SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

Qaab Dhismeed Golaha Xukuumada Federaalka ee cusub oo la sheegey in ay ku heshiiyeen TFG iyo ARS iyo Sheekh Shariif oo 30 Xubnood 4.5 ah Ku Soo Qanciyey Muqaawamada Muqdisho

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif ayaa dib ugu soo laabtey Caasimada dalka Jabuuti 20/01/2009; kadib markii safar aan hore loo sii shaacin ay ku tageen Magaalada Muqdisho Sheekh Shariif iyo xubno badan oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye; islamarkaana xubin ka ah Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya.

Xubnaha soo gaarey Jabuuti oo tiradoodu ay gaareyso ugu yaraan 29 xubnood ayaa waxaa ka mid ahaa Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Sheekh, Daahir Maxamuud Geele, Xog-hayaha Dibu-heshiisiinta ARS Sh.Axmed Cabdullaahi Fanax; Macallin Axmed Macallin Yuusuf, Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale oo badan.

Mid ka mid ah xubnihii la socdey wofdigan oo aan wax ka weydiiyey waxa ka soo baxay safarkii uu ku tagey Sheekh Shariif Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu iigu sheegey “ sheikh shariif waxaa uu la kulmey hogaanka Muqaawada, Gudiga culimada, Odayaasha Hawiye, Maamulka Gobolka Banaadir dhamaan qaybahaan waxaa loo sharxay halka ay marayan hawlaha dibu-heshiisiinta, waxaana laysla gartey in 30 xubnood oo xildhibaanada cusub ah, islamarkaana qayb ka ah dhamaan beelaha Soomaaliyeed la dhex dhigo, xub nihii muqaawamada waxay soo jeediyeen in ay iyaga dib isugu noqonayaan, ayna la tashiyo la soo sameynayaan gudiyada culimada muqaawamada” ayuu yiri xubnitan la socotey wafdiga sheikh shariif.

Sidoo kale waxa uu ii sheegey xubintan wafdiga la socotey “in gudigii amniga Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ay dalka ku soo hareen maalmaha soo socdana ay imaandoonaan caasimada dalka Jabuuti, si ay uga qaybgalaan doorashada ka dhaceysa Caasimada dalka Jabuuti”.

Dhinaca kale waxaa la filayaa shirkii dhinacyada siyaasada TFG iyo ARS uga socdey oo maalmahaan hakad uu soo galey ayaa la filyaa 24-ka bishan in uu dib uga furmo hoolka shirarka Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti, sida aan ku heleyno ilo wareedyo kala duwan,.

Sidoo kale warar aan helney waxay sheegayaan in TFG iyo ARS ay qaybsadeen qaab dhismeedka Xukuumada cusub ee labada Sano soo socota oo aan wali la dooran Madaxweynaheeda, laakiin marka laysku soo duubo arimahaan ayaa waxaad moodaa in faragelintii dowlada Ethopia ee dhinaca TFG ay soo gebageboobeyso, iyadoo aan wax faah faahin laga bixin, kadib markii hadalo is dabajooga ah oo ka soo yeeray siihayaha xilka Madaxweyanaha DKMG ahna gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Sheekh Aadan Madoobe ay ku cadaadiyeen in uu ka baaqsado, bedelkeeduna shirka hada uga furmey labada dhinac Jabuuti lagu doorto oo keliya Madaxweynaha Dowlada cusub, balse la arkidoonee halka ay saldhigtaan hawlahan is guraya oo aan wali guntooda la gaarin.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS