SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Wararkii Axad Feb 8, 2009: Ciidamada AMISOM iyo Kooxaha Hubaysan oo Madaafiic ay Is-weydaarsanayeen dad ku laayey Suuqa Bakaaraha

Kooxo hubaysan ayaa saakay (Feb 8, 2009) waxay weerar ku qaadeen fariismo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKMG ku leeyihiin Kullayihiii hore ee Jaalle Siyaad iyo agagaarka cisbitaal Digfeer ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Arrintaasi waxay keentay in ciidmada AMISOM ay madaafiic ku jawaabaan. Halkaas oo madaafiicdii la is weydaarsanayey qaarkood ay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha, halkaas oo ay ku dhinyteen ugu yaraan 3 qof oo shacab ah, dad kalena waa ku dhaawacmeen.


Hay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed...
Human Rights Watch waxay Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay inuu Degdeg uga Laabto Hadal uu Weriyaasha Soomaalida ku Barbar Dhigay Raadiyihii Kiciyey Xasuuqii Rwanda.
Akhri


  • Sheikh Shariif: Waxaan u nimid waxay tahay latashi dadka in aan la tashanno,
  • Dr. Cumar Iimaan: Dawladda Cusub ee Lasoo Dhisay Waxba kama Duwana Tii Hore...
  • AMISOM: Weerarkaasi waxa uu ahaa daan daansi, laakiin anagu dheg jalaq uma siin....

Madaafiic Xooggan oo Lagu Garaacay Villa Soomaaliya, Xilli uu Halkaas Gaarey Sheikh Shariif...

SomaliTalk.com | Muqdisho, Soomaaliya | Sabti, Feb 7, 2009


Feb 7, 2009: Waxaa madaafiic xooggan lagu garaacay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho (oo loo yaqaan Villa Somalia) halkaas oo uu saacado ka hor uu gaarey madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka soo duulay magaalada Jabuuti.

"Cidna kuma dhaawacmin kaddib markii Afar madfac ku qarxeen meel u dhaw madaxtooyada, madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Axmed waxa uu amar ku bixiyey in askarta iyo ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalintu aysan madaafiicdaas kaga jawaabiin maadaafiic kale" sidaas waxaa AP u sheegay afhayeenka madaxweynaha DFKMG Cabdullahi Khadar. Laakiin, warbaahinta maxalliga qaar waxay sheegeen in Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ay madaafiicdaas kaga jawaabeen madaafiic ay ku garaaceen Xaafada Xamar Jadiid. Lamana sheegin khasaare ay geyteen madaafiicdaasi.

Dhanka Ciidadama AMISOM waxay sheegeen in weerarkaasi uu ahaa mid daan-daansi ah oo la doonayey in ay madaafiic ugu jawaabno. "Dheg jalaq uma siin," sidaas waxaa yiri Major Barigye Ba-Hoku oo ah afhayeenka AMISOM ee Muqdisho oo la hadlay Reuters. Waxana uu intaas ku daray "Waa daandaansi, waxay rajaaynayaan in aan u jawaabno, laakiin taas diyaar uma nihin. Waxaan doonayaan cudurdaar ay AMISOM ku eedeeyaan in aan weeraray Shacab. Weligana sidaas ma samayno." - (Waxaa warbaahintu xustay ciidamada AMISOM in hore loogu eedeeyey in Feb 2, 2009 ay Muqdisho ku dileen ilaa 39 shacab ah.)

Ba-Hoku oo ka hadlayey dhacdadii Feb 2, waxa uu sheegay in ciidamadiisu aysan layn dad shacab ah, waxana uu sheegay inay jirtey weeray qarax ah oo ka dhacay jidka, kaddibna ciidamada AMISOM lagu soo qaaday weerar culus, oo ay markaas is difaaceen. "Waxaa jirey qarax ka dhacay jidka iyo rasaas xooggan oo ay soo ridayeen kuwii weerarka soo qaaday, markaas ayaa ciidankayagu iyaga oo is difaacayey rasaas ku fureen kuwii wax soo weeraray," ayuu Ba-Hoku Barigye u sheegay warbaahinta Shiinaha ee Xinhua.

Dhanka kale warbixin ay Feb 5, 2009 soo saartay hay'adda Xuquuqul Insaanka ee Human Right Watch waarbixin ay soo saartaay ayaa ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo ciidamada AMISOM iyo dhacdadii dadku ku dhinteen ee Muqdisho, waxayna hadal kulul hay'addu u jeedisey wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Axmed Walad Cabdallla oo ay tiri haka fiirsado hadaladiisa. (Akhri Warbixinta Human Right Watch).

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxay madaafiicdii Sabatidii Feb 7 ee lagu garaacay Villa Somalia ayaa tibaaxay in weerarkaas ay soo qaadeen kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan Muqdisho.

Dhanka kale, Sh. Shariif hadal gaaban oo uu jeediyey markii uu tegey Muqdisho ayuu ku sheegay in ay Muqdisho u tageen wada tashi. Hoos ka dhegeyso hadalkii Sheikh Shariif.

Waxaa sidoo kale, Madaafiicdaasi ka hor, magaalada Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ah Guddoomiyaha ururka cusub oo la baxay Xisbiga Islaamka oo ah urur dhawaan lagu dhawaaqay oo ay ku midoobeen kooxaha ka soo horjeeda DFKMG. Hoos ka dhegeyso hadaladii Dr. Cumar Iimaan.

Kooxaha ku midoobeyy Xisbiga Islaamka waxa la sheegay in ay yihiin: Jabahatul Islaam, Maxkamadaha Islaamka [Garabka Casmara ee uu hogaamiyo Xasan Daahir Aweys], Mucaskarka Raaskanbooni iyo koox lagu magacaabo Caanoole.


Sheikh Shariif, madaxweynaha DFKMG. Sawirka: AFP

"Muddo badan ayuu shirkan ay ku midoobeen kooxahan soo socday, waxaana u midownay sidii aan u sii wadi lahayn jihaadka, dalkana aan ugu xukumi lahayn diinta Islaamka" sidaas waxaa yiri Sheekh Xasan Mahdi oo Feb 4, 2009 u hadlaaykooxaha midoobey. Waxana uu intaas raaciyey "Dagaalada waan sii wadaynaa inta aan ka xaqiijinayno in dalka ay ka baxeen ciidamada Uganda ee AMISOM oo xasuuq aan kala sooc lahayn kawada Muqdisho, iyadoo Ethiopia ay bilowday inay dib ugu soo laabato dalka sida Hiiraan".

Sheikh Shariif oo Gaarey Magaalada Muqdisho....

Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif ayaa maanta (Sabti, Feb 7, 2009) waxa uu ka degey garoonka Muqdisho markii ugu horeysey intii loo doortay madaxweynaha DFKMG, waxaana la socdey wafti ka kooban 19 xubnood oo ay wadey diyaarad khaas ah. Si weyn ayaa loo sugay ammaanka wadooyinka Muqdisho oo ay ilaalilayeen ciidamo isugu jira kuwa DFKMG iyo AMISOM. Waxaana la xiray ganacsiga wadada Maka-Almukarama oo la marsiiyey waftiga madaxweynaha DFKMH oo la geeyey Villa Somalia.

Safarka Sheikh Shariif ee muqdisho ayaa ku saabsan la tashi, sida uu saxaafada ugu sheegay hadal kooban markii uu tegey Muqdisho, isaga yiri "waxaan u nimid waxay tahay latashi dadka in aan la tashanno, marxalada cusub oo la gelayo in aan u sheegno, nabadda in laga shaqeeyo dadka in aan ugu baaqno, dadka maqan oo weli aan qaadan 'process-ka' nabadda in nabadda loogu yeero." Waxana uu ka mahad celiyey sidii loo soo dhaweeyey.

Dr. Cumar Iimaan: Dawladda Cusub ee Lasoo Dhisay Waxba kama Duwana Tii Hore...

Waxaa maanta (Feb 7, 2009) magaalada Muqdisho hadal ka jeediyey Guddoomiyaha ururka dhowaanta la sameeyey ee Xisbul Islaam, Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, waxana uu yiri "Maxaa loo dhahayaa xabbada ha la joojiyo, maxaan ku joojinaa, waddankii miyaan xoraynay, cadawgii miyaan ka saarnay, ma shareecadii Islaamkaan ku soo rogney, waa is weydiine."

Dr. Cumar Iimaan waxa uu haadalkaas ka jeediyey shir jaraa'id oo uu ku qabtay Warshaddii Baastada ee magaalada Muqdisho oo ay fariisin ku leeyihiin kooxaha  ku midoobey Xisbiga Islaamka oo ka soo horjeeda DFKMG.

Dr. Cumar Iimaan waxa uu dhaliilay dawladii hore, sidoo kale waxa uu si kulula uga hadlay Dawladda hadda lagu soo dhisay Jabuuti, isagoo yiri: "waxa hadda lagu magacaabayo dawlad cusub ayaa la soo dhisay la leeyahay, bal waxaan weydiineynaa laba mab'da uun ayaa jirtey'e, ma dawladdii hore ayaa meeshii ka baxday oo mid cusub ayaa timidi, mase tii hore ayaa la dhoodhoobay oo magacii ayaa laga bedeley, jawaabta xaqiiqada ah waxay tahay wixii hore ayaa meeshoodii jooga."


(Bidix) Dad soo dhaweynayey Sheikh Shariif, (Midig) dumar sitay sawirka Shariif Axmed, Feb 7, 2009, Xamar.

