Kulan Looga Hadlayay Xaalada Soomaaliya oo Arabacadii ka dhacay Caasimada Dalka
Koonfur Afrika ee Pretoria.
Sawirada Kulanka Halkan ka Daawo....
Waxaa Maanta (Jan 21, 2009) Magaalada Pretoria ee Xarunta Dalka Koonfur Ka dhacay kulan
looga hadlayay Xaalada amaan ee dalka Soomaaliya iyo sidii Xal waara loogu heli
lahaa Dhamaanba mushkilada ka taagan Soomaaliya.
Shirkani oo ahaa midkii ugu horeyey ee looga hadlo arimaha soomaaliya kana dhaca
dalkaani koonfur afrika ayaa soo qaban qaabisey hay ad lagu Magacaabo ISS (
Intstitute For Security Studies) oo iyadu ka shaqeysa arimaha nabad galyada
waxna ka diyaarisa arimahaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka soca ururrada
Bulshada ee dalkaani koonfur afrika, sidoo kale marti sharaf ayaa lagu casuumay
kulankaan iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo qurba joog ah iyo kuwo Soomaaliya ka
yimid.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Hay addaha kala
ah Institute For Security Studies (ISS) oo ah hay adda kulankaani soo
qabanqaabisey iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Interpeace, Hay’adda Cilmi Baarista
iyo Wadatashiga CRD iyo Jamacada Davidson iyo jamacada kale University Of
Georgia Iyo Jaaliyada Soomaalida ee koonfur afrika ,oo si qoto dheer uga hadlay
xal u helida Mushkiladda Soomaaliya.
Ugu horeyn waxaa furitaanka ka hadlay Ms. Paula Roque oo ka socotey kuna
hadlaysey Magaca ISS ayaa waxay ka qeybgalayaasha shirka uga mahadceliyay
waqtiga ay u soo hureen in ay ka soo qeybgalaan shirka looga hadlayo Xaalada
Soomaaliya, sidoo kalena waxay u mahadceliya Hay’adda Cilmi Baarista iyo
Wadatashiga CRD, midaasi oo ay ku sheegtey inay aad ugu faraxsanyihiin inay
maanta kulankaani ka soo qaybgaleen khuburo ku xeel dheer arimaha nabad galyada
ee geeska afrika gaar ahaan soomaaliya.
Intaas kadib waxaa sidoo kale ka hadlay Mr Ken Menkhaus oo ka sacdey Jamacada
Davidson Universtiy ee ku taala dalka maraykanka waxaana uu si aad u qoto dheer
uga hadalay mushkilada soomaaliya haysata iyo sida ay xal waarta ku gaari karto
waxaana ka mid ahaa hadaladiisii " In Kulankaani looga hadlayo nabadeynta
Soomaaliya uu yahay mid u muhiim ah dadka Soomaaliyeed oo iyagu leh talada xal
ka gaarista mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna intaas uu ku daray in Dadka
Soomaaliyeed ay gaareen meeshii ugu dambeysay, isla markaana marka laga hadlayo
laga soo qaato sawir aan wanaagsaneyn".
Waxaa kale u ka sheegey Kulanka " Aniga hadda waxaan ka imid oo aan deganahay
Dalka Maraykanka, Mahan inay dadku is dhahaan beesha Caalamka ayaa idinka
aamusan ama idinku dhax jirta soomaalidu way inay iyadu isku tashataa xal
waarana keensataa , marka waxaa loo baahan yahay in ay dadka Soomaaliyeed ka
tashadaan sidii meesha looga saari lahaa qalalaasaha iyo dhibaadata dalka iyo
dadkuba saamaysey ee ku habsatey dalka soomaaliya".
Waxaa kale oo ka hadalay Agaasimaha Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga CRD
Jabriil Ibraahim Cabdulle oo soo jeediyay khudbad soo koobeysay dhibaatada ka
jirta Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyd warbixinno laga sameeyay Dalka iyo
Dadka Soomaaliyeed oo dhinac walba leh.
Waxaana ka mid ahaa hadaladii uu kulanka ka jeediyey " Bulshada Caalamku way u
jeedaa halka ay maanta taagan tahay xaaladda Soomaaliya, marka suurtagal miyaa
inay beesha Caalamku nagu eegato sidaa aan nahay mise, waxay ila tahay in loo
baahan yahay in la jiheeyo nabadeynta Soomaaliya"ayuu yiri Jabriil Ibraahim
Cabdulle.
waxaa iyana Xusid Mudan inuu meesha ka hadlay Xubin ka Socota Hay’adda
Interpeace oo lagu Magacaabo Cabdi raxmaan Raage waxaana uu aad uga hadlay
arimaha hada ka taagan Soomaaliya iyo urur diimeedyada hada ka taliya iyo shirka
dib u hashiisiinta soomaaliya oo la filayo inoo mar dhaw ay dawalad loo dhan
yahay uga dhawaaqaan Caasimadiisa Jabuutid Dalka Djabuti.
Waxaa isna meesha ka hadlay Qunsulka dawlada Itoopiye u fadhiya Dalkaani Koonfur
Afrika oo meesha markuu hadlay ay jawaabo kul-kulul ka dhasheen. Wuxuu kulanka
ka sheegey inaysan dawladiisu ahayn mid Gumeysi ahaan u soo gashey ee ahayd mid
Cawimaad u fidineysey Dadka Iyo Dawlada Soomaaliiyeed midaas oo ay ka codsatey
dawlada soomaaliyeed iyo shacabkeeda oo is wata, isagoo hadalkiisa ku daray
hormarka ay ka qabatey gudaha Soomaaliya iyo dib u hashiisiintii ay ka dhaxwadey
inay tahay mid guul u ah dawlada itoobiye, isagoo meesha ka saaray inay wax
gumaad ah ka gaysteen gudaha dalka soomaaliya kaliya uun inay naftooda
difaacayaan.
Sidoo kale waxaa hadalka qunsulka jawaab kooban siiyey Agaasimaha Guud ee
Jaaliyada Soomaaliyeed ee koonfur afrika (SASA) Mudane Axmed Dawlo oo yiri "
Nasiib daro hadalka Qunsulka Ethiopia waa mid dhagaystayaasha habaabinaya.
Dawlada itoobiya kuma soo galin Gudaha Dalka Soomaaliya Casuumaad ay ka heshey
shacabka Soomaaliyeed. Qaraarka UN ka ee 1725 wuxuu xataa diidayaa in Ethiopia
iyo Kenya ay ciidamo nabad ilaalin ah ugu deeqaan AMISOM sababtoo ah dano gaar
ah ayay ka leeyihiin dalka. Marka Ethiopia ma saacidayso Soomaalida ee iyada
ayaa qandaraas ka qaadatay G Bush".
Waxaa kale oo uu ka hadlay Mudane Dawlo shirka Jabuuti oo uu yiri "Wax way ka
soo baxayaan laakiin ma aha dhamaadkii qalalaasaha maadaama oo xoogaga
Muqaawamadu ayna ka wada qayb galaynin" Wuxuu Dawlo si kulul u canbaareeyay
qaraarka Maraykanku uu qaar Muqaawamada ka mid ah ugu daray liiska "Argagaxisada"
oo uu ku sheegay in khalad tahay.
Dadkii kulanka ka soo qaybgalay oo aad u tiro badnaa badankooduna ahaa dad u
dhuun doleela arimaha soomaaliya iyo safaradaha wadamada ajaanibta ay ku
leeyihiin dadlkaan kuunfur afrika oo dhamaantood isku raacey inay soomaaliya
xiligaan u baahantahay gacanta beesha caalamka iyo gargaar bin aadinimo.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii fikirkooda meesha ka dhiibtey Cabirahmaan
Caateeye oo ah nin aqoonyahan soomaaliyeed oo wax ka barta dalkaani koonfur
afrika ayaa kulanka ka sheegey inay soomaaliya xal u noqon karto hadi ay
isticmaasho ama aysamaysato maamul gobaleedyo sida soomaali land iyo puntland oo
kale, Isagoo daliil ka dhigayna waxa ay qabatey dawlad gobaleedka soomaaliland
ayna maanta haboontahay in la aqoonsado soomaaliland ayuu yiri Mr cateeye.
Ugu dambeyntiina waxaa meesha ka hadlay Mr.Richard Cornwell oo ka mid ah hay
adda ISS waxaa uuna ka sheegey kulanka in Bulshada Soomaaliyeed ay laf dhabar u
yihiin isbedel ku yimaada Arrimaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii
" Ururada Bulshada aqoonyanada Soomaaliyeed mar kasta waxay cod cad oo aan
qarsooneen u yihiin inta badan ee aan codka lahayn sida Caruurta, Haweenka,
Dadka Waayeelka ah.
Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii " Aniga waxaan aaminsanahay in xal u helidda
mushkiladda Soomaaliya ay qeyb ku leeyihiin Ganacsatada iyo Warbaahinta, waxayna
qeyb ka qaadan karaan sidii arrintaas loo fulin lahaa" sidoo kale waxaa uu ku
daray hadalkiisa in xal siyaasadeed oo la gaaro ay qeyb muhiim ah ka qaadanayaan
soo afjaridda Mushkiladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey in Beesha Caalamku in ay sii
wadi doonto la shaqeynta qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada iyo
aqoonyahanadaSoomaaliyeed, waxaana rajeynayaa ayuu yiri in maalin uun guul laga
gaari doono hadi la badiyo wadatashiga bulshada iyo aqoonyahanada Soomaaliyieed.
Si kastaba ha ahaatee kulankaan ayaa ahaa midkii ugu horeyey oo noociisa oo kale
ah oo lagu qabto wadankaani koonfur afrika iyadoo lagu Casuumey inay ka soo
qaybgaleen aqoonyahano soomaaliyeed iyo kuwo ku xeel dheer arimaha soomaaliya
iyo wadamada aadka u daneyna arimaha soomaaliya, ayaa waxaa lagu balamay in la
sii wado kulamada noocaan oo kale ah ee looga hadlayo arimaha nabada ee geeska
afrika gaar ahaan arimaha soomaaliya, dadkii kulanka isugu yimid ayaa soo
jeediyey in la sii wado kulamo noocan oo kale ah oo ka dhaca dunida Daafaheeda
iyadoo waliba laga soo qaybgalinayo aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku nool
aduunka dacaladiisa iyo inta danayneysa arimaha Soomaaliya.
Mohamed Ismail
mismacil@live.co.za
Johannesbrug, South Africa.
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2009