Tolow Soomaali maxaa ka soo haraya?Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Soomaalidu waa bulsho wadaagta wax kastoo ummad mideeya, sida:
diinta, luqadda, dhalashada, midabka, dhaqanka, dhulka, taariikhda iyo
masaalixda intaba. Saas oo ay tahay waxaa dhexyaal dareen colaadeed iyo
muuqaal xun oo ay inta badan kala aaminsan yihiin. Haddaba aynu
qormadaan gaaban ku eegno waxa la kala qabo iyo su’aalo ka dhalanaya.
Qabiilooyin wada xun!
Daarood waa dad xun, Hawiyana waa la mid, Isaaqna waa sidoo
kale, Raxanweyna wax isma doorshaan, Jareer weyna way ku jaango’an
tahay, inta soo hartayna dhan walba waa kala too. Ma jiro qabiil ama qof
rumaysan in qabiilooyinkaas oo dhan wada xun yihiin ee qolo walba ama
qof kasta dad gaar ah ayay xumaanta u tiiriyaan. Haddaba su’aashu waxay
tahay: reer walba kuwa ay is hayaan ama xiniftu ka dhexayso haddii aynu
waxa ay ka aaminsan yihiin u qabano sow dadkeenoo dhan wax wada xun
noqon maayaan?. Hadday saas tahayse maxaynu wax wanaagsan u raadinaynaa
illeyn waynu wada xunahaye?. Tan kale dadkii Soomaaliyeed ee aynu wada
jeclayn, sida culimada, halgamayaasha, hoggaamiyayaasha iyo kuwa la
midka ah ee taariikhdeena baalka dahabka ah kaga jira ma cirkay ka soo
dheceen? Sow reer hebel ama reer hebel ma ahayn?, haddase kuwa aynu
samaha iyo waxtarka ka sugayno sow iyaguna isla reerayawga aynu soo
sheegnay uun ma noqon doonaan?.
Su’aasha kale waxay tahay qolo kasta kuwa ay nacsan tahay
haddii meesha laga saaro maxaa Soomaali ka soo haraya?, illeyn Soomaali
cududeedu waa reerayowga colaadda u badan loo hayo’e. Haddii aynu
reerayawgaas deegaanadooda ka rarno yaa inoo badalaya?, sow booskooda
Xabashi uun soo buuxin mayso?. Haddaynu laynase yaa cadawga ina ka
celinaya?.
Muqaawamo wada xun!
Maxkamadaha labadooda garab midna ma fiicna, jabhadda islaamiga
iyo Shabaabkuna waa la mid, Raaskambooni iyo Caanoolena kama duwana.
Haddii iyaga midba kan kale sidaas ka qabo ama bulshada qaarba midkood
sidaas ka aaminsan yahay, innaguna aynu u qabano waxa ay kala qabaan ama
dadweynuhu ka kala qabo sow wax wada xun ma noqonayaan?. Tan kale waa
ayo cidda jihaaday oo gaalada dalka ka saartay?, yayse tahay cidda
waxaasoo nafhuris ah samaysay?, libinta aynu intoodaas u diidnayse yaynu
siinaynaa?.
Wadaado wada xun!
Wadaadadu dhammaantood khayr iyo ijaabo midna ma leh. Saxwo iyo
suufiyo iyagu barako ma leh, ikhwaan iyo salafiyana iyagaa wax qaribay.
Ictisaam iyo Islaax iyaguna way inkaaran yihiin, Tajammuc iyo Jadiidana
waa la mid, axkaanley iyo calanleyna ma dhaamaan. Haddaba haddaynu
wadaadada u qabano waxa ay kala qabaan ama bulshadu ka kala qabto ma
wadaadbaa dhaqnaanaya?. Waxaa iyana is weydiin leh yaa jaahilka
Soomaaliyeed waxbaray?, yaase kan baadiyaysan Alle ku hanuunshay?, yaase
kuwa garsoorka doonaya u xaqsoora?, yay tahay cidda xumaanta reebta oo
samaha farta?, yayse yihiin kuwa meel walba Qur’aanka ku dhigaya oo kii
xanuunasan ku tufaya?. Soow kuwaa la caayayo uun maaha?.
Muslin wada xun!
Muslimiintu ummadaha dunida ku nool iyagaa ugu wanaagsan,
Ilaahayna iyaguu dadka ugu jecelyahay, dadka jannada galayana waa iyaga
uun. Dadka Ilaahay na faray inaan jeclaanana waa iyaga, kuwa walaalaha
ahina waa iyaga, kuwa ha loo hiiliyo la yirina waa iyaga. Wanaag kasta
oo dadka kale leeyihiin iyagaa kaga badan, xumaan kastoo ay leeyihiina
gaaladaa kaga badan.
Muslimiinta waxaa ku jira dad dhinac maray jidkii Rasuulka
(scw) oo loo yaqaan kooxaha lunsan, sida: Shiicada iyo Khawaarijta.
Waxaa la isku raacsan yahay in dadka Ahlusunnaha ah ee raacay wadada
Nabiga (scw) ay Alle uga dhaw yihiin kooxaha lunsan. Haddaba Soomaalidu
duuduub ahaan waa muslimiin 100%, waana wada sunniyiin. Intaas waa la
isku raacsan yahay. Markii la maqlo Soomaali waa muslimiin 90% ama 95%
iwm waa laga wada caroodaa, waxaana lagu jawaabaa meeye gaalada la
sheegayo?.
Haddii ay Soomaalidu duuduub ahaan u wada xun yihiin, illeyn
qabiil kasta qolaa qabta inay xunyihiine, dadkuna qabiilooyin bay ka
wada dhasheen oo qof cirka ka soo dhacay ma jiro, culimadooduna wada xun
yihiin, dadkii diinta ku dagaalamayayna wada xumaadeen, siyaabo kaloo
xumaanta la isugu sheegoo kalena ay jiraan soo meesha ka soo bixi mayso
muslimiin wada xun?, mise muslinimada Soomaalida ayaa xunoo dadka kale
kaliyaa islaamnimada ku wanaagsanaada?. Soomaalidu markii Falastiin ama
Ciraaq la laayo meel ay joogaanba way ka wada xumaadaan illeyn
walaalohood baa la dulmiyaye, haddaba waxaa yaab leh sababta ay sidaasoo
kale ugu danqan waayeen Soomaalida la dulminayo, waxaase ka sii yaab
badan inay iyaguba dulmiyaan!!.
Qofka la dhaqma qoyskiisa oo qur ah ama kooxdiisa oo kaliya
wuxuu ka bartaa samohooda iyo xumaha kuwa ka soo horjeeda. Qofkaas
haddii uusan la dhaqmin dadkii lagu dirayay ama uusan adeegsan caqli iyo
waaya-aragnimo ay weheliso caddaalad waligi kama boxo khalad iyo
marinhabowgii uu deegaankiisa kala yimid.
Aadanaha guud ahaan xumo lagama waayo, Nabiyaasha kaliyaana
dambi ka dhawrsan, shakina ma leh in bulshooyinka qoloba meelo ku
wanaagsan tahay, meelana ku xuntahay, waxaase khalad ah in reer ama koox
uun loo tiiriyo xumaan oo dhan, kuwo kalena wanaag oo dhan la siiyo.
Qofka la dhaqma qabiilooyinka Soomaaliyeed oo qoloba ay qolo wax ka
sheegayso wuxuu ku qancayaa in ay wada yihiin dad qaali ah oo gob ah.
Waxaa la mid ah ururada diiniga ah iyo kooxaha muqaawamada. Mushkiladda
dadka badankiisa u muuqan la’ waxa weeye in aan si kalsooni iyo
daacadnimo ah loo wada hadlin, taasoo keentay in la is fahmi waayay,
kala shakiguna sii kordho .
Ugu dambayn dadkeenu ma xuma ee markay caadifadu kacsan tahay
baa hadalo la is dhahaa ama fikrado la kala aaminaa, dibna looma soxo ee
horaa looga socdaa, ka dibna caqiido dhab ah ayay isu badashaa ku
celcelintii awgeed, mana ku imaan caqiidadaasi si cilmi ah iyo si caqli
ah toona, kumana dhisna xog dhab ah. Haddaba waxaa habboon in nin walba
isagaoo ka maran hawo uu kaligi meel cidla ah fariisto oo uu dib u eego
afkaarta uu ka aaminsan yahay walaalihiis, uuna miskaxdiisa (memory) ka
tirtiro (delete) wax kasta oo aan xaqiiqo ahayn ama aan ku dhisnayn
cilmi iyo caqli, isagoo og in aan la isu qaban dad xinifi ka dhexayso.
Haddii aynaan sidaas yeelin cidna inoo soo hari mayso ee aynu ummado
kale doonano!!!.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com