(Bidix) Ciidmada AMISOM oo ku gadamay Sh. Shariif, (Midig) Ciidamo AMISOM oo soo dhaweynaya Sh. Shariif



Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Kusii jeeda Magaalada Muqdisho...

  • Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya oo la filyo in mudo laba bilood ah ay fasax galaan, marka lagu dhawaaqo Ra段isul Wasaaraha iyo dhismaha Golaha Xukuumada cusub oo laga sugaayo madaxweynaha, si ay u ansixiyaan (ama u baasgareeyaan).

Madaxweynaha Dowlada FKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay ka degaan Magaalada Muqdisho, taasoo ujeedada safarka Madaxweynaha lagu sheegey inuu kulamo kula soo qaadanayo mas置uliyiinta qaybaha kala duwan ee Bulshada, Muqaawamada iyo xubno ka tirsan Mucaaradka, inta uusan ku dhawaaqin Ra段isul Wasaaraha cusub, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedada safarka Madaxweynaha, ayaa hadana warar kala duwan oo ka soo baxaya qaybaha ku dhow dhow ayaa waxay sheegayaan in ay u dhowdahay in Ra段isul Wasaaraha lagu magacaabidoono gudaha Soomaaliya, halka warar kale ay sheegayaan in Madaxweynuhu uu mudo gaaban uu joogidoono, kadibna marka uu soo laabto Ra段isul Wasaaraha ku dhawaaqidoono.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah xubno u badan Mas置uliyiinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta iyo xubno kale si qaybaha kale ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa kale ay wax isula meel dhigaan, wajiga cusub ee siyaasada soomaaliya ay lugaha la gashey, islamarkaana hormuudka ay ka yihiin Is-bahaysiga.

Magacaabida Ra'iisul Wasaaraha DFKMG...

Magacaabista Ra段isul Wasaaraha ayaa dadka arimaha siyaasada Soomaaliya u kuurgala waxay indhahooda iyo dhegahooda ku soo jeedaan ninka laga dhigayo, Caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaa ku sugan xubno gaaraya ilaa iyo toban xubnood, kuwaasoo Magacooda qaab Beel ahaan loogu gudbiyey, xubnahaan la gudbiyey intooda ugu badan ee la hadal hayo ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, Xildhibaan C/risaaq Juriile, Cali Khaliif Galeyr, Maslax Maxamed Siyaad, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo xubno kale, inkastoo dhamaantood sida la sheegey lagu tuhmaayo dowladihii hore ee fashilmey, halka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma誕rke, Dr, Cabdisalaan Cumar Xaaji Hadliye, Dr. Maxamed Xasan iyo xubno kale ay jiraan, kuwaasoo loo badinayo in sedaxdan xubnood mid kood laga dhigo, sida aan ka helney ilo wareedyo hoose oo ka tirsan Xildhibaanada cusub ARS, inkastoo ay jiraan dibudhacyo badan oo la doonayey in loogu dhawaaqo oo dhinacyo kala duwan kaga imaanaya Madaxweynaha, taasoo ay ugu horeyso is riix riixa Beelaha xilka doonaya ee ku loolamaya iyo miizaanka dhinac Beesha Caalamka.

Sidoo kale ilo wareedyo hoose ayaa waxay sheegayaan in Magaalada Jabuuti ay ku sugan yihiin siyaasiin caan ah oo ay ka mid yihiin Cumar Carte Qaalib, Ismaaciil Cali Abuukar iyo laba xubnood oo kale, kuwaasoo aysan iisuura gelin inaan helno magacyadooda.

Baarlamaanka oo Fasax Gelaya.....

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filyaa in mudo laba bilood fasax ay galaan, marka lagu dhawaaqo Ra段isul Wasaaraha iyo dhismaha Golaha Xukuumada cusub oo laga sugaayo madaxweynaha, si ay u ansixiyaan (ama u baasgareeyaan).

Laakiin marka laysku soo duubo hadal haystaan is-daba jooga ah iyo magacaabista ra段isul Wasaaraha cusub ayaa wax aad u adag si lagu ogaado sababtoo ah dowladan ayaa waxay u muuqata mid ka duwan dowladihii hore ee ku fashilmey dejinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna fadhiga ka soo kicisey siyaasiin cul culus oo isugu jira kuwii hore iyo kuwo cusub, laakiin dadka qaar waxay is weydiinayaan su誕alo fara badan oo dhinaca Baarlamaanka Soomaaliya ah, balse su誕asha ugu daran ayaa ah Baarlamaanku ma Ajnabi baa, mise waa Baarlamaan Soomaali ?!, taasoo aan si fudud looga jawaabi-karin waxayna u baahan tahay aragti fog.


Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

CNN: Mortars fired as Somali president returns from exile

Tixraac: Sawirada: Google images

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS