SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
Dr. DHAAN-WADE
MAXKAMADAHA ISLAAMIGU ..MA ISLAAM BAA???- Qaybtii 3aad-
XAALADDA SOMALIA IYO ARAGTIDA ISLAAMKA!! 

Bismi-llaahi.

Qormooyinkii hore si uu fikradd uga qaato qofkii ay dhaaftay waxaan ku soo ban-dhigay  sida Alle wayne –jalla wa calaa- khilaafada Dhulka ugu xilsaaray Nabi Aadam iyo duriyaddiisa. Waxaa soo caddayay macnaha khilaafaddaas oo ah in mas'uuliyadda iyo maamulka dhulka uu iska leeyahay – Eebbe ka sakaw- Aadamuhu. Isaga oo Wakiil ka ah Allaaha abuuraha ah.Waxaan soo iftiiminay qaybaha ay ka kooban tahay Amaanadaasu oo aan sheegnay in Daboolayso Saddex qaybood oo kala ah

A     Cibaadada Alle. B- Cammiraadda Arlada. C- Ka Ilaalinta

Fasahaadka.Waa Amaano saddex geesood ah oo haddana midaysan. Waxayna gudashadeedo Aadamaha u xaqiijinaysaa LIIBAANTA Adduunka iyo tan Aakhiro.

Waxaan soo raad-raacnay sidii waajibkaas Nabiba Nabi ugu gudbinayay ilaa laga soo gaaro Suubanaheenii Muxamadd SCS.oo loo soo dhiibay Dhanbaalkii Eebbe ee ugu danbeeyay oo ku wajahan Banii Aadamka.

Waxaan soo raad-raacnay Taarikhdii khilafada Arlada Islaamka laga soo billabo markii nabigeenno SCS Madiina al munawara u haajiray 622 ee uu ka taagay Nidaamkii Dawlladd Islaam ah ee ugu horeeyay iyo sida ay Khulafadii Rashidiinta ahaa tubtiisii SCS uga sii amba-qaadeen.

Waxaan soo Iftiimiyay sidii Dawladdii Islaamku ugu fidday Calamkii waagaa la yiqiin una faafisay Diin. Caddaladd iyo Aqoon. Taas oo Aadamaha gaarsiisay Xadaaradd Sare oo ma guuraan ah oo Saldhigg u noqotay xaddaaradda manta Aadamuhu ku naaloonayo ilaa 1923dii markii khilaafadaas lagu soo af-jara Astaana ( Turkiga ).

Waxaa kale oon soo sharxay sida Somalidu uga qadday qaybo muhim ah oo dhaxalkaa Islaamiga ka mid ah sababo la xiriira duruufo Jograafi iyo Taariikhi ah oo manddiqadda u gaar ah.

  Qomada Maanta Waxaan ku soo qaadayaa NIDAAKA ISLAAMIGA IYO
Xaaladda Somalia  iyo Aragitida Islaamka. Waana kan:  

                XAALADAA SOMALIA IYO ISLAAMKA. 

Qof kasta oo Caqli leh ayaa fahmi kara in Xaaladda ay ku sugantahay Somalidu muddada ku dhaw 15 sano ah aysan ahayn mid uu aqbali karo Caqlig saliimka ah. Xaaladdan oo ah mid aan caadi ahayn waxaa lagu magacaabaa magacyo kula duwan laakiin isku macna dhaw. Sida burbur, dawladd la'aan, Sharci-la'aan iyo fawddo.

Haddan soo qaadanno arayga danbe ee FAWDA Macnihiisi Afka Carabiga waxaa loo isticmaalaa shayga xadkiisa ka gudba. Gaar ahaan marka WEEl ama WEBI uu Buux-dhaafo oo uu hareera ka daadiyo wixii lagu shubay. Erayga ugu dhaw afkeenna waa FATAH.

Xaaladda Somaalidu waxay u dhigantaa wabi fatahay marka uu buux-dhaafay oo biyihii dacallada jabsadeen oo jiireen, burburiyeen, baabbi'iyeen wax-kasta oo goobta ay marayaan ku sugnaa sida Dadka,Guryaha, Beeraha, Dhirta, Xayawaanka...........iwm . iyaga oon biyahaani waxba kala soocin.

Xaalaaddaas FAWDADA ah ee Somalidu ku Sugantahay muddada wiil ku dhashay uu maanta ka qatb-qaaddanayo dhibaatada ma aha mid aragtida nidaamka Islaamka iyo tasawurkiisa raad ku leh. Si aan u sii Iftiimiyo Qaddiyada Xaalo-Somaliga Waxaan xooga dul-marayaaTaariikhda Nidaamka nulasha ee soo maray dhulka. Waana tan:

1- Xaaladdan fawdada ah waxay ka soo hor-jeeda sidii aan horay u soo sheegay Amaanadii khilaafada Arlada. Oo waxaan ku dhaboobay qawlkii Malaa'igata markii ay   Alle waydiiyeen: Ilaahayaw ma waxaad u dhiibaysaa Dhulka kuwo FASAHAADIYA OO DHIIG KU QOBA? ( FAWDA ).

waxaa la oran karaa ma aha in ay tahay Xaaladd ka soo horjeeda shareecadihii Alle u soo dijiyay Aadamaha oo kaliya, balse waa mid aan suura gal ka ahayn Caqliga Cadiga ah oo ah Asaaska mas'uuliyadda loo saaray Aadamaha ee uu kaga soocmay noolayaasha kale.

2-Nidaamka Islaamka ee  Nabigeenii SCS ka Asaasay markii uu makansaday Madiina Al- Munawara wuxuu kulmiyaa saddexdii qaybood ee mas'uuliyadda   khilaafada Arlada.oo ah Diin iyo Dawladd midaysan. Kana soo horjeedda Fasahaadinta Arlada. Fasahaadkaas oo ugu wayn yahay Amniga oo faraha ka baxa. Eebe wuxuu meela badan oo Qur'aanka ka mid ah innagu amraya in aynan Fadahaadin dhulka uu ISLAAXIYAY. Amniga iyo Rizqigu waxay ka mid yihiin Nicmadaha Alle ku mannaystay Aadamaha ee uu ku mutaystay- Jalla wa Calaa- in keligi la caabudo( Suradda Quraysh)

Nabigu SCS wuxuu ugu bishaaray qaar asxaabtiisii ka mid ah : in haddii cirigiiso ku simo uu arki doona haweenay Rakuubkeeda (Awr) kaga soo safarta meesha la yiraaho Alxiira ( koonfurta Yaman ) iyada oo keligeed ah oo ay XARAMKA dawaafto iyada oon Raabbi mooye eh Cid kale ka BAQAYNIN. Xaaladda Somaalidu waxay ka horjeedaa Nidaamkii Islaamka ee uu SCS umaddisa ku hanuuniyay Umaddiisa QAWL iyo FICILBA.  

3- Khulafdii Raashidiinta iyo kuwii ka danbeeyayba waxay ku tooseen TUBTII SCS. Waxay halkii ka sii amba-qaadeen Nidaamkii Islaamiga ee isugu jiray DIIN iyo DAWLADD midaysan. Xukuumaddu waa qayb-wayn oo ka oo ka mid ah diinta Islaamka. Laba qof oo muslim ah hadday hawl wadaa-qabanayaan Islaamku wuxuu farayaa in midkood MADAX noqdo. Bushau intaa ka wayna hadlkeeda iskaba daa. Caalamka Islaamkuna wuxuu ku naallooday nabadd iyo amni gaarsiiyay ho'umar dhinac walba leh. Xaaladda Somalidu waa ka soo horjeeda Taariikhaa dheer ee Nidaamka Islaamka   ee soo taxnayd muddada ku siman 1500 sano. Waa xaajo ugub oon raad ku la hayn Taarikhda Umadda Islaamka. 

4- Fidditaankii Dawladda Islaamku ku Fidday Dalal ay ka jireen dawladu waawayn oo qadiim ah ( Faaris iyo Roomaan ) waxay sii xoojisay dhaqan-dawladeeka Muslimiinta. Taas oo keentay Nidaam Dawladeed oo cusub oo kulmiyaa Dawladda dhexe ( Khifaha ) iyo Dawlad0 goboleed ama Wilaayado. Kala Saaridd maamulaka iyo Garsooka iyo mabaaddi' kale oo baddan oo manta Asaas u ah Nidaam Dawladeedka Casriga ah ee maanta ku socoto dunida.  

5- Caalamka waxaa ka jira waqtigan in ku dhaw 200 DAL. Waxay isugu jiraan kuwo waawayn iyo kuwo yar-yar. Kuwo Qadiim ah iyo kuwo cusub. Kuwo Qani oo hor'umaray iyo kuwo faqiir ah oo dib-jira. Kuwo Alle-wayne Caabuda iyo dhagxaan iyo Xawaan caabuda.

Dunida kama jirto Dal aan Dawladd iyo Sharci ka dhisnayn. Xaaladda Somalidu waa mid aan sheeku iyo shaahidna ku soo marin Aadamaha Arlada ku nool nooc kasta ha ahaadeen eh. Waana Xaajo ugub oo Somali u gaar ah.  

6- Taariikhda Aadamaha ee Qadiimka ah iyo tan Casriga waxaa looga soo joogay in meela badan oo Arlada ah iyo waqtiyo kala duwan ay ka dhaceen qas, qalalaasi iyo khal-khal xagga Amniga ah. Taas oo keenta xaaladu Fawddu lagu tilmaamo oo Waqtiyo gaaban oo ku siman ayaamo ama bilo lagu soo af-jaro Laakiin weli Taariikhda kama dhinin FASAHAAD iyo Fawddu 15 sano jirsada. Iyana waa xaajo ugub oon soo marin meel dad caqli Alla siiyay ku dhaqanyihiin.  

7- Haddaba maxaa lagu tilmaami karaa Xaaladdan la yaabka leh ee somalidu ku jirto ee ka takoortay Banii Aadamka GAAL iyo MUSLINBA?? iyada oo waliba sheeganhaysa in ay tahay Umadd Islaam ah oo laga filayo in ay ku toosto   waddada cadd ee Kitaabka Alle iyo Sunnada nabawiga ah iyo dhaqanka ma guuranka ah ee Xaddaradda Nidaamka Islaamka!!!

Si aan uga Jawaabo Su'aanshan oo ah mid dadku in badan is-waydiiyaan waa in aan wax yar dib u jalleecno XAALADDII AY KU SUGNAYD JAZIIRADA CARABTO inta aan la soo dirin subbanaheennii SCS.

Dhulkaa carabta kama jirin wax Dawladd-dhexe ah oo Sugta Amniga iyo sharciga. Waxaana halkaa ku noolaa QABAA'IL kala duwan –Inkasta oo carab wada yihiin- oo mid walbaba hoos timaddo talada Kaapo Qabiilka iyo Odayaasha Beesha.

Xiriirka Qabaa'ilkaasi wuxuu u badnaa DAGAAL, COLAAD, DAWLAAD iyo SHARCI la'aan. Waqtigaa iyo xaaladaha noocaas ahaa waxaa Islaamku ku magacaabay CASRI-JAAHI..

Xaaldd-Somalidu waxaa ku lumay waajibkii Dawladda ee ahaa ka dhawridda Arlada fasahaadka. Kaas oo  saldhigg u ahaa labada waajib ee kale ee kala ahaa in   Alle-wayne si xasiloon loo CAABUDU iyo in la Si wanaagsan loo cammiro dhulka. Waxay taasna natiijadeedii noqotay in ay lunmaan Danihii dadka iyo dalka ama sida culimadu yiraahaan waxaa luntay: MASLAXATUL-CIBAAD  WAL-BILAADD.

Xaaladda Somalidu waxay shabbahdaa Xaaladdaas FAWDADA ahyd ee Jaziirada  Carabtu ku jirtay Islaamka hortiis.

Waxaan oran karaa waa  Jaahiliyadd Somali ah. Sidaa awgeed Mujtamaca Somali Xaaladda uu ku suganyahay waa JAAHILIYADD aan sinasba loog sifeen Karin in uu yahay Mujtamac Islaami ah.

Taas macnaheedu ma aha in shacbka Somalidu uu wada Gaallobay marka qo-qof loo qiimeeyo.  Balse waxaan aan ka hadlayaa waa Mujtamac ahaa. 

Mar hadday inno caddaatay in XAALADD-SOMALIDU Tahay Xaajo-ugub dhinac kasta oo laga eego waxaa inno xaqiiqoobaya in Xaadaddaas aan laga dhex-dhisi karin Maxkamadu Islaami ah iyo kuwo aan Islaami ahayn toona.

Si aan taasna u yaqiin sanno waxaa loo baahanyahay inaan wax ka iraaho MAQAAMKA IYO DAWRKA  AY MAXKAMADUHU KAGA JIRAAN NIDAAMKA DAWLADDA ISLAAMKA IYO   TADDAWURKA TAARIIKHEED EE UU SOO MARAY DAWRKAASI. TAAS OO NOQON-DOONTA QORMADA SOO SOCOTA HADDII ALLE YIRI.

 Waa: Sheekh, Dr. Abdi Dhaan-wade. Sweden.
Email:
dhaan_wade@hotmail.com
LINK: http://www.somalitalk.com/dhaanwade/

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2005


.. Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD