SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shirka Jabuuti, showr aan sharax badan laga bixin

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi

Hoggaan halgankiisii iyo hawshiisii kahor yimid

Inkastoo jinsiyadaha kala duwan ee caalamka kajira ay qoloba qolada kale wax un uga duwan tahay haddana banii’aadamka waxyaabaha uu kukala duwan yahay waxaa kabadan waxyaabaha uu wadaago. Bal jinsiga soomaaliga layidhaahdo waxaa ladhihi karaa waxaa jiro waxyaabo badan oo ukali ah. Waxyaabaha aan annaga kali lannahay waxaa kamida tusaale ahaan; 1-Dal aan dawlad lahayn 18 sano dadkiisana ayna umuuqan dad dawlad rabo ama tabayo. 2- Dal iyo dad magac leh oo dhul iyo xuduud leh cid iskudubariddayna oo magaca u bixisayna aan lagaranayn. 3- Maxkamado aan dawlad lahayn oo haddana wax kala xukumayo. 4- Magaalooyin dhisan oon dawlad maamusha lahayn balse wax walba oo kale leh. 5- iyo ugu danbayn hoggaamiyayaal iyo wafti meel loo dirsaday oo iskudaray inay goostaan, inay 360 darajao iswareejiyaan iyo inay dhagraan saaxiibadoodii ay islasoo halgameen islanasoo rafaadeen sabab la’aan, illeen qofbaa xitaa yidhaa waxbaan kacadhooday oo sidaa iskubadalee.  

Anigoon sheekada sii dheeraynaynin ayaan jeclaystay inaa xoogaa yar farta kufiiqo waxa ay laba Shariif kukaceen. Inkastoo Shariif Xasan Sheekh Aadan aan asaga lalaba yaabayn oo uu horey uga qaybqaatay sharciyaynta qabsashada gaalada madoow ay qabsatay dalkeenna, oo uu un kasoo cadhooday Odayga Axmaaradu gardaadisay markuu waayey wuxuu rabay, ee waxaa aad loola fajacay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ladhihi karo wuxuuba caalamd u ahaa kacdoon sal u ahaa, islaanimada iyo Soomaalinimada baryahan soo udgayey, inuu intuu hoosta kala xidhiidho gaalo cad cad iyo kuwo mad madow oon innaba hayaaraatee aan dadkeenna iyo dalkeenna midna wanaag iyo ixsaan uhayn haddana qalinka ugu duugo ogolaasho inay dadkeenna dullaystaan asagoo sheeganayo inuu mathalo soomaali yahayna masuul darajo sare leh.

Nimankii saaxiibbadiis ahaa oo afka goostay lehna annaga lamana soconno waxa Jabuuti kasocdo shuqulna kuma lihin ayuu damcay inuu magacooda wax kusaxiixo, waa il adayg iyo dhagar aad looga argagaxay loogana yaabay.  

Waxaa aad looga naxay waa qofkii dammiir islaanimo kujirtee in dhabarka loo duway dadkii safka lugu wada jirey, in kooxdii Soomaalida ahayd ee uu cadowgu iskasoo hormariyey si ay ugu ceeb asturaan lahor fadhiisto, in lala qaxweeyo gaal madoow oo gacmaha kuwato dhiiggii culamada muslimiinta, dadkeennii maatada ahaa ee uu kas iyo kibir uxasuuqay iyo dhallinyaradii diintooda inay difaaceen u istaagay. Waxaasoo dhan waxaa kasii daran in lasaxiixay in labadbaadiyo Tigreega fartay qaadaanbaa lajabiyey ee ay uhadhay inay dabada jeediyaan ayagoo saynta iskaqaniinsan iyo in askartii Tigreega ee sheegatay inay dawlad tahay in loogu yeedho dawlad oo la ictiraafo oo lasiiyo xuquuq iyo sharaf ayna marnaba mudnayn. 

Hasha maankayga gaddaye mamasaarbay liqday 

Waxaa laga sheekeeyey oday soomaali ah oo caqligiisa  iyo fahamkiisa laga yaabay, qolo ayaa isku dayday baa layidhi inay xujeeyaan (imtixaanaan). Kolba xujo ayaa loo keenaa wuuna furaa, markii laga quustay ayey qolo kutashatay inay odayga u helaan xujo uusan furi karin. Waxay soo qabteen hal geela gudunta ama masaarta inteeda birta ah ayey liqsiiyeen, dhuunta ayeyna u istaagtay, hashii marka waxna cabbi wayday waxna cuni wayday illeen birbaa dhuunta ufadhido oy kumargatayee. Odaygiibaa lalasoo doontay loona keenay oo layidhi bal hadda xujadanna fur oo hasha waxa hayo sheeg. Odaygii hashiibuu dhinac walba kamaray si walbana ufiiriyey, wuu arkay inayna hashu cudur saa usii wayn qabin laakiin meel un laga haysto. Markuu kuwareeray meella saari waayey waxa hasha hayo ayuu erayadan kor kuxusan kudhawaaqay oo uu yidhi “hasha maankaygay gaddaye ma masaarbay liqday”.

Hadda shirka Jabuuti aadbaa loogu jaho wareeray loolana yaabban yahay waxa laga danleeyahay iyo ujeeddada kadanbayso, waxayse ubadan tahay inuu yahay iskuday lugula dirirayo diinta islaamka ee Geeska Afrika iyo jihaadka islaamiga ah ee kabillowday Soomaaliya. Nin masuul ah oo ay ummad dhan wakiilatay inuu mathalo oo xuquudeeda u doodo una difaaco inuu inta is dhagatiro oo hoteel iskuxidho gaalada cadawga ah wax alla waxay rabeen usammeeyo waa arrin aad loo qariibsaday lana fahmi waayey. Waxaanse shaki kujirin inayna arrinta shirqoolka kabillaaban jabuuti ee uu jirey xidhiidh qotodheer oo muddo usocday qolyaha heshiish kusheegga waday iyo shariifyada saxiixay labadaba. Dagaal faraha la’isaga gubtay ayaa socdo hadafkuna waa in cadowga duullaanka ah la’iskadhiciyo oo meeshuu kayimid dib loogu celiyo, Muxuu yahay marka heshiishkan aan la’islana ogayn loona diyaargaroobin ee sidii khudbo sireed hoosta la’iska xodxotay.

Xadgudubka ay laba Shariif iyo wafdiga lasocda sammeeyeen 

  • Inay meel lafadhiistaan danbiilaayaal dagaal oon mudnayn ixtiraam in maxkamad lasoo taago oo ciqaabta ay mutaysteen lamariyo mooyee.
  • Inay aqoonsadeen dawlad aan jirin oon aasaas iyo raad toona lahayn ahna wax gumayste cadow ah soo unkaday kuna amar kutaagleeyo danihiisana kufushado.
  • Inay sidoo kale lashowraan gaal madoow oo dhiiggii muslimiinta soomaalida iyo kuwii Itoobiya kuhoos noolaa gacmaha kuwato.
  • Inay saxiixaan qodob lagu dalbanayo in ciidamo shisheeye lakeeno soomaaliya.
Afartaa qodob way kala xun yihiin kalana daran yihiin, waxaana ugu daran kan ugu hooseeyo oo ah arrin aad uhalisa larabana in lugu badbaadiyo Itoobiyo oo ay kabaxdo Soomaaliya iyo bad qabto, waayo shaki kuma jiro in lajabin haddayna iskeed ucararin maxaa yeelay Itoobiya awood umalaha inay kawaddo soomaaliya dagaal daba dheeraado. Ciidamada larabo in lakeeno kasokow inay Itoobiya culayska kaqaadaan, wax kale oo loo keenayaa inay maamul kusheegga sii ilaaliyaan meeshana kusii hayaan sidoo kale kahortagaan inuu dhasho nidaam islaam kusalaysan illeen wax kale looma guuxayo waa colaad iyo nacayb islaamka loo qabo darteede. Marka ninka sheeganayo inuu mujaahid yahay ama ahaa gaalana ladirirayo say kudhici inuu qodob caynkaas oo kale oo kasoo horjeedo wuxuu u dirirayey inuu saxiixo asagoo waliba og inaan cidna kuraacayn arrintaas oo uu kaligii kunoqon. Labo mid unbay tahay; in laga tanaasulay wixii loo halgamayey ee la aaminsanaa ama in la’iskhasbay oo cadaadis iyo handadaad kadib la’isku khasbay, wax udhaxayn karo labadaas kama muuqato meesha. 

Waxaa laba Shariif kahoos baxday:

  • Inay hubsadaan inuu ururka ay magaciisa wataan waxna kusaxiixayaan uu raalli kayahay heshiishka, maxaa yeelay saxiixid wax lasaxiixo kaligeed macno yeelaysan mayso mar haddayna jirin cid diyaar u ah inay aqbasho oy fuliso heshiiska.
  • Inay qadariyaan ururka ay kujireen mabaadi’diisa iyo ahdaaftiisa oyna kaligood iska amar kutaaglaynin ayagoon oggolaasho kahelin dadkii ay iskujaalka ahaayeen illeen meesha geel laguma dhacayee, oo hadday ayaga lanoqotay inay heshiis caynkan oo kala ah galaan inay kabaaxan ururka oy marka raadsadaan ayaga wixii la’aragti ah oy heshiis markaa galaan intii ay shabbad ayna lahayn kaligood oo docda lugula dhaggan yahay wax kudhufan lahaayeen.
  • In hubsadaan in Tigreega meesha qabsaday diyaar uyihiin inay fuliyaan waxa lugu heshiini, haddiise ay dhacdo hadhow inay diidaan inay fuliyaan cid dammaanad qaadayso inay kahirgalini heshiiska. Ummadaha Midoobay ma’aha urur awood uleh inuu fuliyo waxayna saddexda dal ee Vitoda kuleh ayna wadin sida Maraykan, Faransiis iyo Ingiriis, ayagoon marka saddexdaas dammaanad lawada ogyahay oo saxiixan kahelin way adkaani inuu ballan loo qaaday fulo.

Hadalka  oo kooban

Qofkii muslim ah oo kaqayb qaatay hawshaas gurracan waa inuu faraha kalabaxo oo uusan islaamka iyo dadkiisa dhibaatayn maxaa yeelay waxa ay saxiixeen waa wax aan qof diin iyo dammir leh u cuntamin, iskadhaaf mujaahidiinta naftooda u huray oo u sitaagay jihaadka barakaysan ee waxaan aqabali karin dadka meelaha kale joogo ee niyadda kala jiro. Suurtogal noqonmayso hawl kummannaan mujaahidiin ah ay nafttoda usoo hureen qaarna u curyaamoobeen, sidoo kale shacab fara badan iyo culumo farabadan loo xasuuqay darteed in layidhaa waa la heshiiyeey ee halla illoobo oo gaaladii cadawga ahayd iyo kuwii askarta u ahaa soo hoos fadhiista hana idiin taliyeen oo waxay rabaan ha idinku sammeeyeen. 

Markay Reer Galbeedka intuu muddo ah lahaayeen wadaadada qaarbaa qunyar socod ah oo lala hadli karaa illeen waxbay ogaayeen, dadbay hoosta kawada xidhiidhayeen, dadbay wax isku ogaayeen.

Laba Shariif marka aragnay qadiyadda Soomaaliya meeshay kajoogtay ee waxaan sugaynaa illaa iyo inta ay diyaar uyihiin inay u adeegaan qoloda hadda gacanta kudhigtay.  

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2008

Goobjooge, Qisadii Al-Itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf - qisadii Bari iyo Sanaag 1992.. Akhri...

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com