Ma Caqli galbaa in qof Dheeman heystaa uu ku badasho Maar?
Qalinkii:
Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan
akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka
(A.C.W.W).
Sida aynu la wada socono adduunkan maanta waxa ugu qaalisan waa
dheeman, taasoo qofka heystaa ay wax walba uga qaalisan yihiin. Haddaba
ma wax dhici karaa in qof dheeman heystaa in uu qof kale oo maar heystaa
uu uga badasho. Runtii waa wax aan dhici Karin, laakiin Soomaali wey ka
suurtowdaa, waxaana daliil u ah dulucda aan uga gol leeyahay mowduucan.
Dhulka xeebaha ah adduunka oo idil waxaa la siiyaa mudnaan gaar ah,
oo waddanka hadduu bad leeyahay waxaa la aaminsan yahay in ay Gaajo iyo
Faqri is daayeen. Sida hadda ka hor uu sheegay Madaxweynaha Jabuuti mar
la yiri dhulkaaga waa faqri, oo uu yiri Jabuuti waxey leedahay Xeeb
ballaaran, oo waddan xeeb lehna faqri wey kala fog yihiin. Halkaas
waxaad ka qaadan kartaa qiimaha ay baddu ku fadhido.
Annaga Soomaali ahaan waxeynu leenahay xeebta ugu dheer Africa. Waxaa
la aaminsan yahay in baddeena laga helo kalluunka ugu qaalisan. Waxaa
intaas dheer in ay jiraan macdano kale oo qaali ah oo ku aasan
baddaheena. Nasiib darro dadka soomaalida ah arimahaas uma muuqdaan.
Warbixin laga qoray waddamada IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in dakadaha
ugu baddan waddamada IGAD inay ku yaalaan Soomaaliya. Tiro koob la
sameeyay oo la yiri illaa 12 dakadood oo IGAD ay leedahay, ayaa todoba
ka mid ah waxey ku yaalaan Soomaaliya.
Arimaha ugu yaabka baddan waxa ay ka jiraan deegaamada Puntland,
taasoo waayahan danbe ay isugu faan noqotay in dadki ay soo wada degaan
dhulka Laamiga maro, iyadoo laga soo wada guurayo magaalooyinkii
camirnaan jiray ee ay Xeebaha ahaa. Magaalooyinkii Caanka ahaa ee
xeebaha sida Beyla, Caluula, Xaafuun iyo Qandala, waxaa lagu soo
waramayaa in laga soo wada guuray. Warbixin uu dhawaan soo diyaariyaya
Qoraaga Shiikh Adduun, uu kasoo qoray magaalada Qandala oo uu booqasho
ku tagay, wuxuu kasoo wariyay in aanay magaaladu deganeen xitaa dad
gaaraya Boqol qofood.
Sida aynu la socono Qandala waxa ay soo martay heer lagu tilmaamay
Gacanka Hodanka ah ee Soomaaliya, taasso ay ugu wacnayd iyadoo ka
gaartay ganacsi heer Caalami, oo uu dhaqaalaheedu aad iyo aad u heer
sareyn jiray. Qandala waxey waayo soo qaadataba maanta waa laga soo kala
guuray. Haddaba waxaa isweydiin leh, dadki magaaladan camiri jiray ee
dhaqaalaha xooga leh ku heystay Halkee ayeey uga guureen. Waa su’aal aan
jawaabteeda ka sugayo Qurbo joogta reer Qandala ee Yurub iyo Ameerika,
iyo weliba waxgaradaka ku nool Soomaaliya.
Haddaba waxaan kula talin lahaa maamulka Cusub ee Puntland, in uu
tixgalin siiyo magaalooyinkan xeebaha dhaca, oo uu bulshada reer
Puntland, u sameeyo mashaariic ay kaga howlgalaan magaalooyinkaa
xeebaha. Ogow mar walboo ay horumar sameeyaan magaalooyinka xeebaha,
waxaa kordhaya dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxaa muhiim ah in dadka
lagu dhiira galiyo inay bartaan xirfadaha Badda looga shaqeysto, si ay
uga kaaftoomaan ku xirnaashaha gacan wax u soo dirta ama waxa loo
yaqaano shaxaadka. Maamulka waxaan kaloo kula talin lahaa inuu asaaso
Machadkii badda ee laga baran jiray { Fishing, Mechanic iyo navigation
}. Runtii iskuulkaas wuxuu ahaa iskuul qiimo leh, oo ardeydii kasoo
baxday waagaas maanta adduunka oo idil ayeey xirfaddaas uga
shaqeystaan.
Soomaaliyeey dhulkeena aynu aamino, oo ka faa’ideysano nimcooyinka uu
Allaah inagu maneystay. Dhulkeenu wax walbuu leeyahay, oo laga helaa
haddey noqoto dhul Beereed, Xoolo nool, bad, macdan kale. Haddaba adigoo
iska leh dhulka qiimaha iska leh, oo maalintii aad suuqa u daadegtoba
aad soo sameyn karto dhaqaale wanaagsan, sidee ayeey ku dhacday inaad
dhul shisheeye, oo aad ka tahay shaqsi la liidayo inaad uga soo safarto.
Soomaaliyeey dhulkiina ku kalsoonaada, oo aamina, isaga ayaad huran
tahaye.
Waxaan kaloo fursaddan uga faa’ideysanayaa inaan uga mahadceliyo
Aqoonyahandii iyo ganacsatiadii isku howshay inay dib u kiciyaan
Warshaddii kalluunka ee Laasqoray, oo maalgaliyay. Runtii waa tusaale
wanaagsan oo ku dayasho mudan, wax weyn ayaad dalkii ku soo kordhiseen
oo Allaha idinla garab galo dadaalkiina.
Ogow mar walba heybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, ee
dhulkiina waa dheemanee haku badalanin maar iyo wax ka liita.
Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje
Leicester UK
saicentadv@yahoo.com