SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Fadeexad wayn oo dhaawacday sumcadda Iswiidhan 

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa rasuulilaahi 

Billawgii dhacdada

Muxammad Alzari iyo Axmad Agiza waxay ahaayen laban nin oo Reer Masar ah oo kunoolaa Iswiidhan kadib markay magangalyo waydiisteen. 18 kii bishii Diseembar ee sanadkii 2001 da ayaa Muxammadna laga afduubay magaalada Karlstad asagoo dugsi uu wax kabaranayey usocdo, Axmadna Stockholm ayaa laga qabtay asagoo dukaan wax ka iibsanayo, waxaana qabtay Ciidanka Sirta ee Iswiidhan waxayna islamarkiiba kuwareejiyeen xubno katirsan Ciidanka Sirta ee Maraykanka oy shaqadoodu ahayd afduubashada dadka iyo silcintooda oo markaa kusugayey garoon yar oo kuyaallo magaalada Stockholm loona yaqaannao Bromma Airport. Markii Ciidamada Sirta ee Maraykanka lugu wareejiyey indhaha ayaa laga duubay labada nin, gacmaha iyo lugahana waa laga xidhxidhay, waa laqaawiyey kadibna waa lafaraxummeeyey Iswiidhishkii oo fiirsanayo, kadibna sidii ilma yaryar ayaa xafaayad dabada loogu xidhay oo lagu tuuray dayuurad ay Ameerikaanku lahaayeen loona duuliyey Masar oo ahayd meeshay kasoo carareen. 
 

Muxammed Al-zery 
 

Barnaamijka TV4 ee Kalla Fakta

Cid nimankaa iyo sida loola dhaqmay wax ka’ogayd ma’ayna jirin marka laga reebo kuwii Ciidamada Sirta ee Iswiidhan katirsanaa ee la xodxotay iyo dhowr madaxa ah oo kakala tirsanaa Wassaaradda Arimaha Dibadda iyo Wassaaradda Caddaaladda. Sheekadu waxay soo shaac baxday markuu kashifay Tv4 barnaamijkiisa “Kalla Fakta” soona bandhigay kana sheekeeyey waxay Iswiidhan kukacday, inay laba nin oo qaxooti ah, masaakiina, kanasoo qaxay nidaam macangag ah oon dadkiisa uturin in lagu wareejiyo Mooryaan Cowboy ah oon ixtiraam banii’aadamnimo iyo xeerarka caalamiga midna aan tixgalin. Markay arrintii soo baxday ayna noqotay ceeb dusha uga dhacday dawladda Iswiidhan ayey dawladdu iskudayday inay xadiddo foolxumada ay gaysatay iyadoo kolba halkudhg lasoo boodboodaysay. Halkudhagii ugu darraa wuxuu ahaa inay sheegtay inay dawladda Masar lagashay heshiis ah inaan labada nin la maraamarin (laxanuunjirin ama laciqaabin ciqaab xagga jidhka) marka Masar lugusoo celiyo, arrintaasoo hadday jirto aan macno wayn sammaynayn maxaa yeelay hadday Masar tahay dawlad heshiis, xeer iyo xuquuq midkood tixgalini labada nin kamaba soo carareen oo Iswiidhan may immaadeen, midda kale haddiiba lagu dulmiyey Iswiidhan gudaheeda ayadoon makamad lasoo taagin lahaynna wax caddayn ah inay danbi galeen maxaad umalayn Masar oon xitaa faham wacan kahaysan caddaalad iyo waxay tahay midna. 

 

Qoyska Axmed               Axmed Agiza

U dhoofintii Masar

Labada nin waxay dawlada Masar ku eedaysay inay yihiin argagixiso halis ah kana mid ah urur markaa ay Masar kusheegtay inuu halis yahay, waxayn kacodsatay Maraykanka oo dawlado badan kutaageero xadgudubka ay dadkooda kuhayaan inay labadaa nin usoo qabato sidaa ayuuna Iswiidhan uga dhaadhiciyey inay faraha kasoo galiso labada nin. Markii Masar lakeenay waxaa lasoo taagay maxkamado uusan qof damiir leh xitaa cadawgiisa ku aamineen si kasta oo uu u neceb yahay, qofka waa inaan lugu xukumin wuxuusan gaysan oo waa tii Soomaalida hore uga maahmaahday oo tidhi (gaalka dil gartiisana sii). Labadii nin midna xitaa wax lugu been abuurto ayaa loo waayey oo waa lasii daayey maraamar adag kadib midna waa laxukumay wax lagu sheegayba oo kolkii hore 25 sano ayaa lagu xukumay markii danbena waxaa loogu badalay 15 sano. 
 

Anna Lindh, Wasiirkii Arimaha Dibadda

Markay ceebtaa soo shaax baxday dwaladdii Hantiwadaagga ahayd ee markaa iswiidhan xukumaysay inkirid, il adayg iyo isdhagatir ayey muddo wadday, kadib waxaa caddaatay in dawladdu ay kor iyo hoosba ogayd lana socotay amarkuna uuba kafulay Wasiiraddii Arimaha Dibadda ee markaas Anna Lindh oo iyadu labo sano dhacdadaas kadib uu nin udhashay Serbiya toorri kudilay dukaan ay wax kagadanaysay dhaxdiisa asagoo intii cabbaar ah dukaanka dhaxdiisa ku caydhsanayey akhiirranna mar ay kuftay toorri ladhacay oo beerka iyo caloosha si xun uga jeexjeexay. 

Sikasto oo uu xaal noqdaba waxaa meeshaas kasoo baxday saddex shay oy Iswiidhisku inkiri jireen inuu dalkooda kadhici karo; midda koowaad oo ah in nidaamkooda caddaaladdu madax bannaan yahay oyna suurtogal ahayn inuu wasiir ama qof kale oo darajo sare leh uu isaga tashado dad aan maxkamad lakeenin danbina aan lugusoo oogin luguna caddayn. Midda labaad inay Iswiidhan si buuxda u ixtiraamto xeerarka caalamiga ah ee kayaallo dadka qaxootiga ah oo ayna dhici karin in shakhsi miskiin ah aan cadow neceb loo gacan galin. Iskadhaaf dawlad dhisan oo nidaam iyo sharci ay dajisatay kudhaqanto ee xitaa geeljire soomaali ah ma’aqbaleen in qof marti u ah ama magan u ah inta loo gacan dhaafo waliba gurigiisa dhaxdiisa lugu faraxummeeyo asagoo raalli ka’ah, qodobka saddexaad oo ah inuusan Iswiidhan kajirin waxaan sharci lahayn oo waxay kufaanaan inuu dalkooda yahay dalka adduunka ugu sharciyada badan oo wax walba uu sharci xakameeyo, qisadanna waxay muujisay in hadday ciidamada sirta ee Maraykanka yimmaadaan oy yidhaahdaan waxaasaan rabnaa inuusan jirin sharci sharciyaynayo sida loola dhaqmi oo hadba sidii larabo layeeli luguna tuman sharciyada dalka kajiro ee tusaale ahaan dammaanad qaadayey labada nin ee qaxootiga ah sida Sharciga Ajaanibta iyo mid Xafiddidda Sirta Qofka oo waxaa aad loola yaabay waxa ay ciidamada Sirta ee dal ajnabiga ayba ku ogaadeen inay labadaas nin jiraan oy jooggaanna dalkan, maxaa yeelay sharciyada dalkan ma’oggola in qofka warbixinta kataallo hay’adaha kala duwan ee dalkan siiba kuwa Ajnabiga maamula ama arrimaha bulshada iyo Caymiska qaranka inay cid kale ogaato iskaba daa dawlad Ajnabi ahee.  

Gabogabadii

Muxammad Al-zery waxaa lasiiyey magdhow gaadhayo 500 000 USD waxayna Ururka udoodayo xuquuqdiisa oo layidhaahdo Svenska Helsingförs Kommitte ay rajaynayaan in lasiiyo sharci uu dalkan kuyimmaado si uu ugasoo tago Masar oo iyadoo danbi lagu waayey lana sii daayey wali dhibaato ba’an lala daba taaganyahay. Inkastoo uu ninku dhibaato badan iyo foolxumo lasoo kulmay haddana xoogaagan yar ee lasiiyey ayaa loo malayn karaa inay booga dhay yar unoqon karto. 
 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2008

Shirka Jabuuti, showr aan sharax badan laga bixin: Hoggaan halgankiisii kahor yimid

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com