Dagaalku lacag buu
dhalaa!



Kuwii dalka
sumeeyey!?
W.Q.: M.D. Jaamac (Bareer)
dirieco51@yahoo.com
- FG: Asalkii qoraalkani waxa uu ku soo baxay wargayska KASMO
oo London xaruntiisu tahay, Tirsigii 162aad, oo soo baxay 11kii
Agoosto 2005tii.
Dhowr jeer oo hore ayaan halkaan uga
hadalnay sunta khatarta ah (radioactive dump) oo burcadda abaabulan (*)
iyo shaqsiyaad kale oo iskaashaday ay geeyeen Soomaaliya iyo dalal kale
oo iyaguna ka tirsan waddamada saboolka ah. Ilihii aan wararkaa ka soo
xiganey waxay u badnaayeen wargeysyada ka soo baxa dalka Talyaaniga oo
ah xarunta keydinta, ganacsiga iyo dhoofinta sunta khatarta ah ee ka soo
harta warshadaha nuclear-ka, isbitaalda iyo warshadaha daawooyinka
sameeya ee waddamada reer galbeedka. Majaaladda ‘L’Espresso’oo
toddobaadkiiba mar ka soo baxda dalkaas ayaa laga soo bilaabo bishii Jun
2004tii, waxay ka qortay arrintaa maqaalo badan.
Waxaan iminka halkaan si kooban uga hadli
doonaa waxyaabihii ugu dambeeyey oo majaaladdaasu ka qortay arrinta
sunta, gaar ahaan qaybta ku saabsan Soomaaliya iyo qab-qablayaasha ku
lug leh suntaa ka ganacsigeeda oo lacag aad u fara badan ka helay
(Dagaalku lacag buu dhalaa).
* * *
L’Espresso maqaalkeeda oo soo baxay
9/06/’05 waxaa saldhig u ah qoraal soo gaarey garsoorayaasha Talyaaniga
ee baaraya arrinta suntaa oo uu u soo qoray maxbuus xabiska ku xiran oo
magaciisa la qariyey kuna xukuman xarig gaarya ilaa soddomeeyo sano,
dembiyo kala duwan oo uu galay awgood (ka ganacsiga doroogada iwm.) kaas
oo ka tirsanaan jirey burcada abaabulan, horayna marar badan - siyaabo
kala duwan - uga qayb qaatay ka ganacsiga suntaa oo ay ku lug
leeyihiin: siyaasiyiin, hay’adaha sir doonka, warshadaleey, ganacsato,
dalaaliin, kooxaha burcada abaabulan iyo qaar ka mid ah qab-qableyaasha
soomaaliya.
* * *
Qaybta Soomaaliya ku saabsan:
Maxbuuskaasu wuxuu qoraalkiisa ku sheegay
in markii ugu horeysey oo isagu uu wax ka ogaado xogta suntaa ay ahayd
1986dii dhamaadkeeda, wallow - buu yiri - arrintu aniga ka hor
socotey. Ninka lagu mgacaabo Sebastiano Romeo oo markaa madax u
ahaa (boss) qoyska burcada ah ( ‘ndrangheta) ee reer San Luca
ayaa wuxuu ii diray magaalada Roma si aan ula kulmo qareenka la yiraahdo
Giorgio De Stefano oo ay ilmo adeer yihiin madaxa qoyska kale ee
burcada iyaguna ah reer Regina, Paolo De Stefano, kaas oo
xiriir weyn la leh siyaasiinta. Wuxuu i soo faray in aan qareenka soo
weyddiiyo haddii ay suurto gal tahay in la geli karo waddamada dibedda
si sunta loogu khaarijiyo. Qareenku wuxuu ii sheegay in meesha ugu
habboonu tahay Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in lagala
xiriiro madaxda xibsiga hantiwadaaga ee talyaaniga (Partito Socialista
Italiano (PSI)). Markaas ka dib ayaa qareenku wuxuu ila xiriiriyey
Pietro Bearzi oo markaa ahaa xoghayaha guud ee rugta gancsiga oo
Soomaaliya ku lahayd dalka talyaaniga. Waxaan isku aragnay Hotel ku
yaala waddada Cristoforo Colombo gadaasheeda.
Waxaan si cad ugu sheegay in aan
Soomaaliya u aragno meesha ugu habboon oo sunta (rifiuti tossici e
radioattivi) lagu khaarajin karo, sidaas darteedna waxaan weyddiiyey
haddii uu awoodo in uu gacan nagu siiyo. Si guudna waxaan ugu sheegay in
lacag fiican lagu abaalmarin doono. Diyaar in uu yahay buu i tusay ,
wuxuuna i weyddiiyey ilaa heerka aan hawshaas ka gaarney; ana waxaan ugu
jawaabey in aan haysano siyaasiyiinta loo baahan yahay. Waxaan ku
heshiiney in aan mar kale is aragno oo dhankayaga aan la ninmaadno
qorshe tifaftiran. Intaas oo dhan warbixinteedii waxaan siiyey
Sebestiano Romeo, wuxuuna iigu jawaabey: “Wax kasta waa hagaagsan
yihiin ee yaanaan deg degin”.
Sidaas darteed, arrintaa ma aanaan dhex
gelin ilaa Oktoobar 1986 laga gaarey, markaa oo aan ku noolaa gobolka
Reggio Emilia oo aan u xil saarnaa maamulka ‘daroogada’ qoyska San
Luca ee gobolkaa iyo kan Lombardia. Ganacsigaas, waxaan kala
macaamil jirey qoyska kale ee la yiraahdo Musitano di Plati oo
Domenico madax u ahaa. Wuxuu ii sheegay in loo baahanyahay gaadiid
lagu qaado iyo meel lagu khaarajiyo 600 oo barmiil oo ay ku jirto sunta
khatarta ah. Waxaan marka horeba weyddiiyey inta aan ka macaasheyno iyo
cidda ka dambeysa hawshaa. Wuxuu iigu jawaabay in uu la soo xiriiray
Dr. Tommaso Candelieri ee hay’adda ENEA ee ku taal
Rotondella oo waagaas keydin jirey sunta laga keeno waddamada:
Swiss-ka, France, Germany iyo USA, kaas oo markaa baahi
degdeg ah u qabaey in laga khaarajiyo baraamiishaas oo ku keyd sanaa
laba bakhaar oo hay’addaasu leedahay. Lacagta xaggeeda, waxaa iga soo
gaari lahayd Lit. 660milyan. Waxaan iska aragnay arrintaa Giuseppe
Romeo oo ay walaalo yihiin Sebastiano, kaas oo aan ku kulanay
barxadda Loreto, Milano oo aan O.K ka helay.
Waxaa la igu daray si uu hawshaa gacan
iiga siiyo Giuseppe Arcadi oo uu abti u yahay Musitano, kaas oo gacan
igu siiyey sidii aan ku heli lahaa gawaaridii suntaa qaadi lahayd iyo
wadayaashii kaxayn lahaa. Waxaan isla qiyaasnay in loo baahanyahay 40
gaari oo baraamiishaas ka soo qaada halka ay yaalaan, geeyana dekedda
Livorno loogana sii rogo markab soomaaliya u amba bixi lahaa.
Qorshahaas, waxaa hakiyey markii la diley Musitano oo uu gacanta
‘ndrangheta’ ku baxay. Kaalintii Musitano waxaa soo galay
Candelieri oo aan hawshii dib u wada bilownay, genaayo 1987.
Livorno / Muqdisho
Markabkii aan hawshaas u isticmaalnaay
waxaa magacuiisu ahaa Lynx oo ay la hayd shirkadda Fyord
Tanker Shipping, Malta, waxaana dilaal u ahaa shirkadda Fin-Chart
oo Roma xarunteedu ahayd, taas oo ku xirneyd shirkadda swiss-ka
Achair & Partners oo labaduba ku sii xirnaa shirkadda
Zuana Achire oo rugteedu ahayd Singapore oo uu maamule ka ahaa
muwaaddin Indonesian ah oo la yiraahdo Gurda Ceso. Markabkaa
Lynx oo soomaaliya u shiraacanayey, waxaan saarnay 500 oo barmiil,
100kii soo harayna waxaan ku aasnay degmada Pisticci, Basilicata
(italia). Hawshaas oo aan si toos ah uga qayb galay waxaa la fuliyey
intii u dhexeysey 10 - 11 janaayo 1987. Documents-kii suntaas markabka
loogu rarayey, waxaa soo diyaariyey, iyagoo been abuur ah, ganacsade
reer Milano ah oo uu i baray Vito Roberto Palazzolo (waa la
baadi goobayaa iminka), waraaquhuna waxay siteen magaca shirkadda
International Consulting Office of Djibouti. Markabkii wuxuu ka
shiraacday dekedda Livorno isagoo u socda Djibouti, balse waxaa loo
weeciyey Muqdisho.
Waxaa halkaa ka hawl galay Xoghayaha
Rugta Ganacsiga Somalia/Italia, kaas oo diyaariyey gawaaridii iyo
xamaaliyiintii markabka ka rogi lahayd suntaas. Suntaas, waxaa lagu
aasay dulka uu maro webiga shabeele. Maxabuuskaasu wuxuu sheegay in
lacagtii oo US $ laga siiyey bankiga swiss-ka / italia oo ku yaala
Lugano, wuxuuna ku wareejiyey qoyska San Luca lacag gaareysa Lit.
500milyan.
Hawshii si wanaagsan bey noogu dhamaatay,
cid walibana maqsuud ayey noqotay. Dhowr sano ka dib ayaan misna hawshii
dib u bilownay, waayo aniga ayaa arrin kale u xirnaa. Markaan dambe
qudheyda ayaa toos ula xiriiray Candelieri. November 1992 ayaa
anoo ka wakiil ah qoyska San Luca waxaan weyddiiyey hawl kale oo
la fulinayo haddii ay jirto. Jawaabtiisiina waxay noqotay: “arrinkaan
marna shaqo lagama waayo”. Wuxuu ula jeedey 1000 barmiil oo ay ku
jiraan sunta isbitaalada ka soo harta iyo wax yaabo kale oo iyaguna sun
ah (ossido di uranio, cesio, stronzio) oo 20 konteyner (25x6m) ku kala
jira oo ay llahayd shirkadda Merzario Marittima oo xukumadda
soomaaliya wakiil uga ahayd hawlaha maraakiibta soo gelaya dekedda
Muqdisho. Si hawshaasu u fusho, waxaan la xiriiray Mirko
Martini oo aan bartay 1992dii dhamaadkeeda, kaas oo magaciisa uu i
siiyey Giuseppe Romeo oo ay walaalo yihiin Sebestiano. Mirko
oo ahaa mukhalas weyn, wuxuu deggenaa magaalada Piacenza iyo
Muqdisho, isagoo shirko la ahaa Inj. Muunye oo ah maamulaha
shirkadda Shifco ee maamusha maraakiib dowladda talyaanigu ay
deeq u siisay dowladdii Soomaaliya. Waxaan ka wada casheynay Hotel
Hilton, Milano. Waxaan u sheegay in ay jirto sun khatar ah oo aan
doonayo in aan Soomaaliya u dhoofiyo, isagana aan gacan uga baahanahay
in uu iga siiyo.. Wuxuu af buuxa igu yiri: waxaan ahay saxiib aad ugu
dhow madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, Cali Mahdi iyo
nin ciidamada sirddoonka talyaaniga ka tirsan, isla mar ahaantana CIA-da
ku xiran. Wuxuu intaas ku daray in wax kasta Soomaaliya la geyno karo
oo dhib aysan ka jirin. Wuxuu kaloo ii sheegay in uu hadda gacanta ku
hayo dalab ku saabsan hub la rabo in la gaarsiiyo Muqdisho oo Cali
Mahdi u socda, wuxuuna iga codsaday in aan u soo raadiyo hubkaa si
hal mara labada xamuul (sunta iyo hubka) loogu wada raro laba markab.
Maraakiibtaa oo ah kuwa kaluumeysiga waxay kala siteen magacyadaan:
‘Maxamuud Xarbi iyo ‘Cusmaan Raage’ oo shirkadda shifco ay leedahay.
Labadoodaba. hubkii lagu raray wuxuu noqoday: 75 saxaaradood oo
ay ku jiraan qoryaha ‘kalashnikov’; 30 saxaaradood oo ay ku
jiraan qoryaha ‘boobeyaal (Uzi)’ iyo 25 saxaaradood oo rasaas ku
jirto. Suntiina waxaa lagu raray markabka ‘Cusmaan Raage’.
Maraakiibtaas, wey ka shiraacdeen Italia, waxayna gaareen Muqdisho
Febraayo 1993. Halkaa waxaa ku sugayey oo diyaar ku ahaa Giancarlo
Marocchino oo saxiib caysho-milix la ah Mirko Martini,
Soomaaliyana markaa awood badana ku lahaa, kaas oo isticmaalaye gawaari
diyaar ku ahayd garaash ku yaala Km.4. Hubkii waxaa la geyey xarunta
guud ee Cali Mahdi, suntiina dhowr goobood baa loo kala raray oo
kala ah sida soo socota: ¼ (afar meelood meel = 250) waxaa lagu aasay
Km.150 ee waddada u dhaxaysa Barbara iyo Sillil ee dhanka xeebta
Boosaaso. ¼ (250) kale waxaa lagu aasay webiga Juba meesha uu ku
dhamaado ee dhanka xadka Soomaaliya /Kenya; ¼ (250) kale waxaa lagu
aasasy waddada yar ee isku xirta ‘Dhurbo’ iyo ‘Ceel Gaal’oo ka tirsan
Boosaaso; ¼ (250) kale ee ugu dambeeyeyna waxaa lagu aasay waddada isku
xirta Bosaaso / Garowe hoosteeda, Km. 37,700.
Mar kale ayaa hawshii si wanaagsan oo aan
dhib lahayn u fushey. Lacagtiina waxaa loo kala qaybsaday sida soo
socota: Cabdullahi Yuusuf, wuxuu qaatay Lit. hal milyaardi iyo
200 oo milyan oo Candelieri siiyey, uuna ka qaatay Credit
Suisse Bank, Lugano oo aniga qudheydu aan bankiga u raacay.
Aniguna waxaan Candelieri ka
qaatay Lit.8milyaardi iyo 800 oo milyan oo caddaan ah (cash) oo
la iga siiyey Hellenic Bank of Sarajevo (bosnia) oo sidaan loo
kala qaatay: Lit.350malyan, waxaa qaatay Mirko Martini;
300malyan waxaan ku bixiyey kharasho kala duwan; 200malyan
waxay ku baxday kharshkii maraakiibta (Inj. Muunje ayaa qaatay);
400milyana waxaan gaatay Marocchino oo aan u sii marsiiyey
Marino Ganzerla
Garsoorayaasha arrinta sunta baaraya
waxay maxbuuskaas
ka soo saareen xabiskii uu ku xirnaa si
uu u tuso
dhowr meelood oo uu sheegay in uu ku
xabaalay suntaa.
Waa dhulka ku yaal ‘ basilicata’ oo uu
sheegay in uu
1987dii sun ku xabaalay.__
______________________________________
(*) burcadda abaabulan ee ka jirta
waddanka
talyaaniga, waxaa ugu xoog badan
saddexdaan:
1.La Mafia (sicilia); 2. La Camorra
(napoli) iyo
3. ‘ndrangheta (calabria).
W.Q.: M.D. Jaamac (Bareer)
dirieco51@yahoo.com