SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlad Khasaartay (2009) sidii Wood Khasaaray 1969

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Dowlad-dhisidda iyo dabbaaldegyadoodu badanaa! Waxa hadda xafladaha qabanaya horay bey tii C/hi Yuusuf iyo C/Qaasim ugu qabteen! Markii jawiga marqaanka iyo xiisaha Soomaalida qurbaha ee iska jecel xafladuhu dego waxaa loo dhaadhacayaa runta. Soow hadda in la dhaho maaha: raggu jago jecelaa, shacabkuna u roonaa!

Intaanan khasaaraha laga filan karo dowlad-ku-sheegga u gelin ayaa maalmihii ay kuwan Jibuuti ka soo go’een Asmara waxaan Hornafrik raadiyoow wareysi ku siiyeen iney Shariifka iyo saaxiibbadiis la mid yihiin islaantii gabadeeda ninka ka kacsatay! Qolyihii Ashahaado-la-dirirkii bey CIA u dabomareen. Waxay barabixiyeen Qanyare, Gacmodheere, Muuse Suudi, Cabdiwaal, Bootaan iyo Cabdi Qeybdiid. Waxaa yimid Shariif, C/Qaadir Cali, C/Raxmaan C/Shakuur iyo Caddoow. Anigu haddaan qolo dooranayo kuwaan dambaan dooran lahaa. Isla wareysigaas waxaan qolyaha Asmara ku haray ku eedeeyey ineyba ku khaldanaayeen in shirkaas la tago. Waxaan sabab uga dhigay iyagaa labada Shariif darajo kale siiyey. Darajadaas beyna ku dawarsi tageen ilaa ay gaareen heer ay dhahaan ciidamadii Amisom oo Itoobiya ka liita waa walaalaheen! Tigreega colaad baa naga dhaxaysa iyo xuduud ee ka warrama kuwii Tigreega canshuurta u uruurinjiray ee ka yimid Yugaandha iyo Burundi?

Ineysan mabda’ lahayn oo jago doon yihiin waxaad ka garaneysaa may Shariifka ku dhahaan war isku mabda’ iyo isku cid baan nahee ma rabno jagooyine dhis wasiirro tiro yar oo tayo leh laakiin mid walba wuxuu usoo fariistay jago ilaa jagooyinkii ugu muhiimsanaa oo dhan ay iyaga iyo saaxiibadood isku koobeen.

Haddaan mid dooranayo iyaga iyo Ashaaho-la-dirirka iyagaan qaadan lahaa laakiin khaladka labaad ooy sameeyeen waxay tahay maxay Digil iyo Mirifle uga qabanwaayeen Ashahaado-la-dirirka sida iyaguba ay Qanyare iyo Suudi u ceyrsheen? Maxaa Shariif Xasan, Xaabsade iyo Shaatiguduud meesha keenay? Haddey is lahaayeen qabiilkiinna u daneeya may qabiilooyinka kale ee Soomaaliyeedna u daneeyaan?

Sida taariikhdu xusto waa la arkaa in korneyl C/hi iyo Ashahaado-la-dirirka oo kale ay xoogaa ceyshaan laakiin horay looma arag cid gashay dambiga kuwa Maxkamadaha sheegtay - waa garabka Shariifkee - oo liibaanta. Waxaan aamminsanahay sidii Wood/vote khasaaro 1969 looga kala tuuray qolyahaas in haddii Ilaah idmo Shariifka iyo saaxiibbadiis looga kala tuuri doono. Ma filayo in qof Iimaan muslim ku jiro ama Soomaali sax ah yeelayo in ciidamada Burundina loogu yeero walaalo halka Indhacadde, Fu’aad Shangole iyo Mukhtaar Rooboowna noqdaan cadow! seddexdan nin markii Xamar la qabsaday Xajkey joogeen. Hadday rabaan dibahadaas bey wareegi kareen sidii Shariifku yeelay markii laga soo qaaday kaymaha laakiin waxay u soo noqdeen inay shacabka Soomaaliyeed la qeybsadaan halganka. Nasiib darro niman culumo sheeganaya iyo shacab badan baa hadda u arka nabad-diid!

Arrimahaas dartood sina macquul uma aha Maxkamadaha Jowhar iyo Baladweyne jooga iney u dulqaadan doonaan tallaabooyinka Shariifka iyo saaxibbadiis. Ma filayo Shariifka oo Amisom walaal ku sheegay, Cabdi Qeybdiid iyo Salaad Cali Jeellana xabiib ka dhigtay in cid u hogaansameyso. Ma rabo in khatar muuqata aan ka indhosaabbano laakiin khatarta waxaa yareynkara dadkaas Maxkamadaha sheeganaya iney ka waantoobaan u adeegga cadowga muslimiinta.

Saan horay usoo qoray waxaa biloowbay mucaaradkii qabiillooyinka ileyn wax 4.5 lagu qeybiyey barako kama soo socotee. Sidoo kale Ashahaado-la-dirirkii marna kama yeelayaan nimankaan booskooda ka xirtay weliba iyagoon la tashan oo xitaa ku oran war booskii idinka qaadnee na cafiya.

Wiilasha Shariifku khalday waxaa u caddaaneysa arrinta marka Amisom keento ciidamo dheeraad ah. Teeda kale ma garanayo waxay ku hadli doonaan culumada qaarkeed ee u xaglineysa Shariifka?

Teeda kale Shariifka iyo dowladdiisu addeecid ma leh! Sheekh kasta waan kula doodayaa arrintaas. Ash-Shabaab iyo Xisbiga Islaamka dhulkey heystaan ka weyn kan Shariif heysto hadduuba meel heysto. Maanse Rayaale iyo Faroole beeco la galno? Shariifku Xamar ma socon karo iyadoon Amisom ama Ashahaado-la-dirir waardiyeyneyn. Marka culumadu Ilaah ka baqdo Shariifku beeco ma leh. Hadduu waddanka xoog ku qabsado ama intiisa badan waa arrin kale laakiin hadda beeco ma leh. Marka hadduu shardiga beecadu yahay CIA baa qolodaas aan degaanka badan heysan taageertay oo sidaasaa xukunku ugu guntamayaa waa arrin kale!

Teeda kale arrintii culumada ee ahayd in gaaladu Amisom ku baxaan 120 maalmood waxaa jabiyey Amisom oo sheegay ineysan waqtigaas ku bixi karin. Marka sheekadaas dhammaatay. Teeda kale culumada 120 beri ooy qabatay yey la galeen ileyn inta Amisom u tageen waxba lama saxiixane? Markaan xitaa Xudeybiya lama daliishan karo ileyn Xudeybiya inta nabigu (SCW) keligiis qaraar iska gaaray ma soo saarin go’aane! Marka Ilaahay arrintaas ha uga baqaan.

Maxay Amisom u joogaan? Weligiin ma aragteen iyagoo labo qolo oo isdagaalay kala dhexgalay? Waagii Ingiriiska iyo Talyaanigu joogeen wey kala celin jireen dadka. Hadda qolada Shariifku ka dhashay baa intaas Shabeelaha Dhexe isku leysa. Yaa arkay isagoo u diray Amisom? Yaa arkay Amisom oo isbaaro qaadday? Nimanku waxay ahaayeen kuwa usii shaqeeya Zenawi iyo CIA. Marka wiilasha Shariifku khalday ha fureen indhaha.

Wood khasaaro waxaa doortay C/Rashiid Allaha u naxariistee waxay ahaayeen shacabka Soomaalida wixii la rabo hala sheego doorashadaas. Ee waxaan ka wadaa sidaan loo calfan in Shariifkana uu meesha ka baxayo. Mar horaba Muqaawamadii iyo qabiillooyin badan baa isa soo taagay. Laakiin marka Amisom soo badato oo culumada iyo wiilashaas la khadlay la tuso in Shariifku sidii dawacadii dadka been u sheegayo ayey waxay u dhowdahay in wiilasha uu wataa ileyn waa muslim Soomaali ahe ay ceyrin doonaan hadduusanba gacantooda ku bixin. Teeda kale waxay ku fiicneyd iney sida tii C/hi ay waqti badan qabsadaan. Hal bil baa mar hore ku dhammaatay marka iyagaa laga rabaa meeshay geyn lahaayeen. Marka siday ila tahay ma filayo in dowlad u soconeyso, waxaad mooddaa in Ilaahay noo caddeyn doono in nimankii culumada sheegan jiray ee wasiirrada loo magacaabay jago doon ahaayeen. Mar aan aragno in kiishka uu Shariif Xasan toshay uu kuus ugu dhici doono ama kanooni leefi doono!

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2009

Maqaalkii Hore"


Culumada Xaqaa Lagu Addeecaa

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

C/hi Binu Cumar (RC) mar su’aal dan laga lahaa la weydiiyey buu yiri: duudkayaga ka dhigan meysaan buundo aad jahannamo uga gudubtaan! Wuxuu ka waday in wax aad dan ka leedihiin aad tiraahdaan saxaabi C/hi baa saas yiri ood cududaar ka dhigataan. Sidoo kale dad badan oo Soomaaliyeed baa weli wada falsaddii qabiilka oo la casriyeeyey. Falsafaddaasu waxay ahayd: Ilaahoow wax ciilka naga tira, cadaabkana naga xigsada ha noo waayin! Soomaalida waxay la ahayd iyagoo raba in qabiil hebel la baa’biyo, inuusan dambi soo gaarihayn hadduusan dagaalka gelin! Sidii oo kale waxay rabaan inay helaan fatwo sheekh oo ogolaaneysa in waxyaalaha gaalada iyo Amisom rabaan loo yeelo!

Waa in culumada xaqa lagu addeeco. Haddii sheekh uu soo saaro fadwo isagu si u arkay laakiin ay caddaato iney khalad tahay lama yeelayo. Dad baa dhaha haddaadan caalim kale ahayn sidee ku ogaaneysaa in fadwadu khalad tahay! Tusaale yar oon idin siin doono ka hor, sidoo kale looma eego tirada culumada ee isku raacda fadwo khalad ah ee waxaa la fiirshaa culumada xaqa sheegtay hadduu rabo ha ahaado mid keliya. Xasuusta fitnadii in Qur’aanku makhluuq yahay. Ma garaneysaa cidda tiri waa makhluuq? Culumadii caanka ahayd oo markaas joogtay badankoodii iyagoo naftooda u baqay. Ogaada, caammadu badankeedu waa ka dharagsanaayeen in Qur’aanku yahay Hadalkii Ilaahay. Weyna ogaayeen inuusan makhluuq ahayn. Saasooy tahay culumadii badankoodii iyagoo xeeladeysanaya bey dhaheen Qur’aanku waa makhluuq. Anoo caammo ah haddaan diidi lahaa fatwada culumadaas ma waxaa la i oran lahaa waxaan caayey ama meel uga dhacay culumadii? Imaam Axmed (RC) oo Ilaahay ummadda u soo diray markuu arrintaas ka hadlayo wuxuu sheegaa in taladii ugu fiicneyd ay uga timid dad caammo ah oo leh: sheekh Axmadoow Ilaahay arrintaas uga baq oo ummadda dariiq xun ha u bilaabin.

Saasooy tahay maanta dhibaata gaalada, Tigreega iyo Ashahaado-la-dirirku la rabaan Soomaaliya waa caddahay. Sidii fidnadii in Qur’aanka makhluuq yahay ay dadka ugu caddayd bey maantana arrintaasi noogu caddahay. Marka culumadii lagu khasbo iney fatwo bixiyaan ama iyagu sidaas u arka iyagey jirtaa laakiin adinka iyo aniga khasab naguma ahan in waxaan ognahay in ay saxyihiin lagu raaco culumo xeeladeysatay.

Wixii dhibaato ahayd ee Soomaaliya gaartay innagoo og haddana marka diinta la eego ma jirto meel Soomaaliya aan ahayn oo xaqa la sheegi karo. Yaa ii sheegi kara caalamka Islaamka meel inta culumo isu timaaddo ay ka run sheegi karto dhibta muslimiinta ku jirto? Ma jirto. Yaan loo qaadan jeesjees laakiin waan idin dareensiinayaa. Waddamadaas aan sheegay, culumadu wey ka hadli karaan Axkaamta ku taxaluqda cibaadaadka laakiin markii xukun iyo siyaasad laga hadlayo faraha lalama gali karo!

Madax iska dhigeysa iney u damqanayaan muslimiinta sida Falastiin ayaa dagaalkii Ciraaq waxa carruurta leynayey waxay amarka ka bixinayeen waddan daris la ah Ciraaq! Saasooy tahay culumaa leh qofkaas oo kalaa leh in la maqlo! Nin caalim ah oo u jira dhagaxtuur meesha jananada Maraykun Ciraaq ka weerarayeen ayaa inta ismoodsiiyo wuxuu farta ku fiiqaa oo uu ka hadlaa waxa ka dhacaya Falastiin. Janannadaas kama hadli karo maxaa yeelay boqorka waddankaas baan ogoleyn arrintaas! Marka sheekhaas iyo culumada la midka ah  waxaa hadalkoodu saameyn yeelanayaa in sidii Ciz C/Salaam iyo culumadii kale ay ka hadleen waxa indhoodu arkaan marka hore intuusan meelo kale isku waabin. Laakiin arrinta Falastiin iyo tan Soomaaliya wey u furuntahay qof kasta! d

Culumadii xeeladeysatay in Qur’aanku yahay makhluuq iyagu fatwo iskood ah ma soo saarin ee waa lagu khasbay. Waxaan la yaabbanahay in la heli karo dad culumo sheeganaya oo iyagoon ciddi khasbin iskood qiil ugu raadinaya waxa gaaladu soo dhoobdhoobtay.

Waxaa jirta culumo waaweyn oo cuqdad u qabtay culumo kale oo waaweyn. Arrimahaas dartood ayaa mar mar culumada ku khasabta in nacaybka ay qof u qabaan ama koox ay wax khalad ah la yimaadaan. Imaamu Duhli oo sheekh u ahaa Imaamul Muslim ayaa nacayb u hayey Imaamul Bukhaari. Marka culumadaa ka hadashay arrinta sheekh Duhli. Marka haddii laga hadlo mas’alo uu sheekh ku khaldan yahay micnuhu maaha in aqoontiisa la durayo ama dan kale laga leeyahay. Marka waad fahmi kartaan waxa laga filankaro ducaadda iyo xarakaadka Soomaaliyeed. La yaab ma leh oo ma qarsoona nacaybka ay ducaad badan oo Soomaaliya u qabaan wiilashii Tigreega kula jihaadi jiray Gedo iyo kuwa hadda Xamar iyo Koonfurta kale jooga. Waxaan xasuustaa iyagoo ducaad badan oo Soomaaliyeed oo caan ah ay wiilashii Luuq oo Tigree la dagaalaya caayaya in sheekh Muqbil Allaha u naxariistee oo la rabay in lagu diro wiilashaas uu yiri waa sax hadday imaam doortaan. Wuxuuna soo daliishaday arrintii Abuu Jandal (RC). Sidii kuwii Luuq aan u ogaa iney xaq tahay iney Tigreega dhulkooda ka saaraan ayaan markay Xamar qabsadeenna uga hadli jiray. Laakiin nasiib wanaag kuwa waagii Luuq saas dhihi jiray markay arkeen in Tigreegu Soomaali oo dhan qabsaday waa badeleen mowqifkoodii ku addanaa Tigreega laakiin intooda badan cuqdaddii ay u hayeen wiilasha Soomaaliyeed waa meesheedii. 

Daacada sheekh Shariif la siinayo xaggee ka timid? 

Siyaabaha hogaamiye muslin ah ku yimaado waxaa ka mid ah in dadka caqliga u saaxibkaa doortaan ama xitaa in dad kale doortaan oo la isku raaco oo saas looga dambeeyo. In sida boqortooyada la ii ogyahay qof ka leh hogaanka haddii qofkaas kale meesha ka baxo. Mar marka qaarkood lama oga oo markuu dhimanayo buu wax ka bedelaa sidii ka dhacday Urdun maaddaama markii hore la filayey in ninkii dhintay walaalkiis dhaxli doono. Ama in qofku xoog ku qabsado. Yaa moog in Shariifka ay gaalo keensatay? Ma qof gaal doortay baan beeco siinnaa? Baarlammaanka la sheegayo iyagaa keensaday kuwo cusubna ku daray. Teeda kale waxyaalaha imaamnimadu ku guntanto waxaa ka mid ah inuu awood iyo xukun leeyahay. Waqtigaan warqadda qorayo waxaa ka awood badan Ash-Shabaab, Xisbiga Islaamiga ah, Puntland iyo Somaliland. Haddii arrintu saas tahay waxaan culumada weydiinayaa waxaan ku dhashay Mudug marka maxaa diidaya inaan Rayaale beeco siiyo? Maxaa diidaya inaan Faroole beeco siiyo? Ama Xisbiga Islaamka siiyo? Ash-Shabaab oo dhul badan heysta siiyo? Ma gaalo kuwaas ma dooran baa? Haddii Shariifku xoog ku qabsado Soomaaliya ama inteeda badan waa arrin kale oo markaas waxaa guntamaya guntin ka mid ah arrinta awoodda iyo inuu xukun fulin karo. Arrintaas la’aanteed beeco ma leh hogaamiye. Marka sheekhii daliil haya ha keeno. Haddaan akhirinno kitaab yar oo uu leeyahay Imaamul Maawardi (RC) oo la yiraahdo “Axkaam As-Suldaaniyah” wax badan baa nooga baxaya arrimahaas.

Marka sidii fitnadii in Qur’aanka makhluuq yahay ay arrintu u caddayd ayaa waxa gaalo la rabto Soomaaliya u caddahay. Marka culumadii is yeelyeelaysa iyagay jirtaa. Marka gaalo hadashay oo waxay tiri Soomaaliya waxaa loo rabaa cilmaaniyad! Culumadii Soomaaliyeedna waxay dhaheen waxaan rabnaa Shareecada Islaamka. Marka ma fahmin waxa  ninkii gaaladu keeneen – Shariif- ay culumadu usoo dhoweynayaan oo u leeyihiin beeco hala siiyo? Waxay la mid tahay adoo beeco gaalo siiyey! Marka culumooy hadda cidna idin ma khasbin ee yaan dadka qabiilka ama danta wax ku taageeraa idin ka dhigan jaranjaro ay cududaar ugu helaan iney Ashahaado-la-dirir taageeraan ama gaalo la raaco.

Culumada badankoodu waa joogtay markii dowladdii Kacaanka ahayd wixii la ogeyd sameysay. Imisaa dhiidhisay? Marka maanta fursad bay heleen culumada lagu dhegeysto. Fursaddaas kuma imaan raaxo ee waxaa loo soo galay halgan. Marka ha u doodina dowlad ay dabada ka wadaan shisheeye aan qarsaneyn iney Soomaaliya aysan la rabin Islaam.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan wxa leh qoraaga ku saxiixan

Abgaal – Maxamuud Saleebaan (Inan-la-yaal Majeerteen) iyo Raalligen Sh. Cumar Faaruuq Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS