Maxaa hortaagan dawladda madaxweyne Shariif? Madaxweyne Shariif waxaa la doortay xilli baahi weyn loo qabo
hoggaan leh karti iyo daacadnimo uu wax kaga qabto dhibaatada
raagtay ee ku habsatay Soomaaliya dal iyo dadba. Qof walba oo
leh wax uun cilmi ama caqli ah, ama leh dareen diimeed iyo
dadnimo wuxuu arkayaa halka ay ku hoobatay bulshadii
Soomaaliyeed, wuuna ka danqanayaa, fakar iyo dadaalna u yaraysan
maayo sidii waxaas wax looga qaban lahaa. Iyada oo taasi ay
jirto ayaa ninba waxqabadka dhinac ka arkaa ama jid gaar ah u
maraa. Dhismihii dawladdii Carte waxaa la door biday in aan laga
qeybgalin qabqablayaasha iyo kuwa sababay halaagga bulshada,
iyaguna waxay wacad ku mareen inay majaxaabiyaan dawladdaas
iyagoo kaashanaya Xabashida, wayna ka dhabeeyeen. Dawladdii lagu
soo dhisay Kenya-na waxaa la goostay in qabqablayaasha iyo
ciddii ay keensadaan mudnaanta la siiyo, iyadana isla markiiba
waxay u qalab qaateen sidii ay u wanjali lahaayeen, ugu dambayna
waxay ku guulaysteen in ay magaceeda ummaddii ku xasuuqaan,
iyadiina ay ka dhigaan naf ka dhawr.
Haddaba madaxweyne Shariif oo isagu doortay inuu ka
qeybgalo dawlad nooc seddexaad ah oo la isugu keenay
qabqablayaashii iyo dad kaloo quman ayaa waxaa horyaal dhammaan
caqabooyinkii ay la kulmi jireen madaxweynayaashii ka horreeyay
iyo kuwo ka dheeraad ah. Caqabooyinkaas waxay isugu jiraan kuwo
dibadda kaga imaanaya iyo kuwo dadkiisa iyo dalkiisa dhexyaal.
Maqaalkaana waxaynu kaga hadlaynaa qaar ka mid ah kuwa ugu
muuqaalka dheer caqabadahaas:
Caqabadaha gudaha:
- Dalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay 18 gobol. Toddobo
iyo bar ka mid ah waxay hoos yimaadaan maamulada S/land iyo
P/land oo labaduba sheegay inaysan khusayn waxa ka socda
Jibbuuti, lixda gobol ee koonfur ka xiga Muqdisho waxaa
haysta kooxaha muqaawamada ee ka soo horjeeda DKMG, inta soo
hartay ayay dawladdu la wadaagtaa kooxaha muqaawamada ee
kala duwan. Kala maqnaanta dalku waa mushkilad weyn oo aysan
marna madaxweynayaashii hore ku guulaysan xalkeeda,
madaxweyne Shrariifna wali sugaysa.
- Dawladda uu madaxda ka yahay madaxweyne Shariif waxaa
xubno ka ah raggii soo fashiliyay dhammaan dawladihii hore,
tusaale ahaan: Qanyare, Yalaxow, Caato, Moorgan, Hiiraale,
X/kunaax, Shaatiguduud, Qaybdiid iwm, colaadda ay u qabaan
madaxweyne Shariif ayaana ka badan tay u hayeen
madaxweynayaashii ka horreeyay isaga; maxaa yeelay waa
ninkii ka xayuubiyay awooddii ay ku lahaayeen Muqdisho
xilligii maxkamadaha. Waxaa isna madax ka ah baarlamaanka
Aadan Madoobe oo si gaar ah ugu xiran Xabashida, ayna u
adeegsan karto fashilinta qorshayaasha madaxweyne Shariif
siday ugu adeegsatay C/laahi Yuusuf oo kale. Tan kale waxaa
maamul ka ah magaalada Muqdisho oo ah halka ay dawladdu ka
ambaqaadi lahayd raggii sida xun ula diriray muqaawamada iyo
shacbiga magaaladaba oo ay ugu horreeyaan Dh/tuur iyo Nuur
daqle iwm, kuwaas oo iyana caqabad gooni ah noqon kara,
laguna tuhunsan yahay inay xiriir gaar ah la leeyihiin
Xabashida. Xallinta mushkiladaani waxay ka mid tahay
waxyaabaha ugu culus ee horyaal madaxweynaha.
- Madaxweyne Shariif wuxuu dhaxlay tarikadii fooshaxumayd
ee dawladdii madaxweyne C/laahi Yuusuf dad ahaan iyo nidaam
ahaanba, taas oo taariikhda Soomaaliyeed baal madaw kaga
jirta. Muuqaalka xun ee dawladdaas wuxuu caqabad ku yahay
maamulka madaxweyne Shariif, inuu soo celiyo sumcadda
dawladdana waxay uga baahantahay dadaal, waxaase caawinaya
madaxweyne Shariif : Soomaalida oo dawladda u taqaan ninka
madaxda ka ah oo kaliya.
- Caqabadaha waaweyn waxaa lagu dari karaa sidii loo heli
lahaa xarun aamin ah oo dawladdu cagadhigato, ha ahaato
golaha xildhibaanada ama golaha xukuumadda; maxaa yeelay ma
sahlana dad garabrarato ah inay wax weyn qabtaan. Madaxweyne
Shariif ma aha madaxweynhii ugu horreeyay ee mushkiladaan la
soo daristo ee way la wadaageen dhammaan madaxweynyaashii la
doortay burburkii ka dib, haba ugu nasiib darraado
madaxweyne C/laahi’e.
- Dawladda wadaagga ah waxay ku istaagi kartaa in la dhiso
ciidan isku dhaf ah iyo hay’ado dawladeed oo garabyada ku
bohoobay iyo aqoonyahanka kaleba ka qaybqaataan, waxaase
caqabad noqonaya sida wadaado dhawrsoon oo shaqadoodu ahayd
sama faris iyo xumo reebis ay ula jaanqaadaan maleeshiyo
indhaha ku kala qaaday dil, boob iyo dhac. Haddii isku
dhafka ciidanku socon waayana waxay ka go’an tahay caga isku
taagga dawladda. Taas waxay madaxweynaha uga baahan tahay
xal si wacan loo darsay.
- Dadka dawladda ku jira ama taageeraya waxay u arkaan
dawladnimada meel laga cooto; sidaa darteed haddaanu
madaxweynhu helin xoolo aad u farabadan oo uu dadkaas ku
quudiyo, kuna kala jiheeyo iyaga laftooda ayaa isu badalaya
caqabad kale.
Caqabadaha dibadda:
- Beesha caalamka waxaynu uga baranay in ay taakayso
dawlad kastoo Soomaali soo dhisato, ha ahaato taageeradii ay
heli lahayd oo laga hor istaago ama ha ahaato in lagu furo
mashaakil kale. Waxay mucaaradeen dawladdii madaxweyne
C/qaasim iyo R/wasaare Galayr oo loo arkayay dawlad
dimoqraadi ah oo si cilmiyaysan islaamka ula diriri karta,
waxay kaloo taakeeyeen dawladdii madaxweyne C/laahi iyo
R/wasaare Geeddi oo loo arkayay dawlad qabqable oo si bareer
ah ula diriri karta islaamka. Taas waxay ina tusaysaa in
aanu madaxweyne Shariif ahayn ninka ugu nasiibka badan
taageerada beesha caalamka; maxaa yeelay waa Sheekh ina
Sheekh ah oo ka soo jeeda usro diini ah, isla markaana
hoggaamiyay kacdoon islaami ah oo gaalada la galay dagaallo
waaweyn, ka horna Xamar ku jabiyay wakiiladoodii. Waxaa
kaloo tusaya in aan madaxweyne Shariif ka nabadgalayn
hagardaamada gaalada in ay la dagaalameen Xabashi iyo
Maraykan isagoo aan ahayn madaxweyne Soomaaliyeed ee ah
hoggamiye urur diimeed oo dalkiisa ka wada islaax iyo
nabadayn, mana sahalana in ay u sugaan inta uu kaga
guulaysanayo hanashada maamulka Soomaaliyeed.
- Xabashidu waxay caado ka dhigatay inay uruursato
qabqablayaal ay ku burburiso dawlad kastoo loo soo dhiso
Soomaaliya, ayna u tababarto maleeshiyo ay kula diriraan,
haddana Itoobiya ma badalin caadadeedii ee waxay horay u sii
kaxaysatay qabqablayaal waliba qaarkood ku jiraan
baarlamaanka, waxaana ka mid ah: Barre hiiraale, Xaabsade,
Max’ed dheere, Dabageed iyo guddoomiyihii gobolka Baay.
- Ciidamada shisheeye ee jooga dalka bad iyo berriba waxay
dalka iyo dadkaba ku hayaan dhibaatooyin muuqda oo ay ugu
horrayso xasuuqa dadweynaha iyo burburinta hantidooda oo ay
caadaysteen, walina waxaa muuqata in kuwo kale la soo wado
ha noqdeen African ama UN’e , taasina waxay ka hor
imaanaysaa madaxbanaanida dalka iyo qaraarka
masuuliyiintiisa, mana muuqato in talo badan laga weydiinayo
Soomaalida arrintaas.
- Waxaan meesha ka marnayn inay jiraan dawlado ka urinaya
inay dawladda madaxweyne Shariif xiriir la leedahay Itoobiya
oo iyaguna fashilinteeda dan moodaya.
- Waxaasoo dhan waxaa isku fuuqsanaya inuu madaxweyne
Shariif dhaxley mashaakil gaamurey oo 30kii sanoo ugu
dambeeyay is dhalayey oo xataa haddii Soomaali oo dhan isku
duuban tahay xallinteedu ku adkaan lahayd. Haddana waxaa
muuqata inay dawladda kula jiraan raggii mashaakilkaan
keenay, xal kastana hor istaagi jiray, isla markaana ay
raggiisii dawladdaan isku aragati ka noqon waayeen oo aanu
badankooda hiil ka haysan. Tan kale waqtiga ku meelgaarka ah
ee la siiyay wuxuusan ku filnayn nin aan mushkiladi haysan
iska daa nin waxaasoo qodxa ahi horyaalaane.
Maxaa la gudboon madaxweyne Shariif:
Madaxweyne Shariif si uu wax uun uga hagaajiyo mushkiladda
Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay inuu qaado tillaabooyin ay ka
mid yihiin kuwaani:
- Inuu hadaf ka dhigto suu sharka jira u joojin lahaa
ama u kala yarayn lahaa, ugana hortagi lahaa shar cusub,
isla markaana in uusan isagu sabab u noqon keenista shar
aan hadda jirin.
- Inuu saasoo kale ugu dadaalo kordhinta khayrka hadda
jira iyo soo kordhinta khayr cusub, isla markaana uusan
sabab u noqon joojinta ama yaraynta khayr horay u jiray.
- Inuu danta guud ee diinta iyo ummadda mar walba ka
horraysiiyo danihiisa qof ahaaneed iyo danaha kooxdiisa
ama reerkiisa, isla markaana uusan masaalixda
istiraatiijiga ah ee diinta iyo ummadda ka dooran
masaalix dhaw; maxaa yeelay dantiisa iyo tan xigtadiisu
waxay ku dhex jirtaa danta guud, masaalixda dhaw ee ka
hor imaanaysa tan guudna waa kabuubyo dhab ahaan dhibka
sii kordhinaysa.
- Inuusan marna ka tanaasulin wax ka mid ah
mabaadi’dii iyo ahdaaftii uu u halgamayay oo ay ugu
horraysay hirgalinta shareecada oo ah waxa Soomaali ku
aamintay oo ku raacday, uuna xoojiyo dadaalkii uu ku
bixin jiray arrintaas, mana aha khasab inuu ku wada
guulaysto hirgalinta ujeeddooyinkiisa oo dhan inta uu
madaxweynaha yahay ama uu noolyahay ee haddii uu qaarna
fuliyo, qaarna uu soo dhaweeyo masaafadii ay jirtay oo
ay dadka ka dambeeya dhammaystiraan waa khayr.
- inuusan tarikadii xumayd ee uu ka dhaxlay madaxda
Soomaaliyeed ku sii darin xumaan kale oo sunna noqota,
sida: in magaca diinta dadka loogu kala sooco kacaan iyo
kacaan diid ama reer hebel iyo reer hebel; maxaa yeelay
madaxweyne faajir ah ama qabali ah dadku xumaan oo dhan
way ka fishaan, nin magac diimeed xambaarsanse looga
qaadan maayo. Dhinaca kale ninka sumacddiisa iyo
aakhiradiisa ayaa uga muhiimsan inuu maalmo ahaado madax
la nicibyahay oo habaar iyo haydaarto aan ka harin la
isugu daro.
- Inuu iska fogeeyo Xabashida (khayrkeeda ha isu
qabtee) ; maxaa yeelay waxna u tari mayso adduun iyo
aakhirona way seejinaysaa ciddii dabinkeeda ku dhacda,
madaxweyne C/laahina tusaale ku filan. Midda kale
bulshada Soomaaliyeed marna kahyr ka fialan mayso, il
kalsoonina ku eegi mayso wixii xagga Adisababa uga
yimaada, kan ka soo qaaday haba noqdo mid tukada ama ha
ka keeno salaam 114ka Qur’aanka ah!.
- In uusan saaxiibadiisii daacadda u ahaa ka dooran
saaxiibo cusub oo shalay cadaw u ahaa, walina aan la
hubin inay daacad u yihiin, uuna u tanaasulo,
awooddiisana isugu geeyo siduu ula heshiin lahaa oo waxa
ay gansadeen uga saari lahaa; maxaa yeelay iyagaa
doortay oo soo hormariyay. Tan kale mushkiladda
Soomaaliyeed ma xallin karaan dad aan daacad ahayn oo
aan isku kalsoonayn, madaxweyne Shariifna heli maayo
raggaas oo kale. Waxaa intaa dheer inay yihiin awood
taagan oo aan la dhaafi Karin. Heshiiska dadka ay is
hayaana uma baahna Ilaahay ka baqa oo isu sabra kaliya
ee wuxuu u baahan yahay in dadka ay masaa’ilka diinta ah
isku hayaana culimo dhexgasho oo labada dhinacba u
hoggaansamaan xaqqa, kuwa ay jagooyinka isku hayaana ay
barqo cad la qaybsadaan!.
- In madaxweynaha iyo kuwa la jaalka ah ay joojiyaan
erayada iyo falalka isaga iyo saaxiibadi ka dhex
abuuraya colaadda iyo kala shakiga, sida: xagjirka iyo
nabad diidka. Taa macneheedu ma aha in aan tuhmada
gaalada ee dulmiga ah la iska difaacin ee waxa weeye in
uu ogaado inay erayadaan ahaayeen wixii uu kula diriray
kooxdii Ashahaada la dirirka. Tan kale dadka hadalkaan
loo jeedinayo (waa gaalada iyo waxa la afkaarta ahe)
iyagaa ka diin xun kuwa la leeyahay waxbaa laga
qabanayaa, waxaana dhici karta in saaxiibadi u qaataan
in uu hadalkaas ku raalligalinayo gaalada ama uu
qandaraasba ku soo qaatay sidii uu iyaga u dhibaatayn
lahaa. Waxaa kaloo xusid mudan inay muqaawamadu (kooxeheeda
kala duwan) sugtay nabadgalyada dhulka ay ka hawlgasho
oo dhan oo aysan mudnayn in lagu tilmaamo nabad diid,
madaxweynuhuna wuu ogyahay inay dawladdiisa ku jiraan
dad badan oo la isku raacsan yahay inay nabad dile
yihiin.
- In uu u hawlgalo saarista gaalada joogta dalka,
sababna aanu u noqon keenista kuwo kale oo isa sii
raaciya wixii ka haray xasuuqii Xabashida iyo ku
meelgaarkii isaga ka horreeyay.
- In aanu horseedin, kana qeybqaadan colaad sokeeye oo
leh magac diimeed ama magac beeleed, awooddiisana uu
isugu geeyo siduu uga hortagi lahaa iyada iyo
asbaabteedaba, sida: in beelnimo lagu takooro qaar ka
mid ah ragga ay is hayaan, raggaas oo maalintii xaalku
xumaa aad loo jeclaa!. Tan kale madaxweyne Shariif kuma
qumana inuu ka hoosdhoco madaxweyne C/qaasim oo
halkudhig ka dhigtay inaanu colaad daakhili ah hurin,
kana dhabeeyay.
Qoraalka xiga:
Xabashi maxay inooga adkaatay?
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2009
|