SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

ilmo yar oo Caloosha Hooyadii ugu tagtey Rasaas

Dhibanaha aan Dhalan

Yaa qaadaya Mas’uuliyada Xad gudubkaas

Iyadoo sadex maalmood uu dagaal ka socdey Magaalada Muqdisho kaa soo u dhaxeeyey Ciidamada Dowlada oo gacan ka helaya kuw AMISOM iyo Ciidamo ka tirsan Kuwa  Xisbul Islaam waxaana dagaaladaa ku geeriyoodey Dad gaaraya Your browser may not support display of this image.30 Ruux waxaa ku dhaawcmey ilaa 120 qof waxaa dadka badankii ay u geeriyodeen kuna dhaawacmeen iMadaafiicfii ay is weydaarsanayeen kuwaas oo  ugu tagtey Guryahooda iyo goobahooda ganacsiga  

Isbitaalka Madiina oo dadka dhaawaca ah badankiisa la gaarsiiyey ayaa waxa dadkii soo dhaawacmey ku jirey Hooyo Uur leh oo dhaawac soo gaarey balse waxaa Naxdin ahayd in hooyada canuga uurka ku sidey ay rasaas ugu tagtey Caloosha  hooyada, waxaa hooyada lagu sameeyey Qaliin Muddo Saacado ah qaatay waxaa laga soo saaray Canugii oo mayd ah oo rasaasta kaga dhacdy garabka meel u dhow oo wadnaha ku began. 

Canugaan waxa uu ahaa mid aan bilo dhameysan, waxaana ka muuqdaa Xabkii iyo mandheertii hooyada, waxaase ka sii naxdin badan in hooyada iyana ilmo galeenkeeda uu waxyeelo soo gaartay. Canugaan yar ayaa ah dhibane aan weli dhalan. 

Dhacdadan Xanuunka leh ayaa waxay ka mid yiihiin dhacdooyinka maalin weliba ka dhaca Magaalada Muqdisho oo ay sababaan dagaalada aan dhamaadka lahayn. 


Wiil isagoo Uurka ku jiray ay xabbadi ugu tagtay calaasho hooyadiis

Hooyada oo ku jirta Xaalad Miyir La’aan ah, iyadoo dhakhaatiirtu ay sheegeen in hooyada ay ku jirto xaalad aad u daran waayo ayey yiraahdeen rasaasta ayaa gaarrtay Goobo fara badan oo uur ku jirta ah. 


Hooyada oo miyir la'a oo ku jirta cisbitaalka

Dagaalada magaalada Muqdisho ka socda waxay waxyeelo u gaysteen Dad farabadan oo qaarkood maanta ku lixaad beeley kuwo kalena waxaa wax looga qaban waayey dalka, waxay su’aashu tahay, yaa qaadaya  mas’uuliyadda dhibaatada intaa la’eg ee maalin weliba loo gaysanayo shacabka soomaaliyeed, oo xitaa ilmihii yaraa ee banaanada marayay ayaa horey loo laayay, waxaana haadda loo dhaadhacay in markooda la laayo kuwa uurka ku jira, waxaase la yaab leh in dhinacyadda dirirtu u dhexeyso uu dhinac waliba ku faano in dhinaca kale uu khasaare u gaystay, balse marnaba ma soo qaadaan khasaaradda gaartay dadka masaakiinta ah, waxaase kuu muuqata in khasaaradda la sheeganayo in ay tahay midda shacabka loo gaystay, su’aashuna waxay tahay maxaa loo wada tashtay shacabka haddii dhinac waliba khasaare sheegayo ayna caddahay in dhibku gaaray masaakiinta Soomaaliyeed. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009

Sawiro: Meydka Dhallinyaradii ku dhimatay saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya kafan loo geliyey..


Liiska Dhaawaca iyo dhimashada Eeg halkan..

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS