Cabdirashiid Ciro oo lagu wado in loo doorto xilka
ra'iisul waraasaha Somalia.
Sida laga soo xigtay warar ku dhow dhow xaafiiska madexweynaha
dowlada Somalia Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa tilmaamaya in
xildhiban Cabdirashiid Maxamed Cabdi ( C/rashiid Ciro)oo ka mid
ah xildhibaanada ka soo jeeda Puntland, isl markaana ahaa
gudoomiyihii gudiga doorashadii dhawaan uu ku guuleystay
madexweyne Shariif Sheikh Axmed in loo magacaabo xilka ra'iisul
wasaraha cusub ee ay dowlada Somalia yeelaneyso.
C/rashiid Ciro
Warku wuxuu inta ku darayaa in madexweyne Sheikh
Shariif Sheikh Axmed uu aqbalay magacaabista Cabdirashiid Ciro
inuu noqdo ra'iisul wasaaraha ay dowlada yeelaneyso, lakiin uu
soo jeediyay in marka hore la tashi lala sameeyo maamulka iyo
masuuliiyiinta Puntland si taageero looga helo shacabka iyo
maamulka Puntland, isla markaana meesha looga saaro madmadoowgii
soo kala dhexgalay madexweynaha Somalia Sheikh Shariif iyo
masuuliyiinta dowlad goboleedka Puntland xiligii ololaha loogu
jiray doorashada madexweynaha Somalia, tasoo ay maamulka
Puntland dalbadeen in tiradii xildhinaada garabkii Sheikh
Shariif qeyb laga siiyo hadii kalena aysan aqoonsan doonin
natiijada ka soo baxda doorashaadaasi.
Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan qaarada Yurub iyo waqooyiga
Ameerika ee ka soo jeedo Puntland ayaa iyaguna wado dadaalo ay
ku doonayan in madexweynaha Puntland uu ogolaado aqbalo md
Cabdirashiid Ciro in loo magacaabo xilka ra'iisul wasaraha cusub
ee Somalia, tasoo dhabaha u sii xaarikarta in Cabdirashiid Ciro
ay u sahasho inuu ku soo baxo xilkaasi.
Dhanka kale waxaa iyaguna jiro xubno kala duwan oo loolan xoogan
ugu jira inay hantaan xilka ra'iisul wasaraha Somalia, waxaana
xubnahaasi ka mid ah nin la yirahdo Aadan Maxamed Ciise oo horey
uga qeybgalay tartankii doorasha madatinimada Puntland, waxaana
hotelka uu degan yahay madexweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ee
magaalada Djabouti laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay
wadan beelaha sharci ahaan u leh xilka ra'iisul wasaraha cusub
ee madexweynaha looga fadhiyo inuu dhawaan soo magacabo, iyadoo
wararka qaar ay sheegayan in madexweynaha uu doonayo inuu soo
magacabo ra'iisul wasaare ka hor inta uusan dib ugu soo laaban
dalka.
abdiaziz warsame
abdiaziz46@hotmail.com