SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barakacayaasha ku dhaqan deegaanka carbiska oo cabasho xoogan ka muujiyey waxqabadka si yaraanaya ee hay'addda

Sawirada Halkan ka daawo....

Ma dhabbaa in xafiiskii hay.adda Islamic relief ee somailya loo rarayo koofurta dalka suudaan xeryahay ( daarfuur )

Banaan baxayaashaan ayaa ka codsaday hey.adda Islamic relief in ay soo gaarsiiso cunooyinkii ay siin jirtay , sida bustayaalkii, bacahii robka laga galayey ,raashinkii, daawooyin iyo biyihii dadka guryahoodii ka barakacay ee ku nool duleedka Magaalada Muqdisho , banaabaxaan ayaa ku wajahnaa dhamaan hay,adda qaramada midoobey , kuwa muslimka ah wadamada deeqda bixiya , hay.adda gudaha iyo ganacsatada somaliyeed cidii wax u heli karta ,

Banaanbaxa maanta ayaa ku saabsanaa nin dhalashadiisu suudaani tahay oo hay,adda Islamic relief Nairobi u fadhiya kaas oo lagu magacaabo shihaap oo raba in uu xiro xafiiska muqdisho si uu ugu wareejiyo hay,adda xafiiskeedii muqdisho koonfurta suudaan xeryahay ku yaal ee daarfuur ,

Dareenkaan barakayaasha galay ayaa ka danbeeyey ka dib markii howlihii hay,adda islmic relief kagu wareejiyey hey,addo maxali ah isla markaana ay noqdeen kuwo gaabis ah si uu u xirmo ayey yiraahdeen qaar ka mid ah barakacayashii aan la kulmay waxaana ka muuqatay tiraanyo xogan oo ku aadan gargaarka gaabiska ka noqday xili lagu guda jiro bishii ramadaan ,waxayna intaa ku dareen in ay tageen xafiiskii hay,adda Islamic relief laguna wargaliyey in howlihii laga wareejiyey ayna u dontaan hay,addo maxali ah oo somaliyeed kuwaas oo ay si aad ah u dhaliilsan yihiin,

Hay.adda Islamic relief dadka barakacay waxay u qabatay waxaa ka mid ahaa biyo dhaamin joogto ah , daawada iyo caafimaadka ,sida haweenka ,caruurta , iyo goog lagu daaweyn jiray dadka waaweeyn ,dugsiyo waxbarasho ,musqulo ,waxaana intaa dheeraa rashin bile ah oo bilkasta la siin jiray barakcayaasha waxay si gaar ah wax u siin jirtay dadka tabarta daran iyo agoonta ,waxay bixin jirtay bacaha roobka laga galo ,maacuun ,bustayaal , marakaneecooyin , yaryar iyo waaweyn oo ah kuwo daweysan ,cagadaha biha lagu dhaansado , iyo haamo ka sameysan baco oo biyaha lagu keydsan jiray

Waxaa sidoo kale ay bixin jirtay bilkasta rawshin ku filan ilaa 2000 , 2 kun oo qeys oo isugu jirtay 10 kiilo bur ,10 kiilo sokor , 10 kiilo bariis , afar kilo oo timir ah iyo sadxkiilo oo saliid caday ah ,

Dadka u barkacayaal kuma yaal gaaraya ah oo hoy ka dhigtay buusha ,iyo calalo ulo algu xirxiray kuwaas oo guryahoodi ka doorbiday in ay dagan geedo hoostood una baxay duleedka Magaalada muqdisho qeybo ka tirsan ceelasha biyahay ,calamada , agagaarka Xaawo Cabdi carbiska iyo tulada balbayeeri oo ah halka ay iska galaan carada cas iyo tan madow ayaa cabsho ka dhan ah hay.adda islaamic relief ka muujiyey waxqabad yaraan soo food saartay dadkii ay quudin jirtay hay.adda Islamic relief oo la sheegay in lagu wareejiyey wax qabadkeedii hey.addo maxali ah iyada oo lagu wado in loo wareejiyo xafiiskii ay ku laheyd haya.ddasi dhanka koonfurta dalka suudaan gaar ahaa xeryahay ku yaal ( daarfuur ),

Dadkaan oo ka kobnaa qoysas badan oo horey ay wax u siin jirtay isla markaana dareemay in laga weeciyey gargaarkii ay siin jirtay hay.adda Islamic relief ayaa sameeyey isu soo bax balaaran waxayna ku qeylinayeen ereyo muujinayo sida ay gabiska u tahay howlihii Islamic relief iyo tuhunka galay in laga weecinayo gargaarkii bini aadanimo xili lagu guda jiro bishii Ramadan oo ay filayeen in loo sii laba jibari doono samafalkii la siin jirey , dadkaan ayaa sheegay in mudo laba bilood ah aanay helin gargaarkii uga iman jiray hay,aada Islamic relief ,

Banana baxayaashaan ayaa ka codsaday hey.adda Islamic relief in ay so gaarsiiso cunooyinkii ay siin jirtay , sida bustayaalkii, bacahii robka laga galayey ,raashinkii, dawooyin iyo biyihii dadka guryahoodii ka barakacay ee ku nool duleedka Magaalada Muqdisho , banaabaxaan ayaa ku wajahnaa dhamaan hay,adda qaramada midoobey , kuwa muslimka ah wadamada deeqda bixiya , hay.adda gudaha iyo ganacsatada somaliyeed cidii wax u heli karta,

Barakacayaashaan ayaa sidoo kale shegay in aysan carurtooda u heysan waxbarsho sida iskoolo iyo dugsiyo quraan oo ka maqan halka ay ku nool yihiin mana heystaan sido kale gobo ay ku cibaadaystaan iyada oo bilihii ugu danbeyey ay dareemayeen ma maqnaanshaha haya,addii Islamic relief oo inta badan baahidooda dabooli jirtay,

Haweeney ka mid aheyd dadki baracayaasha ahaa ayaa I sheegtay in roobkii da.ayey uu dusheeda ku dhamaaday iyada oo intaa raacisay in ilmo yar oo ay sidatay ii sheegtay in ay galisay oo ay ku dabooshay baafka dharka lagu meyro waxayna iigu muqatay in ay run ka eheyd warka ay sheegaysay ,

Barakcayaasha ayaa u badnaa haween iyo caruur aad u da.yar iyo dadkale oo waayeelo ah waxaana ay ahaayeen kuwa laga dareemi karo dhibka ka heysto xaga nolosha oo waxaa la maqnaa wax walbo oo nolosha u fududeyn kara,

Sawirada Halkan ka daawo....

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Bakaaro Somalia

00252-1-5576666

00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 20, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS