Bismillaahi, wassalaatu wassalaammu calaa rasuulilaahi
HordhacWaxaa laga sheekeeyey qiso kadhacday gobollada Dhexe ee Soomaaliya qiyaastii billowgii qarnigii 20 aad ama agagaaraha1905 tii. Waxaa jireybaa layidhi laba Jilib oo wada dhashay oo kala daganaa laba meelood oon saas ukala fogayn. Labada jilib ee isku qolada ah waxay ahaayeen sida lasheegay dadka xilligaas loo yaqaannay Laangaab, macnaha in laga tiro badan yahay oo si joogto ah loona dhibi jirey loona dhici jirey. Waxaa intaa udheerayd in lagu xamman jirey fulaynimo dheeraad ah, qayrkoodna ayna iskacelin karin. Sida caadada ah qofka laliido asagana waxay ubadan tahay inuu raadsado mid uu liido ama kusheego waxa lagu sheegayo. Marka ayaga waa labada qolee ayaa iskusoo jeestay oo isduri jirey isna dacaayadayn jirey. Muddo markuu xaalka sidaa ahaa ayey maalintii danbe dhacday qiso raad reeb noqotay. Labada jilib waxay kala daganaayeenbaa layidhi laba meel oo lagu kala magacaabi Galsarriigle iyo Galhiglaade oo xooga kiilomitirro ah isu jiray.
Qoladii dagganayd Galsarriigle ayaa maalin maalmaha kamida markay maageen xoolaha dareersada waabarigii waxay kawarheleen raxamo libaaxa oo koox koox utuban halkii xoolaha lugu dareerin jirey oo umuuqato jabada Reerku yiillay. Waxaa lasheegay inayna Reer Galsarriigle markaas innaba hayaraatee ayna haysan wax hub ah oo casri ah marka laga reebo waramo, qaansooyin, falaadho, toorriyo iwm. Heerkii talo ayaa kucaddaatay, hal libaaxa ama labo ama saddex way ladagaallami kari lahaayeen laakiin libaax ciiddan kabadan aadna mooddo inuuba dagaal usoo qasday sidee laga yeelaa? Markii saacado latashaday oo lashowray ayaa go’aan lugu gaadhay in rag iyo haween iyo carruurba inta gacmaha la’isqabsado lugu baxo libaaxa oo wixii hub lahaysto lala aado. Markaa waxay sawirteen in hadday kuyaacaan libaaxu uu cabsoon oo uu didi. Sidii baa layeelay oo libaaxii lugu baxay, qayb kamida raxamihii way carartay balse qayb dhowr iyo toban ah oo ubadan Aar aan da’ waynayn ayaa diidday inay dhaqaajiyaan oo difaac iyo weerar iskujiro billowday, waxay iskudareen libaaxyadu dhulkooy ciddiyaha ku xoqaan iyo hinraag ba’an oo Reer Galsarriigle oon horaanba aan geesinimo lugu sheegi jirin argagax galiyey. Iyadoo xaal halkaa marayo ayey koox dhallinyaro ah oo markaa qaangaadhay oo dhowr iyo toban ah inta gees isulabaxeen isna dhaarsadeen libaaxii iyo tolkood oo is hor toban gadaal kasoo galeen dhabarjabinna kusammeeyeen libaaxii. Libaaxii markii gadaal lagasoo galay oo ladhabarjabiyey ayuu barxay oo inta badan kala cararay. Laba libaax oo xagal daacday cararina kari wayday ayey dhallinyaradii waramaha iyo tooriyihii ay kuhubaysnaayeen saareen. Ilaahay wuxuu xukmiyey inay jeeskii yaraa ee fulaynimada lugu xamman jirey ay boqorkii dugaagga dhagta dhiigga udareen oy laba aar oo libaaxyo ah ay gacanta ula tageen halkaana ku googooyeen.
Reer Galsarriigle arrintaa aad ayey ugu riyaaqeen waxayna isu arkeen inay wixii maalintaa kadanbeeyo aynan ahayn dad la’iska daliilaysan karo cidii faraha lasoo gashana sida libaaxaa dhagta dhiigga loo dari.
Nin marka jeeska kamid ahaa ayaa ishayn waayey oo u riyaaqay guusha tolkii gaadhay iyo sida ilaahay heeryadii fulaynimada ahayd uga riday, wuxuu markaa tiriyey tix maanso ah oo uu kusharaxayo inay Reer Galsarriigle balaayo noqdeen oon sidii hore looga talogali karin maadaama ay u hanoqaadeen wiilal dhallinyaro ah oo uu ugu waqlalay Hubcad, wuxuuna markaa kudhaaddhaatay jeeskii kale ee ay iskuqoloda ahayeen oo uu kucaayey inay ayaga waa qoloda kale ee ay wali daciifnimo kudanbayso, wuxuuna yidhi sidan;
- Sida Reer Galhiglaadeey
- Sida Reer Galhiglaadeey
- Gaatummaale dhurwaa iyo
- Guntu noo muhan maysoo
- Hubcadoon gabbanaynbaa
- Guga noo hanaqaaddoo
- Gucummaale libaaxbay
- Garbasaar kudileeneey
Waxaa layidhi waagaa wixii kadanbeeyey Jeeskii Reer Galsarriigle ahaa ciyaar ciyaar wax loogama qaadin oo haddee adigaba qiyaas rag libaax kudagaal bartay dad nool ma’udaahayaan?
Somaali iyo dagaaloogayaal ama ashahaado ladirire
Qisadan waxaan usoo qaatay inaan kumiithaalo niman dhallinyaro ah oon soomaali uga duwanayn nimanka uu maansoodaha aan soo xusay uu ugu yeedhay “Hubcad oon gabbanayn”. Waxaa dadka soomaaliyeed haysatay dhibaato kasoo billaabatay dhammaadkii qarnigii 19 aad kadib markay gaalo caddaan iyo madowba leh utashatay muslimiintii Geeska Afrika siiba Soomaalida oo markaa ugu dhaqdhaqaaq roonayd. Gummaysigii iskatag, xorriyad laqaaday, dawlad dimuqraadi ah dhalatay mid shuuci ah kadanbaysay, waxaa ugu danbayn afka loo galay Dagaalooge iyo Ashahaado ladirire inkaar qabo oo kuwii hore ee laga sheegtay ay iqarso unoqdeen. Kadib waa mucjiso iyo meeluu alle waxkawadee waxaa 2006 halmar soo baxay “hubcad oon gabbanayn”. Waxaa soo shaacbaxay niman dhallinyaro ah oon hore loo aqoonin oon cidna kagabanaynin, waxaa soo baxay urur layidhaa Maxkamadaha Islaamka, waxaa kaloo soo baxay urur lamagacbaxay Shabaab oo kakooban dhallinyaro aad u da’ yar yar. Ashahaado ladirirayaashii kibray ayey kabtooda kor utuureen oo ay iqariya iqariyo uga yeedhsiiyeen. Kadib awowgii Ashahaado ladirirayaasha iyo adeerkoodii kagatay diintii ay haysteen ayaa yimid asagoo afka ka burinayo. Sawaariikh iyo madaafiic iyo gantaallo iyo sun kiimiko ah ayuu kor iyo hoos iyo bidix iyo mid uriday dhibaato iyo dhaawac badanna gaysay.
Hubcad intii xoogaa ah ayaa lawaayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, Reer Galsarriigle xoogaa niyaddooda ayaa hoos udhacday waxayna kusigteen inay dib uga noqdaan maansadii ay hore utiriyeen, Reer Galhiglaadna raalligalin siiyaan, bal waa amar allee oo lama ogola in laquusto e halmar unbaa haddana laga warhelay Hubcad oo meel walba taagan iyo ashahaado ladiririyo adeerradood oo af labadii dhawaaqayo.
Libaaxii Geeska Afrika
Iyadoo dhinac wax loo dhaqaajiyo lala’yahay iyadoo cabsi awgeed dadkii talo kahoos baxday oo uu libaaxii Geeska Afrika Reer Galsarriigle gabogabaystay Reer Galhiglaadena meel kuhubsaday ayey dhallinyaradaa aan gabbanayn ee Ashabaab labaxay waramahooda lasoo baxeen, tuseenna sida libaaxa labada jees gabagabaystay loo dhaawaco oo la’isaga celiyo. Intaa wixii kadanbaysay kalsoonidii ayaa soo laabatay waxaana labartay inuu qof walba libaax noqon karo hadduu asaga doono. Reer Galsarriiglena waxay go’aan kugaadheen inayna maansadoodii ayna kanoqon oy ku’adkaystaan imtixaan kasta oo lamariyo. Waxaa soomaaliya kasoo socdo ama kabillowdayba kacdoon ay ayaga waa Ashabaabee ay hormuud uyihiin tooshkana ay uwadaan. Waxay muujiyeen geesnimo xaddhaafa iyo alla aaminid aan hore gayiga soomaaliyeed loogu arag. Waxaad ugu yeedhi kartaa ururkii ugu horreeyey ee mabaadii’ sare aaminsan 100 %, ururkaasoo saafi ka’ah qabyaalad, xigsi iyo waxyaabaha soomaaliya dhulka dhigay. Waa dhallinyaro aan geerida kacabsoon oo naftooda ilaahaygii uuntay ka iibsaday. Waxay ballanqaadeen intii tabartooda ah inay libaaxa Geeska Afrika ciddiyaha iyo miciyaha kasiibi meelna kusoo hubsan. Runtiina ballanqaadkaas way kaga dhabeeyeen oo si hufan ayey ugasoo baxeen qaybtiisii hore intii kalena waa socotaa, kadib muslimiintii inta dareen islaanimo jirkooda kudanbeeyey hiil iyo hoobay lagarab istaageen. Sidaa ayeyna hawshu kusocotaa. Waxaase mucjiso noqotay inuu libaaxii Geeska Afrika durba jahowareer lasoo darsay oo uu dareemay waxa kusoo fool leh. Intuu labaatan gaadhi ciidan kabuuxiyo oo xoogaa taangiyo ah iyo madaafiicda goobta ah kudaro ayuu kolba dagmo tagi iskuna dayi cabsi galin iyo caga juglayn sidii iyadoo midho dhali. Libaaxu inuu Soomaaliyada xorta ah ama aan dhaho (Reer Galsarriigle) soo weeraro ma’ahayn hadday dhacdayse waa mindi uus kutagtay oo mujaahidiintana meel ay kanoqdaan majoogaan asagana meel uu kanoqdo majoogo. Xaalku wuxuu umuuqdaa marka inay noqoni in mid un afka ciidda loo daro.