SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muqdisho :Madaafiicda iyo karayaasha ciidamada AMISOM oo tiro shacab Somali ah lagu laayey Sabtidii

Daawo Xasuuqa ay Ciidamada Ugandha Geysteen...

Weerar Madaafiic ah ayey Sabtidii (Sept 27) ku qaadeen ciidamada Uganda ee howlaha nabad ilaalineed u jooga Muqdisho Suuqa weyn ee Bakaaraha , halkaasoo ay ku le’deen dad badan oo rayid ah .

Weerarkan oo uu geysanayay tiro taangiyo ah oo taagnaa Fagaaraha KM4 ayaa ku garaacay Suuqa Bakaaraha ku dhawaad 20 madfac , waxaana la xaqiijiyay geerida 8 ruux oo laba haween ah ay ku jireen iyo dhaawaca in ka badan 32 ruux sida ay sheegeen ilo milatari iyo ilo caafimaad oo ku sugan cusbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxa uu yimid daqiiqado kooban kadib markii xoogaga Alshabaab oo ka dhiidhinayay diyaarad yar oo nooca ganacsiga ah oo ku soo degatay garoon-ka , kuna ganay tobaneeyo madaafiic-da hoobiyaasha ah .

Hase ahaatee diyaaradda oo waqti nus saac ku dhawaad garoon-ka fadhiday ayaa isaga duushay si nabad gelyo ah , wax khasaare oo gaareyna lama sheegin dhinaca ciidamada Uganda ee fadhigoodu yahay Airbor-ka weyn ee Muqdisho oo maalmahaan horsed u noqday inuu daato dhiiga dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan oo madaafiicda ay ku dul hoobatay goobaha ay degan yihiin iyo goobaha ay ka ganasadaan intaba .

Arrintan ayaa ku soo beegantay xiili Suuqa Bakaaraha uu maanta ahaa mashquul aad u daran oo dadku ay u diyaar garoobayeen Ciida Soon-fureed ( Ciidul-Fidri) .

waxqabadka cisp iyo iida ee gobolka g/gaduud, howlo caafimad oo ay halkaasi ka fuliyeen iyo dugsi ay halkaasi ka hirgeliyeen.

Sawirada Halkan ka daawo...

ururka iida ee horumarinta haweenka somaaliyeed iyo hayadda caalamiga ah ee cisp oo ah hay’ad talyani ah oo is kaashanaya ayaa howlo samafal ka wada gobka galgaduud howlahaas oo kala ah caafimaad, waxbarasho iyo biyaha iyo nadafadda.

hayadda cisp oo horay uga shaqaynjirtay gobalka galgaduud gaarahaan deganada ceel dheer iyo xarar dheere ayaa howlaheeda ku kordhisay deganada dhusamareeb, guriceel iyo xerale.
sidoo kale iida oo xarumaheedu ku yaalaan mogadishu iyo marka ayaa howlaheeda ku baahisay gobolka galgaduud xaafisyana ka furatay dhusamareeb iyo guriceel.
sida la wada ogyahay waxaa gobolka galgaduud ka jirta xaalad aad u adag oo aay kaliftay abaarah maadama ayan 3 sano roob ka da’in agaas. gobolka waxaa ku soo barakacay dadkii la soo barakicayay dagaalada xamar iyo dagaladii baled wayne, iyada oo taas lala ciirayo ayaa haddan abaarahaan dhibato badan u gaysteen dadka iyo duunyadiiba.

waxaa soo barkacy dadkii reer miyiga ahaa, magalada guriceel waxaa ka furan 6 xero oo ay ku jiraan dad tiradoodu kor u dhaafeen 3000 oo qoys.
dhibataas oo kentay cudua iyo weliba dhimasho ayaa iida iyo cisp oo iskaashanayo ku dhaqaaqeen in aay diyariyaan bukaan socoto mobile ah oo aay ku weegayaan deganada dadku daganyahii madama aay suura gal ahayn in aay soo gaaraan xaruumaha caafimaadka.
si arintaan u fusho iida waxaay la tashatay kana codsatay in uu wakhtigiisa ku tabaruco dr cubayd daahir oo ku takhasusay cuduada caruurta si uu caafimadka dadka tabarta daran oo kala ah caruurta, haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya dawada aay u baahanyahiina u qoro kadibna aan isla goobta ku siina inta aay cisp/iida hayaan.

waxaa malintii shalay team-kii socday u suura gashay in aay gaaraan degamada gadoon iyo mareergur oo lagula kulamay dad aad u dhibaateysan iyo caruur noloshooda qaar ay ku sugan tahay xaalad aad u liidato, caruurtan ayaa u baahan inay helaan gargaar degdeg ah dadka ku nool deegaanadaas ayaa codsady in lala soo gaaro gacan deg deg ah mana jiraan goobahaas wax rugo caafimad ah oo xiligan ka shaqeynayo taas oo sababtay in maalin walba ay u geeriyoodan hooyadii iyo dhalaankaba cuduro la daweyn karo.

howlahaan caafimaad ee hey’adaha ururka iida/cisp waxay ka fuliyeen deegaanada xerale iyo xananburo oo iyagana lagala kulmay sidii deegamadii hore.
sidoo kale waxaa magaalada guriceel lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay taasoo ah xaflad lagu wareejinayay dugsiga daryeel oo uruk iida/cisp ka dhiseen degmada guriceel iskuulkan ayaa lagu wareejiyay maamulka degmada guricel iyo hay’adda ileys foundation.
xafladaas waxaa ka soo qaybgalay ugaska beesha ugas xassan, odayaasha dhaqanka , guddomiyaha degmada guriceel, ha’adaha samafalka,aqoonyahano ka kala yimid dalka iyo dibadda, guddomiya waxbarshada gobolka galgaduud madaxa isbitalka istarlin, waalidiinta, culumadiinka, haweenka iyo ardada.

dugsigaan oo markii hore ku shaqeynayay guri kiro ah ayaa loogu talagay in aay wax ku bartaan arday tiradoodu gaareeyso 380 arday. dhismaha dugsigaan waxuu ka mid yahay mashaariicda aay iida iyo cisp oo iskaashanaya ka wadaan deganada guriceel, dhusamareb, herale iyo gadon.

xilwareejintii waxaa ka soo jeediyay khudbado wax tar u leh waxbarashada iyo nabada uga zas hassan mohamed, guddomiya degmada guricel, madaxa hayadda ilays mohamed macalim, gudoomiya waxbarashada galgaduud ali mohamed ciro, wakiilka ururka iida ahna madaxa xaafiska cisp ee degaanada dhusamreeb, guricel iyo xerale halima ismail

....

Isbitaalada Banaadir iyo Laansareeti oo maanta si lacag la’aan u fuliyay howlo isugu jira daweyn iyo baaris caafimaad

Sawirada Cisbitaalka banaadir ka daawo halkan...

Isbitaalada Banaadir iyo laansareeti ayaa waxaa maanta laga fuliyay howlo daweyn iyo baaritaan caafimaad oo lacag la’aan ah, iyadoo howlahaasina ay ka qeyb qaateen dhakhaatiir Soomaaliyeed oo ka howlgala gudaha dalka, kuwaasi oo iyagu hore u ballanqaaday inay howshaani fulinayaan.
Isbitaalka Banaadir ayay dhakhaatiirtani ka fuliyeen daweyn iyo baaritaano caafimaad dad gaaraya 150-qofood oo isugu jira dad da’ ah, haween iyo caruur, iyadoo dhaqaatiirtaasi ay sheegeen inay howlahaasi ku guuleysteen, iyadoo arrintaasi uga mahad celiyay dadweynaha iyo maamulada Isbitaalkaasi, howlaha mutadawacnimo ee ay fulinayaan.

Dhaqaatiirtan ayaa Isbitaalka Banaadir waxay dadweynaha tegay maanta siiyeen dhammaan adeegyadii ay u baahnaayeen, iyadoo dadka loo heli karo dawooyin la siiyay, halka kuwa aan loo heli Karin iyana la siiyay warqado ay ku qoran yihiin dawooyinkii ay ku iibsan lahaayeen,waxayna dadku ahaayeen kuwo aad ugu faraxsan howlahan ay sameynayaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo ah markii ugu horeysay oo ay ku dhaqaaqaan arrintan.

Isbitaalka Laansareeti ayaa sidoo kale waxaa isna laga fuliyay maanta howlo isugu jira daweyn iyo baaritaan oo ay ka fulinayeen dhaqaatiirta magaalada Muqdisho qaarkood, waxaana halkaasi tegay dadweyne aad u fara badan oo iyagu aan heysan wax ay isku baaraan, iyagoo ka faa’iideysanaya lacag la’aanta ay ku dhawaaqeen inay ku shaqeynayaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed.
Ugu yaraan bukaan gaaraya 196-bukaan ayaa loo fuliyay howlo isugu jira baaritaan iyo dawo lacag la’aan ah oo la siiyay Isbitaalka Banaadir, iyadoo dhaqaatiirtii ka qeyb gashayna ay sheegeen inaan dadkaasi wax lacag ah laga qaadin, isla markaana intii ay heli kareen oo dawo ah la siiyay, iyadoo dawadaasi laga bixiyay Isbitaalka Laansareeti ay dhiibeen Hay’adda CISP iyo IIDA, oo iyagu ugu tabarucay dadka Soomaaliyeed inay siiyaan dawadaasi bisha barakeysan ee Ramadaan fadligeeda.

Dadkii maanta isugu yimid Isbitaalka Laansareeti oo ahaa kuwo aad u fara badan ayaa wejiyadooda waxaa ka muuqday inay si weyn ugu faraxsanaayeen daawooyinkan lacag la’aanta ah iyo howlahan baaritaan oo ay fulinayaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed, iyadoo dadka ay u duceynayeen Hay’adda CISP iyo IIDA oo iyagu abaabulay howlahan samafal.
Hay’adda CISP oo iyadu bixisay daawooyinkaasi sida lacag la’aanta ah ay manta uga qeybiyeen dhaqaatiirta Soomaaliyeed Isbitaalka Laansareeti, halka Hay’adda IIDA ay iyadu fulisay howlahaasi oo dhan isla markaana ka dhacay Isbitaalka Laansareeti, iyadoo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay iyaguna qeyb lixaad leh ka qaateen.

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee iyagu howlahani fuliyay ayaa xalay Idaacadaha gudaha ka sheegay inay bisha barakeysan ee Ramadaan iyo habeenka Leylatul Qadriga awgeed fulinayaan baaritaano iyo daweyn lacag la’aan ah, waana markii ugu horeysay oo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay fuliyaan howlo caafimaad oo lacag la’aan ah, waliba bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana arrintaasi aad u soo dhoweeyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 28, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS