SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka suxufiyiinta SOWJA oo siminaar u qabtey gabdho suxufiyiin ah

Sawirada Halkan ka daawo...

Ururka suxufiyiinta SOWJA oo ah urur ay leeyihiin gabdho suxufiyiin ah ayaa siminaar u soo gabagabeeyey Gabdho suxufiyiin oo ka kala socdey qaybaha warbaahinta wuxuuna socdey siminaarkaas muddo saddex maalmood ah waxaana lagu baranayey Xaquuqda aadanaha iyo Anshaxa Saxaafada waxaana mudadii uu socdey Casharo ka bixinayey Ustaad Shariif Cali Maxamed oo isagu si aad u faahfaahiyey labadaas qodob oo uu sheegay in ay Saxaafada muhim u yihiin , wuxuu kaloo Ustaad Shariif uu sheegay in gabadha saxafiyada looga baahan yahay in ay ku dhaqanto Qawaaminta saxaafada si ay Bulshada dhexdeeda sumcad uga hesho, Siminaarkan oo Dhaqaalihiisa ay bixisey Hayada NED ayaa xiritaankiisii waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiin ka socotay Dowlada iyo marti sharaf kale waxaan halkaas warbixin ka soo jeediyey Gudoomiya Ururka SOWJa Qamar Salaad oo sheegtey in ururuka Sowja uu soo marey mar xalado kala duwan isla markaana waxay sheegtey in ay qabteen siminaaro fara badan oo kor loogu qaadeyey aqoontooda gabdhaha suxufiyiinta si ay ula jaan qaadaan suxufiyiinta kale waxayna kula dardaarantey gabdhihii ka qaybgaley siminaarkaas in casharaddii halkaan ay ka barteen ku dabaqaan howshooda suxufinimo waxay kaloo kula dardaarantey in ay ku dhaqmaan anshaxa saxaafada, bulshada u soo bandhigaan waxyaabaha kor u qaadaya nabada si ay ummmada soomaaliyeed uga baxdo dhibaatooyinka haystey Sanadihii la soo dhaafay


Sawirada Halkan ka daawo...

Siminaakaas waxaa soo xirey Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi oo u mahadceliyey intii isku soo dubaridey siminaarkaas isagoo sheegay in in loo baahan yahay in gabdhihii ka qaybgaley siminaarkaas in howshooda ku biiriyaan wixii ay halkaan ka barteen si loo helo gabdho dhinac walba ka dhisan gaar ahaan dhinaca aqoonta oo uu sheegay in ay tahay mida sinaba aan looga maarmin

Waxaa kaloo ka Hadley Malyuun Sheikh Xaydar oo ku hadleysey magaca ka qaybgalayaasha waxay u mahadcelisey Ururka sowja oo ay ku tilmaantey mid ku dhiiradey in uu ururiyo gabdhaha suxufiyiinta islamarkaana waxay sheegtey in ururka uu ku dadaaley in kor u qaado aqoonta suxufiinta gabadhaha waxayna kula drdaarantey in siminaarada noocan ah la joogteeyo si ay uga faaiideystan gabdhaha kale ee aan fursada u helin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E_Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2009

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri... Apr 23

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress.... Apr 22

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: