Axmed Walad Cabdalla oo Geddii Gaajow Cadde la soo Baxay
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Dr Saadiq Eenoow baan ka soo xigtay isagoo soo qoray in nin sheeko
xariir la oran jiray 1972 lagu waraystay Xamar oo ka taariikheeyey in
oday Soomaaliyeed oo la oran jiray Gaajoow Cadde inta u yimid qolo ay
xoogaa isku jireen si la isugu gar dhigto maaddaama godabi kala
dhexmaray qolada Gaajoow iyo kuwaas uu martida u yahay. Gaajoow wuxuu
ajandaha ka digtay 114 qodob isagoo la ekeysiiyey caddadka Suuradaha
Qur’aanka ah. Qodob kasta wuxuu raaciyey maahmaahyo iyo hal-ku-dhigyo.
Toban beri markuu qodobbadaas waday oo qoladii ka soo horjeedday noqdeen
kuwa daalay ama hurdo madaxa la ruxaya ayaa oday ka mid ah qolada
martida loo yahay yiri: geedka ma qolo heblaa (qolada Gaajoow) loogu
hiillinayaa? Markaasaa qoladii martida loo ahaa indhaha kala furtay
laakiin waxba uma tarin oo waqtigaas qoladii Gaajoow waa dul joogtay
qoladaas dabadeedna askaaxday ka dhigeen.
Waxaan uga dan leeyahay. Markii dhaqaalihii adduunku hoos u dhacay.
Markii Soomaali oo dhan Tigreegii nacday ayaa Beesha Caalamku iyagoo
Axmed Walad Cabdalla ka dhigay Gaajoow oo kale u qabteen shacabka
Soomaaliyeed madadaalo inta la helayo dhaqaale iyo ciidan lagu qabsado
Soomaaliya! Sidii Gaajoow; Axmed Walad ma keenin ajende gaara 114
laakiin wuxuu keenay niman culumo u eg oo ay rabaan in shacabka
Soomaaliyeed la tuso in hadda Beesha Caalamku diyaar u tahay iney la
shaqeyso wadaadada qunyar socodka ah! Marka shacabka badankiisu fahmo
khiddaddaas waa mar cadowgu dhaqaalo helay oo uu na qabsaday.
Si hoose iyo si cadba Shariifku wuxuu dalbaday ciidan shisheeye.
Waxaad mooddaa in beentu u tahay xalaal Shariifka iyo kuwa hoos ordaya.
Marka haddii dhaqaalo loo helo ciidamadaas waxay u dhowdahay in kuwo
cusub Soomaaliya loo soo diro. Waxaa dhici karta in ciidamada la soo
dirayo ay ku jiraan kuwa ka yimid waddamo Muslim. Laakiin waa kuwo ka
daran Tigreega. Tigreega dadka kama gadmayaan laakiin kuwani waa kuwo
caamadu u arki doonto muslimiin laakiin gaalada ka liita.
Dadka aqoonyahannada sheegta ee BBC-da, VOA-du waraysato ilaa Carta,
Mbagathi iyo hadda waxay ku hayaan haddii saas la yeelo rajadaa jirta
laakiin haddii taasi dhacdo waxba makala soconayaa! Arrintaasi ma
fiicna. Ilaah baa qeybka og laakiin qofku waa inuu cabbiraa waxay la
tahay ee maaha inuu ku waasho haddii taasi dhacdo la yimaado. Waagii
Mbagathi sidaas ay hadda u hadlayaan bey u hadlayeen halka dad badan oon
ku jiro odoraseen waxa la fili karo. Sidaan Mbagathi uga digay baan
anigu haddana u arkaa shirkii Jibuuti lagu qabtay. Saan horay u sheegay
shirku maskaxdeenna kama imaan sidoo kalana ergooyinka jooga kama imaan
Muqaawamada, maamulka Somaliland iyo kan Puntland.
Shariifku wuxuu raacay tubtii C/hi. Addis Ababa wuu soo dawaafay
sidoo kale wuxuu talbiyo ka dhigtay: argagixisada halala dagaalo! Geeddi
waa sameeyey. Waxaa taageeray waa waddamo muslim u badan oo sidii
shimbir ugxan ka soo dilaacay Maraykan iska daba orda. Ama muslimiinta
CIA ka soo afduubto adduunka lagu ciqaabo. Soomaaliya diyaar ma u tahay
askar soo jirdishay muslimiin in ay Soomaaliya nabad ilaaliyayaal u
yimaadaan?
Waxaan filayaa in Beesha Caalamku ay soo xasuusatay in Soomaalidu
diin jeceshahay laakiin intooda badan aysan aqoon u lahayn marka waxay
rabaan in sidii Richard Burton isagoo Ingiriis ah inta qamiis u soo
qaatay tagay Harar ayaad mooddaa in hadda ay rabaan iney shacabka ka soo
galaan niman diin sheeganaya. Waxaa iigu daran marka Soomaalidu iska
dhigeyso inay caqli badan yihiin waxay dhahaan: Richard Burton waxaa
lagu gartay inuu gaal yahay waxaa la arkay isagoo istaagga ku kaadshaya!
Haddii kaadida si fiican la iskaga duwo, ninku waa ku kaadshi karaa
istaag oo ceeb iyo dambi midna ma aha ee waxaa dambi ku jira qofka
yiraahda ninku istaag kuma kaadshi karo hadduu iska ilaaliyo iney
kaadidu gaarto. Dad badan waxay diinta ka saarayaan Ash-Shabaab haddii
la yiraahdo waxaa la arkay hogaamiyahooda oo istaag ku kaadshaya!
Waxyaalo badan oo Ash-Shabaab ceeb looga dhigayo ma aha wax diin ahaan
xaaraan ah ee waa wax cadowgu soo maleegay oo dadka caamadi ahi run u
qabaan. Sida xagjir. Haddaad xagga nabi Muxamed jirto ma ceeb baa? Dadku
waxay u qabaan iney ka wadaan tii ahayd darafka.
Xaabadii 275 ahaa oo hore baan qaadi weynay. Beesha Caalamku waxay
leedahay maaddaama dhaqaalihii adduunku hoos u dhacay waxay sii
yareynayaan caawinaadda ay Soomaaliya siiyaan marka waa in xaabada
baarlamaanka laga dhigo 550! Ma la fahmi karaa? Dhaqaalaa yaraaday wixii
mushaar rabayna waa la sii badshay! Anigu waxaan is iri ma waxay ka
wadaan qofka Soomaaliyeed wuxuu u dhigmaa qof barki marka si ay adduunka
ula jaanqaadaan waa in baarlamaanka laga dhigo 550 tiro ahaan laakiin u
dhigma 275 Tigree ama Kenya u dhashay!
Ma dhahayo waa gaal laakiin Shariifka waxaad mooddaa Richard
Burton-kii labaad. Wuu soo dawaafay Addis Ababa wuxuuna ku qeyshay in
lala dagaalo muslimiinta dal-xoreeyayaasha ah. Marka wuxuu isku dayayaa
inuu shacabka Soomaaliyeed iskugu diro qabiil iyo qaab diin. Qofkii
arkayey waftigii u raacay Itoobiya wuu arkayaa siduu uga fogyahay xitaa
4.5. Waxaa dhinac fadhiyey Nuurcadde, Axmed C/Salaan,
C/Raxmaan
C/Shakuur iyo kuwo kale. Ma filayo inuu Xisbiga Islaamka iyo Ash-Shabaab
wax weyn u dhimi karo laakiin wuxuu baro kicinayaa shacabkii Muqdisho ku
soo nocday. Muqaawamadu way dirir doonaan haddii Ilaah idmo. Shacabka
badankiisuna bannaankey u qixin, Sheekh Shariifna huteelo qaboow buu
aadayaa marka hadday dhib dhacdo waxaa dhibtu taabaneysaa waa shacabka
masaakiinta ah. Marka odayada iyo afmaallada lagu ogaa iney u hadlaan
qabiil waxaa u fiican ineysan shacabka dhib usoo jiidin.
Duurjoogta iyo xoolaha markii la rabo in la qabto waxaa lagu jeediyaa
cunto ama wax kale si feejignaantooda looga weeciyo markii la suuxinayo
sida duurjoogta oo la rabo in la qabto. Marka sidii Gaajoow, waxaa hadda
shacabka badankiisa lagu jeediyey Shariifka. Markay baraarugaanna waa
nala heystaa.
Dhammaad
Wargelin
Horay waan u ogeyn BBC-da iyo VoA. Horta waxaan u tacsiyeynayaa
ehelkii iyo qaraabadii agaasimihii Hornafrik, Saciid Tahliil. Allaha
janaddii ka waraabiyo sidoo kale ehelladii iyo qaraabadii uu ka
geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Idaacadaha Xamar waxaad mooddaa iney usoo jeesteen iney Shariifka iyo
Axmed C/Salaan ku raacaan qabiil. Waxay dhaheen haddii Itoobiya baxday
waxay beddeleen siday wax u tabin jireen. Waxaa is weydiin leh Shariifku
ma dagaal Itoobiya ku soo baxay mise Ashahaado-la-dirir Soomaali ah?
Marka saan horay u sheegay waxaa badan idaacado khaasatan kuwa
internetka. Marka haddii Ilaah idmo waxaan rabaa inaan wareysiyo joogta
ah siiyo RBC radio iyo raxanreeb.com. Marka maaddaama dadka Soomaaliyeed ay maqalka jecel
yihiin halkaas hakala socdeen wareysiyo dhaadheer oo lagu faaqidayo
khatarta ku soo socota Soomaaliya.
Mahadsanidin.
Asalaamu calaykum
C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Dowlad Gacan-ku-rimis ah iyo Dhicinteed Miyeynaan
ka Daalin Akhri
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan