Koobka tayeynta nabadda iyo taabo gelinta doorashada xorta ah oo ka
furmay puntland
Sawirada Halkan ka daawo...
Koobka Tayenta Nabadda iyo Taabo Gelinta Doorashada Xorta Ah oo uu
dhigay Musharax Nuradin Adan Diriye Ayaa ka bilowday Gobolka Mudug ee
Magalaada Galkacyo
Garoonka
Kubadda Cagta ee Galkaio Studium ayaa laga furay koob loogu magac daray
koobk tayenta nabadda iyo taabo gelinta doorashada xorta ah oo loo
dhigay ilaa 20 naadi oo k tirsan naadiyaasha Gobolka Mudug.
Koobkaan ka bilowday magalada galkacyo ayaa sidooo kale waxaa uu ka
furmay gobolo kala duwan oo ay ka mid yihiin Gobolka Bari iyo Gobolka
Nugaal waxaana loogu talo galay in lagu muujiyo taynta nabadda iyo taabo
gelinta doorashda xorta ah ee dhici doonta sanada soo socota,
Musharax Nuradin Adan Diriye ayaa ugu deeqay in bahda Sportiga iyo
Bulsho weynta Xiiseesa in loo furo koob si ay ugu qayb qaataan
doorashada Puntland koobkaan ayaa ah midkii ugu horeyey ee laga furo
gobolada puntland tan iyo markii la aasaasay dowlad goboleedka puntland
waxayna turjumaysaa isbadalka cusub ee ay soo siyaadiyey Musharaxa
Dowlad Goboleedka Puntland Mudane: Nuradin Adan Diriye.
Shacabka ku dhaqan magalada galkacyo ee xiiseeya kubadda cagta ayaa soo
dhaweeyey koobka tayenta nabadda iyo taabo gelinta doorashada xorta ah
koobkaan ka bilowday magaalada galkacyo ayaa waxaa loo sameeyey Labaatan
20 naadi waxaan uu socon doonaa in mudaa iyadoo la iskugu dhuftay
guruubo.
Gudoomiyaha Sportiga Gobolka Mudug Adan South Gate ayaa hanbalyo u soo
jeediyey musharax nuradin adan diriye mar ay saxaafadu waraysatay isagoo
gudoomiyuhu ku tilmaamay in uu yahay musharaxii ugu horeeyey oo ilaa
hada la shaqaynaya dhalin yarada sportiga iyo kuwa ururada kala duwan
wuxuuna sheegay in ay la shaqayn doonaa sida sharafta ah ee uu u soo
dhaweenayo musharaxa Dhalin yarada iyo Bulsha weynta reer puntland
isku soo wada duuboo waxaa kaloo la bixin doonaa marka uu dhmaado koobka
abaal marin kooxda ku guuleysata iyo kuwa kaalinta labaad gala sidoo
kale kaalinta sadexaad ama laacibka koobk iyo cyaar yahanka ugu goosha
badan iyo abaal marimo badan oo kala duwan
isku aadka naadiyaasha ee koobka ka socda Magaalada Galkacyo
Group A
1. A. 1 Yameyska VS A. 2 RPS
2. A. 3 Banadir VS A. 4 Shambalaas
3. A. 5 Daallo VS A. 1 Yameyska
4. A. 2 RPS VS A. 3 Banadir
5. A. 4 Shambalas VS A. 5 Daallo
6. A. 1 Yameyska VS A. 3 Banadir
7. A. 2 RPS VS A. 4 Shambalas
8. A. 5 Daallo VS A. 3 Banadir
9. A. 1 Yameyska VS A. 4 Shambalas
10 A. 2 RPS VS A. 5 Daallo
Group B.
11. B1 Dowlada Hose VS B2 Comsed
12. B3 Ciise Yare VS B4 Homboboro
13. B5 Galcom VS B1 D/hose
14. B2 Comsed VS B3 Ciise Yare
15. B4 Homboboro VS B5 Galcom
16. B1 D/hose VS B3 Ciise Yare
17. B2 Comsed VS B4 Homboboro
18. B5 Galcom VS B3 Ciise Yare
19. B1 D/hoose VS B4 Homboboro
20. B2 Comsed VS B5 Galcom
Suxufi: Farxan Yasin Mire Isqootax