United Nations Political Office for
Somalia (UNPOS)
Xafiiska Qarammada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha
Siyaasadda Soomaaliya
War-saxaafadeed 004/2009
SRSGga oo soo Dhoweeyey codeynta uu Barlamaanka u
codeeyey kordhinta xubnihiisa.
Jabuuti, 26ka
Janaayo 2009, Ergeyga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay U
Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould Abdallah
ayaa soo dhoweeyey codeynta xoogga leh ee Barlamaanka
Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliyed uu ku oggolaaday ku
khordhinta xubnahiisa 275 xubnood oo hor leh.
“Waxaa aad ii dhiirigeliyey sida xoogga leh ee uu
Barlamaanku u codeeyey, waxaana rabaa in aan u mahad
celiyo Madaxda Soomaaliyeed, Xubnaha Barlamaanka iyo
kuwa gacanta ka geystay tallaabadan waxtarka leh,” ayuu
yiri Axmedou Ould Abdallah.
Natiijada Codeynta Barlamaanka waxay ka dhacday Guriga
Ummadda ee Reer Jabuuti. Waxaana, 211 cod lagu
oggolaaday ballaarinta Barlamaanka, 6 waa diidady 3 way
ka aamustay.
Dawladda Federaalka ee Ku-meelgaarka ah iyo Isbahaysiga
Dib u Xureynta Soomaaliya waxay bishii hore ee Oktoobar
ku heshiiyeen ballaarinta Barlamaanka Fedaraalka ee
Ku-meel-gaarka ah iyo dhismaha Dawlad leh Midnimo Qaran.
Waxaa la filaya ilaa iyo 200 ee xubnood oo cusub, uuna
soo xulay Isbahaysiga Dib U Xureynta Soomaaliya in lagu
dhaariyo Jabuuti. Barlamaanka la ballaariyeyna wuxuu
doorandoona Madaxweyne cusub, kaasoo Xafiiska loo
dhaarindoono 31 Janaayo 2009.
Toddobaatan iyo shanta kursi (75) ee haray waxaa loo
qoondeeye kuwa weli aan ku soo biirin geedi-socodka
nabadda, sida xubnaha bulshada rayidka iyo kuwa
mucaaridka ah ee aan ka mid ahayn Isbahaysiga Dib U
Xureynta Soomaaliya.
“Natiijadani waa mid aad u wanaagsan, waxayna dadka
Soomaaliyed tusaalaynaysaa in Madaxdoodi ka go’antahay
in ayaga oo wadajira horay ugu tallaabsadaan sidii
nabadda iyo kala dambeynta loo soo celin lahaa,” ayuu
yiri Ould Abdallah.
“Arrintani waxay tahay in Soomaaliya ay helayso
Madaxweyne cusub kaas oo ka qayb gelidoona kulan
Madaxdeedka Midowga Afrika kaasoo ka dhicidoona
magaalada Addis-Ababa 1da Febraayo assagoo muujindoona
guusha lagu gaaray halkan muddo yar gudaheeda”.
“Bulshada Caalamka waxay kaalmo waxtar leh ka geysatay
kullamada Barlamaanka. Sida caadadu ahaydna, Jabuuti
waxay samaysay soo dhoweyn aad u diiran iyo taageeroba”.
-----------------------------------------------------------------------------
For more information please contact: Susannah Price or
Donna Cusumano,
Public Information Officers, UN Political Office for
Somalia (Nairobi, Kenya)
Tel: +254 20 762 1192/1625 or 254 733902020/377400133
Please visit:
www.UN-Somalia.org
Waxaa soo
tebiyey: Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk
Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com