SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  XUQUUQ

XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]

ISHA  WWW.SOMALITALK.COM
Qore: Maxamed Cali | June 18, 2003
 

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

COPYRIGHT iyo ISLAAMKU WUXUU KA QABO?
[Waxaa ka qayb qaatay: Cabdulfatax M. Cabdulle (Canada]) & M.M. Ciise (Soomaaliya)]

Haddii qof uu nuqul ama Copy kusameeya Qaraalada aanu lahayn oo markaas magiciisa kudaabaco ama Kitaab uusan qorin intuu soo guuriyo magiciisa kudaabacay isagoo iskadhigaya kii qoray ama Alifey, waa maxay xukenkeedu?. Markii aan arintaas u bandhignay culimada Soomaaliyeed ee kuxeel-dheer diinta Islaamka, oo ay u-laabteen cilmiga Fiqiga, waxay kabixiyeen jawaabtan:

  • Mas'aladaas Xukunkeedu waa {TUUGANIMO} waxaana loo yaqaan Luqada carabiya MUSEYIF. 
  • waa Xaaraam in qoraal qof kale leeyahay la xado asagoo qofkii asalka ahaa ee laga soo xigtey aan magaciisa iyo ishii uu ka soobaxay la xusay.
  • Waa khiyaamo in qoraal la minguuriyo ayadoo aan qofkii lahaa laga amar qaadan ama la xusin in asaga laga soo xigtey, Islaamkuna khiyaanada ma ogola.

Haddaba waxaan soo qaadaneynaa dhawr xadiis oo laga weriyey rasuulka (S.c.w), xadiisyadaas oo kusaabsan:

  • Xukunka khiyaanada
  • Wanaaga qofka aan faraha la gelin wax aan khusayn
  • Danbiyada maseyrka iyo xasadka

Xukunka Khiyaanada, gaar ahaan maalka dadweynaha, dawladda ama beytul maalka, oo xaqdaro wax looga qaato:  

Thowbaan (Allah raali haka noqdee), wuxuu Rasuulka Muxammad (s.c.w.) kaweriyey: "Qofkii dhintay asagoo beri ka ah Kibirka[1], Khiyaano uu maal xaqdaro ku qaatay iyo deyn waxa uu gelayaa Jannada.  Saxiix sunan At-Tirmadi oo uu soo yareeyey Albaani, Baabka 21aad ee Baabul QULUUL, bogga 111.
[1] Kibir waa isweyneysiin la iska weyneysiiyo xaqa iyo khalqiga Allah oo la yaso. 

Waxaan xadiiskan ka korosaneynaa in aysan bannaanayn maal lagu qaato khiyaano, maalkana waxaa soo hoos gelaya wax kasta oo qofku kasbaday ama ku helay xoogiisa, qoraalkuna wuxuu kamid yahay waxyaabaha uu qofku kasban karo, sidaas darteedna aan khiyaamo lagu qaadan karin.

Abuu Hurayra (Alle haka raalli noqdee) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofka Muslimka ah wanaaggiisa iyo dhowriddiisa Islaamka waxaa ka mid ah inuu ka haro waxyaalaha aan khuseyn isaga" Waxaa weriyay At-Tirmidi.

Waxaan xadiiskan ka korosaneynaa in wanaagga qofka muslimka ah (rag iyo dumarba) ay kamid tahay inaanu faraha la gelin arrimo aanu shaqa ku lahayn ama xuquuq dad kale leeyihiin sida xuquuqda qorista/daabacaadda iwm.

Qofka bililiqaysta qoraal (maqaal) diyaarsan oo wakhti qaali ah iyo maskax badan ay kaga baxeen qoraagii ka shaqeeyay, oo magaca qoraaga inta uu ka masaxo kiisa ku been-hawaasiya waxaa weeye qof xasdaya qoraagii hawshan lahaa, xuquuqdiisii ayuuna meel kaga dhacay. Sidaasna diinta Islaamku waa kasoo hordeeddaa.

Haddii aan ka eego Dhinaca Kutubta Islaamka, hababka loo soo xigto qoraal waxaa kamid ah in hadii qof qoraa ahi doonayo inuu Qormo ka qaato Kitaab ama Risaalo nin kale qoray waxaa muhiim ah inuu xuso Qoraagii Asalka u lahaa Qormadaan uu kubiiriyey qoraalkiisa si markale looga faa'iideysto.

Hadaba taasi (xigasha qoraalku) waa inaaney keenin inuu qoraaga cusubi uu hadalkaas u isticmaalo qaab tuugonimo ah oo noqon karta inuu kitaab katuuro magicii Qofkaasi lahaa oo markaas uu saaro kiisa, taasna waa Arin Tuuganimo oo waxaa markaas dhici karta in Dadkii hore u yiqiin Kutubkaas ay Arkaan in magicii qoraagii hore lagabedelay, waana lagu fahmayaa Arinkaas waayo Kutubku wuxuu ahaa Macruuf layaqaan Cida iska leh.

Halkaas waxaan uga tusaale qaadan karnaa Qoraalada Caadiga ah sida Bayaanada, Gabayada iwm in aan loo adeegsan karin qaabkaas Xatooyada ah, waxaana shardi ah in loo daayo Qofkii lahaa, Haddii aan sidaas la yeelin waxaa hubaal ah in qofka cusub ee qoraalka sheegtay uu ku ceeboobi doono markii la'Akhristo oo lagu ogaado Qofkani inuu nuqul [ama Copy] kusameeyey Kitaabkii ama buugii ama CD-gii walaalkiis oo aan raali kanoqon. Arintan (xaqa laga xayuubinayo qoraalka) waxay noqon kartaa xad-gudub laga galay qof bini aadam ah ayadoo la xaqirayo ama aan loo ogolayn wixii uu waqtigiisa iyo maskaxdiisa ku bixiyey laga idan weydiisto.

Sidaan Ogsoonahay Kutubta Islaamka markuu Nin Culimada kamid ah doonayo inuu wax kabedelo wuxuu sameeyaa inuu Xuso Qoraagii ama Mu'alifkii Dejiyey Kutubkaan markii hore, kabacdi wuxuu taabtaa meelaha uu doonayo inuu wax kudaro isagoo aan waxba katirin qoraalkii hore ee ulajeeda in uu walaalkiis iyo Ummada inteeda kale ku baraarujinayo halkaas inuu kasaxay wixii walaalkiis kukhaldamay, taasna waxaa looyaqaan TAKHRIIJIN [ama sixid] waana mid lawada yaqaan ama macruuf ah.

Halkaas waxaa kaaga cad sida ay Diinta Islaamku u dhawrto xuquuqda qoraalada. Waxayna taasi tusaale (ama cibro qaadasho) u noqon kartaa qorayaasha iyo maamulayaasha wargeysyada, website-yada, idaacda iyo qof kasta qoraal qoraya si ay uqaataan waxa ay diintu fartay, ayna ka fogaadaan xad-gudubka xuquuqda qoraalada iyo ka been sheegida qoraal ama ku been abuurashada qoraal qof kale.

Bogga xiga waxaan ku falanqayn doonaa sharciyada xuquuqda qoraallada ee caalamiga ah iyo kuwa dawladaha... KA.AKHRI.HALKAN....

....AKHRI QAYBTA 3aad.... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2003


Sixitaan:

Abuu Hurayra (Alle haka raalli noqdee) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "Iska jira xaasidnimada[2], xaasidnimadu waxay xasanaadka u cuntaa sida dabku u cuno xaabada" Waxaa weriyay Abuu Daa’uud.
 
[2] Xaasidnimada ama xasadku waa inuu qofku ka masayro oo xaasido qofka kale wax uu haysto oo jecleysto inay waxaa dhaafaan (ka dhammaadaan) oo isla markaa la jecleysta waxaa naftiisa isaga.

  • Xadiiskaas markii dib loo eegay waxaa soo baxay in uu yahay DACIIF, xadiithkaan waa dhaciif wuxuuna kuyaala DACIIF SUNANU ABII DAA'UUD, waxaan daciifiyey SH. ALBAANI.. waxaa arrintaas nagu baraarujiyey akhriste aan uga mahad celineyno.. Waxaana Xadiiskaasi Daciif ku noqday in uu silsiladda lagu weriyey uu ku jiro qof majhuul ah. waana ka cudur daaraneynaa in xadiiskaas aan markii hore qormada ku darnay. Mar kale waxaan akhristahaas uga mahad celineynaa sixitaankiisa uu arrintaas nasoo xusuusiyey.

 

 


Copyright

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

http://www.somalitalk.com/copyright/  
© www.SomaliTalk.com