SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dagaalo Gaystay Dhimasho Iyo Dhaawac Tiro Badan Oo Talaadadii Ka Dhacay Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho


Dagaalo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ayaa manta ka dhacay qaybo kala duwan oo magaalada Caasimada ah ee muqdisho ah kaasoo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo weliba madaafiida wax gumaada oo dadka qaarkiis ugu tegey xaafado ka dheer goobta dagaalku ka dhacay .

Dagaalkan oo ugu horaynba ku bilowday kooxo hubaysan oo dagaalo ka fool kafool ah ku qaaday fariisin ay Ciidamada dowlada midnimada qaran ku lahaayeen barxada tirabuunka ee degmada hodan taasoo keentay inay isu adeegsaadaan hubka nooyadiisa kala duwan islamrkaana waxyeelo ba,an kasoo gaadhay dadka rayidka ah ee ka ag dhowaa xaafadaha halkaasi ku teedsan .

Sida uu saxaafada u xaqiijiyey Agaasime ku xigeenka isbitaalka madiino daahir dheere oo ahaa isbitaalkii ugu badnaa ee la geeyo dhaawacyada oo qaarkood ku naf baxeen halkaasi ayaa sheegay Tiro ka badan 8-qof oo dhimasho ah iyo weliba dhaawaca gaaraya 60-ruux oo dhamaantood ah dad rayid ah ayaa ka dhashay dagaaladaasi oo qaarkood ku waxyeeloobeen madaafiic ay ridayeen dhinayada ku dagaalamayey halkaasi iyadoo dagaalkasina uu ku fiday goobo kale ka durugsan goobaha uu markiisii hore ka bilowday .
Dhinaca kale goobaha ugu badnaa ee maanta ay madaafiida habowga ah ee laysku weydaarsanyey dagaalkan oo ay dad badani ku dhinteen ayaa waxaa kamid ahaa daarta zope oo goob ay fariistaan dhaqaatiirta Caruurta iyo dhaqtarka cudurada wadnaha qaabilsan islamrkaana ahayd goob si weyn mashquul badan iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 8-qof kadib markii labo madfac oo deg dega ahi k so dheceen iyadoo dadkaasi ku geriyooday halkaasi uu hilibkoodii qurub qurub u go,ay .

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan dhex maray ciidamada dowlada midimada qaran iyo kooxaha hubaysan ayaa ahaa midkii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa tan iyo intii lasoo doortay madaxweyne shariif islamarkaana kusoo beegmaya xili ay dadaalo nabadeed iyo dhex dhexaadin dhinayada is haya ay ku jiraan culimo udiin ka socda Caalamul islaamka iyo weliba odayaal dhaqameedka taasoo u muuqata in dhegaha laga furaysatay

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
somalitalk muqdisho

Nin Ajnabi ah oo Afduub loogu Heystey Duleedka Bosaso ayaa dib xoriyadiisi u helay


Shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Wasirka Amniga, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Taliyaasha ciidama DGPL ayaa ka dhacay Hotel Tropical, Shirkan ayaa waxaa looga hadlay Afdub Maalintii shalay loo gaystay nin ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Pakistan

Ninka oo magaciisa layiraahdo Imran Khan oo haysta dhalashada Ingiriiska ayaa laga afduubtay shalay degaanka Laag oo u jirta Bosaso 35Km wadada qardho tagta

Imran Khan oo ahaa nin khabiir ku ah beeraha oo degaanka u yimi inuu eego beeraha halkaa ku yaala kadib ay dabley qabsadeen waxayna la aaden buuraha galgala. Kooxdii qafaashay ninkaa ayaa waxaa u tagay odayaal degaanka ka soo jeeda oo ay lagaleen wada xaajod kadibna ku guulaystay inay ka soo dayaan iyaga oo aanan bixin madaxfurasho

Wasiirka amniga oo shirka hadlay ayaa yiri "waxaan aad iyo aad uga xunay dhibaatada ku dhacday Imraan oo ah nin muslim ah una yimi maal gashi uu la kulmay afduub ey sameeyen wiilal dhalin yaro ah, arintaa oo dhawaacayso maamulka, inaga oo go'aansanay inaan weerar ku qaadno ayaa odayaasha yiraahren inaga ayaa soo celinayna ee naga suga

Ninkaa ajanabiga ahaa oo ka muuqatay murugo ayaan wax dhibaato ah loogaysan xiligii lahaystay, mas'uuliyinti shirkaa joogtay ayaa raali galin u sameey waxayna ka balan qaaden inaysan arintaa mardabe dhicin


Ugu danbayntii waxaa Amir Khan loo kaxeeyay hotelkii uu deganaa iyada oo lagu daray ciidan ilaaliya Hay'ada oo loo yaqaan SPU


Cumar Hantiile


waxaa soo tebiyey yaasiin faytin

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2009

yusufWaraysi: Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15 Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub magacaabo.. Akhri

 

oomaarWasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS