75-tii Xubnood ee Loo Qoondeeyey Ururada Bulshada oo Qarka u Saaran in Lagu
Wareejiyo Ururka Al-Shabaab
Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Qaramad Midoobey e Soomaaliya Amb ;
Axmed Wallad Cabdallah ayaa soo gaarey Caasimada dalka Jabuuti 21/01/2009 Abaaro
1 :00 duhurnimo, wafdigan oo ka koobnaa 9 xubnood ayna ka mid ahaayeen
shaqaalaha Xafiiska arimha siyaasada ee Qaramada midoobey iyo xubno ka socdey
Jaamacada Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa waxaa la dejiyey Hoteel
Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti.
Sidoo kale waxaa Magaalada Jabuuti soo gaarey Xildhibaano kasoo kicitimey
Magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo ahaa Xildhibaano qaab gadood ku yimid halkaas,
kadib markii ay hubsadeen in Madaxweynihii hore ee DFKMG Cabdullaahi Yuusuf uu
xilka ka degey, islamarkaana ay soo if baxdey amaan dararo soo wajahdey xarunta
Baarlamaanka KMG ee Magaalada Baydhabo, ayaa Xilibaanadan soo gaarey Jabuuti oo
tiradoodu gaareyso ilaa iyo lix xildhibaan oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed
Aadan Waayeel iyo shan xubnood oo kale, ayaa waxaa uu ii sheegey "in maalmaha
soo socda la filyaa 27 Xildhibaan oo ku harey Gaalkacyo ay soo gaaraan caasimada
dalka Jabuuti ee wadahadaladu ay ka socdaan."
Siihayaha xilka Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG
Sheekh Aadan Madoobe iyo siihayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Col/ Nuur Xasan
Xuseen ayaa la filyaa in ay soo gaaraan caasimada dalka Jabuuti saacad kasta oo
soo socota, warar kala duwan oo aan helney waxay sheegayaan in lagu wargeliyey
meel kasat oo ay joogaan Xildhibaanada Baarlamaanka in ay isu diyaariyaan
imaanshiyaha dalka Jabuuti, inkastoo aan la ogeyn waxa lagu qanciyey Sheekh
Aadan Madoobe, hadana warar hoose oo aan helney waxay sheegayaan in sababaha uu
uga soo horjeedey Jabuuti in Baarlamaanku uu ku kulmo ay ka mid ahayd, ka
baqitaan in ARS-tu ay isku darsadaan xilalka waaweyn ee Dowlada, sababtoo ah 275
Xildhibaan oo isku xiran iyo waliba xubno kale oo ay ku leeyihiin Baarlamaanka
TFG, marka si taasi aysan u dhicin ayaa waxay ku jireen gor gortan.
Dhinaca kale 30-kii xubnood ee 4.5-ka ahaa oo Muqaawamada Muqdisho lagu qanciyey
ayaa la sheegey in ay isku khilaafeen qaabka loo qaybsanayo, waxayna
go’aanasadeen in dib Sheekh Shariif loogu celiyo, islamarkaana Sheekh Shariif
iyo xubnaha la socda loo soo jeediyey in ay ka keenaan wax dalka iyo dadka
Soomaaliyeed wax u taraya, hadii aysan ka keenin lala dagaalamidoono.
Waxaa socda tashiyo gaar gaar ah oo ay leeyihiin xubnaha Is-bahaysiga Beelaha
Soomaaliyeed ee ay leeyihiin oo lagu soo af-jarayo soo xulista liiska
Xildhibaanada cusub, inkastoo warar kala duwan oo aan helney ay sheegayaan, in
liiska Xildhibaanada cusub ee Beelaha laga heley magacyada qaar ka mid ah xubno
hore ula shaqeyn jirey Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya iyo xubno kuwaas la mid
ah taasoo laga yaabo in ay caqabad ku noqoto markale habsami u socodka shirka
dibu-heshisiinta.
Warar kala duwan oo goobta shirka aanu ka helney waxay sheegayaan in wadahadalo
hoose ay u socdaan mas’uuliyiinta Urur Diimeedka Al-shabaab iyo dhinacyada kala
duwan ee Is-bahaysiga iyo Qaramada midoobey, taasoo la doonayo in laga soo qayb
galiyo shirka ka socda caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana 75-tii xubnood ee
la siiyey Ururada bulshada Soomaaliya, laga yaabo in lagu wareejiyo Ururka
Al-shabaab, sidaasna doorkii ay ku lahaayeen Ururada Bulshada Soomaaliyeed ay
waayaan dowlada labada sano soo socota.
Goobta shirka uu ka socda ayaa marka aad si guud u eegto dadka jooga waxay ka
kala yimaadeen gudaha dalka Soomaaliya iyo daafaha dunida waloow ay u badan
yihiin dadd ka yimid dalalka reer Yurub, kuwaasoo hamiweyn u qaba, qabashada
mas’uuliyada sii baahaysa ee Qaranka Soomaaliyeed uu yeelandoono, taasoo ruux
kasta aan la ogeyn ujeedkiisa maamul, maadaama uu in badan dalka iyo dadka
Soomaaliyeed ka maqnaa.
Qaab Dhismeed Golaha Xukuumada
Federaalka ee cusub
oo la sheegey in ay ku heshiiyeen TFG
iyo ARS iyo Sheekh Shariif oo 30 Xubnood 4.5 ah Ku Soo Qanciyey
Muqaawamada Muqdisho... Akhri..
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2009