Inuu shaqadaas uu qabtay si facshar u soo bandhigo (qorid
buug IWM)
Caadi ahaan, xeerarka u degsan ilaalinta xuquuqda
minguurinta qoraalka caalamka oo dhan waa mid aad loo waardiyeeyo. In badan
shaqada ilaalinta [gaarheynta] waxaa iska leh dowladda markaas la dhex joogo.
Ha yeeshee, taa macneheedu ma ahan in Buug aad Somalia ku soo qortay, ninkale
isaga sunti karo magiciisa, isagoo markaas jooga meel aan soomaaliya aheyn.
Sharciga caalamiga ahi wuxuu qeexayaa in buug kasta oo la qoro laga doonayo
qoraagiisu inuu u yeelo waxa loo yaqaan (ISBN) (International Standard Book
Numbering) ama Tirakoobka caalamiga ah ee buugaagta waxa loo yaqaan. Sharciyadu
buugaag kaliya mooyee waxeey kaloo la macaamilaan qoraallada aan buugaagta
aheyn, sida: Maqaallada, filimada, cajaladaha, iyo CD-yada IWM. Mar alla iyo marka uu qofka
qoraaga ama curiyaha ahi ka faraxasho gunaanadka buugga/maqaalka wuxuu si
dawaali ah (Automatic) u yeeshay xuquuqda qoraalkaas, waxaana la leh qofkii/hey'adii
la sameeyey shaqada qoraalka.
Muxuu Taraa sharciga ilaalinta xuquuqda minguurinta
qoraallada?
Waa Su'aal ka soo burqaneysa maskaxda malaayiin
soomaali ah. Maxaa yeelay iyadii oo si asluubeysanba looga dooday wali nama soo
marine'e. Sharcigan wuxuu taraa; gaarheynta xuquuqda qoraal qof/hey'ad kusoo
tiir iyo tacab beeshay. Tusaale ahaan, Hadii aad maanta qorto buug,
berritoolana aad aragto isagii oo maalinba tuduc lagu soo daabacayo mid kamid
ah boggaga Internet-yada soomaalida, sideed dareemi laheyd? Dabcan, waad ka
dhiidhin laheyd. Sidaas si lamid ah ayuu qof walbaayi uga gubanayaa in
dhididkiisii si fudud loogu faataadhugleeyo.
Soomaalida iyo dhowrista xuquuqda qoraalka maxaa kala
heysta?
Qofka Soomaaliga ah ee qoraaga ah
waxaa lagu gartaa waxaa jeebka ugu jira Qalin. Tijaabi araintan adigoo dad
badan oo Soomaali ah weydiinaya qalin aad wax ku qoratid, fiiri inta qalin
wadata, waxaad arki doontaa tiro aad u yar in qalin jeebka ugu jiro. |
Kolba hadii qoraalku nagu cusub yahay, xuquuqdiisa
warkeedaba daa. Intii aan anigu shaqsiyan qoraalka ku soo dhex jiray, waxaan
waqti walbaa milicsanayey bililiqo aan gabbaad laheyn oo lagu hayo xuquuqda
qoraallo eey leeyihiin warmoogayaal sirmaqabayaal ah. Waxaa iigu yaab badneyd
intii aan arkay maqaal aan anigu ku qoray bogag kamid ah kuwa soomaalida, ha
yeeshee ku soo baxay wargeysa Soomaaliya ka soo baxa isagoo maqaalkii si dhib
yaro ah loogu saxiixday "Wargeys hebel"! Waxaa kaloo waaqici ahaan u
dhacday in eey idaacado waaweyn oo Soomaaliya laga yaqaan si ula kac ah usoo
minguuriyeen qoraallo eey leeyihiin asxaab kale, iyagoo markaas ku soo darsaday
barnaamijyada idaacadahaas laga faafiyo [sida sheekada aan kusoo aragnay
qoraalkan qaybtiisa hore]. Tirokoob malahan inta goor oo khalad noocan ahi ka
dhoco soomaali sheeganeysa ineey bahda Saxaafadda ka tirsan yihiin, laakiin
bililiqo ku hayya shaqooyin lagu soo dhibaatooday. Iskaba daa kuwaas Soomaliya
joogee, oo xeerka ayeysan lasocon baa u geysay ayaaba loogu cudurdaari karaaye,
waxaa ilaa iyo imminka ku arkaa qaar kamid ah wargeysyada Af-Somaliga ku soo
baxa ee Gobolkan Minnesota qoraallo eey leeyihiin rag aan idan la weydiisan.
Qoraalladani weey xambaarsan yihiin magacii qoraaga, iyo halkii laga soo xigtay,
laakiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda minguurinta qoraalku wuxuu leeyahay
" Waa in Minguuriyuhu uu idan qoraal ah weydiistaa qoraaga
qoraalkaas". (Int'l Copy Right)
Waxaa kaloo iyana xusid mudan in si kama'a ah inta
badan loo halmaamo erey laga soo minguuriyey qof kale. Tusaale ahaan hadii aan
doonayo inaan maqaal ka qoro shir ka dhacay Nairobi, oo uuna ka hadlay Hebel
Hebel, hadalka uu yirina uu ku qornaa Wargeyska waxaad-doontid Kenya.
Waa lagama maarmaan inaan sidan iraahdo: (Wargeyska waxaad-doontid oo
soo xiganaya Hebel Hebel ayaa yiri "......................." ) waa
biyo kama dhibcaan in labada Qaanso ee yar yar ee la yiraahdo calaamadaha soo
xigashada (Quotation Marks) la imaado. Hadii eey noqoto inaan buug ka soo
minguuriyana, buugaasna eey qortay Heblaayo Hebel, waa inaan sidan u
qoraa (Haddaba Heblaayo Hebel ayaa buugeeda Hebel Hebel ku tiri
"......................." Buuga Hebel Hebel- Bogga 000 ) ama ugu
yaraan buugga magiciisa oo qura.
Immisuu jirayaa dhowrsanaanta qoraalku?
Sharciga caalamiga ahi wuxuu leeyahay "Qoraal kastaayi
wuxuu dhowrsan yahay, jeer uu qofkii lahaa idmo, ama ifka ka suulay 100 sano
kahor" (The Copy Right Act) Laakiin sharciga Mareykanku wuxuu qabaa
in xuquuqda qoraalku eey dhowrsan tahay inta uu noolyahay qoraaga iyo 70 sano
oo kale, ka sokow hadii uusan qoraagu xuquuqda qof kale ku wareejin- [U.S
Copy Rights law].
"Wax Aqriyoo
wax ka duwan wixii aad aqriday qor. Ama fikrad kale Curi oo askun. Hana
sheegan inaad goobjoog ka aheyd dhacdooyin aadan goobjoog u aheyn."
Ceynte |
Ugu danbeyntii, waxaan u arkay ineey muhiim tahay inaan
bidhaamiyo dhacdo weyn oo dhowaan khasabtay ineey is-casilaan madixii wargeyska
caanka ah ee New York Times iyo Ku xigeenkiisa, Fedeexooyin la xiriira xadid
lasoo xaday qoraallo ku qornaa wargeysyo kale oo ka soo baxa meelo oo
Mareykanka ka tirsan, laguna daabacay NY Times. Xadgudubka xadidda labadan nin
meeysan geeysanine'e waxaa geeystay Wariye ka tirsanaa shaqaalaha wargeyska oo
la yiraahdo Jason Blair oo ku dhawaad 34 goor been u sheegay aqristayaasha
Wargeyska Times, sida eey Times ruuxeeda ku andocootay. Jason Blair wuxuu
Gallaaftay shaqadiisa iyo tan madaxdiisa. Baaritaan dheer kadibna, waxaa la soo
ogaaday inuusan wax sidaa ah qori jirin'e, uu ka soo yara minguurin jiray
wargeysyo ka soo baxa Mareykanka. Taasi macneheedu ma'ahan waxba ha aqrin
hadaad qoraa tahay, ee Macneheedu waxa weeye; Wax Aqriyoo wax ka duwan wixii
aad aqriday qor. Ama fikrad kale Curi oo askun. Hana sheegan inaad goobjoog ka
aheyd dhacdooyin aadan goobjoog u aheyn. Waxaa iyana xusuusin mudan in sharciga
caalamiga ah ee dhowrista minguurintu uu qaban karo qofkasta oo jooga meel
kasta oo dunida ka tirsan, hadiiba danbigaas lagu helo. Haddaba, Minguuristoow
maanta wixii ka danbeeya la'iima digin ha dhihin.
Bogga xiga waxaan kusoo qaadaneynaa
qaababka lagu garan karo qoraalada lasoo minguuriyey, waa qaababka/Noocyada
Minguurinta.. KA AKHRI.HALKAN.
....