caadiga ahayn. Waxaa ka mid ah astaamaas kuwaan: 

1-   AQOON SARE:

Qofka jagaddan loo dooranayo, wuxuu Madax u noqon hayaa xubno barlamaan oo badandood ku hubaysan Tacliin sare. Haddii kale wayba adagta tahay in uu soo gaaro heerka xubin Barlamaan, oo tartanku waa mid aad u adag 

  Sidaa awgeed waxaa loo doorta qof dhinaca aqoonta kuwa looga danbeeyo ka mid ah. Sida Qaalibka ahna waxay ka yimaadaan dad ahaan jiray Madaxda Jaamicadaha, Kulliyadaha, Macaahidda sare, ama hadday ugu hoosayso ka ahaa Barayaal sare hay’adahaas Akaadimiga ah. Waliba waxa loo badiyaa xagga sharciga kuwa ku takhasusay,siiba Qaanuunka Dastuuriga. 

2-   WAYO-ARAGNIMO:

Aqoonta waa in ay la socota waayo aragnimo dheer oo ku siman tobanaan sano, oo uu ku leeyahay qofku Majaalka Cilmiga iyo siyaasaddaba, tan gudaha iyo tan dibadda, oo labaduba barlamaanku ku leeyahy Dawr aan la soo koobi karin, siiba dhinaca xiriirada caalamiga ah ( International relatiins) iyo Ururada dawliga ah ( Intenational Organisations)  ee heer caalam iyo heer gobol. 

3-   SHAKHSIYAD WAYN:

Aqoonta iyo waayo-aragnimadu, inkasta oo ay muhim yihiin, misna waa in uu leeyahay Shakhsiyad-xooggan, oo uu ku sifoobo, daacadinmo, aaminnimo, xaq-ku-dhegidd,  Dulqaad Runle, Xalaal-quuti...iwm 

Sifooyinkaan shakhsiyaddu ma ah kuwo meel laga barto, ama dugsi looga soo baxo, ee kuwo ku yimaaddda Hebo Eebe iyo ilaa xadd bay’adda qofku ku soo barbaaro. 

Sifooyinkaan wuxuu ku kasbanayaa Guddoomiyuhu Ixtiraamka iyo kalsoonida xubnaha  kala duwan ee golaha, oo ay ku jiraan xataa kuwa ay colka yihiin, culaadaasi ma aha mid qabiil ama shakhsi, ee waa mid ku salaysan aragti mabaada’i  iyo mid siyaasadeed. 

4-   DHEXDHEXAADNIMO:

Maa daama goluhu yahay hoy la isugu geeyay afkaar kala nooc ah,  axsaab iyo kooxo kala siyaasadd ah, waa in uu guddomihu ka noqdaa dhexdhexaad, si uu u hantiyo kalsoonida golaha.

 Si arintaas loo xaqiijiyo waxaa curfi iyo protakool la dawro u noqotay barlamaanada adduunka, in laga doorto qofkaas Axsaabta yar-yar ama kooxaha ka shaqeeya arimaha Banii-Aadamnimo iyo dhawrista bay’adaha dabiiciga ah. 

Guud ahaan waxaa Curfi Barlamaani ah ka noqatay caalamka  in si loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimadan, loona dhawro maqaamka Guddoomiyaha, in uu ku muujiyaa taas FICIL ahaan, isaga uu ku dhaqmaya arimaha soo socda:  

A-   Wuxuu iska ilaaliyaa in golaha dhexdiisa iyo dibaddiisaba kaaga shaqiiyo Aaraada iyo siyaasadaha u gaark ah xisbigiisa ama kooxdiisa. 

B-   Wuxuu si aan eex lahayn ugu qaybiya xubnaha doodaha, iyo hadalka, isaga oon laga dareemin in uu midna si caddan ah ama si qarsoodi ah ula jiro ama uga jiro. 

C-   Marka cud la qaadayo, sida qaalibka ah, isagu ma cudeeyo, si aan loogu tirin koox ama xisbi, Cudkana inta badan waaba lagu kala baxaa inta aysan isaga soo gaarin, maa daama uu ugu danbeeyo codkiiso. 

D-   Mashruucyada sharci (mooshins ) ee horyaal golaha waa in uusan ra’yi ka dhiiban inta aan loo codaynin. Hadday taasi dhacdo xaq uma laha in guddoomiyo fadhiga mooshinkaas looga doodayo, oo waa in ku wareejiyaa ku-xigeennadiisa  guddoominta fadhigaas. 

E-    Xiriika bulsho uu la leeyahay xildhibsaannada waa inuu yahay mid ay u simanyihiin axsaabto iyo kooxuho, ha ahaato Barlmaanka gudihiisa ama dibddiisa. 

.Tusaale ahaan waa inuusan si joogta ah Guruub, shaaha ula cabbin ulana sheekaysan, ee waa xirir loo simanyahay. Oo waxaadba dhihi kartaa xataa xoriyaddisii shakhsiga ahayd ayaa la dabrayaa sii loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimada maqaamku leeyahay.

Waxaa is-waydiin leh: Xagee buu ka joogaa Guddoomiyaha Barlmaanka lagu soo dhisay Nairobi tilmaamaha, astaamaha iyo hab-dhaqanka loo dajiyay Mansasabkan? Xagee buu ka gelayaa nidaamkaa caalamiga ah?? Shariifk ilaa heerkee ayuu ku sifoobay timaamahaas?? Muddaadii uu xilka hayay ma ku guulaystay mase Fashal baa la soo darsay XIL-GUDASHADIISA  R’IISO BARLAMAAN AHAAN???

Su’aalahaan jawaabtooda, waxan soo ban-dhigi doona taddobaadka danbe haddi Alle yiri.

 Waa: Sheekh, Dr. Abdi Dhaan-wade. Sweden.
Email:
dhaan_wade@hotmail.com
LINK: http://www.somalitalk.com/dhaanwade/

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2005


.. Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD