SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYA OO SI KULUL UGA JAWAABAY WAR UU SIIDAAYAY AXMED WALAD CABDALA MAALINTII SHALAY , 16/September

Ka dib markaan aragnay warkii yaxyaxa lahaa ee saxaafada uu siiyay wakiilka Q.M. u qaabilsan arrimaha Somalia

Waxaa hadalka Ahmed oulad ka muuqata in uusan doonayn in Soomaaliya wax nabad ah laga gaaro, Waayo nabadda uu sheegayo ma cadda waxa nabadda diiddanina waa isaga iyo cidda soo adeejisay ee doonaysa dal iyo ummad cadawgii keli ahaa ee ay lahaayeen gardarro ku qabsaday oo dalkii haysta, in loo nabadeeyo oo aan lala dagaallamin. Taasna sharci caalami ah iyo mid gaar ah oo ogoli ma jiro. Nababadda uu Ahmed oulad Abdalla wado waa tii Maraykanka oo si gardarro ah dadka u gumaaday isalamarkaana ugu soo duulay, hanti wixii ay lahaayeenna la dhacay. Markii ay dalkooda iyo sharaftooda difaaceenna ku tilmaamay in ay yihiin argagixiso.Waxaa ka sii daran in Axmed walada Cabdalauu ku hanjabay in uu ka faquuqi doono siyaasadda cidii ka horjeesata waxa uu nabadda ku sheegaayo ee dhalanteedka ah, Kuwaas oo ah dad dalkoodii iyo diintoodii daafacanaya. Taasina meel ay ka shaqaynayso ma jirto. Haddii sida Maraykanka, xafiiskiisa loo yaqaan UN iyo Ahmed oulad Abdalla ay doonayaan in dulmiga intaas le'eg ay ku damiyaan xornimodoonka, wax nabad ah oo la helayaa ma jirto inta ciidamada cadawga ku jiraan dalka.Inuu Muqawamda geesiga ah Axmed Walad Abdalla gardaduubo hubkana kadhigo Ethiopiana u loogo ma dhicidoonto.

Kooxda Sh. Shariif Sh Ahmed waxaan shaki lahayn in aanay garan khatarta ummadda Soomaaliyeed ay u keeni karaan taasi oo ah in ay ummadda u gacan geliyaan cadawga Ethiopia. Heshiiska Jabuuti waxaa soo min guuriyey Maraykanka isaga oo adeegsanaya UN oo Ahmad oulad wakiil uga dhigtay Soomaaliya. Ula jeeddada sida muuqata heshiiska Jabuuti waa in Ciidammada gumaysiga Itoobiya loo sharciyeeyo qabsashada Soomaaliya.Ku waas oo dalka ka geystay xasuuq, barakicin, boob hantiyeed iyo burburinta kaabayaashii dhaqaale ee dalka ka jiray intii aanay soo gelin , kufsiga iyo dhibaatooyinka kale oo aan la soo tira koobi karin. Kuwaa soo ay ahayd in loo qabsado mag dhow ama lagu saaro dembiilayaasha dhibta geystey maxkamad caalami ah. Waxaan walaalaha Jabuuti ku galay heshiiska u ogeysiineynaa in ay wadaan badbaadinta dembiilayaasha Itoobiya iyo daba dhilifyadooda Soomaali u yaalka ah. Waxaanna xasuusinaynaa in aanay Soomaaliyi islayn, isna barakicin, dhaqaalaheediina iyagu burburin ama dhicin ee muxuu yahay heshiiska laga dhex wado iyaga oo ah dad wada dhashay wax dhibaato ahina dhex oollin intii ka dambaysay maamulkii Maxkamadahii Islaamiga.

Xafiiska Warfaafinta

Asmara, 18/09/2008
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 19, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS