Dowlad Gacan-ku-rimis ah iyo Dhicinteed Miyeynaan ka Daalin
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Maxaynnu Xukunkii Islaamka iyo xeerarkii Soomaalida loo khilaafay?
Imisa jeer baa hal god ah nala ka qaniinay? Mar i dage Allaha dago, mar
labaad i dagase anaa is dagay ma la dhinac maray? Maxaa Jibuuti iska
beddelay? Soow tii Cali Mahdi Jibuuti laguma soo dhisin? Tii Carta iyo
C/Qaasim? Tan sheekh Shariif, Nuur-cadde iyo wixii la doorto maxay kaga
duwanaan doontaa kuwii hore? Waxaan is iri waxaa soo baxay duul markii
dagaaloogayaashii iyo Ashahaado-la-dirirkii laga raayey leh: haddaan
sirdoonka Maraykanka iyo kan Tigreega la shirno, ma nihin
Ashahaado-la-dirir? Haddaan sidii Carta iyo Mbagathi qabiil wax ku
qeybsanno ma nihin niman qabiil ku socda. Micnuhu wax kasta oo Janaqoow
iyo sheekh Shariif sameeyaan, khaladba ha ahaadeene, waa sax. Soow lama
mid aha: wadaad xumihii dhihi jiray markay dumar ajnabi ka ah la
xaalayaan ooy rabaan iney faroxumeeyaan: bowdo caalin taabtay cadaab ma
gasho. Hadda wax kasta oo sheekh Shariif, Janaqoow iyo saaxiibbadood ku
jiraan xitaa khiyaano waddan ha ahaadee waa sax!
Afka qalaad waddanka Jibuuti oo kale ah waxaa lagu dhahaa “buffer
state” waa waddan yar oo ku dhex jira labada waddan oo waaweyn oo xoog
badan. Inta badan waddankaasi wuxuu ku dadaalaa in aysan labadaas waddan
is dagaalin. Markii dowladdii Kacaanka ahayd jirtay saasay ahay Jibuuti
oo waa iyadii Maxamed Siyaad iyo Mingiste iskugu yeeri jirtay. Dowladdii
yarayd ee saas ahayd hadda waxay bilowday in ay tiraahdo dowlado baan
Soomaaliya u dhisayaa! Markaan Jibuuti leeyahay kama wado shacabka ee
waa hogaamiyayaashooda.
Maxaa hogaamiyayaasha Jibuuti inta dhaafaan Somaliland iyo Puntland
iskaga dhigaan iney ka damqanayaan shacabka Muqdisho? Ma shacabka
Muqdishaa ka xiga kan Somaliland? Maya, ma rabaan in Somaliland la
aqoonsado oo hadday si kal iyo laab ah wax ula qabsadaan Somaliland
waxay isleeyihiin amay idin barobixisaa inta la aqoonsado dabadeedna
Somaliland dhigtaa gogol nabadeed oo arrimaha Soomaaliya looga hadlo.
Sidoo kale Puntland wax uma rabaan. Marka Muqdisho caasimad ahaanta
kaliya uma rabaane waxay ogyihiin iney joogaan kooxo badan iyo
dagaaloogayaal badan marka waxay isleeyihiin nabadi ka fog marka
qoladaas aan nabadda keeni karin iska harowsada oo iskaga dhiga dad wax
u qabanaya iyagoo runtii raba inaan Soomaaliya dowlad ka dhalan. Sida
maamulka Yemen oo kale ayaa kan Jibuuti ka daran yahay Tigreega? Sabab?
Tigreega cadow baa nahay oo dagaal baa naga dhaxeeya laakiin maamulka
Jibuuti iyo Yemen waa xuunsho oo kale oo markii Itoobiya iyo Bush na
dileen ay bakhtigeena feenanayaan. Waxay rabaan in dekedahoodu
camirnaadaan. Waxay rabaan iney kalluumeystaan intaan is
baabbi’ineynno!
Ka warran dadka Xamar ka yimid oo Jibuuti shir ku qabsanaya? Xamar oo
dad ahaan ka badan, cimilo ahaan iyo dhaqaalo ahaanna ka fiican Jibuuti.
Dadka Xamar keliya degen baa intaas oo jeer ku laablaabma dadka waddanka
Jibuuti deggen oo dhan. Horay baa loo ogaa in aan dagaalooge damiir
lahayn ee waxaa iigu daran kuwa culumada sheeganaya ee khiyaamada iyo
qaran-xumeyska uga dheereeyey Ashahaado-la-dirirkii.
Awal baa Waaberi ku heesi jiray:
- Wixii halkan ka bixi laa bilaad bey ka doonayaan
- Baabuur cadar iyo rikoor belaayo daboolan iyo
Marka alaab la soo degsedo waa la arki jiray ee yaa arkay dowlad dhan
oo la soo dejinayo? Shaki iigama jiro in aakhirusamaan la joogo!
Xuunshooyinka kuma eka Jibuuti iyo Yemen ee waxaa jira wiil kale oo
kibray waa Musafeni oo Yugaandha u ah madaxweyne. Markuu arkay
Soomaaliya iyo quruxdeeda. Markii la yiri Tigreegii waa baxay ee naga
tag buu sidii Guba aad mooddaa inuu gabaygan daliishanayo. Musafeni ood
mooddo inuu leeyahay dacwad waxaan ka iri ciidama Amisom ee loo
dardaarwarinayo. Wuxuu qirtay iska daa Xamare inuu rabo inuu ciidan kale
geeyo Baydhabo iyo meelo kale. Marka wuxuu leeyahay Xamar heshiis kuma
joogee waxaan ku joogaa taangi iyo madaafiic. Waa kan Musafeni ood
mooddo inuu sidii Ismaaciil Cigaal Bullaale u hadlayo:
- Dacwad waxan ka iri geelayaga loo dardaarweriyey
- Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh
- Doollaaba lagu sii wadaa dayrta maanta ahe
- Dibna u laabmi maynoo dalkii dooggi ka idlaaye
- Darka Qarandi deexdii Cammuud waa dar noo xirane
- Dixda Raygaleed iyo Gargaar waanan deyn karine
- Dumbuqyaaba laga soo guriyo degello waaweyne
- Anaa doonnanaystaye baqaa looga diir waraye
- Daw hadday lahayd Jeerinleey waan dul tegayaaye
- Deggina maayo jeeraan ku furo degelki Gaafow'e
- Daahyaale geelii la helay waa dirramayaaye
- Dabarkiisa waxan loogu lumin amase loo daalin
- Ninna nama daneeyeen haddii lay dalleensado’e
- Deeq looma siin wiilashaan deyr ka xoogsadaye
- Diishaaba laga soo rogiyo Daaqatiyo Faafe
- Meeshaan ka daadegi jiraan dabaqna saarnayne
- Ma nalooga daray sow raggii dulli jirey miihin
- Mise doorkanaa xoog ka dhacay duudda Habaryonis
Muqaawamada iyo shacabka Soomaaliyeed bey u taal waxa wiilkaas Musefeni
ee ku horkaadsha Ruwaanda, Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee
Koongo. Marka waxaa la waayey wiil waabsha. Marka hadduu arkay waddan
bad leh, oo niman culumo sheeganayaa shacabkii ka dhaadhiciyeen iney
ciidanka Yugaandha yihiin gaaladooda siduu horay usoo qoray qoraa
Soomaaliyeed oo cinwaan ka dhigtay “ ii daaya gaaladayada.” Shacabka
waxaad mooddaa iney gabay horay uu tirshay Khaliif Sheekh Maxamuud ay ku
sifeynayaan Muqaawamada. Waxaadna moodda iney ku leeyihiin sidii
Tigreegu dabada u taagay hadda Amisom hala dagaajiyo. Gabeyga qeyb ka
mid ah waa kan:
- idinkaa dantiinnii u huray dal aad xoreysaane
- · idinkaan u daaleyn sidii duul Malaa’igahe
- · idinkaa halkaad dooneysaan degeya goor dhow’e
- · idinkaa dariiqii Alliyo diinta aaminaye
- · idinkaa siduu Daa’in yiri dowga kheyr maraye
- · idinkaa Rasuulkii dugsaday daahirka ahaaye
- · idinkaa diyaarsaday hubkii diiradda lahaaye
- · idinkaa daruuraha cirkiyo daafigaa maraye
- · idinkaa cadowgii idin dayaa dabada taagaaye
- · darajada Ilaahay ka badan doogga geedaha’e
- · nimuu doortay iyo baa ka hela deeqsi geesi ahe
- · darsigiina xaqa daalibaa laga duceystaaye
- · doorroonayaaloow Jihaad waad u dareerteene
- · xargihii la daahiyo haddaan derykii laga boodin
- · oo aan duqii weli la qaban waan dayeysnahaye
- · inkastood dadaal iyo waddaan doorar sharaf weyn leh
- · darar saa’idiyo waan jeclahay ………………….
- · durkiyoo kusii dara ma foga dowladnimadiiye
- · ninna looma duurxulo halkuu doog ku leeyahaye
- · dhakharrada ninkii geystayoo ina dubaaqeeyey
- · oo dibadda idiin soo tubaa daakhilkii jira’e
- · dumaal seege naagihii hadday da’i ku laabneyde
- · sidii bey agoon daacufaa ula dareeraane
- · sidii bey ilmada dililiqlihi uga da’eysaaye
- · sidii Doollo dhaan loo direy ina dayaayaane
- · dabka wax uma saaraan ilmaha waaga daalacaye
- · degdeg nooga soo gaaraya iyo dooddu waa innaga’e
- · haddaan diilalyada haysa iyo diifta laga baanan
- · dayaceey qabaanniin haddaan laga daweyneynin
- · Wallee labada doolaqoo lushiyo dalowgu waa beene
Waxaa jira saxaafad badan oo qaarna gaalo u shaqeyso sida BBC-da
laanteeda Afsoomaaliga iyo VOA-da iyo kuwo qabiil u shaqeeya oo si
dadban cadowga ugu shaqeeya. Laakiin hadda waxaa jir boggag badan ooy
furteen dad waddaniyiin ah iyo kuwo fikarad kasta soo dhoweeya oo qof
walba siiya fursad. Marka maaddaama waddankii khatar ku jiro waxaa mudan
in laga faa’iideysto boggaggaas xorta ah. Dadku ma moogga sida BBC-da
laanteeda Afsoomaaliga iyo kuwa kale shacabka u waalayaan sidii Kacaanku
ugu shaqeysanjiray Waaberi iyo Raadiyow Muqdisho. Waxaan ku leennahay
sidoo kale gabay horay loo yiri:
- Dooddaada reedyoowga woow dhego daloolnaaye
- Dacaayadaha Waaberi haddaad dibadda gaarsiiso
- Kulmis ma adigaa demin runtay diirka ka caddeyne
Marka haddii idacaadahaas cadow u shaqeeyaan; ma afkeey na qaban
ileyn Ilaah baa badiyey idaacado iyo boggag xor ah oo internetka ka
buuxee?!
Qosol wuxuu ka joogaa marka xildhibaannada dowladda gacan-ku-rimis ah
ee cusub magacyadooda la sii daayo. Waxaad arkidoontaan Moorgan, Cabdi
Qeybdiid iyo kuwo la mid ah iyo sheekh Shariif iyo Janaqoow oo ka wada
tirsan “ARS!” Marka Ashahaado-la-dir dal-xoreeyayaal ah waxaa noogu
horreysay oon ka maqalnay waa Janaqoow iyo sheekh Shariif! Maxaa kale
oon ka maqli doonnaa?
Muqdisho ayaa nooga filan rimay-gacmeedka! Waxay tiri: meeday
dowladdii Cali Mahdi? Tii C/Qaasim? Tii Mbagathi? Xamar waxay leedahay
hadda ooy cadwogii ku biireen kuwo wadaado sheeganaya ayey leedahay
waxay heysataa halgaad ay rabto iney durbadii dhiciska soo tuurto oo
aysan sugin intii C/Qaasim oo kale. Muqdisho waxaa intaas usii dheer
waxaa diyaar ah Muqaawamadii iyo shacabkii. Marka shacabku ma yeelayo in
Muqdisho iyo Soomaaliya laga dhigo sida Jabuuti oo kale oo ah waddan
aysan dadkiisu awood lahayn. Soo ma aha meeshii laga dajiyey khiddadii
Tigreegu ku qabsaday Xamar iyo Soomaaliya? Soow ma aha meeshii ay ka soo
kici jireen diyaaradaha dukheynayey baadiyaha iyo shacabka Soomaaliya?
Marka Muqdisho ma noqon doonto meel lagala dagaalo diinta Islaamka iyo
dadkeeda Ilaahay idinki. Markaan xallino cadowga gudaha iyo dibadda
ayaan xuunshooyinka u soo jeesaneynaa. Marka aan aragno waxa Janaqoow
iyo sheekh Shariif ay ka dheefaan isku dirka shacabka Soomaaliyeed.
Marka ciidamada gaaladu ku soo wadaan Soomaaliya iyo waxa Jibuuti ka soo
socda kee noo daran?
C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Culumada Musaalixada iyo Sixiddu ma waxay Leeyihiin
Fidnadii waxay ku Dhammaatay Bixidda Tigreega ee Xamar
Akhri...