SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dagaalada Ka Dhacay Ufayn iyo Agagaarkeeda waa kugu dhimay kaa dhimay

Baaq nabadeed oo ku wajahan dagaalada u dhaxeeya Beelaha wada dhashay

Qalinkii: Cabdixakiim Jaamac Jooje

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa  ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).

Waxaa ayaandaro ah maanta in labo beelood oo walaalo ah, oo isku dhiig ah, dad isugu xiga inay maanta ku dagaalamaan sagaaro biyo wey cabtaa iyo ma cabto. Runtii waa wax uu jirku diidayo, waa arin qof walboo damiir leh aan u cuntameyn, waa arin aan islaamnimada ku bannaaneyn. Waxaan aaminsanahay shaqsiyan iska daaye beelahan dad isugu xiga, in Soomaali oo idil ay yihiin beel qura, oo isku af ah, dhaqan ah, diin ah aan meelna kala aadi Karin.

Tallaabada uu hadda qaaday maamulka Madaxweyne Faroole, ee ku aadan dagaaladaas iyo sidii uu ugu diray wafdi illaa iyo heer Wasiiro ah waa arin bogaadinteeda iska leh, beelahana laga doonayo inay gacan ku siiyaan soona dhaweeyaan.

War dagaal wiil kuma dhasho, ee wiil baa ku dhinta. War wiilashan ka dhimanaya labada dhinac maxey kala yihiin. War maanta labo Cali waxey ahaayeen kuwii dad isugu xigay, la rabay inay gacmaha isqabsadaan, sameystaan Guddiyo wada tashi. In iyagii maanta ay isu hub urursadaan waa wax qalbigu ka ooyo, indhuhun ka ilmeeyaan. Maaha wax quluubta u wanaagsan, maaha wax la maqli karo.

Waxaan si naxariis leh uga codsanyaa dhammaan waxgaradka, aqoonyahanada, indheergardaka, culumada diinta, haweenka iyo in allaale iyo intii uu ku jiro damiir islaamnimo ee ka dhashay labadaas beelood ee ded isugu xiga inay u istaagaan sidii arimahaas foosha xun loo soo afjari lahaa, loona qaadan lahaa talo kastoo muhiim ah oo nabadda horseedaysa. War ha is oran waa lagaa guuleystay iyo waa lagaa gar helay, ee mar walba aragtidaada haka sareyso halka hoose ee aad wax ka dayeyso.

Sidoo kale waxaan oran lahaa war arintan maaha arin qabata in looga sheekeysto fadhi ku dirirada, waa arin u baahan in la xakameeyo, oo sida ugu dhaqsaha baddan xal nabadeed oo kheyr uu ku jiro laga gaaro.

Mar labaad iyo mar saddexaad waxaan ugu baaqayaan, Beelaha walaalaha ah ee dhiiga wadaaga inay dagaalka joojiyaan si shuruud la’aan ah, eegaana danta guud iyo midnimada reer Puntland, guud ahaana tan Soomaali weyn.

Allaah ayaanu ka baryeeynaa inuu talada wanaagsan na waafajiyo, muslimmintan  dagaalameysana uu kala qaboojiyo.

Waxaan hadalkeyga kusoo afjarayaa, anigoo ka codsanayo dhammaan waxgaradka iyo aqoonyahanda ka dhashay labada  beelood ee walaalaha ah ee ku nool qurbaha in ay arintaas kasoo saaraan baaqyo nabadeed, kalana qeyb qaataan nabadeynta dadka ku jira arintaas. 

Waxaan kaloo ku talin lahaa in ay arintaas galaan, dad ehel u ah oo ka daacad ah, in ay dadka walaalaha ah dhiigooda kala bad baadiyaan.

Qoraalkii

Walaal ka mid ah Beelaha walaalaha ah

Cabdixakiim Jaamac Jooje

saicentadv@yahoo.com

Ma Caqli galbaa in qof Dheeman heystaa uu ku badasho Maar? Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS