SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qeylodhaan Abaaro Iyo Biyola'aan Naafeeyay Deg. Cabudwaaq Iyo Balanbale Ee G/Galgudud.

Waxaa isku soo dubaridey:
Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO

Xaalado abaareed oo aad u daran ayaa waxaa laga soo sheegayaa tuulooyin ku xeeran Degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud xili uu sicir barar daashaday nolosha dadkaasi.

Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Cabudwaaq oo iigula soo xiriiray qadka isgaarsiinta ayaa sheegay in qaar kamid ah Dadka Reermiiga ah in ay ka guureen Goobihii ay horey u degenaayeen kaddib markii ay xoolihii ba'een 80% Waxaana sidookale uu sheegay

Qaar kamid ah dadka xoolaha dhaqatada ah ee ku noolaa deg.balanbale ayaa isaga cararay halkaasi kuwaasi oo intoo badan gaaray degaano ay maciin bideen.

Duqowda degaankaasi ayaa tibaaxay in abaarta ay nuglaysay habnololeedka dad oo dhan taasoo ay sheegeen inay u sii dheertahay sicirka biyaha oo aad sare ugu kacay.

Waxaana ay ugu dambayn ka codsadeen hay'adda samafalka iyo jaalliyadaha dibbadaha ee u dhashay halkaasi inay gacan soo gaarsiiyaan dhibanayaasha abaaruhu ay naafeeyeen.

Inkastoo au jiraan roobab aan badnayn oo laga helay hareeraha Deg. Ceelbuur ayaa waxaa dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan degmada Cabudwaaq maankooda ka guuxaya masiibadaasi roob la'aaneed.

Kolonyo Care International U Raran Oo Soo Gaartay Deg.Luuq Ee G/Gedo

Inkabadan 80 gaadiid deeqo mucaawino ah oo u raran hay'adda Care International, looguna talagalay qoys horay uga soo barakacay abaaro, dagaaladda iyo xiisadaha ka jira G/K/Soomaaliya. ayaa soo gaaray deg. Luuq.

Kolonyadaasi oo sida raashin isugu jira galay, digir, saliid iyo boorash ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loo qeybiyo dad badan 15 oo qoys oo dhibaataysan.

Dadkaasi oo u badan haween , carruur iyo dad dhalinyaro ah ayaa waxaa ay kamid yihiin dad ay horay u dhaafeen xoolohooda iyo kuow ka soo cararay dagaallo.

Mucaawinadaasi ayaa waxaa la filayaa in uu gaca ka gaysto hab nololeedka dadkaasi ,ayadoo haatan ay dhulkaasi ka jiraan abaaro iyo kuleyl daran.

Waa markii ugu horaysay oo deeq noocaasi ay timaado degaankaasi muddo labo bilood ah , iyadoo uu jiray muran ka dhaxeeyay hay'adda Care iyo maamulada degaanadaasi oo ku aadan habka raashin qeybinta.

Gaari Laga Soo dhacay Soohdinta Somalia iyo kenya oo lala soogalay G/Gedo

Dableydan hubeysan oo maareeyay in ay si dhuumaaleysi ah uga gudban soodinta u dhaxeysa soomaaliya iyo Kenya ayaa dhac u geystay Gaari u kireysnaa hay'add ka shaqaysa xanaanada carruurta.

Gaarigaasi oo ahaa nooca Picupka looyaqaano kana diiwangashanaa dalka Kenya ayaa waxaa dableydaasi ay afduub u geysan xili uu marayay bartamaha Magaalada Ceelwaaq Kenya Ee gobolka Waqooyimari dalkaasi .


Wararka ayaa sheegaya in dableydaasi oo heybtooda lagu sheegay Soomaali oo xuduuda dhinaca Gobolka Gedo ula soo tilaabeen gaari sida uu xaqiijiyay xuseen xasan Katiilo gudoomiyaha degmada Ceelwaaq soomaaliya .

Dhaca gaarigaasi ayaa waxaa cambaareeyay odayaasha iyo maamul degmada Ceelwaaq ee gobolkan gedo. mana ahan markii ugu horaysay oo dablay ay dhac u gaystaan gaari laga leeyahay dhinaca kenya.


Maxamed Gaarane Aadan

Baardheere/GEDO

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 20, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS