Maslax M. Siyaad iyo Indho Sarcaadkii
Jabuuti
Shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti ee madaxweynaha loogu
doortay Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa madaxtinimada Soommaliya isku soo
sharaxay in ka badan toban mudane oo aysan intooda badan u suurta gelin in ay
wareegyadii hore ku helaan cod ku hunguri gelin kara in ay guulaystaan marka
laga reebo Gen. Maslax Maxamed Siyaad Barre. Maslax oo aan
fagaarayaasha siyaasada lagu arag ilaa iyo 1990kii oo ahayd markii xukunka laga
faramaroojiyay aabihii, Maxamed Siyaad Barre, xiligaas oo uu Maslax ahaa
Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Inkasta oo uusan Maslax ku fariisan kursigii
waxaa uu guul weyn u soo hooyay qoyska reer Siyaad Barre iyo dhamaanba dadka
wali ka samri la’ Kacaankii Oktoobar ee uu Jaalle Siyaad hoggaaminayay.
Hadaba inta aanan u gubin sababaha Maslax gaarsiiyay in uu gaaro guushaas
siyaasadeed bal marka hore aan inyar ka taabano taariikhdii Gen. Maslax
Maxamed Siyaad.
Maslax waa kuma?
Dad badan oo aqoon dheer u lahaa Maslax
qaarkoodna ay aheeyeen saraakiil ciidan oo ay wada shaqayn jireen ayaa ku
sifeeyay in uu yahay nin dabeecad wanaagsan. Waxaa uu saaxiibo ku lahaa inta
badan qabaa’ilada Soomaalida. Waxaa kale oo lagu tilmaamay in uu ahaa taliye
aan isla weynayn oo xiriir fiican la leh askarta ka darajada hoosaysay. Maslax
markii uu isku sharaxay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shirgudoonkii Jabuuti u
soo gudbiyay taariikhdiisi waxbarasho iyo shaqo (halkan ka akhriso qoraalkii
uu shirka u gubiyay)
Marka laga soo tago arimaha aan kor ku soo sheegnay, Maslax waxaa lagu tilmaamay
nin ay ka dhaadhacsanayd in uu xukunka Soomaaliya aabihii xaq u leeyahay oo
aysan jirin cid kale oo soo hunguriyayn karta. Awoodii uu aabihii siiyay
waxa uu u isticmaalay in uu ku khaarajiyo qof kasta oo lagu tuhmo mucaaradnimo.
Gen. Maslax M. Siyaad waxaa uu ku eedaysanyahay xasuuq shacab aan waxba
galabsan oo uu si toos ah amar ugu bixiyay sida kii Xeebta Jaziira ee 17 July,
1989kii oo 46 qof oo magaca qabiilkooda dartii guryahoodi loogala baxay
lagu gumaaday xeebta Jaziira ee duleedka Muqdisho sida ay cadeeyeen Cumar Muuse
oo ah shakhsiga kaliya ee ka badbaaday dadkii halkaa lagu laayay iyo G/lle Sare
Ibraahim Cali Bare (Canjeex) oo ku eedaysan in uu ahaa sarkaalkii amarka ka
bixinayay goobta toogashada. (Halkan ka akhriso warbixintii Cumar Muuse)
Sidoo kale (Halkan ka
daawo Canjeex oo ka warbinaya qaabkii Maslax M. Siyaad xasuuqa u abaabulay iyo
raggii fuliyay oo uu isagu iska reebayo)
Cumar Muuse: Shakhsiga kaliya G/lle Sare
Canjeex taliyihii guutada labaad ee ka badbaaday xasuuqii
Jaziira Qabta 77aad, Muqdisho
Yaa Maslax u codeeyay?
Dad ku sugnaa goobtii ay doorashadu ka
dhacaysay ayaa ayaa 126 da cod ee Muslax ku helay wareeggii ugu danbeeyay ee
doorashada ku tilmaamay in ay siiyeen xildhibaano sadex ujeedo kala watay:
- Xildhibaano arinta ka eegayay dhanka
qabiilka oo kaliya markastana u codaynayay musharixiinta midka ay hayb ahaan
isugu dhowyihiin.
- Xildhibaano doonayay in uu Maslax guulaysto
si uu shirku u fashilmo iyaga maskaxda ku hayay in aysan dowladiisu heli
doonin taageerada inta badan shacabka Soomaaliyeed taas oo ay ku
kaliftay markii ay danahooda khaaska ah ka dhex arki waayeen madaxtinimada
Sh. Shariif.
- Iyo xildhibaano aan tiro badnayn oo shirka
ku jaah wareeray dabadeedna go’aansaday in ay Maslax isaga codeeyaan
maadaama uu aabihii ugu danbeeyay madaxweyne Jamhuuriyada Soomaaliya
xukunkiisa wada gaarsiiyay.
Wareeggii ugu danbeeyay ee codbixinta oo ay Maslax u harsanayd in uu Sh.
Shariif iska hor wareejiyo si loogu dhaariyo Madaxweynaha Soomaaliya ayay arintu
indho sarcaad ula muuqatay dadkii aqoonta u lahaa taariikhda Maslax waxayse
naftooda ku samriyeen aqoontii kale ee ay u lahaayeen xildhibaanada qaarkood.
Dhanka kalena waxaa soo baxay kacdoon kale Maslax jago loogu raadinayo
maadaama uu u muuqday hoggaamiyaha garabka xildhibaanada ee doorashada lagu
jabiyay. Ra’isulwasaaraha isaga ayaa xaq u leh, waa in la siiyaa
wasiirka gaashaandhigga, haddii meesha cadaalad laga rabo waa in la qanciyaa
taageerayaashii Maslax iyo hadalo kale oo la mid ah oo aan meeshii laga soo
qaadin ayuu ku soo afjarmay tartankii madaxtinimada ee Reer Siyaad Barre oo ay
xukun isku dhajintoodi hore horseeday burburka Soomaaliya.
Tacadiga
loo gaystay xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, xasuuqa iyo barakicinta
shacabka, ku takri falka iyo burburinta hantida qaranka, eexda iyo
qabiilaysiga ay ku keceen madaxdii dowladii Maxamed Siyaad iyo jabhadihii ka
danbeeyay ee ay qaarkood magacyo dowladeed wateen waa mid aysan shacabka
Soomaaliyeed illaawi doonin. Maslax iyo kuwa kale ee ficiladaa ku eeadysana
waxaa soo mari doonta maalin lagula xisaabtami doono waxii ay gaysteen.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
::Jawaab
Maqaal Ahaa Maslax M. Siyaad | Shaafi Maxamed
MAQAALLADA
KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI.... Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009 |