SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha dowlada FKMG Soomaaliya Shiikh Shariif oo sheegay in wadamada Uganda iyo Burundi ay ka ogolaadeen in ciidamadooda ay sii joogaan Soomaaliya tan iyo inta dowlada ay gaareyso isku filnaansho dhankasta ah.

(SomaliTalk.com, Muqdisho, March 28, 2009): Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta (Sabti) shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu kala hadlay Madaxweynayaasha Burundi iyo Uganda sidii ay u caawin lahaayeen dowladda KMG inta ay isaga filnaanayso.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warfidiyeenada kula hadlayay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kadib markii uu shalay ka soo laabtay wadamo uu safaro ku tagay oo dibadda ah ayaa sheegay in dowladaha Burundi iyo Uganda oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ay kala hadleen sidii ay u caawin lahaayeen Soomaaliya ilaa inta ay ciidamo ka samaysanayso.



“Waxaad la socotiin in Ciidamada AMISOM ay ka mid ahaayeen heshiiskii lagu soo saxiixday dalka Jabuuti,marka anaga wadamadaasi waxaan u gubinay qorshaha dowladda oo ah in ciidamo ay dhisato,dadka inaga soo horjeedana aan la heshiino”ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladaha Liibiya iyo Suudaan markii ay la soo kulmeen ay u sheegeen in ay wadaan qorshayaal ay isugu keenayaan dowladda KMG iyo dhinacyada kale ee "Mucaaradka" ee ka soo horjeeda dowladda uu madaxweynaha ka yahay isaga.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in ay wadaan qorshayaal ay isugu dhafayaan ciidamadii dowladda TFG-da iyo kuwa Maxkamadaha Islaamiga iyo sidoo kale sidii darees loogu qeybin lahaa oo ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dhinac.



Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Madaxa Ururka Al Qaacida ee Cusaama bin Laadin ee uu ku baaqay in lala dagaalamo dowladda uu madaxweynaha ka yahay,waxaana uu sheegay madaxweynuhu in warkaasi uu yahay waxa laga xumaado oo aan loo baahnayn in al qaacida xiligaani ay ka hadsaho Soomaaliya.

“Waxaan Aad ugu xumahay In Al qaacida wax ay ka hadasho inteey weyday maanta ay Soomaaliya oo haatan dowlada dhisatay oo heshiisay ay ugu baaqayso in ay dagaalamaan”ayuu hadalkiisii intaasi ku daray Madaxweyanaha.

Mar wax laga weydiiyay weerarkii dhawaan loo geystay Wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya sheikh C/qaadir Cali Cumar ayuu sheegay Madaxweymuhu in uu falkaasi uu ahaa mid aan loo baahanayn oo aan ku banaanayn shareecada Islaamka in dhiig Muslim la daadiyo.

“Ninkii aaminsan maanta in dilka wasiirka arimaha gudaha uu jano ku galayo in uu qaldanyahay dhamaanteen waan wada ogsoonahay,anagana Al qaacida diin naba barin,deeqna namasiin, dowladna nooma dhisin”ayuu ku nuux nuuxsaday madaxweynuha DFKMG.

deadline
May 29 & June 28, 09
Waqtiga culimadu u qabteen DFKMG
Akhri

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in kulan ay maanta ku yeesheen isaga iyo wasiirada dowladda KMG xarunta Madaxtooyada ay ka wada hadleen waxyaabihii intii uu dibadda ku maqnaa u soo qabsoomay iyo sidoo kale waxyaaabihii wasiiradu ay qabteen iyo arimaha wadahadalada

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS