Mbeki xilka wuu sii heynayaa, ugu yaraan illaa hadda. Dhamaadkii
Safarka Mbeki ee madaxtinimada oo lasoo gaaray.
Iyadoo cadaadiska ah in uu is casilo uu kusii kordhayo Madaxweyne Thabo
Mbeki, ayaa kulan uu yeeshey golaha wasiirada waxa ay sheegeen in Mbeki
uusan xilka ka dagaynin ugu yaraan illaa hadda, golaha oo qabtay kullan
degdeg ah, ayaa diidey xukunkii Garsooraha maxkamada Sarre Chris
Nicholson ee ahaa in Mbeki uu soo farogaliyey xeerbeegtidada.
Golaha wasiirada xukuumada Mbeki ayaa shalayto galab yeeshey kullan
degdeg ah oo aan caadi ahayn, waxay oga wadahadleen cadaadis iyo culeys
isa sii taraya oo ku saabsan in madaxweynaha uu jagadiisa iska casilo,
kadib markii xaakim maxkamada sarre uu ku heley in uu soo farogaliyey
dacwada Zuma loo heystey, golaha wasiirada ayaa diidey runnimada xukunka
xaakimka, oo ay sheegeen in ay arrintan kala tashan doonaan garyaqaano
kale bal waxa uu shirciga ka dhahayo.
Afayeenka xukuumada Thembo Maseko oo saxaafada saakay kula hadlay
qasriga madaxtooyada, ayaa sheegey in eysan golaha u oolin in ay go’aan
ka gaaraan in Madaxweynaha uu xilka ka dego iyo kale, balse ay
go’aankaasi isla eegi doonaan haddii golaha dhexe ee ANC ay sidaasi
go’aamiyaan kulankooda dabayaqada todobaadka dhacaya.
Warar saxaafada kusoo baxay ayaa sheegaya in kullanka golaha dhexe ee
xisbiga talada haya ee ANC oo kulmaya dabayaaqada todobaadka ay go’aamin
doonaan in Mbeki uu xilka ka dego, ugu yaraan mid ka mid ah raga xagga
siyaasada ugu caansan oo lagu magacaabo Butti Manamela oo ah
madaxweynaha xisbiga dhaliyanrada ee hantiwadaaga ayaa sheegey in uu ka
warhayo in illaa maalinta isniinta ah wixii ka bilowda Mbeki shaqada
laga dirayo, wuxuu sheegey in go’aankaasi ay qaadan doonaan golaha dhexe
ee xisbiga oo kulmaya dabayaaqada todobaadkan.
Shalay hey’ada xeer illaalinta guud ee la yiraahdo “National Prosecuting
Authority (NPA) oo aheyd hey’adii Zuma dacwada ku oogeysey ayaa sheegtey
in eey rafcaan ka qaadan doonto xukunkii Garsoore Chris Nicolson oo Zuma
dacwada ku waayay, xukumayna in dowlada Mbeki ay soo faragalisey
arrimaha garsoorka dalka, iyadoo isticmaaleysa NPA-da, talaabadani
racfaacka ah waxay ka caraysiiyey ANC oo sii sii adkeeysey go’aankeeda
ah in Mbeki shaqada laga ceyriyo.
Tan iyo intii jimcihii hore Zuma lagu waayay dacwadii loo heystey, waxaa
isa soo tarayay baaqyada loo jeedinayo in Mbeki uu xilka ka dego, gaar
ahaan waxaa soo jeedinayay inta baddan xisbiga ANC, hase yeeshee madaxda
Xisbiga sida Zuma, Klegma Mutlanthe, iyo kuwa kale ayaa diidey in
talaabo xun lagu dhaqaaqo.
Maalin kadib markii dacwada lagu waayay Jacob Zuma, ayaa isagoo ka
hadlaya meel fagaaro ah wuxuu taageerayaashiisa u yiri “mas baqtiyey
ayaad madaxa ka garaaceysan, xukummada Mbeki waa mas baqtiyey oo kale,
waxbo tamarta ha’isaga dhamaynina, waxaa noo taala howl ka culus oo ah
tan doorashada, dadaalkeena aan u weecino doorashada sanadka soo socda”.
Mbeki oo ah madaxweynaha Africa ugu caansan, kana taliya dalka ugu
dhaqaalaha baddan qaarada, ayaa maalmo ka hor xal ka gaaray mashaqadii
Zimbabwe oo sanooyin taagneyd, wuxuu heshiis dhexdhigey dowlada iyo
mucaaradka , waxaa kale oo dadaalo mirrodhalay oo nabad raadin ah ka
sameeyey dalalka Sudan, Congo, iyo Burundi, arrimahaasi waxay usoo
jiideen amaan iyo bogaadin farabaddan, laakiin mashaqadan dalka
gudihiisa kaga aloosan ayaa sumcadiisii dhulka la gashay.
Mbeki xilkiisa wuxuu ku egyahay sanadka soo socda kadib doorashada oo
dhacaysa bisga febaraayoee sanadka soo socda, laakii waxaa muuqata in ka
hor uu xilka baneeynayo, dhow siyaabood ayaana xilka looga dirri karaa,
midda koowaad waa in uu isaga xilka isaga dego oo uu ogolaado in uu
kursiga baneeyo, marka xigta waa in codka kalsooni darada laga mariyo
aqalka baarlamaanka oo ay xildhibaanada ANC u baddanyihiin, midda
sedexaad waa in isla baarlamaanka ay go’aamiyaan in la qabto doorasho
waqtigeeda laga soo hormarshay, haddii meesha uu baneeyo Zuma ayaa
badalaya, laakiin marka hore waa in uu noqdaa xubin baarlamaanka ka mid
ah, taasina waa mid sahlan oo ANC ayaa qorsheynaysa in ay aqalka
baarlamaanka ku soo galiso isagoo badalaya xubin geeriyoodey.
Cabdinaasir Saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com, Somalitalk.com,
Johannesburg.