SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Jawaab Maqaal Ahaa Maslax M. Siyaad iyo Indho Sarcaadkii Jabuuti Oo Lagu Daabacay Somalitalk

.
Asalaamu calaykum 

Mahad oo dhan Ilaah baa leh ah Caalimiinta Rabigood. Nabad gelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato iyo Asxaabtiisii, ehlu baytkiisii, haweenkiisii iyo dadkii ku raacay xaqa. 

Dhamaan akhirstayaasha Sharafta iyo Somaalinimadu ku dheehan tahay waan idin salamayaan dhamaantiin meelkasta oo aah adduunka kaga nooshihiin.

Waxaan aad iyo aad u jeclaa in aan ka hadlo maqaal uu qorey Wiil Magaciisa ku sheegey Abdirisaaq Ahmed Hassan-yare maqaalkaas oo uu Qoraa amase cinwaan kuga dhigey Maslax M.Siyaad Iyo Indho Sarcaadkii Jabuti? Runtii markaa aad sii firiso amase si wanaagsan aad u akhriso maqaalkaa waxaa kaga muuqaneysa waxa soomalidu U taqaano "Ogol Diidan" oo ah marna qoraalkisa waxuu amaan ugu jeedinayaa oo ka sheekeynayaa Sharaftii uu Maslax Mohamed Siyaad ku lahaa Ummadda Somaliyeed xilligii Abihiis hayn jirey talladda Dalka soomaaliya.

Qoraaga qorey qoraalkani waxuu sheegey in Maslax ahaa nin aad u wanaagsan siiba marka laga hadlayo dhanka xukunkii abihiis isagoo aan iska weyneyn jirin cidamadii uu Taliyah Xooga dalka soomaliya xilligaas oo uu si wanagsan ula dhaqmi jirey gabi ahan ciidamadii uu talladda u hayey. Intaas ka sakow Qoraagu waxuu sheegey in maslax ay u codeyeen dadkala ahaa 3 qaybood: Kuwo qabiil ahaan ugu codeeyey ,Kuwo Rabay in aysan dawladdi ka dhalan somaliya oo uu sheegey in kuwaasi ay aaminsaneyeen haddi uu hogaanka soomaaliya ku soo baxo maslax in shacabka soomaaliyeed ka hor imanayaan, Iyo Kuwo ku jaahwareerey shirka oo is yiri maslax iskaga coodeya iyagoo aanu codkooda daacad ka ahayn.

Runtii Qoragaas qoraalkiisa waa mid yaab leh runtana aan wax raad ah ku lahayn maqaalkiisana xaqiiqdii kamu fakarin waxaana ku cadeyneysaa laba wax kuwaas oo ah Marna waa Amaanayaa Marna waa Canjarafeynayaa taasina mahan mid wax weyn ka bedeleysa qof shaqsi ah mawqifkiis.

Arrintii ugu yaabka badneyd waxay ahayd Maslax ayaa ka dambeyey oo amar ku bixiyey dad la xasuuqey 17 July, 1989kii oo 46 qof ahaa kuwaas oo lagala baxay guryahooda,taasina mahan wax qof bini adam ahi ka qadanayo qoraaga qorey maqaalkaas ,dadkaas maslaxna ma xasuuqin mana layn,laakinse waxaa layey ciidankii soomaaliyeed oo qabiilkasta lahaa oo laga yaabo in ay ku jireen kuwa laynayaa ee loo soo direy qabiilkoodu.Waa run dadkaas soomaaliyeed waa lalaayey waana wax laga xumaado laakinse mahan in qof shaqsi ah loo daba gallo qabiilkiisa ayaa dalka xukumi jirey amase aabahaa ayaa dalka xilligaasi haystey,Balse waa la fikiraa oo waxaa lays weydiyaa qofka dilka geystey amase amrey waa kuma.

Runtii waxaa qoraalkaga ka muuqata Caadifad qabiil taas oo ay ku dheehan tahay wax ka dheer soomaalinimo,Runtii dadkaasi dhinte Ilaah baana ku og ciidi dishey hadeerna cid wax u qaban karta oo aan ilaah ahay ma jirto,Sxb Qooraagow waxaan kula tallin lahaa aad ilaah ka baqdo oo aadan wax aadan ogeyn iska sheegto,sababto ah maanta akhiro waa lays weydiin ciidi laysey masaakiintaas dila loo geystey,Laakin adigu ma ku dhaaran kartaa In Maslax iyo dadka kale aad sheegtey ka dambeyeen dilka dadkaas.
Runtii soomalidu dakano waa iska gashay qolo sheegi karta in aysan dakano galina ka jirto balse waxaan ku dhihii lagaa "Ha martiyin Xabaalaha Meytidana ha kaa kicin bi fadlik" Walaal soomaalida cid fayaw ma jirto cidkastaa dambi waa loo heli karaa balse adigu Akhiro u shaqeyso "oo dhanka fiican nololsha ka fiiri'" Dhibaatadeeda ayey leedahay haddi xumaanta uun la sii wado.Midna waa iga tallo haddi aad qof u dan leedahay waligaa marna ha amaanin marna wax ha ka sheegin balse dhan uun raac.

Shaafi Maxamed Samatar 
samatar144@yahoo.co.uk  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Maslax M. Siyaad iyo Indho Sarcaadkii Jabuuti

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS