SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sh,Xasan Daahir Aweys Oo Maanta Meel Fagaare Ah Kula Hadlay Boqolaal Dadweyne Ah Iyo Taageerayaashiisa

Hogaamiyaha islaamiyiinta ee garabka Asmara Sh, Xasan Daahir aweys oo maalinkii shalay ahaa soo gaadhay magaalada muqdisho ayaa maanta meel fagaare ah kala hadlay boqolaal dadweyne ah iyo weliba taageerayashiisa isagoo tilmaamay inay ka go,an tahay inuu heshiisiiyo islaamiyiinta kala qaybsan.

Sh, Aweys oo maanta kula hadlayay boqolaal dadweyne ah saldhigii hore ee degmada Wardhiigley ee magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo tibaaxay ansixintii baarlamaanka KMG ah ay isku raaceen ku dhaqanka shareecada islaamka islamrkaana sheegay inay wanaagsan tahay taasi balse looga baahan yahay inaan la dhayalsan .

Sidoo kale hogaamiye diimeedka Xasan Daahir Aweys ayaa ku dheeraaday inay ciidamada AMISOM ay dalka iskaga baxaan loogana baahan yahay inay umada soomaaliyeed ogaato inay ciidanka shisheeye ay nabada caqabad ku yihiin islamarkaana looga baahan yahay in layska saaro isagoo weliba carabka ku adkeeyey in ciidamadaasi dalka isakaga baxaan

“Mar Hadii ciidamada Shisheeye ay joogaan ma jirto nabad lagu naaloon karaa salaadana ma aadi kartid ilaa laga bixiyo wadanka ,waana bakteeriyada nagu dhexjirta oo kale dadkaasi waxaan u sheegayaa inay naga bad baadiyaan naftooda hadii kale sidii nimankii Ethiopianka ahaa ee kale ayaan isugu baaba,ynaa”ayuu yiri Sh, Xasan Daahir aweys.

Dhinaca kale sh, Aweys ayaa soo hadal qaaday dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimada muqdisho islamrkaana ku tilmaamay kuwo ay soo maleegaan cadowga islaamka isagoo intaasi ku daray in loo baahan yahay in la midoobo loogana baahan yahay mujaahidiinka soo wada dagaalamay inay wada midoobaan .

“Waxaan aad ugu xumahay dilalka ay ka dambeyaan cadowgu waana arin weligeed soo jiri jirtay in bulshada laga ugaadhsado kuwo qiimaha ku leh waxaana looga baahan yahay in laga wada midoobo oo Al Shabaab ha ahaato Xisbul Islaam ha ahaato ama Maxkamadaha ha ahaadeene waa loo midoobaa oo hadafka isku mid laga noqdaa oo masuuliyadii ay umada ka qaadeena laga soo baxaa ‘’ayuu yiri xasan daahir aweys

Hadalka sh,xasan daahir aweys uu ka jeediyey magaalada muqdisho ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan kala qaybsan siyaadeed oo u dhexeeya ururada islaamiyiinta ee ka jira Somalia kuwaasoo dhinaca fekerka ah islamrkaana mudooyinkii dambe laga dareemayey kala qaybsan dhaliyey dagaalo .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com


URURKA WADDANIGA SOOMAALIYEED

    SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (SONO)

       info@waddaniga.org          www.waddaniga.org

UWS oo Baaq ka soo saaray ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo Dagaalada ka sii socda Somalia.

Dhamaan xubnaha UWS waxay taageersan yihiin ku dhaqanka shareecada Islaamka taasoo ah wajib saaran qofkasta oo Muslim ah. Allah SWT ayaa Qur’aankiisa noogu caddeeyey in Diinta keliya oo Allah SWT agtiisa ah ay tahay Diinta Islaamka.

ku dhaqanka Sheercada Islaamka waa xalka keliya oo looga saari karo shacbiga Soomaaliyeed dhibatada ku habsatay muddada dheer.

Qaabka loogu dhaqmi karo Shareecada Islaamka waxaa beryahaan ka hadla dad aan aqoon u lahayn Diinta Islaamka oo waxyaabo ay iska maleeyeen ama ay iyaga

Sida ay aragtidooda tahay ku cabira.

Haddii aan nahay Bahda UWS waxaan talo ahaan u soo jeedinaynaa ka hadalka Shareecada Islaamka in loo daayo, loogana dambeeyo Culimada Aqoonta u leh, lagana fogaado wax kasta oo mala awaal ah.

Si Shareecda Islaamka Uga dhaqan gasho Somalia, waxaan talo ahaan u soo jeedinaynaa qodobada hoose:

1 - Waa in la sameeyaa Gole Shuuro oo Culumaa’uddiin ah oo ka kooban 25 culumo oo soo diyaarisa Manhaj ku salaysan Shareecada Islaamka oo laga hirgeliyo dalka oo dhan. Golahaasna waxay awood u yeelanayaan inay Laali karaan wax kasta oo khilaafsan Shareecada Islaamka.

2- Waa in la sameeyaa Maxkamado Dadweyne iyo Garsoorayaal Maxkamadeed  oo xaliya dhibaatada ka dhex jirta Shacabka dhexdiisa, Waxaana Garsoorayaashaas laga soo dhex xulayaa culimada aqoonta u leh Xaqsoorka.

3- Waa in si deg deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo dilalka qorshaysan oo weli sii socda, joojinta dagaaladaasna waa inay si wadajir ah isaga kaashadaan Dowlad, Culimo, Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, ganacsatada, Haweenka iyo Sharaakiisa ciidamada. 

4- Waa in dib loo furaa adeegyadii Bulshada ee xirmay sida: Jidadka, Suuqyada, Skuulada, Dugsiyada Qur’aanka, Masjidyada iyo goobaha Caafimaadka.

Haddii aan nahay Bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxaan kaloo Baaq talo ah u soo jeedinaynaa Dowladda Midnimo Qaran oo ah inay la soo baxdo weji cusub oo ka duwan dowladihii iyaga ka horreeyey, si ay shacbiga uga helaan taageero buuxda.  

Xukuumadihii horey loo soo dhisay wuxuu waqtigoodii ka dhamaaday iyagoo lahaa sifaha hoose:

  1. iyagoo aan lahayn Xafiisyo ay ku shaqeeyaan, iskana deganaa Hoteelo.
  1. iyagoo safaro dibadaha ah isaga mashquulsanaa ooba ay yareyd inta ay dalka gudiisa joogaan.
  1. Wasiiro iyo Xildhibaano aan iska warqabin oo warbaahinta ka sii daaya hadalo is khilaafsan oo shacabka jahwareer ku riday.
  1. Xildhibaano aan la kala aqoon meel ay ka socdaan, tiradooda rasmiga ah iyo cidda soo wakiilatay oo ay metalaan.
  1. Shacabka intiisa kale inay ka takoornaadaan oo ciidamo shisheeye meel gaar ah ay ku ilaaliyaan.

    Sifahaas kor ku xusan iyo ka badan waxay hadda ka muuqdaan Dowladda Midnimo qaran oo hadda jirta, haddii aysan la soo bixin weji cusub oo ka duwan kuwii iyaga ka horreeyey, wuxuu waqtiga ka dhamaanayaa iyagoo meereysanaya.

    Shacabka Soomaaliyeed ayey dhibaato iyo rajo beel ku tahay waqti lumis hor leh iyo Dowlad waqtigeedii dhamaado iyagoon waxba qaban.

    Waa in laga faa’ideystaa waqtiga iyo fursadda la haysto, lana muujiyaa iskaashi, dulqaad, Muslinimo, Soomaalinimo iyo Waddaninimo.

    Mahad Allah (SWT) ayaa iska leh

    Mahadsanidin Dhamaantiin.

    Afhayeenka Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

    Abdullahi Jama Mohamed

    Toronto, Canada

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: