Al-Shabaab oo iska Fogeeyey waxyaabo badan oo lagu eedeeyo...
Tarjumadii:
Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota – United States
Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) wuxuu
dhowaan xaruntiisa Baydhabo waraysi ku siiyay barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul
Yawm (kulanka maanta) oo ka baxa taleefishanka Al-Jazeera qaybtiisa Carabiga.
Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo kolka ay dad badani dhegaystaan ama akhristaan
inuu ka yaabin doono, ayna isweydiin doonaan su’aasha ah: Sheekhu ma beenlow baa
mise waa lagu been abuurtaa?.
Haddaba waa kan waraysigii ee akhris wacan:
Al-Jazeera: Sheekh Abuu-Mansuur hadda annagu waxaan joognaa magaalada Baydhabo.
Ciidamadii Itoobiyaanku way bexeen ciidamo ka socda dowladda kumeelgaarka ahina
ma joogaan magaalada dhexdeeda. Daqiiqadaha iminka la joogaa maxay idiinka
dhiganyihiin, sideese u qiimayn kartaan?
Abuu-Mansuur: Mujaahidiintu meel kastoo ay joogaan gaar ahaan mujaahidiinta
Soomaaliya jooga waan u bishaaraynaynaa. Sidoo kale waxaan u tacsiyaynaynaa
qoysaskiii shuhadadii ku shahiiday xoreynta magaalada Baydhabo. Wixii aan u
dagaallamaynay way dhaboobeen, waxayna tani bishaaro weyn u tahay muslimiinta
caalamka oo nagu kaalmeeyay dareenkooda iyo ducadooda, nana siiyay talooyin iyo
weliba qaar kamid ah oo na siiyay taageero dhaqaale. Kuwaas waxaan ku leenahay:
Bishaaro, rugtii riddadu maanta gacanta mujaahidiinta ayay ku jirtaa, waana in
aan ogaanno in cadawgu aanu ku bixin rabitaankiisa ee uu ku baxay weerarrada
mujaahidiinta dartood. Generaalkii Itoobiyaanka ahaa ee u yimid inuu qaabeeyo
ciidamada una diyaariyo sidii ay u bixi lahaayeen isagoo dadkii iyo madaxdii
joogtay madaxtooyada Baydhabo wuxuu yiri: (Halkaan markaan ka tago oon saacad
keliya kasii maqanahay Mukhtaar Rooboow ayaa ku fariisan doona). Kurisgii kuma
aanan fariisan maxaa yeelay kuwii isku magacaabayay dowladda ayaa boobay
kuraastii iyo dhammaan hantidii dowladda ee magaalada taallay. Magaaladii waan
soo galnay waxana maanta Alle mahaddiis lagu dhaqaa shareecada Ilaahay. Waxan
dareemaynaa wixii aan u dagaallamaynay inay dhaboobeen, dadkuna waxay ku jiraan
nabad iyo xasillooni. Suurtagal ma ahayn maanta kahor in aad mobile-kaaga suuqa
ku dhex qaadato, mana aadan awoodi karin in aad magaalada habeenkii dhex
socotid. Maanta waxaad awooddaa inaad wixii aad doonto qaadato waqtigii aad
doontana socoto.
Al-Jazeera: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab maxaa loo aasaasay, muxuuse kaga duwanyahay
dhaqdhaqaaqyada kale ee ka jira Soomaaliya?.
Abuu-Mansuur: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxa uu aasaasmay waqti aan fogayn keddib
markii dadka qaar ay kasoo laabteen dagaalkii Af-Ghanistaan, lana jebiyay
dowladdii Dhaalibaan. Rag kamid ah dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ahaa ee dalka
gudihiisa joogay ayaa kulmay. Raggaasi waxay dareemayeen in dhaqdhaqaaqyadoodu
ay gaabis yihiin gaar ahaan wixiiba ku saabsan jihaadka. Waxa jiri jiray
dhaqdhaqaaqyo islaami ah oo Soomaali ah oo isku deyay inay jihaadaan, laakiin
waxa kahor yimid caqabado fara badan, markaas bay iska daayeen. Raggii
dhqdhaqaaqyadaas ku jiray oo isku daygaas hore sameeyay baa kulmay, go’aanna ku
gaaray inay aasaasaan dhaqdhaqaaq jihaadkana gala diintana fidiya oo jihaadka
iyo diin fidinka isku dhinac wada. Arrinkaasi wuu dhaboobay Allena wuu
barakeeyay dadaalladaas, raggaasina waxay burriyeen maleegyo gaalo waddo oo fara
badan oo dadkaan lala maagganaa. Rag badan oo dhaqdhaqaaqaan ka tirsanaa Alle
wuxuu u doortay inay dartiis u shahiidaan. In ka badan toban qof oo kamid ahaa
raggii dhaqdhaqaaqaan aasaasay manta waa shuhado. Waxaa kamid ah walaalkeen
Sheekh Ibraahim Xaashi, walaalkeen Abuu-Qutayba, walaalkeen Macallin Aadan
Xaashi (Ceyroow), walaalkeen Cumar Dheere (Abuu-Jabal) . Qaar badan oo kamid
ahaa raggii goobjoogga ka ahaa kulankii lagu aasaasay dhaqdhaqaaqu way
shahiideen, qofkii kamid ah oo noolina wuxuu ku dadaalayaa inuu ku dhinto wixii
ay ku dhinteen kuwii isaga ka horreeyay. Dagaalladii ugu horreeyay ee shacbigu
uu ku bartay dhqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ahaayeen dagaalladii
argagixiso la dirirka ee ay hoggaaminayeen sagaalkii dagaal ooge, kuwaas oo la
heshiiyay Maraykanka. Dagaal oogeyaashaasi waqtigaas intay afduubaan
islaamiyiinta ayay u gacan gelin jireen maamulka Maraykanka, iyagoo usii
marsiinaya xafiisyo uu ku leeyahay dalka Jabuuti. Waxaa kamid ahaa laba laga
afduubay guriga Aadan Ceyroow. Mid kamid ahi hadda wuu joogaa wuxuuna ka
qaybgalaa jihaadka, kii kalena Hargeysa ayuu ku xiranyahay. Haddaba kuwaasi
markii ay ku talax-tageen ka ganacsiga muslimiinta bay mujaahidiintu
go’aansadeen inay la dagaallamaan, waxayna weerareen Airporradii
ulajeeddooyinkaas loo isticmaali jiray, dadkii gacantooda ku jirayna iyagoo
bedqaba bay kasoo furteen. Markaas keddib waxa billaabmay hawlgalkii wadajirka
aan u fulinnay annaga iyo maxkamadihii islaamka. Taageerada shacbiguna qaybweyn
bay ka qaadatay soo afjariddii dagaalka. Hawlgalkaas keddib dhaqdhaqaaqa
Al-Shabaab wuxuu noqday mid can ka ah dalka.
Al-Jazeera: Waxaa jira dad dhahaya waxad xiriir la leedihiin ururka Al-Qaacida,
arrintaas dhabteedu maxay tahay?.
Abuu-Mansuur: Xiriirka naga dhexeeyaa waa xiriirka qofka mislinka ah kala
dhexeeya walaalkiisa muslinka ah, caqiiqada muslinkana waxa dhuuxeeda kamid ah
Al-Walaa’u wal-Baraa (La jir iyo ka jir) oo ah in aad ka fogaato gaalada oo aad
xiiririso muslimiinta oo dhan oo aad jeclaato. Waa kaas xiriirka nagala
dhexeeyaa. Way noo duceeyaan, waaanan u duceyanaa. Mararka qaar waxay Internetka
ku faafiyaan talooyin aan wax badan ka faaideysanno ama farriimo ay Internetka
inoosoo mariyaan oon aad ugu faraxno, waxana ugu dambeeyay cajalkii uu soo diray
walaalkeen Abuu-Yaxya Al-Liibiyi. Hadalka caynkaas ah markaan maqalnana aad baan
ugu faraxnaa. Ma jiro xiriir dhow oo keenaya in aan iyaga kamid nahay ama iyagu
ay naga mid yihiin, laakiin waanu iska tirsannahay marka laga eego inay
muslimiin yihiin. Iyagu waa mujaahidiin, cadawgeennuna waa mid, Maraykanka ayay
la dagaalaan annaguna waan la dagaalnaa, gaalada kale ayay la dagaalaan annaguna
waan la dagaalnaa, waxay doonayaan inay shareecada Alle dhulka ku fuliyaan
annaguna sidoo kale, waxan diidaynaa xuduud beenaadda uu isticmaarku sameeyay oo
u diidaysa qofka Ciraaqiga ahi inuu Jordan tago, Sacuudiguna Yaman tago, waxanan
codsanaynaa in dalalka Islaamka la mideeyo, ayaguna sidaas bay doonayaan. Waxa
jiraa waa uun intaas, laakiin urur ahaan kama tirsanin, laakiin aad ayaan u
jecelnahay.
Al-Jazeera: Dhaqdhaqaaqiinnu yoolalka uu hiigsanayaa ma u kala horreeyaan?
Abuu-Mansuur: Shareecada Islaamku waxay wax ku xukuntaa kitaabka, sunnada,
wada-jirka Culumada (ijmaaca) iyo cabbirka (qiyaasta). Annagu waxyaabahaas oo
dhan waxaan ugu dhaqannaa sida ay yihiin, laakiin sidii khilaafada Islaamka
loosoo celin lahaa, waxan taas ku gaaraynaa diin fidinta iyo xisaabtanka iyo
jihaadka. Dadka waxan u caddaynaa waddada saxda ah, waanan iska leexinnaa cid
kasta oo diin fidintaas hor istaagta, waxanan sidaas kusoo celinaynaa
khilaafadii Islaamka, arrintaas soo billaabashadeediina hadda way muuqataa oo
Baydhabo shareecada Alle ayaa laga fuliyaa.
Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur)
"Jaamac Nuur" Weriyaha Aljazeera ee waraysiga la yeeshay Abu mansuur |
Al-Jazeera: Sida aad sheegayso hadduu arrinku yahay, qabuuraha oo la dudumiyo ama
Alaska, USA in la gaaro oo halkaas shareecada lagu dhaqaa ma kamid yihiin
yoolalkiinna maanta kuwa ugu horreeya?.
Abuu-Mansuur: Anigu magaalada Baydhabo ayaan marka hore hagaajinayaa, waxanan ka
hirgelinayaa ku dhaqanka shareecada Alle, keddib waxaan u gudbayaa Diinsoor oo
kamid ah magaalooyinka gobolka Bay ayada ayaanan hagaajinayaa, sidaas bayna
arrimuhu u soconayaan. Markaad rabtid inaad geed fuushis jiridda ayaad ka
billaabaysaa ee ku boodi maysid laamaha. Warkaas waxa faafiyay kanaalka
Al-Jezira ee Afka Ingiriiska ku hadla, waxayna warkaas ka gudbiyeen nin
xamaasadaysan isagoo leh shareecada ayaan ka fulinaynaa Alaska, warkaas oo u eg
mid ay yiraahdeen rag ka tirsanaa maxkamaidhii Islaamka. Warkaas waa la’ii
sheegay ee anigu qof ahaantiisa kama aanan maqal. Waxay dheheen Ciidda waxaan ku
tukanaynaa Addis Ababa, arrintaasina ma aysan dhicin. Waxa warkaas yiri dad
aynaan garanayn, laakiin kuma jiro istiraatiijiyadeenna. Ma doonayno in aan
cidna ku xadgudubno. Waxaan doonaynaa in aan dhulkeenna hagaajisanno, diinta
Islaamkuna khasab mid lagu soo galo ma aha. Dhanka qabuuraha, meelaha uu
dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab keligiis xukumo waxa ku yaal qubuuro, hana
rumaysannina haddii la idin yiraa waa la dudumiyay. Duduminteedu shareecada ma
waafaqsan tahay mise maya taasi waa mas’alo kale oo baaritaankeeda leh., waana
la faaqidi karaa marka waqtiga ku habboon la gaaro. Annagu waan naqaannaa waxa
kutubta ku qoran, laakiin arrinkaas in laga hadlo waqtigaan hadda la joogo waa
wax kale. Waxaad ogtihiin in shareecada Islaamku ay ahmiyad siiso masaalixda
(waxa ay danta guud ku jirto) iyo mafaasidda (waxa dhibka guud keenaya). Waxa
aan samaynayno waa in aan hubsannaa samayntoodu ma habboon tahay maanta mise
maya. Nabigu (SCW) wuxuu Caa’isha (RC) ku yiri: (Haddii aanay qoomkaagu ahaan
lahayn dad ay diintu ku cusubtahay, Kacbada intaan dumiyo ayaan ku dul dhisi
lahaay tiirarkii uu Nabi Ibraahim (CS) taagay) (Sunan At-Tirmidi). Rasuulku
(SCW) wuu ka joogsaday inuu Masjidka dhiso waxana u bannaanaa inuu dadka oo
diinta ku cusbaa dareenkooda il gaar ah ku eego. Wuxuu arkayay in dadka loo
dhimriyo ilaa iyo inta laga gaarayo marxalad dadka oo dhami ay fahmi karaan
waxyaabahaas ay diintu farayso oo dhan. Rasuulku (SCW) wuu ku diiday qofkii soo
jeediyay in la dilo munaafiqii Cabdullaahi ibni Ubay si aan loo dhihin Maxamed
asxaabtiisuu laayaa. Waa inaynu daryeelnaa masaalixda iyo mafaasidda oo haddii
munkarka (waxa aan fiicnayn) oo dadka laga reebayo uu ka dhalanayo munkar ka
weyni dadka laga reebi mayo. Haddii tusaale ahaan qabri dumintiisu ay keenayso
in qabaa’ilka qaarkood ay hub qaataan oo dhiig xaaraan ah la daadinayo
dhibaatana ay ka dhalanayso, waxa waajib ah in aan la degdegin oo arrinka dib
loogu dhigo waqtiga ku habboon ilaa iyo inta ay dadkaasi arrinka dhanka diinta
uga qancayaan. Dhacdadaasi waxay ka dhacday Kismaayo, waxana ka jira maamul
saddex geesood ah; Mucaskarka Raas-Kambooni, walaalaha maamulka Caanoole iyo
dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, nidaamkaasina waa mid madax bannaan oo go’aamadiisa
lagu xisaabi mayo ururradii uu kasoo kala jeeday. Waxaynu aaminsan nahay in si
tartiib tartiib ah hore loogu socdo. Fiiri, xitaa markii Khamrada la xarrimayay
arrinku wuxuu maray saddex marxaladood: (Waxay wax kaa weydiinayaan Khamrada iyo
Khamaarka, ku dheh: labadaba waxa ku jira dembi weyn iyo waxyaabo dadka
anfacaya) (Suurat Al-Baqara: 219). Marxaladdii labaad waxay ahayd: (Salaadda
ha’u dhowaannina adinkoo sakhraansan ilaa aad kala garataan waxa aad
sheegaysaan) (Suurat An-Nisaa’: 43). Ugu damabyntiina ((Kuwa xaqa rumeeyayow
Khamrada, Khamaarka, Sanamya caabudka iyo Bakhtiyaa-nasiibku waa qurun camal
Shaydaan ahe ka fogaada aad liibaantaane.) (Suurat Al-Maa'ida: 90). Waa kuwaas
waxyaabaha ay diinteennu ina farayso.
Al-Jazeera: Waxa aan kaa maqlayaa aad buu uga duwan yahay waxyaabaha aan
dhaqdhaqaaqiinna ka maqlo oo waxa la idinku eedeeyaa xagjirnimo tan ugu
sarraysa, isla marka la idin khilaafo dil baa waajibaya, ee ma qaab hadalkiinnii
bay wax iska beddeleen?.
Abuu-Mansuur: In aan sidan (dan darrida ah) u muuqdo oo aan reerkaygii iyo
carruurtaydii ka maqanahay iyo in aanan daar iyo dirham toona adduunyadan ku
lahayn, aniga oo weliba awooda in aan ganacsado oon maal tacbado sida dadka
kale. In aan ku noolaado xaaladdan murugsan keddibna aan berri Naarta galo Alle
ayaan ka megangelayaa arrintaas. Suurtagal ma aha in aad disho qofkii fikir kugu
khilaafa. Arrintaasi waa mamnuuc. Wax kasta oo la sheegayaa waa dicaayado ay
baahinayaan cadawga Alle. Annagu usbuucyo ayaan magaaladaan joognay, mana lagu
dilin qofna marka laga reebo hal nin oo hooyadiis dilay, intaanan imaanna maalin
kasta tobanaan dad ah ayaa lagu dili jiray. Sideen u dilaynaa qofkii ra’yi nagu
khilaafa annaga oo cafinnay kuwii shalay nala dagaallamayay. Nabigeennu (SCW)
markuu Makka galay oo uu goobta isugu keenay kuwii shalay bixiyay, wuxuu ku
yiri: (Maxaad u malaynaysaan inan idinku samayn doono?). Waxay ku dheheen:
(Walaal wanaagsan baad tahay uu walaal wanaagsani dhalay). Inuu u naxariisto bay
ka dooneen, wuxuuna ku yiri: (Iska taga xor baad tihiin eh). Waa taas
saamaxaadda Islaamku. Dhab ahaantii aad baan ula yaabay waxyaabaha Internetka
lagu faafiyay. Nin Middi haysta oo mid kale doonaya inuu gawraco oo Aayado
Qur’aan ah akhrinaya oo xitaa akhrinta Aayadaha khaldaya, keddibna waxay
leeyihiin: Dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab sidaan buu waxyeelaa. Waxaas
annagu waxba kama aannu ogin. Aniga ayaa ah afhayeenkii Al-Shabaab waxa aan kuu
sheegayo ayaana soconaya.
Al-Jazeera: Mar dhow waxa aasaasmay xisbi Islaami ah oo uu hoggaamiyo Dr. Cumar
Iimaan, diyaar ma u tihiin inaad ku biirtaan ood xulafo la noqotaan?.
Abuu-Mansuur: Annagu mabaadi’ iyo usus aan ilaalinaynaa jira kuwaas oon
gorgortan marnaba gelayn. Ayaga ayaa xisbigaas aasaasay nalagalamana tashan, war
badanna kama haayo, laakiin waan soo dhoweynayaa waanan ku faraxsan-nahay
iskaashigaas iyo midowgaas mujaahidiinta dhex maray, waxanan u haystaa
tallaabadaasi inay tahay guul weyn oo muqaawamada usoo hoyatay. Arrintaas waan
fiirinaynaa waanan ka doodaynaa, keddibna waxaan qaadan doonnaa wixii aan
munaasib u aragno. Dr. Cumar Iimaan waa nin aan ixtiraam weyn ugu hayno
cilmigiisa iyo mawaaqiftiisa ku aaddan xukuumadda baadilka ah, datoorkuna
kolleey waa nin la yaqaanno.
Al-Jazeera: Wax badan baad ka hadasheen dowlad cusub ee lagu soo dhisay Jabuuti.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa loo doortay madaxweyne Soomaaliyeed isagoo
haysta taageerada shacabka iyo caalamka, maxaad u aqbali weyseen ood ula
macaamiltami weyseen?.
Abuu-Mansuur: Waxa la diiddan yahay ma aha qof gaar ah, waxa aan diidaynaa waa
manhajka yo aasaaska lagu dhisay dowladdaas uu Shariif hoggaaminayo.
Dastuurkeedu waa dastuur gaalo ay dad ra’yigooda ku dejiyeen dadkaas oo weliba
ah kuwa dad oo dhan ugu liita oo Alle Subxaanahu watacaalaa ugu caasin og. Waad
maqasheen inuu ku dhaartay inuu dhawri doono dastuurkaas federaalka ah.
Dastuurkaas uu ku dhaaranayaa waa dastuurkii aan diidnay oon u dagaallannay si
aan uga takhallusno. Cabdullaahi Yuusuf ulama aynaan dagaallamin inuu gobollada
Bari kasoo jeedo, laakiin waxaan ula dagaalnay manhajkii uu xambaarsanaa
dartiis, Shariifna wuxuu doonayaa inuu shacbiga ku khasbo dastuurkaas uuna
shacbiga ku hoggaamiyo. Waxan aaminsannahay in dowladdani ay ka liidato
dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, maxaa yeelay Cabdullaahi Yuusuf wuxuu sheegi jiray
inu shareecada diiddan yahay, wuxuna ku dhegganaa dastuurkiisa baadilka ah,
laakiin kooxdaani waxay leedahay; Tani waa dowlad Islaam ahoo shareecada
fulinaysa. Annagu ma taageersanin dowladda Shariif, waxanan ula dhaqmaynaa
sidaan ula dhaqmi jirnay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf.
Al-Jazeera: Hadalkaas ma waxaan ka fahmaynaa inaad sii wadi doontaan dagaalka aad
kula jirtaan dowladda cusub?
Abuu-Mansuur: Taas shaki kaagama jiro. Ciidamada ajnabiga ahe jooga dhammaantood
waan la dagaallamaynaa, dowladdaan uu Shariif madaxda u yahayna iyana warkii oo
kooban waan la dagaallamaynaa ilaa iyo intay Alle u tawba keenayaan kana
laabanayaan baadilka ay ku jiraan.
