Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo
Ammniga Qaranka DFKMG Soomaaliya Cabdisamad Maxamuud Xasan “…Wadanku Haddii
Baarlamaanku Awoodiisa Aysan Mideysneyn, Waligiis Awooda…”
(Sill-siladda Wareysiyadda Somalitalk Q.3)
- Mudane wasiir dowladda Kiiniya waxay shidaal ka baareysaa qayb ka mid ah dalka
soomaaliya oo la yiraahdo Block L 5, maadaama aad tahay wasiirkii arrimaha
gudaha soomaaliya, arrinkaas maxaad ka leedahay? Wasiirku waxaa uu ku jawaabey
“run ahaantii arrinta aad sheegayso wali wax xog ah kama hayo, qaabkeedu wuxuu
yahay aad ugama war qabo, waan maqlayey xoogaa warar is af-dhaafsan, laakiin wax
xaqiiqo ah oo aan arrintaas ka hayo ma jiraan”
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammniga Qaranka DFKMG Soomaaliya Cabdisamad
Maxamuud Xasan oo Somalitalk wareysi gaar ah kula yeelatey Hoteel Kempinski ee
Caasimada dalka Jabuuti, ayaa ka Hadley ujeedadda safarkiisa uu ku yimid dalka
Jabuuti, shidaalka ay ka baareyso Dowladda Kiiniya qayb ka mid ah dalka
soomaaliya, Goobaha ay gacanta ku dhigaan Ciidamadda Dowladda KMG, kuwa Kiiniya
iyo xoogaga kale ee ay is-garabsanayaan oo shacabkii ku noolaa ay go’doomin ku
hayaan iyo sida ay ku suuragaleyso iyadoon ammniga guud ee dalka la sugin in
laga gudbo KMG-ka, islamarkaana khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro hay’adihii
DFKMG iyo arrimo kale oo muhiim ah. Ayaa wasiirka waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay “waxaan ka mid ahay wafdiga uu
hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha, waxaan u nimid, inaan ka qayb-galo shirka ICG
Meeting ee lagu qabanayo halkan”. Sida ay ku suuragaleysaa, iyadoon ammnigii dalka guud ahaan la sugin, waa in
Augosto sidaas la sameeyaa ayey shirarkiinu inta badan ka soobaxaan? “ walaall
markii meesha jirta la qabto ayaa maamul iyo ammni loo sameeyaa, mana ahan meel
aan la qabanin in maamul loosameynaayo, waxyaabaha laga cararayo waxay tahay,
haddaan isla waqtigaas maamul iyo ammni loo sameyn, waxay halis u tahay in
Hogaamiye kooxeedyo ay ka dhashaan iyo kuwo ka sii daran shabaabka ay ka
dhashaan oo is qab qabsina uu ka yimaado”. Wasiirku waxaan keloo weydiiyey Xukuumad qorsho hawleedkeedu Baarlamaanku
ansixinin, sidee hawlaheeda ay ku fushaneysaa?, wasiirku wuxuuna ku jawaabay
“baarlamaanku arrintiisa waa arrin taagan, xalkeeduna waa mid uu u yaalo Ummadda
oo dhan, soomaalida oo dhana culeys bey ku tahay, balse waxa laga hadlayo
dowladu, baarlamaanku waqtigii hore ayuu soo ansixiyey, ilaa hadeertana
shaqadoodii bay hayaan, dowladda dhan shaqadeedu waxaa weeye, sidii dadka la
isugu keeni lahaa oo dibuheshiisiin loo sameyn lahaa oo nidaam dadkii ka dhex
yimaada loo sameyn lahaa, baarlamaankuna qof qof ay uga qayb-galaan ama koox
koox, miithaal maamulkii ugu dambeeyey ee beledweyne laga sameynayey waxa ugu
badan ee ka qayb-galay waxay ahaayeen Baarlamaanka, waana mabbda’a ka wada
dhexeeya dowladda iyo baarlamaanka in dadkii la heshiisiiyo oo loo sameeyo
nidaamyo ay iyagu ku qanacsan yihiin”. Sidee dadkii loo heshiisiinayaa, Baarlamaankii gudihiisa waa uu dagaashan yahay,
xukuumadda iyo baarlamaanka qayb wey isku dhacsan yihiin, qaarkood gudoomiyihii
hore ee baarlamaanka waxay aamisan yihiin in xilka laga qaadey, xukuumaduna
waxay aaminsan tahay in gudoomiyaha dhabta uu yahay gudoomiyihii hore?
Cabdisamed wuxuu yiri “ sida runtii ah baarlamaanka iyo dowladu wax dhibaato ah
ma dhex yaalo, baarlamaanka arrimihiisuna siyaabo kala duwan ayaa dowladu uga
hadashay oo International communits-ku uga hadleen, iyaga dhexdooduna uga
hadleen, dhibaatadda baarlamaanka, waa mid soomaali oo dhan saameeyey weeye,
laakiin hadda ma jirto dagaal dhex yaala dowladda soomaalida iyo baarlamaanka,
siyaasada lagu kala qaybsan yahayna ma ahan in dadku loo gargaaro, in wax loo
qabto iyo in maamul loo sameeyo”. Addigu waxaa tahay wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammniga qaranka DKM soomaaliya,
sidey ku suuragaleysaa, iyadoon dalkii lahayn ciidamo ammaanka suga, in
qorshihiina aad iska wadataan ayaan weydiiyey?, wuxuuna yiri “ meeshii shaley la
xoreeyey, haddaan ciidan joogin lama xoreeyeen, markii ay meeshu bannaanaato baa
maamulkii iyo ammnigii la diyaarinayaa, waana meel hadda la raadinayo in wadanka
oo dhan xoroobo, maal mahaana rajo aad u fiican ayaan leenahay in wadanka
badidiisa gacanta dowladda ku soo laabto”.
Maamulkii dhowaan laga sameeyey gobolka hiiraan, waxaa ka soo yeeraya kala
qaybsanaan, dooxada shabeela waxay sheeganaysaa in xukuumadda soomaaliya aysan
shuqul ku lahayn, ahlusuna sidoo kale, Itoobiyana mabbda’a gooni ayey wadataa,
TFG-na mabbda’a gooni, marka haddii goob kasta oo la xoreeyo is af-garan waa uu
ka dhex jiro, sidee xukuumadda hawlaheeda ku fulineysaa ayaan weydiiyey wasiir
Cabdi samed? “sida runtii ah, waxaa weeye sida loo waaweynayo inaysan sax u ahayn baan u
maleynayaa, waxaa loo direy wofdi dowlada ka socda oo wasiiro iyo xildhibaano
isla socda oo gobolkana ka soo jeeda ayaa loo direy, waxay soo arkeen
Communits-kii ayey soo arkeen oo la soo hadleen, barnaamijkii ay sooqaadeen
isagoo dhameystiran ayey wasaaradda arrimaha gudaha soo hordhigeen, wasaaradda
ayaa laga sugayaa qaabkii la raaci lahaa, Dowlada Itoobiya barnaamij gaar ah oo
ay iyadu wadato lama arko, maalintii ugu horeysay ee ay meesha yimaadeen waxay
soo jeediyeen, inay dowlada soomaalida maamulka la wareegto, dowlada soomaaliya
ayaa laga rabaa dadka inay isu keenaan, annigu waxaan isleeyahay hiiraan waa
meelahan hadda ugu fiican oo lagu bilaabay dariiqada fiican, waxaan rajeyneynaa
in si fiican loogu guuleysto”. Waxaa kale oo aan weydiiyey Cabdisamad Maxamuud Xasan, Ciidamadda Kiiniya, TFG
iyo xoogaga kale ee ay is-bahaysasnayeen, goobihii ay iyagu gacanta ku dhigaan
wax gala ma jiro, wax ka soo baxana ma jiro, shacabkii soomaaliyeed ee halkaasi
ku noolaa, waxaa laga soo sheegayaa dhibaato aad iyo aad u baaxad leh, maadaama
aad tahay wasiirkii aarrimaha gudaha arrinkaas maxaa ka jira? Wuxuuna ku jawaabey “waxaan u maleynayaa warar fara badan baa iska jira oo
xaqaa’iqa aad uga fogg, meelaha cadowga laga xoreeyey oo dhinacaas Koofurta
soomaaliya oo ciidamadda dowlada soomaaliya iyo ciidanka Kiiniya ay ka
dagaalamayaan, intooda badan shacabkii ku noolaa baa ku nool, annigaan kula
hadlayo waxaan tegay meelo ka mid ah haddana waan rajeynayaa meelo kale inaan
tago, sida warku loo leeyahayna sax uma ahan, muhiimada ugu weyn waxay tahay
dadka soomaaliyeed waa dhibaatoodeen dhibaato dambana ciil uma qabaan, waxaa
keliya oo socda waxaa weeye meeshii la xoreeyo, in laga sameeyo wax dadku ay ku
qanacsan yihiin xaqiiqaduna taas weeyaan”.
Mudane wasiir dowladda Kiiniya waxay shidaal ka baareysaa qayb ka mid ah dalka
soomaaliya oo la yiraahdo Block L 5, maadaama aad tahay wasiirkii arrimaha
gudaha soomaaliya, arrinkaas maxaad ka leedahay? Wasiirku waxaa uu ku jawaabey
“run ahaantii arrinta aad sheegayso wali wax xog ah kama hayo, qaabkeedu wuxuu
yahay aad ugama war qabo, waan maqlayey xoogaa warar is af-dhaafsan, laakiin wax
xaqiiqo ah oo aan arrintaas ka hayo ma jiraan” Haddii uu jiro arrinkaas maadaama aad tahay wasiirkii arrimaha gudaha maxaad ka
leedahay ayaan ku celiyey wasiirka? Wuxuuna yiri “taasi waxay noqon doontaa,
siyaasad guud oo dowladda soomaalida u yaala, wixii dowladda soomaaliya ka
qaadato ayaan ku camal faleynaa, haddii alle yiraahdo” ayuu jawaabta su’aalihii
ku soo koobay Cabdisamad Maxamuud Xasan. Deegaanadda dowladu gacanta ku dhigtey sida Baladweyne oo kale, waxaa laga soo
sheegayaa in habeen kasta dadd lagu laayo oo wabiyadda lagu guro, dowladuna
sharci ayey leedahay dadka fal dembiyeedka geysta, inta la soo qabto ayaa la
xiraa sida caalamiga ah, sidey ku dhacdey maadaama aad tahay wasiirkii arrimaha
gudaha ayaan weydiiyey? Wuxuuna ku jawaabay “walaall waa cajiib, warar badan baa meeshaan yaala oo aan wali xog fiican aanu
ka haynin, marka koowaad markii meel la xoreeyo, hal maalin ah awooda oo dhan
isuguma timaado mudo ayey qaadataa nidaamkii, kala dambeyntii iyo sharcigii
maxkamadaha in la soo celiya, waana mida hadda ay oll olaha ugu jirto dowladda
oo ay aad uga qaylineyso, inta marxaladood ee loo soomarey iyo daddaalka loogu
jiro aad dareemaysid, waxaana u maleynayaa in ay tahay waqtigii dowladda
awoodeeda ay sii kordheysay, wufuudii tagtey iyo dadkii tagayna warbixinta ay
nasoo gaarsiiyeen iyo tan aad sheegayso waxaad moodaa in xoogaa wax badan u
dhexeeyaan, balse waxaan kuu sheegayaa wax kasta lama biciidsankaro oo waa
dhicikartaa in khaladaad uu dhaco”. Doorka xukuumada soomaaliya muxuu yahay, mar haddii maamul goboleedyadii ka
jirey dalka soomaaliya, shirkasta oo xukuumadu ay ka qayb-galeyso ay iyaguna ka
qayb galayaan?. Ayaan weydiiyey Cabdisamad Maxamuud. Wuxuuna ku jawaabey “sidaad ogtahay dowladan waa dowlad dibuheshiisiin, dowlada
uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay ku shaqeyneysaa
siyaasad ah in dadka la isu keeno, dadka oo dhana gacamaha ay is qabsadaan oo
dowladnimadii soomaaliya la sooceliyo, waadna ogtahay soomaaliya meeshii ay
gaartey iyo marxalada meesha ay martey iyo saida ay u kala fogaatey, dowladaan
sideeduba dowlada dibuheshiisiinta ayaa loogu yeeraa, meel kasta oo ay tegayaan
in allaale intii ogol bey wadanayaan, macnaheeduna waxay tahay in dadkii si
cadaan ah ula shaqeyso, mana ahan mid dowladu ay ka sareeyaan ee waa in la
ilaaliyo dowladnimada, taas ayaa ugu muhiimsan”.
Waxaan weydiiyey Miyaan la dhihikarin kala qaybsanaanta baarlamaanka ka dhex
jira, waxaa qayb ka ah Xukuumadda soomaaliya? Wuxuu yiri “dowladda soomaaliya
waxay ka shaqeyneysaa sidii baarlamaanka loo mideyn lahaa, annigu ma ogi meel ay
qayb uga tahay kala qaybsanaantaas”. sidoo kale waxaan waydiiyey Ma jiraa wax qorshe ah oo arrinkaas ku saabsan oo la
isla sooqaaday shirkiina? Wuxuuna ku jawaabey “run ahaantii International
Communits waxay qaateen go’aan ah, in go’aamadii ugu dambeeyey ee baarlamaanka
ka soo baxay, in aysan sharci ahayn, sida uu madaxweynuhu sheegay waxaa la isku
waafaqsan yahay, in xaqiiqadu aysan ahayn sida go’aanka loo shaaciyey oo
gudoomiyuhuna uu yahay kii hore, shirkaana maanta taas ayaa ka soo baxdey”. Baarlamaanka soomaaliya hore waxaa uu u go’aamiyey in seddax sanno uu ku
darsadey, Somali Contact Group-na waa ay ka soo horjeesteen, waxaa loo ogolaadey
in hal sanno baarlamaanka soomaaliya uu sii shaqeeyo, ,maadaama tii hore ay ka
soo horjeesteen, ayna ogolaadeen sannad in uu sii shaqeeyo, micnaha diiddmadan
muxuu yahay ayaan weydiiyey wasiirka? “baarlamaanka arrimihiisa marka laga hadlaayo waxaa waaye, waa shaqo aad u
waaweyn, wuxuuna u baahan yahay qaab degan, anniga fikirkeyga waxay tahay
wadanku wuxuu leeyahay nidaam iyo sharci, qaabkaasaana ay ku wada shaqeynayaan,
International Communits-ku, waxay taageerayaan heshiiskii Kambala, waxaan u
maleynayaa haddii iyadaas la qaato oo ah wixii lagu heshiiyey, wax khaladaad ah
oo imaanaya ma jiraan, inay diidaan ama ogolaadaana macno ma sameyneyso ee waxaa
macno sameynaya in soomaalidu ay dantooda ka shaqeeyaan ee dowladnimada ah,
wadanku haddii baarlamaanku awoodiisa aysan mideysneyn, waligiis awooda waa
yaraaneysaa, muhiimadu waa in baarlamaanku uu isagu midoobo oo ay iyagu arrimaha
soomaaliya iyo qaabka arrimahooda ka taliyaan”.
Baarlamaanku sharciga lagu dhisay wuxuu ahaa mid beesha caalamku ay ogeyd,
dastuurka guud, Axdigii guud ee ay beesha caalamku aqoonsaneyd waa la laalay
miyaa la dhihikarin mar haddii go’aanka baarlamaanka la qaadan waayey? “su’aalaha aad I weydiineyso, waa su’aalo sannad ka hor ay lahaayeen, sida
xaqiiqada ah ee aan ka wadahadleyno oo aan anniga goob joog ka ahay, waxay tahay
sharciyad jirtey oo International Communits-ku hor istaageyso ma jiraan,
wax-yaabaha laga hadlaayo waxay tahay waxa baarlamaanku ay ku heshiiyeen,
Yugaandha waxaa isugu yimid Dowladda iyo baarlamaanka oo wada socda heshiis
beyna gaareen, heshiiskey gaareen waxaa ka soo baxay in dowlad dhan oo jirtey
meesha ka baxdey, in dowlad cusub la aas aaso, in mudo sannad ah la shaqeeyo,
kadibna laga gudbo KMG-nimada, waxaan is leeyahay wax-yaabaha la leeyahay hala
tixgeliya ayey ugu badan tahay ee ma ahan wax cusub in la isu yeeriyo oo meesha
yaala”. Mudane wasiir wax-yaabihii ka soo baxay heshiiskii Kambala miyaan loo
qaadankarin in uu ahaa mid af-gembi guud ahaan dalka soomaaliya oo dhan koox yar
ay hogaamineyso ay kula wareegeen? “waqtiga aad ka hadleyso, anniga dowladaas
waqtigeeda ma joogin, arragtidu waa dhicikartaa in aad addiga sidaas u haysato,
laakiin anniga qof ahaanteyda uma haysto in soomaaliya la af-duubey amma
soomaaliya dhibaato loogeystey uma arko, waxaan u arkaa wax inta la isku
qabsadey oo lagu gaaray xaal mastuur iyo heshiis” ayuu yiri wasiir Cabdisamad. Addigu waxaa tahay wasiirkii wasaaradda arrimaha gudaha, goboladan woqooyi ee
maamulka Somaliland la baxay waxay sheeganayaan in soomaaliya inteeda kale ay ka
go’een, dowladuna wali lama hayo wax wadahadal amma heshiis oo ay la gashay,
haddaba qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland muxuu yahay
ayaan weydiiyey wasiirka?. “sida runta ah Somaliland iyo barnaamijkeeda waa hawl
gooni ah, waa wax u yaal guud ahaan dowladda soomaaliya, iyaga somaliland ahaan,
soomaali guud ahaan ee khaasna umma ahan wasaaradda arrimaha gudaha, ayaan u
maleynayaa”. Ugu dambeyn maxaad u soojeedineysaa shacabka soomaaliyeed
ee ku dhegeysanaaya, amma akh-risanaaya fikirkaaga ama ku daawanaya? “waxaan
rabaa in aan u sheego, soomaaliya waa dadd ehel ah, waa dadd isku diin ah, isku
deegaana ah, sida run ahaantii waaweeye dhibaatada ugu badan ee dhextaala waa
is-fahan la’aan dhexdooda ah, haday isu yimaadaan oo midoobaan, waxaan
aaminsanahay in caalam kale aysan u baahaneyn iyo cid kale, marka waxaan u
soojeedinayaa in la isu tanaasulo waxyaabaha faraha badan ee jira danta
soomaalida daraadeed, maalintaas ayaan horumar gaareynaa kuna soo laabaneynaa
shekh-siyadeenii soomaalinimada ahayd, haddii kale waxay noqoneysaa in naloo
taliyo, qof kasta oo soomaali ah waxaa mas’uuliyad ka saran tahay sidii
midnimada Ummadda loo heli lahaa, taas ayaa noogu muhiimsan oo xaq ah, qof
walbana in uu ku fikiro ay tahay”. Ayuu hadalkiisa ku soogeba gebeeyey wasiirka
arrimaha gudaha iyo ammniga qaranka DFKMG soomaaliya Cabdisamad Maxamuud Xasan
oo somalitalk ugu waramayey 06/02/2012-ka Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka
Jabuuti. La Soco Qaybaha Kale ee Sill siladda Wareysiyadda Somalitalk Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Xog-hayaha Guud Ee Madaxtooyada Dalka Jabuuti, Md. Ismaaciil Xuseen Taani
“Haddii Soomaali Siyaasadii Ay Guracantey Oo La Diidey In Wax Meel Loowada Wado,
Bal Dhanka Dhaqaalaha Iyo Dhaqanka…”
Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2012
|