dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...

Xabashi maxay inooga adkaatay?

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

      Guushu waxay leedahay sababo badan oo lagu helo ama lagu waayo, waxaanse soo qaadaynaa mid ka mid ah kuwa ugu muiimsan.

      Lagdan soo jireen ah ayaa Soomaalida iyo Xabshida dhexyaallay, sida Ilaahay dadka maalmaha ugu kala wareejiyoba marba qolo ayaa la rogan jiray. Xilliyadii Soomaalidu ay ka gacansarraysay Xabashida sababaha ay uga adkaan jirtay waxaa ka mid ahaa inay iyadu isku duubnayd meelay joogtaba, ayna isku xirnaayeen iyada iyo muslimiinta kaloo Xabashidu gumaysato, isla mrakaana ay adeegsan jireen gaalada dulman ee Xabashida ah. Taas ayaa Soomaalida u sahli jirtay inay xabbadda ka bilaabaan bartamaha Xabashida iyaga oo adeegsanaya muslin iyo gaalaba wixii la col ah Xabashida.

      Maxaa is badalay oo Xabashi u sahlay inay ina rogato?

      Dadkii Soomaaliyeed ayaa reer reer iyo koox koox ugu galay Xabashida iyaga oo hiil iyo hoo uga doonaya sidii ay walaalohood ula diriri lahaayeen. Kolkaasay Soomaali weyday dadkii gaalada ahaa oo ay u adeegsan jirtay la dagaalanka Xabashida iyo kuwii muslimiinta ahaa oo ay dagaalka cadawga isu kaashan jireen. Tan kale waxaa kaalintii banneeyay Soomaalidii jamahuuriyadda ka baxsanayd maadaama walaalohood la soo safteen cadawgii iyaga gumaysanayay! . Markii xaal sidaa noqday ayay Xabashi ku guulaysatay inay inay duulaan ina ku soo qaado iyadoo isku duuban oo wadata muslimiintii ay gumaysan jiraty, Soomaalidii ay haysatay iyo Soomaalidii jamhuuriyadda qaarkeed. Markaas ayay xabbadda inoo ka bilowday bartamaha Muqdisho iyada oo waliba aan ciidamo keensan, markii ciidankeedii yimidna wuxuu ka dhex helay Muqdisho iyo magaalooyinkeenii kaloo waaweynaa rag si daacad ah xabbadda isagaga dhiga, dhaaweceedana dusha ku qaada.

      Taasi haba dhacdee maxaa ka bi’I lahaa haddii cidda la isu kaashanayo tahay cadaw kaloo mushtarak ah! ee waxa la isla dilayo waa uun Soomaali!!.

      Haddaba aynu is weydiino waxa ina la gudboon; si aynu Xabashi mar kale uga adkaano.

Qoraalkii xiga: Tolow Soomaali maxaa ka soo haraya?

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.