Sawirka Dhabta Ah Ee Dawladda
Sheikh Shariif
"Cabdulaahi Haduu
Ethiobiyaan Keenay, Sheikh Shariif Waxa
Uu Bixiyey Dhulkii Somaliyeed"
FAALLADA WARGAYSKA:
ILAYS NEWSPAPER
Cadadkii 21aad -
Axad 12 April 2009

Waxay dadka iyo dalka Somaliya u
ahayd Habeen Madow. Kolkuu
qalinkaku duugay Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Heshiis uu la galay Wadanka
Kenya. Waxaa uu gacantiisa kusaxiixay
qoraal aan laga fiirsan. Isaga oo
garabka ku haya Wasiirka Arrimaha
dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula..
Dembi ugu weyn oo la galo ayaa ah in qayb wadan ka mid ah la siiyosi sharci
daro dal kale. Hadii Islaamiyiintu ku xaman jireen Cabdulaahi Yuusuf inuu
Somaliya soogeliyey qawada shisheeyey oo ethopia horsed ka tahay. Maanta
kuwiiqoriga u qaatay siday shegaa in Cadawo Soomaaliya laga xoraynayo ayaa
gacmahooda ku saxiixay indhul Soomaaliyed la bixiyo.
Maxay la hortagayaan dadkaSoomaliyeed. Maxaa uu u soo dagalamay Sheikh
Cabdulqaadir Cali Cumar oo ah Wasiirka Arrimaha Gudahaninka marka sharciyan la
eegoka masuul ka ah Dhulka Soomaaliyed. Maxa uu Sheikh Shariif isagadhigi jiray
Wadani Islaanimadu ku fogtahay.
Heshiiska Labada dawladood kalasaxiixdeen waxa marag ahan u joogay Amb.
Longve Hans Wilhelm, lataliyaha khaaska ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee
Norway, iyo weliba Ms.Rina Kristmoen oo ka socotey Safaaradda Norway ee Nairobi.
Macnaha sow ma ahan in wax la kala iibsanayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur maqarin
in Sheikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid la og yihiin Saxiix heshiiskan oo dan
weyni ugu jirto dawladda Kenya. Website-ka Somalitalk.com ayaa mudo hore waxaa
uu soo bandhigay Khatarta ku soo fool leh Xuduudka Badda ee u dhexeeye Soomaliya
iyo Kenya. Qoraalkaase laguma baraarugin. Maalmo dhoweyd ayuu ku celiyey qaylo
dhaantii hore oo kale , waxaana ku xigay in Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka
Caalamiga ahi Saxiixay waxay Kenyaka weyday Soomaaliya.
Halka la isku haysto ayaa ah Jasiiradaha Lama Shaaqa oo Soomaaliya weligeed
lahayd. Markaas ayaad is weydiin karataa maxay Kenya u doonaysaa Jasiiradahaas?
Waa fududahay Jasiiradaha ayaa hodon ku ah Shidaalka waxayna Kenya doonaysaa
inay Soomaaliya kala wareegto 38,000km2 oo dhul badeed ah. Wasiir
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu si bareer ah u sheegay innaan la xadayn
xuduudka Badda ee u dhexeeya Somaliya iyo Kenya. Taas oo macna ahaan ka dhigaysa
dhul la isku haysto Jasiiradaha Lama Shaaqa.
Waxaa jira dhiidhi aad u weyn oo Somalida oo dhami ka dhiidhiday hadalada aan
qiimaha badan lahayn ee ay Kooxda Sheikh Shariif ku difaacayaan khaladka
Taariikhiga ah ee ay ka galeen Ummadda Somaliyeed kuwasoo doonaya inay si kale u
fasiraan heshiiska dibin daabyada ah ee ay la galeen Kenya.
Dawladda Kenya waxay doonaysay inay saxiixan marag fur uga dhigato qasdigeeda
ah la wareegida Jasiiradaha Lama Shaaqa. iyadoo Qaramada Midoobay 13 May 2009-ka
kuwargelisay wadamada aduunka inay ku soo gudbiyaan Xuduudahooda Baddaha.
Maanta waxaa si qumaati ah loo arkayaa sawirka dhabta ah ee Dawladda uu
Madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif Shiekh Axmed iyadoo kooxaha iminka dawladda
hoggaamiyaa ku dhaliili jireen Cabdulaahi Yuusuf iyo dawladiisii inay ahaayeen
daba dhilif Soomaliya u soo horseeda in ethiopia qabsato. Maanta Cabdulaahi
Yuusuf ma ahan Madaxweyne. Itoobiya wadanka Somaliya Ciidamadedii waa kala
baxday. Arrintuse waa ka dar oo dibidhala. Kut ka guur oo qanjo u guur.Waxaa
Sheikh Shariif Xalaaleey in Canshuurtii Soomaliya lagu qado wadan kale iyo
in dhulkii Soomaaliyeed ee Muqadaska ahaa qayb kamid ah loo saxiixo Kenya.
Waa ay muuqata inaan dawladda Kenya
si fudud u qaadan dooni dhulka. Haday
Ethiopia joogi weyday gudaha Somaliya .
Kenya ma joogi karaysaa qayb ka mid ah
Badaha Somaliya oo weliba Shidaal ku
jiro.

ISHA: Wargayska ILAYS
NEWSPAPER.
###
Raisul Wasaare Sharma’arke Ma Qarin Karaa Dhulka Somaliyeed ee La Bixiyey
Isha: Wargayska Ilays, April 12,
2009

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho, kaga hadlay arrinta muranka weyn dhalisay Xuduud badeedka Soomaaliyaiyo Kenya u dhexeysa iyo aragtiyokala duwan oo laga bixiyay heshiisdhex maray Xukuumadaha Somaliyaiyo Kenya.
Waxa uu sheegay Dr. Cumar C/rashiidinaan uusan ahayn sida loo fasirtay heshiiskaasi, Waxaana uu yiri “Ma jirto taako dhul ah oo aan uga tageyno Dowladda Kenya, guddi ayaana u saarnay xadeynta dhulbadeedka labada dal”
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu ka dhawajiyey inuu jiro muran u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya. Murankaas oo ku saabsan xuduud badeedka labada dal u dhexeya, isagoo carabka ku adkeeyey in arrintaas loo bandhigi doono Guddi ka socda Qaramadda oo xal u raadisayis haysigaas.
Arrimahan ayaa muujinayaa inuu jiro jaah wareer siyaasadeed iyo mid shariciyeed oo ka taagan xuduud badeda
u dhexeysa Kenya Iyo Soomaaliya
ISHA: Wargayska ILAYS