Obama Muxuu ka aaminsan yahay Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee (Charter
Schools)
Warbixin Kooban: SomaliTalk.com | Minnesota, USA | March 14, 2009
- Madaxweynaha Maraykanka iyo Qorshahiisa waxbarashada
- Waa maxay Charter School
- Minnesota oo ahaa Gobolkii ugu horeeyey oo sharciyeeya Charter
Schools
- Dugsiyada Charter-ka ee Soomaalida Minnesota
Madaxweynaha Maraykanka iyo Qorshahiisa waxbarashada
Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, xilligii uu ku jirey tartankii
ololaha doorashada Maraykanka waxa uu si qeexan u sheegay in uu taageersan
yahay, islamarkaasna uu labanlaabayo kharashka ay dawladda dhexe ku bixiso
Iskoolada Maraykanka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee loo yaqaan Charter
Schools.
Obama, markii uu ku guulaystey madaxweynenimada waxa uu meeshii ka sii waday
hirgelinta qorshahii uu u ololeeyey ee dib u habaynta waxbarashada Maraykanka,
waxna u qorshaysan in uu wax weyn ka bedelo heerka waxbarashada ee Ardayda
Maraykanka, si ay ula tartamaan ardayda caalamka kale iyo sidii uu kor ugu qaadi
lahaa waxbarashada ardayda Maraykanka oo dhan (sabool iyo qani).

Madaxweyne Barack Obama iyo kuxigeen Joe Biden
Qodob ka mid ah qorshahiisa waxbarashada oo uu kaga hadlayey Dugsiyada K-12
(oo ah waxbarashada ka bilaabaneysa Dugsiga heer bilow ah ilaa fasalka 12aad ee
Dugsiga Sare) waxaa si qeexan ugu cad in "Barack Obama iyo Joe Biden ay
labanlaabayaan kharashka ay dawladda dhexe ku bixiso barnaamijka Iskoolada
Charter-ka iyaga oo taageeraya samaynta Dugsiyo Charter ah oo guul gaara.
Maamulka Obama-Biden waxay kordhinayaan maalgelinta Dugsiyaada Charter-ka si loo
kordhiyo masuuliyaadda saaran Iskoolada, gacanna la siiyo dugsiyada waxbarashadoodu hoosayso iyo in la sameeyo qorshe cad oo lagu xirayo Iskoolada
aan samaynayn horumar waxbarasho.
Maamulka Obama-Biden waxa kale oo taageerayaan in goboladu ay caawiyaan
Dugsiyada Charter-ka ah ee horumarka ugu weyn gaara si ay u ballaariyaan
adeegooda gaaraya arday badan.."
Hay'adda AP oo ka warbixineysey khudbaddii Obama ee March 10, 2009 uu kaga
hadlay qorshahiisa waxbarashada ayaa qortay warbixin ay cinwaankeeda qayb ka mid
ah ahaa "Obama waxa uu taageeray Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee Charter
Schools".
AP waxay xustay in ay jirto dood ku saabsan Dugsiyada Charter-ka, taas oo ah
inkasta oo Dugisyadaas ay kharashkooda wax ka bixiso Dawladda Dhexe laakiin si
madax bannaan loo maamulo, ayna ka madax bannaanyihiin qaar ka mid ah xeerarka
ama sharciyada lagu dhaqo Dugsiyada Caadiga ah. Macallimiin badan ayaa aaminsan
in Dugsiyada gaarka loo leeyahay ay kharash iyo macallimiin xirfad leh ka
weecsanayaan Dugsiyada caadiga ah ee (dawladdu toos u maamusho).
Taas oo jirta, haddana Obama waxa uu khudbadiisii rasmiga ahayd ee uu kaga
hadlayey waxbarashada (May 10) ku sheegay in aysan haboonaanayn in la
yareeyo ama la xaddido tirada dugsiyada Charter-ka, isagoo arrintaas ka
hadlayeyna waxa uu yiri "in la xadido tirada Dugsiyada Gaarka loo leeyahay
ee Charter-ka uma wanaagsana carruurteena, dhaqaalaheena iyo dalkeena." Halkaas
oo uu si qeexan ugu muujinayey in uu taageersan yahay Dugsiyada Charter-ka, isla
markaasna uu ka soo horjeedo in tiradooda la yareeyo ama la xadido.
Ujeedada ugu weyn ee ka dambaysa dib u habaynta waxbarashada ee maamulka
madaxweyne Obama waa sidii loo yarayn lahaa faraqa aqoon iyo waxbarsho ee u
dhaxaysa carruurta Maraykanka dhexdooda (Saboolka iyo dadka lacagta leh), isla
markaasna carruurta Maraykanku ay ula tartami lahaayeen carruurta dalalka kale
ee adduunka xagga waxbarashada.
Waa maxay Charter School..
Hab fikirka Dugsiyada Gaarka loo leeyahaay ee loo yaqaan Charter Schools ee
Maraykanku waxaa hab fikirikeedu soo bilowday saannadkii 1988, waxaana fikradaas
lahaa Ray Budde oo macallin ka ahaa Jaamacadada University of Massachusetts,
waxana uu xilligaas ku baaqay in dib u habayn lagu sameeyo waxbarashada
Maraykanka oo la asaaso Dugsyigada loo yaqaan 'Charter Schools'.
Gobolkii ugu horeeyey ee Charer Schools sharciyeeyay oo aqabalay waxa uu ahaa
Gobolka Minnesota (1991). Gobolkii labaadna waxa uu ahaa California
(1992). Sanandkii 2008 waxaa tirada gobolada Maraykanaka ee aqbalay nidaamkaas
ay gaarayeen ilaa 40 gobol. Shabakada EdReform waxaa ku cad in xilligan
(2009) ay Maraykanka ka jira ugu yaraan 4,410 Dugsi oo ah Iskoolada
Charter-ka.
Saddex sano kaddib markii Dugsiyada Charter-ka ay ka bilaabeen Maraykanka,
ayaa dalka Canada gobolkiisa Alberta waxa uu sannadkii 1994 bilaabay Iskoolada
Charter-ka.
Qaabka ay lacagta ku helaan dugsiyada Charter-ka waxaa go'aamiya Gobalada.
Goballo badan, waxaa dugsiyada Charter-ka lacagta looga soo leexiyaa degmada uu
deggan yahay ardayga dugsigaas usoo bedesha. Waxaa kale oo Charter-ka lacag u
qarara ama u xadida xeerka dawladda Federaalka Marayknka ee "Federal
Elementary and Secondary Education Act, Part B, Sections 502 - 511" Waxa
kale oo Charter-ku uu lacag dheeraad ah ka heli karaa deeqo gaar ah. Waxaana
xusid mudan in dugsiyada Charter-ka lacagta la siiyo ay ka yar tahay tan
dugsiyada caadiga ah.
Dugsiyada Charter-ka sida dugsiyada caadiga ah (k-12) ardayda lagama qaado
wax lacag ah, ardayda qoysaskoodu aysan lacag badan haysana waxaa la siiyaa
quraac iyo qado bilaash ama lacagta laga dhimay.

Isha sawirka:
http://www.edreform.com/charter_schools/maps/ | GoogleEarth.
Dugsiyada Charter-ka ee Soomaalida Minnesota:
Minnesota oo, sida kor ku xusan, ah gobolkii ugu horeeyey ee dhaqan geliya
nidaamka Dugsiyada Gaarka loo leeyahay, waa gobol ay ku nool yihiin Soomaalida
ugu badan ee ku dhaqan Maraykanka. Waxaana gobolkaas ka jira Dugsiyo badan oo ah
Charter.

Sawirka: Ubah Medical Academy
(UMA), Minnesota:
http://www.ubahmedicalacademy.org/
Ubah Medical Academy
(UMA) oo ka mid ah dugsiyada Charter-ka ee ay dhigtaan Arday badan oo
Soomaali ah, waxaa la asaasay sannad dugsiyeedkii 2004-2005, waxana lagu
asaasay 90 arday, sida ku cad shabakada Dugsiga, waxaana asaasay jaaliyadda
Bariga Afrika (East African community) oo ay Soomaalidu ugu badan tahay.
Markii dugsiga lagu asaasay ay ardaydii ka bateen ayaa waxaa Dussiga UMA loo
wareejiyey xarun cusub oo ku taal xaafadda Hopkins.
Hadda Iskoolka UMA waxaa dhigta ilaa 250 arday
oo badankoodu ka soo jeedaan dhanka bari ee Qaarada Afrika, una badan Soomaali.
Iskuulada gaarka loo leeyahay ayaa kusoo kordhiyey
waxbarasha iskuulada maraykanka tayo waxbarasho oo aan laga wada helin iskuulada
caamka ah ee la dhiga ah. Iskuulada ugu waa wayn ee Charter school-ka ah ee ku
yaala gobolkan waxaa kamida sidaan horay usoo xusnay Ubah oo ay dhigtaan arday
badan oo Soomaali ah, kuwaasoo hela adeegyo badan oo aysan ka helin
Iskuulada caamka ah, sida; inay dhaqankooda is dhaafsadaan ama is xasuusiyaan
maalin kasta. Sidoo kale ardayda dhigata iskuulada gaarka loo leeyahay ayaa
xaga akhlaaqda aad u wanaagsan. Waalidiinta
dhalay ardayda dhigata iskuulada gaarka loo leeyahay ayaa muujiya kalsooni badan
oo ay ku qabaan Charter school-ka marka la bar bardhigo iskuulada caamka
qaarkood.
Marka laga hadlayo faa'iidada ay dadka Soomaaliyeed
iyo qowmiyadaha kale ee ka yimid Afrikada bari ka helaan dugsiyada Charter-ka
waxaa ka mid ah in ardaydu aysan dareemin in ay yihiin qalo, iyaga oo dugsiga ka
dhex arkaya hiddahoodii. Waxaa kale oo ardaydu dugsiyada noocaas ah ka helaan in
luqaddoodu aysan ka lumin. Faa'iidooyinka kale ee dugsiyada Charter-ka waxaa ka
mid ah in Soomaalida ay u soo baxaan macallimiin tayo iyo aqoon leh oo ardaydii
Soomaaliyeed iyo kuwii bariga Afrika wax bara.
 
Musa Farah iyo Heather Mansour, Co-Directors (UMA):
Dugsiga Sare ee Ubah waxaa hoggaamiya Guddi
Sare (Board) oo ka kooban sagaal xubnood oo 5 ka mid ah ay yihiin Soomaaliya,
waxaana guddigaas madax u Cabdirashiid Warsame. Agaasimayaasha
dugsiga maamulana waa
Muusa M.
Faarax iyo Heather Mansour.

Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo
makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris
halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.Akhri.. |
Haddii aad deeoneysid in aad Minnesota ka bilowdid
Charter School: Booqo
http://www.mncharterschools.org/page/1/starting.jsp
Warbixintii SomaliTalk.com, Minnesota
Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2009
|