SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Goobjooge, Qisadii Al-Itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf  

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi 

Hordhac

Waxaa jirey dagaal muddo socday oo kudhaxmaray 1992 dii gobollada Bari iyo Sanaag dadka dhulkaa daga intooda badan oo uu markaa hormuud u ahaa Kornayl Cabdullaahi Yuusuf iyo ururkii Itixaad la’odhan jirey oy markaa hoggaaminayeen Sheekh Xasan Daahir Aways iyo culumo kale oonan magacooda hadda haynin. Waxaan filayaa sidayda oo kale inayna soomaalida inteeda badan wax war ah ka’hayn siduu kudhacay dagaalkaa, waxyaabihii sababay iyo siduu kudhammaaday midna oo kaliya ay dhagahooda baf un kusoo tidhi dagaal la’isku riiqmay oo halkaa kadhacay markii danbena ay guushu kuraacday dadkii kasoo horjeeday ururka Itixaad. Waxaan marka nasiib uyeeshay dhawaan inaan helo nuskho kamida buug xiiso badan oo uu qoray qoraa soomaaliyeed  oo loo yaqaanno Abdibashir oo waxkubartay dagganna dalkan Iswiidhan. Waxaan jeclaystay markaa inaan xoogaa kafaalloodo buggaas oo layidhaahdo Goobjooge, qisadii Al-Itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf sida kamuuqato boggiisa hore, soona baxay sanadkii 2007 da.

Samatar Ducaale, qofka saldhigga u ah sheekada

Sheekada buugga waxaa looga sheekeeyey inan dhallinyaro ah oo kamid ahaa ururkii Itixaad oo gobolkii uu kudhashay kayimid si’uu tababar ciidan ugu qaato saldhig kuyaallo meel udhow Boosaaso oo markaa uu ururka Itixaad ciidanka ku carbisan jirey. Samatar oo ahaa nin aad u da’yar balse sida muuqato ahaa nin go’aansaday inuu wax walba uhuro mabaadi’da uu aaminsanyahay ayaa duruufo ad adag kala kulmay imaatinkiisii uu yimid Gobolka bari iyo tababarradii adkaa ee uu galayey. Cimilada oo kaduwanayd tuu kayimid, meesha oo uusan aqoon hore ulahayn, isagoo da’ yaraa iyo hilow ama tabid uu tabay dhulkii iyo qaraabadiisii uu kasoo jeeday ayaa isugu darsamay, wuxuuna kusigtay muddo aan dheerayn kadib inuuba isaga tago hawshii tababarka ahayd ee uu meesha uyimid. Balse qadarka alle wuu nagaaday oo dhammaystay tababarkii kadibna waxaa meeshaa kuqabsaday dagaalkii dhaxmaray labada dhinac oo akhiiran lugu jabiyey ururkii uu Samatar katirsanaa, asagana maxbuus ahaan loo qabsaday oo muddo lugu hayey magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe. Buugga intiisa badan wuxuu kusaabsanyahay dhibkii iyo xanuunkii ay Samatar iyo saaxiibadiisii lala qabtay ay lakulmeen xilligaa  ay lahaystayaasha ahaayeen ( maxaabiis dagaal). 

Dairy ama qoridda dhacdooyinka qofka soo mara

Dalalka hore umaray dadka kunool yar iyo wayn qaar badan oo kamida waxay sammeeyaan wax layidhaa xusuus qor ayagoo qoro wax alla wixii ay lakulmaan maalin walba inta ay nool yihiin siiba wixii xiiso gaar ah sii leh. Bilayska dalalkaas waxaa caado u ah markay qof danbi ku tuhmaan ama qofka loo gaysto danbi inay baadhitaankooda kabillaabaan hadduu xusuus qor leeyahay qofkaas. Waxaana dhacdo badanaa inay bilaysku kahelaan xusuus qorka qofkaas waxyaabo badan oo kukaalmeeyo baadhista ay wadaan. Mahubo Samatar inuu xusuus qor watay iyo inuu fahmo badnaa oo wax alla wixii soo maray xilligaa uu maskaxda meel uga kaydsanayey kadibna sidaa lugu qoray sheekadiisii, balse wuxuu katagay qiso xiiso badan oon aaminsanahay inay kumannaan kun oo qof ay akhrini.  Dagaalkii waynaa ee la’isku baaba’ay aniga mana maqal mana arag wax buug ah oo kasheekaynayo qisadan Samatar kahor, taasoo kadhigayso buuggan mid qiimo badan ugu fadhiyo taariikhda soomaalida. Way dhacdaa inay soomaalidu inta badan qoraan buugaag oy uga sheekeeyaan waxay maqleen ama jecelyihiin balse waxaa naadir ah inaad aragto qof qoray buug oo uga kasheekeeyey qiso uu usoo taagnaa ama uuba kudhax jirey asagoo waliba si miisaamman oon nacayb, cay iyo xigsasho uu xigsanayo dhinac kamida dhinacyada ishayo midna ayna kamuuqan. Marka qisada Samatar ee laqoray waa mid bog cusub oo buug qorid ah ufurayso soomaalida oo ku dhiirri galinayso inuu qofku si xaqiiqa u qoro waxyaabaha taariikhda galay ee soo maray wakhti wakhtiyada kamid ah. Waxaase jirto inaan meesha laga saarin inay adagtahay inuu qofku si sax ah uqoro qiso uu usoo joogay hadduusan ama xusuus qor haysan oo uusan islamarkaa ay dhacdadu dhacdo uusan qorin ama uusan lakaashan dad kale oo ayagana goobjoog ahaa oo kakaalmeeyo hadba wixii uu khaldo ama illoobo, maadama ayna xusuusta bani aadamku ahayn sida kammeerada oo kale mid wax walba sawirato.  

Ugu danbayntii

Waxaan kudhiirrigalin lahaa qofkii xiiseeyo taariikhda soomaalida iyo waliba dagaalladii kadhacay Bari iyo Sanaag 1992 ee dhaxmaray labada qolo een kor ku xusay inuu gacanta soo gashto buuggaas ishana mariyo. Buuggu waa buug si fiican loo xardhay bidhaantiisa, oo waliba lugu xardhay midab qurxan oo doog ah dhaladana loo saaray Xiddig iyo bil oo calaamad u ah muslimiinta meel ay joogaanba. Wuxuu kakooban yahay 123 bog, wuu cinwaanaysan yahay oo qayb walba oo kamida ah sheekada billow iyo dhamaad cinwaan u gaara ayey leedahay. Waxaa ugu horreeyo oy ishaadu qaban markaad furtaba tusmada buugga oo kuu sheegi cinwaanada kala duwan iyo bogagga ay ku kala yaallaan tiradooda. Qofku markuu billaabo way ku adkaani inuu joojiyo asagoon dhammayn buugga oo dhan, maxaa yeelay sheekadu xiisaha ay kubillaabato ayey kudhammaani taasoo kuu diidi inaad qabyo uga tagto. Qofkii wax akhris badan waxay kuqaadani qiyaastii 3 saacadooda illaa 5 saacadood.

Waxaan aaminsanahay qaabka looga sheekeeyey qisada iyo quruxdeeda inay hadday maanta akhriyaan labadii urur ee ay qisadu kahadlayso inayna wax badan kabadaleen sida miisaaman ee loo dhigay awgeed. 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2008

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com