SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Masjidka Abubakar oo Albaabada u furay Reer Minnesota  

Maalimadii iyo habeenkii Arbacada (Feb 25) ayaa al baabada loo furay masaajidka ayada oo Lagu soo dhaweeyey dhammaan dad ka ku dhaqan Gobalkaan waxaa saakay iyo shalay War baahinta Maxaligaa sheegtay in maasajidka Abubakar maamul kiisu uu albaabada u furay cidkas oo rabta in ay aragto ayada oo waliba joornaalada qaar kood lagu arkayey ogaysiiska Masjidka Bogaga hore.


Sawirada Xafladda Halkan ka Daawo....

Galabnimadii saacaddu markii ay soo gaartay 3:00pm Saddexdii galabnimo ayaa magaaladii oo guuraysa u Daawasho iyo dalxiis yimaadeen Masaajidka Dad ka oo Raxan raxan u socday iyo kooxo kooxo oo aysan santoodu kala ogaynin ayaa ku soo badanayey Masjidka.

Dad kaas ayaa waxay u Badnaayeen dariska masaajidka oo ayagu dhagaha u taagayey wararka warbaahintu ka sheegto Masjidka waxayna tan u ahayd fursad qaaliya sida qaarkood ii sheegeen ayaga oo dhinaca kale wal wal ka qabay iyo cabsi taas oo aad moodo war baahintu in ay horay u shaacisay.


Dadweynihii goobta soo xaadiray ayaa ka koobnaa waayeel iyo aqoon yahano iyo Dhalin yaro iyo Kooxo diineed oo ka socda kaniisado Dadka qaar kood ayaa ii sheegay in ay cabsi ku jirtay inta aysan imaan Masaajidka.

Waxaase soo jiitay ayaan oran karaa oo Cabsida iyo Baqdinta ka saaray hanaan maamuuseedka loo soo Dhaweeyey martida ayada oo banaanka horay laga lulay walxaxa la buufiyo Banbiinooyin iyo miisas dhaadheeer oo qaarna lagu safay Kitaabka Qur,aanka Kariimkaa oo Luuqadda English ka ku qoran ku waas oo aan iib ahayn ee dad weynaha loogu talagalay ama lagu sharfay ayada oo aysan ka marnayn faafinta Diinta islaamka taas oo ah u jeedada loo asaasay masaajidda ka, waxaana xafladda la keenay Miisas lagu safay Cunooyin kala gadisan ayada oo halkaas lagu diyaariyey Shaqaalo.


Waraysi Cusmaan Axmed: Waxaan codsan lahaa in Maamulka Abuubakar hadda ka jira in ay is casilaan

C/rashiid Aabi oo waraysi siiyey SomaliTalk oo ka hadlay carruurta maqan...
Bayaan
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
shir
Minneapolis: Shirkii Waalidiinta Carruurtu ka maqan yihiin

Dhammaan dad ka waxay u e kaayeen kuwo faraxsan goobtuna waxay ahayd meel dad badan oo Cariiri la dareemayo Waxaa intaas dheer war baahinta maxaligaa ayaa meesha si xoogan u joogtay dad weynihii soo booqday ayaa loo sheegay in salaadda makhrib la tokonayo oo ay fiirsan karaan Habka loo tokodo ama ay ugu cibaadaystaan Masjidka maalin kasta shan jeer Waxaana meesha ka marnayn in dadka inta badan ay wateen qalabka wax lagu duubo ama lagu sawirto

Dad ka ayaa is dhex mushaaxayey oo wada sheekaysanayey ayaga oo kala diin ah, kala midabna ah oo kala luuqad gadisan, waxaase arintaa sahlay maamulka masjidka waxay ahayd Fursad qaaliya marka dhinaca diinta islaamka laga fiiriyo waayo: (1) Kitaabta Qur'aanka oo English ku macnaysan ayaa loo qaybiyey dad kii iyo waraaqo ka hadlaya Diinta Islaamka waxaana la tusay naxariis waji furfurnaasho iyo dabeecad wanaagsan iyo dhaqan suuban kaas oo asaas iyo Astaan u ah Diinta islaamka waxaase is weydiin leh Fursadaan iyo bilicdaan wanaagsan mar labaad ma samayn doonan maamulka masjidku waliba haddii dhinaca kale laga eego Waxaad moodaa in ay ahaya maalin dib loo soo celinayo Subcadii luntay iyo kalsoonidii somalida ayada oo aad iyo aad amaan loogu soo jeediyey goobtaas.

Ka dib markii ficil kooda iyo luuqada ay isticmaaleen loo bogay waxaa intaas dheer qof kasta oo aan la kulmo waxuu ii sheegayey waxii ay war baahinta ka arkeen iyo waxa ay arkaan in ay yihiin kuwo la iskaga galab caraabo ama aanan isku dhaweyn oo aan la isku dhigi karin Dadyowga reer galbeed ka ayaa rumaysan Warbaahinta la iska arko iyo Joornaalada.

Xafladda markii la furay waxaa magarafoonka lagu soo dhaweeyey Minneapolis city council, Robert Lilligren. Waxan ahadalkiisii k amid ahaa, aad ayey muhiima dnoogu leedahay in aad na soo casumteen, muhiimad ayeyna taasi u leedahay dhismaha jaaliyadeena, isagoo sheegay in uu masjidka deris la yahay. Dhegeyso Halkan ama soo rogo

Waxaa kale oo ka hadlay Dr. C/raxmaan Maxamed oo ah dhakhtar Soomaaliyeed oo reer Minneapolis ah: Halkan ka dhegeyso ama soo rogo

Waxa kale oo ka hadashay gabar ka socota CAIR. Dhegeyso hadalkeedii ama soo rogo.

Gabar caddaan ah oo kahadashay Sunta halist ah ee lagu duugayo Soomaaliya: Gabar ka mid ah dadkii ka soo qaybgalay xafladii Masjidka Abuubakar ayaa sheegtay in ay maqashay insunta halist aah lagu duugo Soomaaliy aoo ay taas aad uga walaacsan tahay, waxayna tiri aan olole inteenanu u galno sidii aan arrintaas wax uga qaban lahayn: Dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Xasan Jaamici oo ah iimaamka Masjidka Adacwah oo hadal kooban jeediyey ayaa yiri "Fal dembiyeed ma aha in Soomaliya laga soo laabto". Dhegeyso ama soo rogo

Sheikh Sacad oo ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay kulanka Dhegeyso waraysi kooban ama soo rogo

Sawirada Xafladda Halkan ka Daawo....

Taariikhda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis

Waxaa diyaariyey:

Ustaad Abdiwali Bashir (Dalboon)

cdalboon@hotmail.com

Minneapolis, Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS