SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hoos u dhac ku yimid cudurka duumada (malaariyada) Soomaaliya iyada oo UNICEF ay kor u qaadeyso qaybinta marokaneecada

NAYROOBI, 25 Abriil 2009 – UNICEF ayaa kor u qaadaysa qaybintii Marokaneecada La Daweeyey ee Cimriga Dheer ay ka qaybisneysay Soomaaliya waxaana la xaqiiqsaday in taasi ay qayb ka qaadatay hoos u dhaca ku yimid cudurka duumada, Wakiilka UNICEF Christian Balslev-Olesen ayaa sidaa yiri isaga oo ka hadlaya dabaaldegga Maalinta Duumada Adduunka.    

Iyada oo la qiyaasey in ay duumadu ku dhacday 608,831 qof oo lagu soo waramey in 3,491 qof ay u dhinteen, ayaa weli Soomaaliya ay duumadu ka tahay dhibaato weyn oo caafimaadka dadweynaha haysata taas oo u baahan dadaal wadajir ah si loogu xakameeyo si taabogal ah. Culaysku waxa uu ku badan yahay hareeraha webiyada iyo degsiimooyinka leh berkadaha biyaha lagu kaydiyo halkaas oo sanadka oo dhan cudurka la is qaadsiiyo, goobahaa ayaa u badan Bartamaha/Koonfurta Soomaaliya. Carruurta ka yar shan sano jirka iyo haweenka uurka leh ayaa si gaar ah cudurka ugu nugul, iyaga ayaana u badan xaaladaha iyo dhimashada la soo sheegey.

“Si dhab ah ayaa loo ogaadey in si ballaaran u isticmaalidda Marokaneecada La Daweeyey ee Cimriga Dheer ay tahay habka ugu wanaagsan ee duumada la isaga ilaaliyo Bartamaha/Koonfurta Soomaaliya iyada oo dadka isticmaala marokaneecada daaweysan ee cimriga dheer ee ay ku dhacday ay guud ahaan gaarayaan 6.9% marka la barbardhigo 17% oo ah kuwa aan hoos seexan marokaneecada,” ayuu yiri Balslev-Olesen, “UNICEF oo la shaqeyneysa la hawlgalayaal kala duwan ayaa ugu yaraan 1.5 milyan oo marokaneeco daweysan oo cimri dheer ah ka qaybisey Soomaaliya oo dhan saddexdii sano ee ugu dambeeyey, sanadkan 2009kana 350,000 oo kale ayaa la qaybin doonnaa.”

Qaybinta marokaneecooyinka ayaa waxaa suurtageliyey taageero laga heley Maaliyadda Caalamiga ah ee lagula dagaallamo AIDS-ka, Qaaxada iyo Duumada (GFATM). UNICEF oo u mareysa la-hawlgalayaasheeda ayaa xaqiijisey in marokaneecooyinkani si toos ah ay u helaan bulshooyinka waxaana ay tiigsaneysaa in ay hubiso in ay qaybintu socoto si dadka loo wada gaarsiiyo sanadka 2013ka taas oo qayb ka ah yoolka muddada dhow ee Qorshaha Caalamiga ah ee Wax ka qabashada Duumada.

Saboolnimada badatey oo ay uga sii dareen iskahorimaadyada iyo degaanka aan ammaanka ahayn ee Soomaaliya – taas oo micnaheedu noqday in qoysasku aaney helin dakhli joogto ah – ayaa UNICEF u qaadatey istiraatiijiyad bulshada oo dhan loogu wadaqaybinayo iyada oo dhammaan qoysaska ku nool goobo gaar ah oo Soomaaliya ka mid ah siineysa laba marokaneeco si kor loogu qaado dadka la gaarayo. Marokaneecada ayaa lacag la’aan lagu siinayaa qoysaska iyada oo aan la eegeyn in ay iibsan karaan iyo in kale. Qoysaska ayaa lagu dhiirigeliyaa in ay surtaan marokaneecada oo ayna isticmaalaan mar kasta oo ay seexanayaan, gaar ahaan haweenka uurka leh iyo carruurta ka yar 5 sano jirka.

“Ilaa iyo hadda, 60% degmooyinka duumadu ku badan tahay ee la beegsaday ayaa si lagu qanacsan yahay loo gaarsiiyey. Arrinta xigta ee muhiimadda lihi waxa ay tahay in la dhammeystiro oo la gaaro degmooyinka harey iyada oo loo beddelayo Marokaneecada degaannada markii ugu dambeysey loo qaybiyey saddex sano ka hor.” Ayuu yiri Balslev-Olesen.

UNICEF ayaa ilaa sanadkii 2006dii, shaqaalaha caafimaadka ee dalka ku tababareysey sida loo daweeyo duumada iyada oo la isticmaalayo nooca daaweynta Artemesinin-based Combination Therapy (ACT). Istiraatiijiyaddan daaweynta ee cusubi ayaa muhiim u ahayd si loo beddelo daawooyinka ay si weyn duumadu ugu adkeysaneysey. Qaybinta maro kaneecada ayaa dhammeystirtey istiraatiijiyadan isbarbar socota ee baaritaanka iyo daaweynta taabogalka ah ee duumada taas oo UNICEF ay ku fulineyso iyada oo qaybineysa Xirmooyin Sheybaarro Degdeg wax u baara (Rapid Diagonistic Kits) iyo daawada duumada ee ay siiso xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Soomaaliya oo dhan – laga bilaabo rugaha caafimaadka ilaa xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka (MCH) iyo cusbitaallada.

UNICEF Soomaaliya ayaa u adeegsaneysa dabaaldegga Maalinta Duumada Adduunka ee 25ka Abriil 2009 in ay ku furto olole ballaaran oo loogu magac darey ‘xirashada marokaneecada’ oo Soomaaliya oo dhan ku dhiirigelineysa bulshooyinka in ay isticmaalaan marokaneecooyinkooda daaweysan ee cimriga dheer. Ololaha ‘xirashada’ ayaa caadi ahaan la sameeyaa ka dib marka la qaybiyo marokaneecooyinka si xubnaha qoysaska loo baro sida loo taago marokaneecada, sida loo isticmaalo iyo sida loo ilaaliyo. Waxa ay xoogga saareysaa in kooxaha nugul (carruurta iyo haweenka) ay tahay in mudnaan la siiyo marka ay timaaddo cidda hoos seexaneysa marokaneecooyinka la haysto.

Dabbaaldegga maalintan, UNICEF waxa ay 130,000 marokaneeco daaweysan oo cimri dheer ah ka qaybin doontaa gobollada Shabeellaha Dhexe, Sool iyo Sanaag. Maaddaama xilli-roobaadkii uu aad inoogu soo dhowaadey ayaa arrintani ay noqoneysaa qaybin waqtigeedii galay oo tobanaan kun oo qoys oo halis ugu jirey Soomaaliya oo dhan looga ilaalinayo cudurkan.

*Warbixin Sanadeedda WHO ee sanadkii 2008

Xaaladda UNICEF

UNICEF waxa ay ka shaqeysaa in ka badan 150 dal iyo dhul si ay ugu caawiso in ay carruurtu badbaadaan oo ay baraaraan, laga soo bilaabo yaraantooda ilaa qaangaarkooda. Waa hay’adda tallaalka ugu badan siisa dalalka soo koraya, UNICEF waxa ay taageertaa caafimaadka iyo nafaqeynta carruurta, biyo iyo fayadhowr wanaagsan, waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh oo ay helaan dhammaan wiilasha iyo gabdhaha, iyo ka ilaalinta carruurta laga ilaaliyo rabshadda, dhiig-miirashada, iyo AIDS. UNICEF waxaa ay maaliyaddeeda oo dhan ka heshaa qaaraan ikhtiyaari ah oo ay shakhsiyaad, ganacsiyo, mu’asassooyin iyo dowlado bixiyaan.

Xog intaa dheer kala soo xiriir: 

  • Dr Suraya Dalil, Madaxa, Caafimaadka iyo Nafaqeynta, UNICEF Somaliya: Mobile: +254 724 255 646. Email: sdalil@unicef.org.
  • Dr Annie Sparrow, Maaliyadda Caalamiga ah ee La Dagaallanka AIDS, Qaaxo iyo Duumo (GFATM), Xiriiriyaha/isuduwaha, UNICEF Somalia, Mobile: +254 723 786 763. Email: asparrow@unicef.org.
  • Iman Morooka, Sarkaalka Isgaarsiinta, UNICEF Somalia, Email: imorooka@unicef.org, Mobile: +254 714 606 733
  • Robert Kihara, Sarkaalka Isgaarsiinta, UNICEF Somalia, Email: rkihara@unicef.org, Mobile: +254 722 206 883

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: