SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Duqayn Iyo Weeraro Madaafiiceed Oo Ay Dad Rayid Ahi Ku Nafwaayeen Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sawiroo halkan ka daawo..

Weeraro Iyo Duqayn xoogan ayaa maanta laysku weydaarsaday magaalada muqdisho kadib markii ay diyaarad ay leeyihiin ciidamada milatariga ee AMISOM gaar ahaan kuwa ugaandha ay garoonka caalamiga ee aadan cadde airport kasoo degtay .

Hoobiyeyaal dhowr ah ayaa lagu tuuray garoonka gudahiisa iyadoo halkaasina ay jawaab celis uga soo dhigeen ciidamada dalka ugaandha hubka madaafiicda ee wax gumaada iyadoo ay madaafiicdaasi dhamaantood la beegsadeen suuqa ganacsiga ee bakaaraha Halkaasoo ay ku nafwaayeen inta la og yahay ilaa 9-qof iyo tiro kale oo dhaawaca

Afhayeenka ciidmada AMISOM Birighi Buhuuku ayaa saxaafada u sheegay inay diyaarada garoonka kasoo degtay ay saarnaayeen koox kamid ah ciidamadooda oo xoojin ah kuwaasoo uu sheegay inaysan wax khasaare ah kasoo gaarin madaafiicda lagu soo tuuray .

Captan buhuuku ayaa sidoo kale iska fogeeyey eedayn kaga imaanaysa dhinacyada bulshada ku dhaqan gobolka banaadir oo oranaysa inay Gumaad ba,an ka gaysteen mudooyinkii Ugu dambeeyey iyo maantaba ciidamada ugaandha suuqa bakaaraha iyo goobaha ka ag dhow isagoo sheegay inaysan waxba kama jiraan tahay islamarkaana aysan madaafiic kusoo tuurin bakaaraha islamrkaana ay masuul ka yihiin dadka ku baaba,ay halkasi kooxaha weerarka kusoo qaaday waa siduu hadalka u dhigaye

Dhinaca kale Madaxa ganacsatada suuqa bakaaraha cali dheere ayaa ku edeeyey inay ciidamada dalka ugaandha ay duqayn aan loo meel dayin ay dhowaanahanba ku xasuuqayeen shacabka iyagoo bar tilmaameed ka dhiganaya suuqa ganacsiga bakaaraha iyo weliba xaafadaha ay degan yihiin dadka rayidka ah .

Si kastaba ha ahaatee Duqayntan ayaa kusoo beegmaysa xili ay maalmihii Ugu dambeeyey asbuucii nasoo dhaafay ay ku naf waayeen in ka badan 65-qof oo rayid ah halka dhaawacuna uu Cagacagaynayo in ka badan 100-qof iyadoo ay usii dheer tahay barakaca baahsan ee boqolaal qoys ay kaga qaxeen Guryahoodii .


Yaasiin maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 28, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS