War Saxaafadeed In kasta oo ay nabadgelyo-xumo jirtey, haddana Ololaha Tallaalka
Jadeecada ee UNICEF waxaa uu gaarey in ka badan 142,000
Nayroobi, Kenya 18 Sebtembar 2008 – 142,654 carruur ay da’doodu u dhaxayso sagaal bilood ilaa 15 sano ayaa looga tallaaley jadeeco
ololihii u dambeeyey ee laga fuliyey xerooyink Dadka Gudaha ku Barakacay ee
Muqdisho iyo Afgooye iyo bartamaha Soomaaliya, kaas oo socdey intii u dhaxaysay
27 Agoost ilaa 4tii Sebtembar 2008, UNICEF ayaa sidaa shaaca ka qaaddey.
“Iyada oo ololaha lagu fuliyey xaalad aad isugu qasan oo ay isugu
darsameen roobab iyo nabadgelyo xumo, kooxaha tallaalka ayaa ku khasbanaa in
goobaha qaar ay xalliyaan arrimo dhib badan,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF
Soomaalia, Christian Balslev-Olesen. “Marka laga soo tago halista jadeecadu
leedahay, haddana waxaa jirtey in xaaladda nabadgelyadu ay sii xumaaneysey gaar
ahaan qaybtan Soomaaliya ka mid ah, gaar ahaan meelaha ay ku nool yihiin dadka gudaha ku baro kacay. Intaa waxaa dheer in ay dalka ka jirto nisbo nafaqo-darro aad u sarreysa. Culays weyn ayaa lagala kulmey gaaritaanka Dadka Gudaha ku Barokacay kuwaas oo iskahorimaadyada daraaddood
badidoodu ku baahay waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.”
Jadeecada ayaa ah dhibaato weyn oo haysata caafimaadka guud ee
Soomaaliya, in kasta oo xogta ku saabsan dhibaatada guud ee jadeecada ay aad u yar tahay, haddana xogta kooban ee la heley waxa ay tusineysaa in ay tahay
mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keena dhimashada carruurta. Soomaaliya
waxa ay leedahay mid ka mid ah nisbada ugu badan ee dhallaanka iyo carruurta
ay da’doodu ka yar tahay shan jirka ee dhinta dunida oo dhan taas oo ah 86
- 1000kii carruur ahba iyo 135 - 1000kii ilmo ee nolol ku dhasha. Waxaa si joogta ah u hela tallaalka jadeecada qiyaastii 19% dalka oo dhan.
Ololaha waxaa fuliyey NGO degaanka ah, Jumbo Peace and Development Organization, isaga oo kaashanaya bulshada degaanka waxaana lagu
beegsadey 95% da’yarta ku nool deggaannada laga fuliyey. 105 kooxaha tallaalka ah ayaa ka qaybqaatey hawsha ka socotey goobaha cayiman halka 20 kooxood oo wareega laga sameeyey Dayniile, Kax Shiiqaal, xerooyinka Dadka Gudaha ku Barokacay ee Muqdisho iyo sidoo kale xerooyinka Dadka Gudaha ku
Barokacay ee ku yaalla waddada Afgooye ee Bartamaha Soomaaliya.
Ololahan jadeecada ee ugu dambeeyey waxa uu dhammeystir u ahaa ololihii dalka oo dhan laga fuliyey sanadkii 2007 kaas oo lagu gaarey 450,000 oo carruur ay da’doodu u dhaxayso sagaal bilood ilaa 15 jir ah. Ololahaas
hore waxaa ka dhashey natiijo ah in dadka uu ay ku dhacdo jadeecada ay hoos
ugu dhacaan min 3,836 oo lala kulmey nuskii hore ee 2006 ilaa 564 xaaladood
oo la heley isla muddadaas sanadkii 2007 iyada oo la soo sheegey in ay u dhinteen 7 qof oo keliya nuskii hore ee 2007.
“Iyada oo tirada Dadka Gudaha ku Barokacay ay sii kordhayso Muqdisho iyo Afgooye, ololahan ayaa dad ka ilaalinaya mid ka mid ah cudurada la isqaadsiiyo ee ugu badan. Dadka oo goob ku bata, nafaqo xumo iyo caafimaadka guud oo liita ayaa keeni kara in ay dilaacdo jadeeco disha carruur badan,” ayaa ay tiri Unni Silkoset, oo ah Khabiirka caafimaadka
ee UNICEF Soomaaliya. “UNICEF iyo shariikyada ay iskaashadaan waxa ay sii wadaan dadaal lagu yareynayo qaadidda cudurka iyaga oo adeegsanaya
tallaal, ololeyaal iyo daweynta dadka ay ku dhacdo oo joogto ah iyada oo la qorsheynayo qaabab cusub oo dadka lagu gaarsiinayo waxqab
dhammeystiran.”
Caabuqa jadeecadu waxa tilmaamaha koowaad ee lagu garto ay yihiin
dhecaan sanka iyo afka ka yimaada ka dib 7 ilaa 14 maalmood oo qandho ah, duuf sanka ka yimaada, iyo indhaha oo casaada. Jadeecada ayaa ah cunsur ka
qayb qaata nafaqo-darrada halka ay nafaqa-darraduna ay sidoo kale kor u
qaaddo halista jadeeco lagu qaadi karo.
Xaaladda UNICEF
UNICEF waxa ay ka shaqeysaa in ka badan 150 dal iyo dhul si ay ugu
caawiso in ay carruurtu badbaadaan oo ay baraaraan, laga soo bilaabo yaraantooda ilaa qaangaarkooda. Waa hay’adda tallaalka ugu badan siisa dalalka soo koraya, UNICEF waxa ay taageertaa caafimaadka iyo nafaqeynta carruurta, biyo iyo fayadhowr wanaagsan, waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh oo ay helaan dhammaan wiilashada iyo gabdhaha, iyo ka ilaalinta carruurta laga ilaaliyo rabshadda, dhiig-miirashada, iyo AIDS. UNICEF waxaa ay maaliyaddeeda oo dhan ka heshaa qaaraan ikhtiyaari ah oo ay shakhsiyaad, ganacsiyo, mu’asassooyin iyo dowlado bixiyaan.
Xog intaa dheer kala soo xiriir:
Unni Silkoset, Maareeyaha Samatabixinta iyo Horumarinta Carruurta (ku-meel-gaar), UNICEF Somalia Central South Zone, Mobile: +254-712445369 ama +252-1-5267598. Email: usilkoset@unicef.org
Suraya Dalil, Madaxa, Caafimaadka iyo Nafaqeynta, UNICEF Somalia. Mobile: +254 724 255-646. Office: +254 20 7623950/+254-20-7623953, Ext. 314 Email: sdalil@unicef.org
Denise Shepherd-Johnson: Madaxa Is-gaarsiinta, Mobile: +254 722 719 867. Telefoon Toos: +254 20 7623958. Email: dshepherdjohnson@unicef.org
Robert Kihara, Sarkaalka Isgaarsiinta, Mobile: +254 722 206 883. Email: rkihara@unicef.org