Al-Jazeera: Sheekh Abuu-Mansuur siyaasad wax waliba waa ka suurtoobaan. Haddii ay
Sheekh Shariif u suuroobi weysay inuu soo dhiso dowlad Islaam ah dhib kuma jiro
hadday u suurowdo inuu dhiso dowlad kulminaysa labada kooxood ee islaamiyiinta
iyo kooxda reer galbeedka lagu riixo si uu u gaaro guulaha uu hiigsanayo qaar
kamid ah.
Abuu-Mansuur: Allaha sarreeyaa wuxuu leeyahay: (Xaqa iyo baadilka ha isku
dheehina, xaqana ha qarinnina adinkoo weliba og) (Suurat Al-Baqara: 42). Alle
wuxuu naga reebay in aan xaqa iyo baadilka isku dheehno. Isu imaan maayaan
dowlad Islaam ah iyo dowlad Dimoqoraadi ah. Dowladdani waa mid Dimoqoraadi ah oo
ay usoo dhafreen Weled Cabdalla iyo kooxdiisu, sinnabana suurtagal kuma aha inay
u dhafraan oo ay ku daalaan sidii loo aasaasi lahaa dowlad Islaam ah,
dimoqoraadiyadduna agteenna waa gaalnimo. Dimoqoraadiyaddu waxay leedahay:
Xukunka shabakaa iska leh wixii uu doono ayuuna samaynayaa, Allena wuxuu
leeyahay kuxunka cid aan Alle ahayni ma laha. Labadaas arrimood kuwa isu imaan
kara ma aha, kani waa tawxiid kaasina waa kufri, waa xaq iyo baadil, sidaas
darteed suurtagal ma aha in la isku dheeho. Annagu waxaan doonaynaa shareecada
Alle oo turxaan baxsan wax qashin iyo soogalooti ah aan lagu dheehin.
Al-Jazeera: Waxa jira dad sheegaya in aad xiriir la leedihiin burcad badeedda
Soomaaliyeed, warkaasi ma jiraa?
Abuu-Mansuur: Waxyaabo badan ayaa nalagu eedeeyaa waxaana kamid ah in aan dadka
sabab la’aan dilno, tanina waxay kamid tahay eeydeymahaas. Annagu ma nihin
burcad badeed wax xiriir ahna lama lihin, burcad badeeddana waan jebinnay oon ka
tirtirnay biyaha Soomaaliya xilligii maxkamadaha, adiguna taas waad ogtahay.
Burcad badeedda waxaa sameeyay Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedka ah. Ayagaa
hubeeyay una iibiyay doonyaha iyo qalabka kale. Waxay ka baqi jireen
dhallinyarada mujaahidiinta ah ee ka imaanaysa Sacuudiga iyo Yaman ee Soomaaliya
usoo socota. Waxay kula dardaarmeen: Isha ku haaya doonyaha ka imaanaya
dalalkaas noona soo gacangeliya qof kasta oo Carab ah oo saaran. Maraykanka
iyaga laftooda ayaa burcad ah oo risaas ayay ku ridaan kalluumaysata Soomaalida
ah, qaarna wayba xiraan iyagoo ku eedaynaya inay yihiin burcad, iyaga oo
burcaddii dhabta ahaydna sii deynaya oo weliba maalgelinaya. Waxaa jira burcadda
cirka waana Maraykanka. Haddaad magaaladaan shalay joogi lahayd waxaad arki
lahayd diyaaradaha Maraykanka oo hawadeenna duulaya, guryaha iyo aqalladuna ay
guuxeeda la gariirayaan. U naxariisan maayaan qof waayeel ah iyo bukaanka
isbitaallada ku jira midna, balse waxay soo tuuraan qumbuladohooda wax dila
waqtigii ay doonaan iyo sidii ay doonaan. Burcadnimadaas baa annaga dhibaato
nagu haysa. Ayagaa ah burcad iyagaana maalgeliya burcadnimada.
Al-Jazeera: Waxa jira jihooyin badan oo soo jeedinaya in dagaalka laga joojiyo
ciidanka nabad ilaalinta Afrikaanka ahe Muqdisho ku sugan, jihooyinkaas oo
sheegaya in ciidanmadaasi aanay ahayn kuwa dalka kusoo duulay. Waa maxay
mowqifka dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka taaganyihiin soo
jeedintaas?
Abuu-Mansuur: Horta kuwa AMISOM sheegtaa waa Ilaah cadawgiis, wallaahina iyagaa
nooga daran Itoobiyaankii. Ma ogtihiin imisa jeer ayay xasuuq u geysteen
shacabka?. Waxa ugu dambeeyay hawlgalkii ay ku geeriyoodeen ku dhowaad afartan
shacab ah. Ma awoodaan inay yiraahdaan nabad baan ilaalinaynaa, maxaa yeelay
iyagaa burburrinaya nabadda. Markii ciidamada Itoobiyaanku ay xasuuqa ba’an
Muqdisho ka geysanayeen isha ayay ka eegayeen maalinna ma aysan dhihin joojiya
xasuuqa, balse iyagaaba taakulaynayay, nidaamkii riddada ahaana waxay siiyeen
gawaari iyo qalab kale oo fara badan. Sidaas darted waa cadaw waana inay
dalkeenna ka baxaan. Annagu dalkooda ma aynaan aadin, mana aynaan qabsan. Haddii
ay bixi waayaan weerarro isdaba joog ah ayaa ku soconaya. Waxa jira hawl
isqarxin ah oo inoo diyaar ah aanan fulin doonno mar dhow Insha’allaah ee
dalkeenna haka bexeen. Midda ku saabsan in hubka la dhigo, waxa weeye soo jeedin
baaadil ah. Alle wuxuu Nabigiisa Muxammad (SCW) lasoo diray hub. Rasuulku (SCW)
wuxuu leeyahay: (Waxa saacadda horteed la ila soo diray seef ilaa Alle keliya
laga caabbudayo irsaqaygana waxa la geliyay warankayga hooskiisa hoostiisa)
(Musnad Imaam Axmed: 5667). Hubka oo la dhigaa waxay kamid tahay afkaarta
gaalada, kana mid ma aha hillinka toosan ee muslimiinta. Haddaba hubka oo inta
la dhigo laga tago waxa soo jeediyay gaalada iyo Bush, arrintaasna qof caalim ah
iyo qof muslin ahi ma yiraahdaan. Iskaba daa in aan hubka dhigno eh waxaan dadka
ugu yeeraynaa inay isa sii hubeeyaan. Rasuulku (SCW) ninkii hub la’aan ah oo uu
arko hub buuba siin jiray. Umaddaan waxa la jebiyay oo laga guulaystay markii ay
hubkeedii dhigtay ooy adduunyo cuskatay. Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu
leeyahay: (Kuwa gaaloobay waxay jeclaan lahaayeen inaad hubkiinna iyo
qalabkiinna hilmaantaan ooy hal mar idin soo hujuumaan) (Suurat Al-Nisaa': 102).
Rasuulku (SCW) intuu Seef kor u taagay ayuu yiri: (Yaa seeftaan qaadanaya).
Markaas buu qof walbaa damcay inuu isagu qaato. Wuxuu markaas yiri: "Yaa
seeftaan xaqeeda ku qaadaya?". Asxaabtii way baqeen. Waxaa markaas istaagay
Abuu-Dujaana (RC). Wuxuu yiri: (Anigaa xaqeeda ku qaadaya Rasuulkii Alloow),
markaas ayuu qaatay. Rasuulka (SCW) markii la weydiiyay waa maxay xaqeeduna
wuxuu yiri: (Inaad gaalada ku garaacdaan). Asxaabtu waxay dheheen: Seeftii wuxuu
ku kala jeexjeexay madaxyadii gaalada, waxayana Abuu-Dujaana u ahayd wax lagu
faano, saxaabigaa jaliilka ahina wuxuu lahaa: (Anal-ladii caahadanii khaliilii
wa naxnu fis-Safxi ladan-Nakhiili an laa aquumad-Dahra fil-Kuyuuli Adribu
bi-Sayfil-Laahi war-Rasuuli = Aniga ayaa ah kii uu saaxiibkay igula ballamay,
annagoo gebiga iyo geed timirka agjoogna inaanan weligay safka dambe gelin oon
seefta Alle iyo Rasuulkiisa ku garaaco).
Al-Jazeera: Mahadsanid Sheekh Abuu-Mansuur, mahadsanidiin daawadayaasheenna
sharafta lahow.
Waxa soo tarjumay
Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota – Unites States
Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2009 |