SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Isku-xukunka Shareecada oo Baarlamaanka la Hordhigayo!

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

“KABURAT KALIMATAN TAKHRUJU MIN AFWAAHIHIM”

Ma garan karnaa micnaha cinwaanku wato?! Micnuhu waa haddii Islaamku dhaho wixii la isku qabto haloola noqdo Ilaahay iyo Rasuulkiisa; hadda in Shareecada la isku xukumo waxaa loola noqonayaa Baarlamaan ay soo dhiseen Beesha Caalamka! Waxaa ka sii daran, dadka ku dhiirraday in meesha la soo dhigo su’aasha ah: in la isku xukumo Shareecadda iyo in kale? Meeyase culumadii Masaalixda sheeganayey oo lahaa waxay dhaxleen nabi Muxamed (SCW).

Qofka Soomaaliga ah ee diinta Islaam wax ka yaqaan waxaa u soo baxaysa in Shariifka iyo saaxibbadiis god ku dhaceen. Ash-Shabaab iyo Xizbul Islaami waxay u muuqdaan labo wiil oo caqli badnaa oo ku taxnaa casharo uu akhrin jiray nin sheekh sheegan jiray. Su’aal kasta oo la weydiiyo ninkaas sheekha ahi wuxuu oran jiray waxaa laga yiri labo qawl/hadal! Maalintii dambe baa labadii wiil ku tashadeen inay dadka tusaan ninkaas sheekha iska dhigaya. Waxay weydiiyeen su’aashan Qur’aanka ku jirta:

“AFILLAAHI SHAKKUN”? Sidii caadada u ahay sheekhii wuxuu yiri: “Fiihaa Qawlaan” oo ah labo hadal baa laga yiri! Maalintaasay dadkii u caddaatay inaan ninkaasi sheekh ahayn.

Hadda isku-xukunka Shareecadda Islaamka waxaa laga yiri labo qawl:

  • Mid waa kan Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Kaas culumadii iyo shacabkii waa dalbadeen laakiin Shariifka waxaad mooddaa inuu leeyahay hadalka ugu dambeeya culumadu ma lahee waxaa leh dadka ay soo dhiseen Beesha Caalamka (baarlamaanka).
  • Kan Beesha Caalamka. Sida raajaxaa waxaad mooddaa in qolada Jibuuti lagu soo dhisay aysan go’aan ka qaadan waxa culumadii iyo shacabku dhaheen oo ah in Islaamka la isku xukumo. Ilaa hadda wa kuwaas Shariifka iyo saaxibbadiis ku hayaan baarlamaankaa la hor dhigayaa! Dadkii matalayey Islaamka ee culumada ahaa hadalkoodu miisaan weyn uma leh marka waxaa muhiim ah waxa Xaabsade, Shariif Xasan, Salaad Cali Jeele iyo Saciid-dheere dhahaan!

Marka sirtii Shariifka, saaxibbadiis iyo kuwii Musaalaxada sheeganayey waa caddaaneysaa haddii baarlamaanka arrintaas la hor dhigo, waxaana ka dhalan kara arrimo waaweyn oo qaarkood gaalnimo keeni karo:

  1. Haddii Shariifka, saaxibbadiis, Musaalaxada iyo qofkii kaloo aamminsan in arrintaas ay xaq u leeyihiin baarlamaanku waa ku gaaloobayaan ileyn arrinta isku-xukunka Shareecada su’aal ma gasho.
  1. Haddii looga danleeyahay in Beesha Caalamka iyo Mukhaabaraadkii soo dhistay la qanciyo waxay noqoneysaa Shirki.
  1. In baarlamaanka laga codsado iney iska dhahaan: Shareecadaa la isku xukumayaa si looga raayo dadka diiddan waxa Beesha Caalamku soo dhisatay sidoo kalana la khaldo shacabka waxaa ka dhalan kara gaalnimo kale oo ah ku jeesjeeska diinta Islaamka iyo in dad xaq wada dhiiggooda lagu banneysto jeesjeeskaas. Sidoo kale haddii lagu farxo ama gaalo lagu caawiyo dhiigga muslimiinta iyana waa lagu gaaloobaa. Haddii Masaalixdu noo sheegtay in Islaamku la mid yahay qabiilkeenna ama magaca Soomaali oo loo dhasho; arrintu saas maaha. Waxaa jira waxyaalo buriya Islaamka.

ALLAAHU AKBAR. Isku-xukunkii Islaamku wuxuu ku xiray baarlamaanka! Haddii baarlamaanka laga dhammeeyo iney aqbalaan Shareecada waxaa meesha soo galeysa iney saacaddaas la kala diro! Marka sheekh Shariif tan xisaabta haku darsado. Ninna ma khiyaami kartid. Haddii la kala diro baarlamaanka ileyn Islaamku ma ogola cid aan Alle iyo Rasuulkiisa ahayn oo sharci dajisee waxaa arrintaas lagu eegayaa il gaara waxayna soo dhoweyneysaa isu-soo-dhowaanshaha Muqaawamada iyo isaga laakiin ma filayo in qof caqli lihi yeelayo baarlamaanka oo dhaha diin Islaam baan isku xukumeynaa waxaana sii ahaaneynaa gole sharci-dejin! Waa dhici kartaa in la sameeyo guddi Shuuro iyo noocaas oo kale ah laakiin dadka noocaas ah waa iney noqdaan dad “Ahlu Xalli wal caqdi” ama ugu yaraan dad aan dambiilayaan ahayn oo shacabku qaddariyo.

Waddankaan Biritan haddii labada aqal isku raacaan oo soo saaraan sharci cusub waxaa la sameynkaraa in Midowga Yurub loo doonto abbiil qofkii ama ciddii diiddan sharcigaas. Hadda waxaynu niri Shareecadii Ilaah iyo Rasuulkiisu (SCW) jideeyeen, hala siiyo codka u dambeeya Aadan-madoow iyo saaxibbadiis maxaase dhici kara haddii baarlamaanku diido in la meel mariyo Shareecada Islaamka? Haddii la hubo ineysan diidi karin maxaa dambi intaas le’eg loo galayaa sida iyadoo su’aal arrintaas la galiyo? Haddii khiyaamo laga rabay, haddee ogaada wada-hadalka Muqaawamada iyo Shariifku waxay imaaneysaa marka baaralmaanku ogolaado Shareecada dabadeedna la kala diro!

Waxaan dadka ku boorin lahaa iney akhriyaan faallo uu qoray Maxamed Xirsi Guuleed oo uu ugu magac daray: Fatwadii la soo Caddeeyey! Wuxuu kaga hadlayaa khiyaamada la soo maleegay iyo kooxaha jilaya.

“Nin adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban”! Ma Aadan Madoobe iyo wiilasha iyo gabdha uu horboodayaa ilaahyo noo noqday oo aan uga fadhinnaa in wixii Ilaah iyo Suubanuhu dhaheen ay noo fasaxaan ama noo diidaan?! Ma Cabdi Qeybdiid baa Taliye booliis ah oo la rabaa inuu dhaqan galiyo wixii “ilaah” Aadan-madoobe soo xukumo?! Ma Saciid-dheere, Salaad Cali Jeelle iyo Dhagaxtuur baa madax u noqda gobolka Banaadir? Sidii horay loo sheegay waxaa Xamar ku soo noqday Ashahaado-la-dirirkii iyo kuwii garwadeenka u ahaa Tigreega!

Afxumadaas waxaa ka sii daran jeesjeeska ay Shariifka, Saaxiibbadiis iyo Musaalixda soo waddo oo ah in shacabka la khaldo oo la yiraahdo baarlamaankii waa ogolaaday in la isku xukumo diinta Islaamka! Sidii Maxamed faalladii Fatwo la soo Caddeeyey ayaa la rabaa in Aadan-madoobe la dhaqo oo la yiraahdo wuxuu u hiilanayaa Shareecada Islaamka halka Abuu Mansuur shacabka Soomaliyeed u diiddan yahay nabad iyo horumar! Laakiin si Aadan-madoobe u dhaqmo waa iney is casilaan oo dhahaan Shareecadu ma qabto gole xukun-dejin. Ma yeelayaan? Ma filayo. Waxaanan hubin waa waxa dadka la khalday yeelayaan. Marka qofkii jeesjeeskaas Shariifka ku raaca isagay jirtaa laakiin ma filayo in Muqaawamo yeeleyso.

Yaa looga dacwoodaa dadka Musaalaxada sheeganaya ee u shaqo tagay boqorro Carbeed? Saxaabigii weynaa ee C/hi Binu Mascuud (RC) baa laga hayaa qofkii taga albaabada Salaadiinta waa la fidneeyey. Arrintaas darteed lama hayo Imaamadii waaweynaa oo tagay meel ay joogeen boqorro kuwaan kun jeer ka kheyr badnaa ilaa ay ku khasbaan iney hortagaan markay su’aalo weydiinayaan. Boqorrada hadda jooga waxay u shaqeeyaan gaalo.

Shacabku waa iney bartaan cidda dacwada loo gudbiyo. Waxaa fiican in garaadka shacabku bislaado ooy gartaan sida nin xaakim ahi uga dacwooday boqor. Wuxuu boqorkii ku yiri: ilmuhu marka ay murjaca iyo sanadaha hore joogaan waxay u heystaan in hooyadood dadka ugu xoog badan tahay. Markuu ciyaarta bilaabo oo xoogaa jirsado buu garanayaa in aabbuhu yahay mas’uulka guriga. Markuu kuray noqdo ayuu garanayaa in waalliga ama boqorka magaaladaas jooga uu aabbihiis ka awood badanyahay. Kaddib qofka muslimka ahi wuxuu ogaanayaa in Ilaahii Khaaliqa ahaa uu cid kasta ka awood badan yahay. Marka wuxuu boqorkii ku yiri: dacwadda ma u gudbinaa cidda kaa sarreysa (Ilaah)? Boqorkii wuxuu yiri: maya anaa dhammeynaya ileyn wuu ogyahay dadka la dulmo xaqooda.

Marka waxaan uga danleeyahay waan ogeyn Ashahaado-la-dirir u heysta in Zenawi ugu sarreeyo. Hadda Jibuuti waxaa ka yimid kuwa aamisnan in awoodda looga danbeeyo Beesha Caalamka oo xitaa ku qanci waayey hadalkii culumada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ahaa la isku xukumo Islaamka ilaa ay ogolaasho ka helaan kuwa Beesha Caalamku soo dhisteen - baarlamaanka. Kuwa Musaalaxo sheeganaya waxay dadka u dulleynayaan boqorro inkaar qaba. Marka aan ka korno waxaas oon Ilaah dacwo u dirno. Inkastoon kulligeen khaladka wax ka leennahay halagu duceysto in wixii diinta, dadka iyo dalka belaayo la raba Ilaah naga qabto. Alloow kii roon reerka u reeb. Qof walba waa yaqaan Qudradda Ilaahay. Marka iyada halagu xisaabtamo.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Dowlad Khasaartay (2009) sidii Wood Khasaaray 1969 Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS