SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 

2007: Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II


Dimoqraadiyadda oo dawo laga dhigay

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 

Jan 27, 2008


Hordhac

Waxaa laga sheekeeyey qiso aan lacaddayn inay run ahayd iyo inkale balse udhignayd sidan;

Nin Soomaali ah ayaa degmadii uu kunoolaa sheegtay inuu xallin karo dhibaato kasta oo qofka lasoo daristo nolol maamleedkiisa. Markuu qof uyimmaadona asagoon is taxallujin culaysna isa saarin ayuu dhihi jirey neef idaha oo buuran qalo badhidiisana shiilo oo cab. Hadduu qofka lug kajabo, hadduu calool xanuun kudhaco, hadday baadi kalunto iyo hadduu madaxa xanuunaba dhammaan dhibabka adduunyo ee yimmaaddo dawada uu kuxalliyo waxay ahayd in neef adhi ah oo buuran laqasho badhidana inta lashiisho lacabbo. Hadda markan lajoogo muddooyinkan danbe dalalka Reer Galbeedka ayaa siiba intuu Shuucigii dhintay waxay caado kadhigteen inay dalalka soo korayo kucadaadiyaan ama kukhasbaan inay qaatan waxyaabo kala duwan sida siyaasaddooda dhaqaale oy sii mariyaan World Bank (Bangiga Adduunka), IMF ( Hay’adda Lacagta Adduunka) iyo middooda maamul ooy u adeegsadaan Dimoqraadiyaada iyadoon loo meel dayin, oo markaas horey laga billaabo tallaabooyinka ay soo qaddimmaan sida in doorashooyin xor ah iyo xisbiyo fara badan oo kala fikrada ah oo tartama lugu dhaqaaqo. Marba marka kasii danbayso ayey sheekadaas usii ekaanaysaa dawadii uu odayga kor lugu xusay ku dawaynayey xanuunada iyo dhibaatoyinka lasoo darsayey degmadii uu daganaa.

Waxaan jeclaystay inaan bal xoogaa yar ka idhaahdo sida ay Reer Galbeedku ugu tacadiyeen dunida saddeexaad. 

Dimoqraaddiyo iyo macnaha ay xanbaarsan tahay

Erayga waa eray Giriig ah oo kakooban laba macno oo la’isa saaray sida luqada carabiga loo yaqaanno erayada lammaana ah oo ladhaho (tarkiib) macnaha wax isa saaran ama la’iskudhajiyey. Qaybta hore ee erayga waxay kadhigan tahay ama kasoo jeedda DEMOS oo Giriig ah fasirkeeduna yahay dadka halka qaybta danbe iyada ay noqonayso KRATEIN oo macnaheedu yahay xukun ama talin. Markii la’isku dhajiyey waxaa soo baxay macne ah xukunkii dadka ama maamulkii dadka oo xanbaarsan aragtida ah inay taladu ka’go’do dadka oo ayaga waxay rabaan ay hirgalin wixii kalena ay diidi karaan. 

Maamul ahaan waxaa aduunyada ugu horreeyey baa layidhi oo billaabay inta la ogyahay magaalooyinkii uu kakoobnaa dhulkii Giriiggii hore. Kadibna qarniyadii danbe waxaa isticmaalay oo si tartiib tartiiba ugu dhaqmay Reer Yurub oo xag adduunyo kuliibaanay. Bal dhibaatadu waxay timid markay yidhaahdeen meel walba oo maamul xumo kajirto hallugu daweeyo Dimoqraadiyo. 

Dimoqraadiyadda iyo Afrika (dunida saddexaad)

Haddaan dalalka Afrika kasoo qaadno qof jirran oo uu xanuun hayo oo Yurub dawo usoo doontay Yurubna ay noqoto dhakhtarkii dawada lawaydiistay wuxuu xaal u egyahay sidan; 

-Bukaan (Afrika ama dunida seddexaad kayimid); haah haah hiih hiih waan ildarrahay ee talo ma’ii haysaa dhakhtaroow? 

-Dhakhtar( EU, USA, CANADA ama AUSTRALIA); ii sug waxyar aan indho indheeyee, haa hmm hmm, haddaan helay! haddaan helay meesha lagaa hayo! wallee haddaan fahmay hmm hmm haa! 

-Bukaan; ma’adoon i baadhin oon saxaro, kaadi, dhiig, calyo midna iga qaadin, oo ma adoon feedhahayga dhagaysan oon qufaca i hayo, riiraxyada iyo dhuun xanuuna aan wax kacuni la’ahayba aan fiirin baad fahamtay? Soo tiise dhakhaatiirtu dhiigga dadka kacabiri jirtay oo indhaha intay faydaan fiirin jirtey? Aaway fiisitadii? Mashaqaa taagan? Seed ku fahamtay xanuunkayga? 

-Dhakhtar; iskadhaaf anaa ku idhiye aadbaan ufahmay waxa aad tururixinaysana looma baahno maxaa yeelay xanuunkan horuu noosoo maray ee aan su’aal yar kuwaydiiyo? 

-Bukaan; haye bal iwaydii! 

-Dhakhtar; maamul xumo makudishay? Horumar la’aanse? Musuqmaasuq baahsan oon cidna kadhaaran karin? tayo xumo? Kalsooni xumo xitaa aad midabkaada ilaahay kugu mannaystay aad cuqdad nafsi ah kaqaadday? Aqoon yarise kawarran iyada? 

-Bukaan; dhakhtar, intaa iyo inlamidaba waa waxa aan lataahayo ee sanbabada ii galay een dawo uwaayey! Ee maxaa xal ah? 

-Dhakhtar; haa hiim hiim! miyaanan kudhihin horaan kagartay xanuunka aad la’ildaran tahay, waana sida aad sheegtay oo waxaa asal u ah xanuunka kuhayo, kalitalisnimo (diktaatooriyad) cudurkaana waxaa sabab u ah nooc feetamiinnada kamida oo aad muhiim u ah oo jirka kuyaraado kadib ayuu xanuunkaa ba’an qofka soo ridaa! 

-Bukaan; dhakhtar, malloo dhintaa oo halis mayahay? Dawose malloo hayaa? Tallaalse kawarran? 

-Dhakhtar; Waa halis wuxuuna aad ugu egyahay fayruuska loo yaqaanno HIV ga oo intuu jirka galo oo uu daciifiyo difaaca dabiiciga ah ee jirka marka danbena AIDS oo kale noqdo oo si dhibyar ayuu qofka uga takhalusaa. Bal dawaan annaga uhellay intii muddo ahna u isticmaalaynay oo 100% ayey waxka qabanaysaa, markaa haa waa cudur halis ah, oo haa dawo waa loo hayaa waanaba lacag la’aan, tallaalse majiro illaa iyo hadda. 

-Bukaan; Cajiib! illeen adaa warhayo, marka dawada iisheeg waa khayr haddaad heshay si dhibyar mashqada igu habsatayee! 

-Dhakhtar; meel kale loo raadin mahayo, waxaad qaadani oon kuu qori kiniini layidhaa dimoqraadiyo waana feetamiinkii kaa maqnaa markaad cunto ood afartii sanaba mar qaadato inyar inyar baad usoo fiicnaani kadibna si buuxdo ayaad ucaafimaadi oo kaliya waxaan kusiini ood laqaadani fiitamiinka, laba kareem (dufan) oo aad jirka ku malooqi habeen iyo maalin akhiiranna qallafka, kagnaanta iyo macangagnimada kudilootay ayaa kaa bi’i oo wuu dabci jirkaada haa hm hm. 

-Bukaan; adeer haddee labada kareemna magacooda iisheeg waad iga iloowdayee! 

-Dhakhtar; haa raalli ahoow waa runtaayee, kareemka magacooda waa kaalmo (aid) haa hm hm, kiniiniga fiitamiinka ee dimuqraadiyada iyo kareemka kaalmada ladhaho oo kujiro dhalo ay kuqoran tahay (World Bank iyo IMF) garan waayi maysidee seddexdaa iskudarso horey ayaad kafiicnaani oo uu jirku kuugu jilci oo qufacu iyo xummadaba ay ku dayni. 

-Bukaan; adiga dhakhtaroow wali ma’isku dayday dawooyinkan aad ii qortay, waxaa iiga kaa muuqato laftaada xoogaa macangagnimo iyo kalitalisnimo ehee? 

-Dhakhtar; haka yaabin anigaa! Iih hmm, annaga waan katallaalannahay arrinkaas kalitalisnimo iyo qallafsanaan midna hasheegin, waxaan umalayn xanuunka muddada kuhayey ayaa xiska wax kaa gaadhsiiyey oo sax iyo khaladba kalama garan kartid, waadse caafimaadi dhawaan ee aniga hawlahayga iskadhaaf. 

-Bukaan; dhakhtar soo adigii hadda lahaa ma’ahayn tallaal majiro xaggeed kahesheen idinka? 

-Dhakhtar; dhagayso horta aan kuu sheegee bukaan hadal badanbaad tahay ee aan talo kusiiyo, markaad xanuunsan tahay si dawo luguugu helo waa lagamamaarmaan inaad kalsooni umuujiso dhakhtarka kudawaynayo iyo dawada uu kuu qorayo labadaba haddii kale waligaa caafimaadi maysid! Waa maxay su’aalaha farada badan eed farraqayso? Midda kalese ha illoobin waxa xanuunsan waa digee, aniga miiska massaarri! 

-Bukaan; aad iyo aadbaad umahadsantahay wanaag iyo liibaan baan kuu rajayn. 

Bukaankii dunida saddexaad kayimid asagoo faraxsan oo durba neecaw caafimaad dareemayo ayuu katagay meesha dawooyinkiina qaatay. Meeshuu kasugayey caafimaad fiitamiinkii horta fawdo iyo fadqallalo ayuu uhorseeday oo xanuunba hayey kolkii hore balse noloshiisa gacanta ayey ugu jirtay, hadda xagga nafta ayey fawdo kasoo haleeshay, wuuna jilicay oo awoodi waa inuu waxba hanto. Wixii uu hore u aaminsaana waxna kuxallisan jirey waxaa badalay waxkale oo uusan fahamaynin aaminsanaynna oo uu iskudayey inuu liqo wuuse ku margaday. Dufankii layidhi jirka mari waad kujilci iyada sidii loo sheegaybay noqotay oo xubnihii jirka ayaa dabcay oo kala daatay, dhaqdhaqaaqiina wuu kayaraaday oo xitaa shaqadii yarayd ee uu qabsan jirey way gabsiisay, kareem! Kareem imariya unbaa kasoo hadhay. 

Dimoqraadiyadda iyo islaamka

Dadbaa laga sheegay inay kudoodeen in dimuqraadiyada iyo islaamku is leeyihiin oo uusan farqi wayn udhaxayn. Haddalkaa waa hadal halis ah oo gaf ah ayna munaasab ahayn inuu qof diin iyo caqliba leh uu kuhadlo aniga aragtidayda. Qofka hadalkaa leh waxaan qiyaasay inuu kawado waxaa jiro meelo ay iska waafaqaan dimuqraadiyadda iyo islaamka. Hadalkaa waa hadal run noqon kara oo lugu hadli karo oo waa laheli meelo ay isaga ekaan karaan, oo shuuciyadda oo kasii fog dimoqraadiyada ayaaba laga heli meel ay islaamka isaga ekaan karaan sida caddaaladda oo ay halkudhag kadhigato shuuciyadu iyo sinnaanta in aan dadka loo kala eexan lana kala korraysiin iwm. Xaqiiqdiise majiro mabda’ ay islaamka isku mid yihiin marka laga reebo inay meela ay isaga ekaan karaan. 

Intuusan qofka kudoodayo dimuqraadiyo iyo islaambaa is leh uusan meel fogba eegin waxaa looga fadhiyaa inuu labada magac ee ay labada mabda’ kala wataan aasaasna u ah caqiidadooda uu is waafajiyo waayo farqiga udhaxeeyo iyo kala fogaanshahoodaba magaca ayuu kabillowdaa. Meesha ay Dimuqraadiyadda kuwaqlalatay magaca “xukunkii dadka” ama halkudhag kadhigatay xukunka dadkaa leh, macnaheeduna tahay waxaa laqadarin wixii dadku ubataan, waxaa islaamka dhinaciisa umagac ah isdhiibid ilaahay la’isu dhiibo oo ayna jirin xorriyad qofka loo oggolyahay illaa mid uu alle ujideeyey mooye, waxaana halkudhag u ah “xukunka allaa leh” haddaad iyadoo giriig ah rabtana waxay noqoni Theocracy ( Theo oo ah ilaah iyo Cracy oo ah xukun, macnaheeduna uu noqon xukunkii ilaahay).  

Waxaa miithaal kuugu filan mabda’a dimoqraaddiga; dalkan iswiidhan kaniisaddiisa waxay muddo dheer kacagojiidaysaa inay aqbasho in dadka isku jinsiga ah ee israba loo ogolaado inay sida ragga iyo dumarkoo kale isu guursadaan, oo waa sii horreeyey ayaa loo sammeeyey eray bixin guur u eg balse kadaraja hoosayso darajada guurka ragga iyo haweenka, waxaana lyidhi afka iswiidhishka “Registrerat partnerskap” ama Ingiriiska “civil union” oo macnaheedu yahay dadka kunool qaab guur oo kale ah. Hadda waxaa socoto dood daran oo ah in loo oggolaado dadka noocaas ah inay guur caadi ah isguursadaan. Waxaana lasheegayaa inay 75% dadka aaminsan yihiin ama kuwa ay doorteen ay aaminsanyihiin in loo oggolaado dadkaas inay si caadi ah isu guursadaan. Sida caadiga ah markay arrintaasoo kale hirgasho, qofka dimoqraadiga waa inuu raalli kunoqdaa aqbalaana arrintaa muran la’aan illeen dadkaa taliyo ayaga ayaana taladan keenayee. Qofkii aan raalli ka’ahayn oo aqbali waayo go’aankaas ay aqlabiyadda qalinka kuduugayso hoostana ka gunuunaco waxkale ayuu aaminsan yahay sida muuqato ee dimoqraaddi ma’aha. 

Gabogabadii

Inkastoo ay dalalka Yurub iyo Maraykanka iyo kuwa lahalmaalo kuliibaaneen xag adduunyo dimoqraadiyadda taasi macnaheedu ma’aha inay cid walba dawo unoqoni oo ay iyana kuliibaani, maxaa yeelay si ay dimoqraadiyo natiijo ukeento waa inay dadkaa dhaqankooda iyo qaab nololedkooda ay waafaqsantahay ayna tahay wax ay fahmi karaan ooy kudhaqmi karaan aaminaanna amaba ay hore u aaminsanaayeen. Sidoo kale siyaasiyiintooda waa inay sidii kiniiniga oo kale uliqaan oynan kadhigan jaranjaro ay meel kufuulayaan oo kale ee ay aaminaan 100% kunadhaqmaan. Taas markay saa noqon wayday waxay noqotay sun la’eeday sakaraatkii lugu jireyna sii siyaadisay. Si’aad u xaqiiqsato arrintaa baadh caaifmaadka Kenya, Masar, Aljeria, Tunisia, Yaman, Nayjeeria, iyo dalalka dunida saddexaad intooda badan siiba kuwa muslimka ah. Balose waxay imani markuu dhakhtarkaas kaligii taliyaha ah oo madax falluuqa qabo yidhaahdo Soomaaliya kiniinigaa iyo kareemkaas ha qaadato. Waxaan umalayn inuusan sawirka kuusoo bixi dahsoonayn. Xisbiyada magacyadooda ragga horboodi hadafkooda iyo caamada bulshada oo kolba sidii xayawaan baribiyoodle ah marna biyo lamukhuurin marna bannaanka lakeeni. 

Haddii ay bulsho rabto inay hirgashato nidaam ay isku maamusho waxaa lahubaa inuusan jirin wax u dhaamo hadba kay taqaanno ee ay aaminsantahay kuna habboon dhaqankeeda iyo nolosheeda. Saldhigga fashilka dawladnimada Soomaaliya ee soo billaabatay 1960 markii ay Reer Yurub xukunka wareejiyeen ma’ahayn waxkale ee wuxuu ahaa in bulshada layidhi ha lugu maamulo waxaynanba fahmayn oo aan waafaqsanayn dhaqankeeda, caqiidadeeda iyo nolosheeda midna. Nidaamyadii la’iskudhabar jabiyey waxay noqdeen hal bacaad lugu lisay si kasta oo loo maalgaliyey si kasta oo loogu dhabar jabay bal adigu si dheh, waxba soo naaso caddaan waaye. Markii danbena dadkiibaabaa colaadiyey oo xididada usiibay ileen waa wax aan macno ugu fadhininee. Dadka marka dimuqraadiyadda haddana rabo inay Soomaaliya uhorseedaan ama ku riyoonaya waa inay dib uraacaan wixii hore usoo dhacay iyo ciladda meesha ay katimid. Sideedaba si kastoo ufiicanyahay si kastuu qiimmo uleeyahay nidaam kaligii meel magaadho, oo waxa nidaam ama mabda’ hirgaliyo ama qiimo uyeelo waa dadka oo aamino daacadna kanoqdo una hagarbaxa.  

Haddaad halkudhag kadhigatay Dimoqraaddiyo ayaa loo baahan yahay ha umalayn inaad sidaa wanaag kukeeni, sidoo kale hadday dimoqraaddiyad dalal kale hore umarisay ha moodin inay cid walba hore umarin. Kama duwana qof xanuunsaday oo dawo uu cunay oo uu kucaafimaaday qof kasta oo uu lakulmo oo xanuunsan yidhaa dawadan qaado anaa ku caafimaadayee. Bulsho waxaa horseedi karo qof ama koox ay aaminsantahay ixtiraamna uhayso sidoo kale sharci iyo nidaam ay dadku ayagoon lugu khasbin xafidaan oy aqbalaan oy kuqanacsanyihiin, wixii intaa kasoo hadha waa wax kumeel gaadh ah oo cimrigiisu iyo calafkiisaba xaddidan yihiin. 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2008

Fanka iyo Fannaanada: Fannaaniinta oo cimri gaaban iyo Fannaaniinta soomaalida iyo ciidaha barakaysan... Akhri..

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com