Khal-khalka dhaqaalaha aduunka iyo saameyntiisa. Qeybtii 2aad
C/risaq
maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Qormadii hore waxaan kaga soo hadalay guud ahaan waxyaalaha sababay hoos u
dhaca dhaqaale ee aduunka soo wajahay. Waxaan kasoo faaloonay halka uu
khalkhalka dhaqaaluhu salka ku hayo. Waxaan soo sheegnay in suuqa guryaha
wadanka mareykanka uu qayb weyn ka ahaa bilowgii khalkhalkaan. Iyadoo ay
bangiyadu bixiyeen deyn aad iyo aad u badan, deymahaas oo qaarkood ay qaateen
dad iyo shirkadu aan kolkii horeba dhaqaale xoogan lahayn. Khalkhalkaas dhaqaale
ee mareykanka ka dhacayna waxaa uu markiiba u gudbey aduunka intiisa kale
madaama uu wadanka mareykanku yahay wadan aad u muhiim ah kolka laga hadlaayo
guud ahaan dhaqaalaha aduunka. Haddaba qormadaan labaad waxaa aan kaga hadli
doonaa sida tooska ah ee dhaqaala xumidu u saameyn karto qofkasta oo ku nool
dunida.waxaan kaloo xusi doonaa sida gaarka ah ee arinaasi u saameyneyso qofka
soomaaliga ah.Waxaan si gaar ah u eegi doonaa waxyaalaha bulshada muhiimka u ah
sida shaqada, maalgelinta iyo ganacsiga
Shaqada: Khalkhalka dhaqaaluhu kolkii uu ku dhuftay shirkado badan oo gaar loo
leeyahay iyo hayàdaha dowliga ahba, waxaa timid in shirkaduhu ka fekeraan hadba
sida loo yareyn karo kharashka ka baxa shirkadaha. Kharashka ugu badan ee
shirkadaha iyo hayàdaha dowliga ahba waxaa uu ku baxaa mushaharka la siiyo
shaqaalaha. Sidaa darteed shaqaalaha oo la yareeyo ayaa noqoneysa talaabada ugu
horeysa ee lagu badbaadin karo lacagta ka baxda shirkada. Kolkii la dhimayo
shaqaalaha waxaa jira sharciyo kala duwan oo la isticmaalo.
Waxaa laga bilaabaa dadka aan sidaas muhiimka ugu ahayn shaqada oo ay u badan
yihiin dadka sida ku meelgaarka ah u shaqeeya. Balse guud ahaan waxaa la
isticmaalaa sharciga oranaaya. “Last in First Out” Taas oo loola jeedo qofkii
ugu dameeyey ee shaqada la qoray ayaa ugu horeyn baxaya. Halkaas waxaa ka
aragtaa in qofba qofkii uu uga horeeyey shaqada inuu ka fursad fiican yahay.
Wadamada horey u maray, siyaabo kala duwan ayey u dhaqan geliyaan sharcigaas.
Dadka soomaalida ah ee ku dhaqan wadamada yurub iyo waqooyiga ameerika waxaa ay
u badan yihiin dadka aan haysan shaqooyin rasmi ah. Dadka badankiis waxaa ay ku
shaqeeyaan si ku meel gaar ah. Soomaalida waxaa ku yar dadka leh xirfadaha ilaa
heer jaamacadeed ah taas oo dhalisa in ay shaqada in badan bedeshaan. Waxaa laga
yaabaa in qofka soomaaliga ahi uu sanadkii shaqad bedesho ilaa saddex jeer.
Taasi waxaa ay keeneysaa in qofka soomaaliga ahi ka mid noqdo dadka ugu horeeya
ee shaqada laga eryaayo.
Shaqo laàantaas soo foodsaartay qofka soomaaliga ah waxaa ay saameyn weyn ku
yeelaneysaa dhaqaalihii qofkaas iyo weliba dhaqaalaha wadanka soomaaliya.
Maxaa yeelay sida aan wada ogsoonahay qayb weyn oo dhaqaalaha soomaaliya ka mid
ah waa lacagta ay diraan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda kala
duwan.
Maadaama qaabka ay soomaalidu lacagta ku diraan uu intiisa badan yahay qaab ay
adag tahay in si la hubo loo xisaabo,haddana waxaa la sameeyaa qiyaasyo kala
duwan.
Tusaale ahaan waxaa la qiyaasaa in soomaalida ku dhaqan wadanka mareykanka ay
sanadkiiba diraan in ka badan ilaa hal bilyan oo dollarka mareykanka ah. Walow
ay dhaqaalo yahano badani aaminsan yihiin in lacagta la diraa ay aad iyo aad
intaas uga badan tahay.Natiijadu waxaa ay noqoneysaa in qofka soomaaliga ahi uu
awoodi waayo inuu diro lacagtii uu horey u diri jirey. Taas oo saameyn ku
yeelaneysa dad badan oo ku nool dalkii hooyo.Waxaa kale oo hoos u dhaceysa
heerka nolosha ee qofka shaqada waayey. Maadaama ay khasab ku noqoneyso inuu
yareeyo kharashkiisa. Waa in qofku aad u yareeyaa waxyaalihii uu isticmaali
jirey si uu u xaddeeyo kharashka ka baxaaya.
Maalgelin: Wakhtigaan ay jirto dhaqaale xumadu waxaa guud ahaan aad u yaraata
maalgelinta kala duwan ee la sameeyo.Taas oo salka ku haysa maalgeliyayaasha oo
shaki weyn ka qaba sida uu noqon doono dhaqaaluhu. Waxaa aad u yaraanaya
dhaq-dhaqaaq lacagaha kala duwan ee la isweydaarsado. Bangiyada ayaa waxaa ay
soo saaraan sharciyo kala duwan oo adkeynaaya in lacag banaanka loo saaro.
Kolkii shirkad ama qof keliya uu sameynaayo maalgelin waxuu u baahan yahay lacag
uu u isticmaalo maalgelintaas. Lacagtaas waxaa laga deynsadaa hayàdaha kala
duwan ee lacagaha bixiya. Balse dhaqaala xumidu waxaa ay keentay in ay adkaato
in hayàdahaasi lacag bixiyaan. Waxaa kale oo maalgelinta sii adkeyneysa,
maqnaanta dad ama suuq diyaar u ah in uu iibsado waxyaalihii la maalgeliyey.
Maxaa yeelay dadkii wax iibsan lahaa qaar waa shaqo beeleen oo ma laha awood
dhaqaale qaarna shaki weyn oo dhaqaale ayaa soo foodsaaray. Haddaba ma jirto cid
diyaar u ah iney maalgelin sameyso. Arintaani saameyn ayey ku yeelaneysaa dadka
soomaalida ah ee ku dhaqan dalka soomaaliya iyo dibadaba. Maadaama dadka
soomaalida ahi ay yihiin dad ku firfircoon ganacsiga yar-yar, una baahan iney
helaan maalgelin
Ganacsiga: Guud ahaan ganacsiga aduunka ayaa waxaa soo food saaray hoos u dhac
aad iyo aad u weyn. Hoos u dhacan ganacsigu waa kii ugu weynaa ee soo foodsaara
aduunka ilaa muddo ku siman 80 sano.Taas waxaa si toos ah u caddeeyey bangiga
aduunka iyo hayàda lacagta ee aduunka.Waxaana la saadaalinayaa inuu hoos u
dhacaasi sii jiri doono ilaa muddo dheer.Sabatuna waxaa weeye dhaqaale xumada
soo foodsaartay “iibsadayaasha” alaabada kala duwan ee aduunka laga soo saaro.
Wadamada sookoraaya ayaa arintan hoos u dhaca ganacsigu ay aad u saameysay,
sababo dhowr ah awgood.
Ø Waxaa aad u yaraaday sidaan horey u soo sheegnayba dhaqdhaqaaqii lacagaha
aduunka.
Ø Waxaa aad u yaraaday ama istaagey maalgelintii tooska ahayd ee wadamada soo
koraya lagu sameyn jirey.
Ø Waxaa kaloo aad u yaraatay lacagihii ay soo diri jireen dadka u dhashay
wadamadaas ee dibada ku dhaqan.
Waxaa kaloo xaalada sii adkeeyey wadamada soo koraaya oo ka ganacsada alaabta
qeeriin, alaabtaas oo ah mid aad ugu xiran hadba jawiga uu ku sugan yahay
xowliga dhaqaalaha aduunka. Dadka soomaaliyeed aad iyo aad ayuu u saameynayaa
hoos u dhacaan ganacsiga aduunka. Maadaama maanta dhaqaalaha soomaaliya intiisa
badani uu ku xiran yahay ganacsiga yar-yar. Sabatuna waxaa weeye iyadoo aaney
jirin hayàdo dowli ah oo loo shaqeeyo.
Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu dadka soomaaliyeed u fududeeyo saameynta adag
ee ay keentay dhaqaala xumada aduunka ka taagan. Waxaana aan leeyahay aan
guntiga dhiisha iskaga dhigno meel kasta oo aan joogno. Inagoo badineyna wacyi
gelinta dadka loo fidinaayo si loo fahmo arinkan dhaqaale xumada loogana
gaashaanto.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen, Eskilstuna, Sweden
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com
Khal-khalka dhaqaalaha
aduunka iyo saameyntiisa - Maxaa sababay hoos u dhaca dhaqaalaha
Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009 |